Home Blog Page 460

Shirka madasha Qaramada Midoobay oo ay qeyb ka aheyd DFS ayaa lagu soo gaba-gabeeyay Kenya

0

Wasiirul-dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud Iyo Dib-udhiska Xukuumadda XFS Mudane Bashiir Maxamed Jaamac(Bashiir Goobe) iyo wafdi balaaran uu hogaaminayay isla markaa uu wehliyo Danjiraha Dowladda JFS ee Dalka Kenya Mudane Ambassador Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo maalmahaan ka qeyb-galayay Shirka UN HABITAT ee ka soconayay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa waxa ay ka qeyb-galeen xeritaanka Kala-fadhiga labaad ee Golaha Deegaanka ee Qaramada Midoobay (UN Habitat).

Shirkaasi oo socday muddo 5 maalin ah waxaa diirada lagu saaray ama looga hadlay “Mustaqbalka magaaloyinka ee waara iyada oo loo marayo is-dhexgal dhinacyo badan leh iyo gaaritaanka yoolalka horumarineed ee Joogtada ah ee waqtiyada xasaradaha caalamiga ah”.

Shirkaan noocaan ah ayaa waxaa la qabtaa (4) afartii sanaba mar si looga wada hadlo xaaladaha magaalooyinka aduunka iyo deegaanada lagu noolyahay.

Inta uu shirkaas socaday ayaa madaxda soomaaliyeed waxa ay kulamo doceedyo la yeesheen wafdiyo kagala socday Dowladaha kala ah:- Gariiga, Biljamka ,Itoobiya, Masar iyo wakiilka UN HABITAT u qaabilsan arimaha Soomaaliya, kulamadaas ayaa ahaa kuwo diirada lagu saaray xariirka Dalka Soomaaliya kala dhaxeeya wadamaas iyo in xooga la saaro wada-shaqeynta iyo dib u dhiska wadanka.

Muqdisho-Somalia

Madaxweynaha Galmudug oo xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Waxbarashadda Galmudug

0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo wehliyo wasiirka Wasaaradda Waxbrashada Galmudug ayaa xariiga ka jaray dhisme cusub oo ay ku shaqeyn doonto Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug

Munaasabadda xarig jarka waxaa kasoo qayb galay xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, mudanayaal ka tirsan labada gole ee Dowladda Galmudug.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka wada hadlay habraaca dhimista ciidamada ATMIS

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo Villa Soomaaliya kula kulmay Wakiilka Gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef oo uu wehliyo Taliyaha Guud ee Ciidamada ATMIS Sam Okiding ayaa ka wadahadlay habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024 iyo ku wareejinta amniga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Ambasadoor Mohamed El-Amine Souef ayaa bogaadiyey daddaallada ay ku bixineyso dowladda dagaalka argagixisada looga xoreynayo dalka iyo dardargelinta howlgallada wajiga labaad ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo khatar ku ah nolosha iyo horumarka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka duulaya guulaha isdabajoogga ah ee geesiyaasha Soomaaliyeed ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada ayaa xoogga saaraya abaabulka taageerada farsamo iyo milatari ee wajiga labaad ee howlgalka lagaga cirib-tirayo khawaarijta Alshabaab dalka iyo guud ahaan gobolka iyo Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka si loo gaaro Soomaaliya nabad ah.

Taliska Booliska oo war kasoo saaray weerarkii khawaarijta ku qaaday Hoteel Pearl

0

Hoos ka akhriso war saxaafadeedka Booliska kasoo baxay

Xalay fiidkii 09/Jun/2023 abaare 07:55 PM ayaa 7 Naftood halige oo Khawaarijta Al-Shabaab ka tirsan weerar Naf-lacaarinimo ku qaadeen Hoteel Pearl oo ku yaalla degmada Cabdicasis.

Hoteelka ay Naftood halige-yaashu weerareen ayaa ahaa goob ay dadka shacabka ah ku shaah cabaan, taas oo muujinaysa sida Khawaarijtu ay shacabka Soomaaliyeed ee Muslimiinta u la dagaalamayaan.

Ciidamada Ammaanka ayaa isla markiiba u howlgalay soo afjarista weerarka Khawaarijta, iyaga oo ku guulaystay in ay soo gabagabeeyaan weerarkaas abaare 02:00 AM.

Weerarka Khawaarijta waxaa ku shahiiday 6 muwaadin oo shacab ah, waxaana ku dhaawacmay 10 kale, intii ay badbaadintu socotay, waxaa ku shahiiday 3 ka mid ah Ciidamada geesiyaasha ee amniga oo u dagaalamayay badbaadinta shacabka Soomaaliyeed.

Alle mahadii, Ciidamada Amniga ayaa ku guuleystay in ay goobtaas si nabadgelyo ah uga saaraan 84 qof oo shacab ah oo ay ku jiraan carruur yar yar, dumar iyo dad waayeel ah.

Dhamaad

 

 

Ra’isul Wasaare ku xigeenka dalka oo kulan la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Zambia

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Zambia, ayaa uga war-bixiyay xaaladda dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka oo magaalada Lusaka ee caasimadda dalka Zambia kaga qeyb galay shir-madaxeedka 22aad ee suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika ee COMESA ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed oo dalkan ku leh ganacsiyo kala duwan.

 

Ciidamada amaanka oo soo afjaray weerarkii Khawaarijta ee Liido

0

Ciidamada ammaanka ayaa soo afjaray maleeshiyaadkii Khawaarijta ee weerarka argagixiso ee naf la caariga ahaa ku soo qaaday hotelka Pearl Beach ee xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanku waxa ay toogteen Khawaarijtii weerarka soo qaaday.

Inta uu socday hawlgalka ciidamada ammaanka waxa ay gudaha hotelka ka soo  badbaadiyeen shacab farabadan oo goobta ku sugnaa.

Faahfaahinta waxyeellada weerarkan ka dhashey dib ayaan ka soo  sheegi doonnaa Insha Allah.

Muqdisho-Somalia

Soomaaliya oo ka qeyb galay shir muhiim oo ka dhacay dalka Lubnaan+SAWIRRO

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS ayaa ka qayb galay Shirka Madasha labaad ee Arab Forum For Equality oo ka dhacay Xarunta Qaramada Midoobay ay ku leedahay Dalkaasi

Wasiiro dowlaha Wasaarada shaqada iyo arimaha Bulshada XFS Yusuf Mohamed Adan iyo Xil Mohamed Abdirahman( Nadif), qubaro ka socdey Wasaaradda beeraha iyo Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa ka qayb galay madal looga hadlayey ilaalinta bulshada sinaan la aanta bulshada iyo sugnaanta Cuntada kaasi oo maalmahanba ka socday xarunta Qaramada Midoobey UNESCWA ee Magaalada Beruit.

Wasiir Yusuf oo ka qeb galey Madasha Dood wadaaga ayaa ka faaloodey qorshaha Wasaaradda kaga degan Arimaha Buulshada ayaa ugu horeyn uga mahadeliyey Dowladda Lubnaan iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee magaalada Beyruut casuumaadda ay u fidiyeen waxaana uu la wadaagay in Soomaaliya ay u aragto Wadamada Carabta saaxiibo muhiim ah oo door weyn ka ciyaarayo Dowalad dhiska Soomaaliyeed.

Wasiiro Dowlaha ayaa ku dheeraadey guulaha ay gaartey wazaarada dhanka arrimaha bulshada iyo faaidida uu uu leeyahay diwaanka bulshada nugul(Unified Social Registry)ugu dambeen wuxuu halkaasi ka sheegay sida ay Dowaldda Soomaaliya ugu go,an tahay Siyaasada ilaalinta Bulshada, Xaqiijinta amniga Dalka, iyo Dagaalka Khawaarijta lagula jiro oo dhamaadka Sanadkaan qorshaha yahay sidii lagu so afjari lahaa.

 

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay dhimista ciidanka ATMIS.

Wasaaradda Difaaca Soomaaliya  ayaa war cad ka soo saartay dhimista ciidanka ATMIS ee ka howlgala dalka,kadib markii ciidamada xoogga dalka ay awood  buuxdo u yeesheen la wareegidda amniga guud ee dalka.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu caddeeyay Wasaaradu in ay ka go’an tahay sidii Ciidanka Qalabka sida ay u qaadi lahaayeen mas’uuliyadda ah in amniga dalka kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa lagu xusay in illaa iyo dhamaadka bishan June aynu ku jirno ay dalka ka baxayaan 2000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS, taasi oo qeyb ka ah qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2628 iyo 2670.

Sacuudiga oo martigalinaya shirka ganacsatada Dalalka Carabta iyo Shiinaha

Dalka Sacuudi Carabiya ayaa lagu wadaa in 11-ka June  ee Axadda soo socota uu martigaliyo kalfadhiga tobnaad ee shirweynaha ganacsatada Dalalka Carabta iyo Shiinaha .

Shirkaan oa ka furmi doona Magaalada Riyaad,waxaa soo qabanqaabiyay Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, ahna Ra’iisul Wasaaraha Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan Bin C/casiis.

Shirkaan oo ah kii ugu ballaarnaa ee noociisa ah ayaa socon doona muddo labo maalmood ah,iyadoo looga hadli doono ganacsiga iyo iskaashiga dhaqaale ee ka dhexeeya bulshooyinka ganacsiga Carabta iyo Shiinaha.

Barnaamijka shirka ayaa waxaa ka mid ah kulamo wada-tashi ah iyo kulamo laba geesood ah oo looga hadlayo sidii barwaaqo iyo horumar waara loogu sameyn lahaa dalalka Carabta iyo Shiinaha.

Kalfadhiga tobnaad ee Shirka Ganacsatada Carabta iyo Shiinaha waa shirkii ugu weynaa ee dhanka ganacsiga iyo maalgashiga,waxaana la filayaa in ay ka qeybgalaan madax ka kala socota carabta Shiinaha,shirkado ,ururo ganacsi iyo kuwo kale.

Ukrain oo sheegtay in ay burburiyeen 4 gantaal iyo 10 Drone

Milateriga Ukraine ayaa sheegay inay soo rideen afar gantaal oo nooca loo yaqaan Cruise missiles iyo 10 diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah intii lagu guda jiray weerar cirka ah oo Ruushku qaaday habeen hore.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa bogaadiyay waxa uu ku tilmaamay natiijooyinka dagaal culus oo ka dhacay gobolka Donetsk ee bariga Ukraine.

Dhanka kale,Mareykanka ayaa ku dhawaaqi doona maanta oo jimco ah $2bn oo cusub oo hub ah oo loogu talagalay Ukraine, sida laga soo xigtay Bloomberg News oo soo xiganeysa saraakiisha maamulka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Washington DC  laga daahfuray  xarun cilmi-baaris oo la socon doonta dagaalka ka jira Dalka Ukraine.