Home Blog Page 460

Wasiirka Wasaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinsta Sarre Farax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dowladda Masar uga mahad-celiyey 450 deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto dowlada Soomaaliya

0

 

Wasiirka Wasaradda Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinsta Sarre Farax Sheekh Cabdulqaadir ayaa dowladda Masar uga mahad-celiyey 450 deeq waxbarasho ah oo ay sannad kasta siin doonto Soomaaliya ka dib kulan ay Qaahira ku yeesheen Wasiirada Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sarre ee Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar.

Wasiir Faarax oo heshiis dhanka iskaashiga tacliinta sare ah la saxiixday wasiirka Tacliinta Sare ee Masar, Dr. Ayman Caashuur, ayaa sheegay in Dawladda Masar ay siin doonto Soomaaliya sannad kasta deeq waxbarasho oo heerarka cilmi iyo xirfad ee kala duwan ee jaamacadaha ah, oo gaaraysa 450 , isaga oo uga mahad celiyay Dawladda Masar deeqda iyo garab istaagga weyn ee ay u fidiso ardayda Soomaaliyeed. “Tani waa deeqdii ugu badnayd ee Soomaaliya ay ka hesho Masar”, ayuu yiri Mudane Wasiir Faarax.

Waxaa sidoo kale heshiiska ka mid ah in ardayda Soomaalida ee wax ka barata dalka Masar loola macaamilo sida muwaadiniinta Masaarida oo kale. Wasiir Faarax ayaa ballanqaaday in xulashada ardayda la siinayo deeqaha waxbarasho ay ku iman doonto tartan iyo imtixaan,.

Kulan gaar ah oo uu mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir la qaatay wasiirka waxbarashada Masar, Dr. Ridaa Xijaazi, ayuu wasiirku uga mahad celiyay kaalmada waxbarasho ee ay Masar siiso Soomaaliya, gaar ahaan macallimiinta Masaarida ee wax ka dhiga dugsiyada Gobolka Banaadir iyo Maamul Goboleedka Puntland. Wasiir Xijaazi ayaa sheegay inay sannadkaan kordhinayaan macallimiinta loo dirayo Soomaaliya, iyagoo ka howlgali doona dhammaan Dawlad Goboleedyada; sidoo kalana ay ka qaybqaadan doonaan tababarka loo fidiyo macallimiinta Soomaaliyeed.

Ugu dambeeyntii, tani waxa ay ku soo beegantay xilli ay Wasaaradda Waxbarashada ee Soomaaliya ay si weyn ugu hawlgaleyso baahinta iyo tayaynta waxbarashada dalka

Ururka dhaqaatiirta caruurta Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku qabtay kulan Wadatashi ku saabsan Sidii bahda Caafimaadka ay isaga kaashan lahaayeyn ka hortagga iyo dabar goynta cudurada Dabaysha iyo jadeecada

0

Ururka dhaqaatiirta caruurta Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ku qabtay Wadatashi ku saabsan Sidii bahda Caafimaadka ay isaga kaashan lahaayeyn ka hortagga iyo dabar goynta cudurada Dabaysha iyo jadeecada,

Is xog wareysi iyo wadatashi ku saabsan dabagalka kiisas cusub oo cudurka dabaysha ah oo dhawaan soo ifbaxay iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in xeel dheerayaasha Caafimaadka ay meel uga soo wada jeystaan ka hortagga iyo dabargoynta cudurada dabaysha iyo jadeecada, oo ah kuwa aan daawo laheyn ka hortag mooyaane ayuu ku qotomay kulankan oo ay soo qaban qaabiyeyn Ururka dhaqaatiirta caruurta Soomaaliyeed, islamarkaana ay ka qeyb galeyn masuuliyiin ka kala socday Wasaaradda Caafimaadka, Maamulka Gobolka Banaadir, dhaqaatiir iyo xeel dheerayaal caafimaad oo kala duwan.

Kulanka oo sidoo kale looga hadlay qaabka loo kordhin karo Tirada caruurta Soomaaliyeed ee la talaalo oo hada aad u yar Iyo sida loo badali Karo wacyiga ay bulshadu ka aaminsan yihiin talaalka iyo qodobo kale ayaa waxaa ugu horeyn ka hadashay Gudoomiyaha Ururka dhaqaatiirta caruurta Soomaaliyeed Dr Luul Maxamuud Maxamed.

Agaasimaha waaxda Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr Ubax Faarax Axmed ayaa xustay Inay dajiyeen habraac lagu ciribtirayo cudurada Dabaysha iyo jadeecada, Laguna xoojinayo in caruurtu qaadato talaalka dabaysha.

Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Maxamed Maxamuud Cadow, Ayaa ka hadlay doorkooda ku Aadan ka hotagga iyo ciribtirka cudurka dabaysha.
Ugu dambeyn Xoghayaha Guud ee Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed Dr Ibraahim Guuleed ayaa ku baaqay In la xoojiyo Wada shaqeynta Isbitaalada si meel looga soo wada jeesto cudurada dabaysha iyo jadeecada oo halis ku ah caruurta Soomaaliyeed.

Gabar uu dhalay madaxweyne hore oo Iran ah oo la xukumay

Faezeh Hashemi, oo 60 jir ah u doouquuqda Dumarka horena u aheyd xildhibaan ayaa la xiray bishii September ee snadkii hore ka dib markii ay dhiirigalisay in Iraaniyiinta ay ka qeybqaataan bannaanbaxyada ka dhanka ah dowladda .

Waxaa lagu eedeeyey in ay kicin wadday.

Qareenkeeda Neda Shams ayaa sheegtay in la xukumay mar ay qoraal gaaban soo dhigtay barteeda twitter-ka mase aanay bixin faahfaahin dheeraad ah.

“ ma aha wax sax ah in aan ka hadlo waayo waxaan ka fiirsanayaa in xukunkan aanu aheyn kii ugu dambeeyey. Macmiilkeyga weli xabsiga ayey ku jirtaa waxaana jira kiisas kale oo iyada ka horjeeda” ayey tiri.

Gabadhan oo uu dhalay nadaxweyne hore oo Iran ah, Akbar Hashimi Rafsanjani ayaa aad u dhaliisha kooxaha ciidamada ah ee Ilaalada kacaanka ee dalka Iran., marar badan ayeyna ka hadashay.

.Hore waxay u soo dhammeysatay lix bilood oo xarig ah sanadkii 2012 iyadoo lagu helay waxa lagu tilmaamay dacaayad ay ka faafisay maamulkaiyadoo lala xiriiriyeyin ay taageeraty bannaanbaxyo kuwaas oo ka dhashay murankii doorashooyinkii madaxtinimada saddex sano ka hore.

Lix bilood oo kale ayaa la xiray 2017 kii oo loo haysatay in ay dacaayad fidisay oo ay caysay hannaanka caddaaladda

Gabadhan aabaheed waxaa uu ka mid ahaa aasaasayaashii Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

Wxaana uu madaxweyne dalkaa ka ahaa 1989 iyo 1997 dii waxaana uu ahaa shaqsi awood badan ilaa iyo xilligii uu dhintay 2017kii .

Wasiirka wasaarada howlaha guud,dib u dhiska & guriyeynta XFS mudane ismaciil cabdiraxmaan sheikh bashiir ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay safiirka dowlada mareykanka

0

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta XFS Mudane Ismaaciil Cabdiraxmaan Sheikh Bashiir ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Amb. Larry André. Laba masuul ayaa ka wada hadlay sidii Dowladda Maraykanku ay gacan uga gaysan lahayd dib u dhiska goobaha danta guud ee magaalooyinka laga xoreeyay kooxda argagixisada Al-Shabaab.

Gaar ahaan in si deg-deg ah daraasadda dib u dhiska loogu sameeyo Xarumaha maamulka Degmooyinka, Xarumaha Saldhigyadaa Booliska, Xarumaha Maxkamda Degmooyinka, Xarumahaa Caafimaadka iyo Hooyada & Dhallaanka, Ceelasha biyaha ee xooluhu ka cabaan iyo Ugu dambayntii dib u dhiska Waddooyinka isku xira degmooyinka la xoreeyey.

Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka oo markale maanta ka furmaya Muqdisho

0

Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka dalka oo markale maanta ka furmaya Muqdisho,

Shirka Sanadlaha ah ee Garsoorka Soomaaliya ayaa maanta ka furmaya magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, iyadoo Qorshuhu yahay in madasha uu daahfuro Madaxweynaha dalka mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa Sanadkan looga hadlayaa Federaaleynta Garsoorka dalka, kaas oo hadda u dhisan qaabka dowlad dhexe, waxaana ka qeyb galaya Bahda Garsoorka Heer federaal, heer dowlad goboleed iyo Madax kale oo lagu casuumay.

[DAAWO] Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo ka warbixiyay Dilal maanta ka dhacay Muqdisho iyo Balcad

0

Ciidamada ammaanka Dalka ayaa maanta soo bandhigay labadan shaqsi oo ku eedeysan dilka labo Muwaadin ay ku kala dileen degmooyinka Balcad iyo Xamarweyne  oo ka kala tirsan Shabeelaha dhexe iyo gobolka Banaadir.

Soomaaliya iyo Itoobiya oo kala saxiixday heshiiskii Adeegga Hawada (ASA)

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal iyo dhigeeda Dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ayaa maanta goobjoog u ahaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa oo lagu saxiixay heshiiskii Adeegga Hawada (ASA) ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo dib u habeyn lagu sameeyay, kaas oo la dhaqan geliyay 3-dii December 1988-kii.

Wasiirka Amniga Galmudug iyo Gen Biixi oo kawada hadlay howlgalada ka bilaabanaya Gobolka Mudug

0
Wasiirka amniga Galmudug, Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS, Taliyaha Ciidamada Kumaandooska Danab G/dhexe iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlayay Howlgallada Khawaarijta looga xoreynayo Galmudug oo maanta lagu qabtay degmada Wisil ee gobolka Mudug.

Ciidamada Isra’iil oo xabsiga dhigay muwadiniin Falastiiniyiin ah.

Ciidamada Isra’iill ayaa maanta oo Talaada ah xer-xeray 22 qof oo falastiiniyiin ah, kadib markii qeybo kamid ah Daanta Galbeed ay xoog ku soo galeen.
Waaxda Awqaafta Islaamka ee magaalada Quddus ayaa sheegtay in tobanaan qof oo Falastiiniyiin ah laga qabqabtay gudaha Masjidka Al-Aqsa, halkaasi oo ay ku cibadeysanayeen.
Wararka aya sheegaya in Todoba ka mid ah dadka la xiray laga soo qabtay magaalada Beytu Umar ee woqooyiga Xebroon, halka Shan kalana laga soo qabtay gudaha Masjidu Al-Aqsa.
Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee Falastiin, ciidamada Isra’iil ayaa xoog ku galay gudaha Masjidka Al-Aqsa, kuwaasi oo qaar ka mid ah dadkii halkaas ku cibaadaysanaya ka xeystay.
Ururada xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqay Hey’adda Laanqayrta Cas in ay gacan ka geystaan joojinta tallaabooyinkan lagu dhibateynayo muwadiniinta reer Falastiin.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo Kulan la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda {Sawirro}

0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibbaan Jibril Abdirashid Haji Abdi oo maanta guddoomiyey shirkii Wasaaradda, ayaa waxa looga hadlay dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee hay’adda Tayo-dhowrka Soomaaliyeed, waxaana uu warbixino ka dhageystay sii hayaha xilka Maareeyaha Hay’adda Tayo-dhowrka Marwo Xaawo Axmed Xasan iyo qaar ka mid ah agaasimeyaasha iyo la-taliyeyaasha hay’adda.

Sii hayaha Maareeyaha Hay’adaha Tayo-dhowrka Soomaaliyeed Marwo Xaawo Axmed Xasan, ayaa halkaas ku soo bandhigtay qorsheyaasha hor-tebinta u leh hay’adda ee sanadkan 2023, waxyaabahii u qabsoomay sanadkii hore iyo caqabadaha jira inta ba iyada oo xustay in sanadkan uu qorshahooda ugu weyn yahay siddii loo dar-dar-gelin lahaa wax ka qabashada badeecadaha tayadoodu hoosayso ee loo soo dhoofiyo dalka, iyo weli ba sidoo kale kuwa dhacay ee lagu isticmaalo wadanka gudahiisa.

Wasiir Jibril Abdirashid Haji Abdi, oo isagu na dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa mas’uuliyiinta hay’adda kula dar-daarmay xoojinta wada-shaqeynta, dar-dar-gelinta hawlaha shaqo ee horyaala iyo ilaalinta bad-qabka caafimaad ee noolaha iyo bii’adda gaar ahaan siddii loo ilaalin lahaa badeecadaha tayadoodu hoosayso ee loo soo dhoofiyo dalka kuwaas oo khatar caafimaad ku ah shacabka Soomaaliyeed.