Home Blog Page 44

Magaalada Bariire oo lagu dilay ku dhawaad 70 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta

Maalmihii la soo dhaafay waxay dagaallo adag ka socdeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose, waxayna Ciidanka Xoogga Dalka iyo Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, oo garab ka helaayo saaxiibada caalamka ayaa jab culus ku gaarsiiyay kooxda Khawaarijta Al-Shabaab magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose, kadib howlgal qorsheysan oo guul leh oo halkaasi ka dhacay.

Sida wararku sheegayaan Khawaarijta ayaa markaasi isku dayday in ay laba gaari oo Miineysan ku soo weeraraan Ciidamada, si ay u fuliyaan weerar naf-halignimo ah. Balse Ciidanka ayaa si feejigan iyo geesinimo leh uga hortagay weerarkaasi, waxaana ayna ku guuleysteen in ay si taxadar leh u burburiyaan labadaasi gaari ka hor intaysan waxyeello geysan.

Howlgalkan oo qeyb ka ah ololaha loogu magic daray “Duufaanta Aamusan”, ayaa si toos ah loogu beegsaday saldhigyo istiraatiiji ah oo ay kooxda Khawaarijta ku lahaayeen gudaha magaalada, waxaana lagu jebiyay difaacooda, intii uu socday howlgalka, in ka badan 70 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa halkaasi lagu dilay, wuxuuna howlgalkaasi socday muddo Afar maalmood ah, ugu dambeyntiina waxaa laga gaaray guulo muhiim ah, inkastoo ay ku shahiideen 2 Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halka 12 kalena ay dhaawacyo fudud soo gaareen, kuwaas oo si degdeg ah loogu sameeyay daryeel caafimaad, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay dowladda Soomaaliya soo saartay.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah u bogaadineysaa geesinimada, feejignaanta, iyo naftu-hurnimada Ciidanka Xoogga Dalka, ciidamada Uganda, iyo taageerada joogtada ah ee saaxiibada caalamka. Wasaaraddu waxay mar kale adkeynaysaa go’aanka cad ee ah in dalka laga ciribtiro Khawaarijta meel kasta oo ay ku dhuumaaleysanayaan.

Hadalka Wasaaradda ayaa yimid maalmo kadib markii AUSSOM ay sheegtay in in ka badan 50 ka tirsan Argagixisada Al-Shabaab lagu dilay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ka dhacay isla deegaanka.

Bariire waa magaalo-beereed istiraatiiji ah oo 73 kiiloomitir (45 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho, waxay kaloo ku fiican tahay dhaqashada Xoolaha, gaar ahaan Lo’da.

Dhinaca kale war ay soo saartay Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ayay ku sheegtay in Ciidanka gaarka ah ee Gaashaan ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda ee NISA ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyey deegaanka Cumar-Beere ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana howlgalka lagu dilay Shan xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyadoo la burburiyay fariisimo ay kooxdu halkaasi ka sameysatay, waxaana jirta in Ciidanka Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay kor u qaaday howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta, isla markaana looga hortagayo dhagarta ay u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed.

Kooxda Khawaarijta ah ee Al-Shabaab oo in ka badan 16 sano soo waday dagaallo ka dhan ah dowladda Soomaaliya ayaa si joogto ah u beegsada ciidamada ammaanka, Saraakiisha dowladda iyo dadka rayidka ah.

Dhawaan ayay aheyd markii Ciidanka Xoogga Dalka uu ka fuliyay howlgal qorsheysan oo amni xaqiijin ah deegaannada Deegaanleey, Muryaale iyo Ceelka Waranle ee ku teedsan Webiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kaasi ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab oo si dhuumaaleysi ah ku soo galay deegaannadaasi, kuwaas oo ka dambeeyay falal isugu jira dhac, baad iyo cabsi gelin joogto ah oo lagu dhibaateynayay bulshada Rayidka ah.

Ciidanka ayaa ku guuleystay inay deegaannadaas ka sifeeyaan Maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee isku dayay inay ku dhuumaaleystaan qeybo ka mid ah gobolka, waxaana sidoo kale gacanta lagu soo dhigay shaqsiyaad lagu tuhunsan yahay in ay xiriir la lahaayeen kooxda, kuwaas oo hadda lagu hayo baaritaanno ku saabsan kaalintooda ku aaddan taageerada Khawaarijta.

Shirka arrimaha bani’aadannimada Soomaaliya oo laga furay magaalada Baydhabo

Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya (CHF 2025), oo ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA), ayaa ka furmay magaalada Baydhabo.

Shirka waxaa si rasmi ah u daah-furay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana ka qeybgalaya Guddoomiyaha SoDMA, Wasiirrada Gargaarka ee dowlad goboleedyada, maamulka Gobolka Banaadir, hay’adaha deeq-bixiyeyaasha, ururrada bulshada rayidka ah, ganacsatada, iyo marti sharaf kale duwan.

Shirka ayaa diiradda saaraya wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo ee dalka, iyadoo la adeegsanayo hannaanka wada-jirka ah, xoojinta howlaha gargaarka, wax-ka-qabashada caqabadaha dhaqaale, isu-duwidda dadaallada, iyo kor u qaadidda iskaashiga dhexmara dhammaan daneeyeyaasha la xiriira bani’aadannimada.

Garaad Jaamac oo ka hadlay doorka haweenka ee dhismaha Maamulka Waqooyi Bari  

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa sheegay in halgankii ay dadka deegaanku galeen ay haweenku ka qaateen door muuqda oo muhiim ah. Wuxuu xusay in dadaalkii iyo ka qayb-qaadashadii haweenka aysan aheyn mid la hilmaami karo, maadaama ay si buuxda uga qayb qaateen dhammaan marxaladihii halganka.

“Maanta, dowladda dhexe waxay xaqiijisay qoondada haweenka ee maamulka Waqooyi Bari, taas oo ka tarjumeysa kaalintii ay ka qaateen halganka,” ayuu yiri Garaad Jaamac

Waxaa xusid mudan in qoondadan la xaqiijiyey ay haweenka u suurtagelin doonto inay si rasmi ah uga qayb qaataan go’aanada maamulka, horumarka bulshada, iyo kobcinta dhaqaalaha gobolka.

Masuuliyiinta maamulka Waqooyi Bari ayaa sidoo kale sheegay in ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan haweenka, si ay door muuqda ugu yeeshaan dhismaha bulshada iyo hogaanka deegaanka.

Danjiraha Soomaaliya ee Talyaaniga oo bogaadiyay guusha kooxda jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Talyaaniga, Ibraahim Cumar Sheegow,ayaa ka qaybgalay daawashada gabagabadii tartanka kubadda cagta oo lagu qabtay magaalada Roma, caasimadda Talyaaniga.

Ciyaarta kama dambaysta ah (finalka) ayaa dhexmartay kooxo matalayay jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dalka Talyaaniga iyo kuwa dalka Gambia. Ugu dambeyn, guushu waxay raacday kooxda ka socotay jaaliyadda Soomaaliyeed kadib markii ciyaartu ku dhammaatay rigoorayaal (gool-ku-laadyo) loo dhigay labada kooxood.

Danjiraha oo u tegay garoonka si uu u dhiirrigeliyo ciyaartoyda Soomaaliyeed ayaa bogaadiyay ciyaar wanaagga, xirfadda iyo isku-duubnida ay muujiyeen intii ay ciyaartu socotay. Waxa uu ku ammaanay guusha ay soo hooyeen iyo sida ay isugu xilqaameen in ay magac wanaagsan u soo hooyaan qaranka iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma.

Danjiraha ayaa sidoo kale u ballanqaaday ciyaartoyda in safaaraddu sii wadi doonto garab istaagga iyo taageerada ay siiso ciyaartoyda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga, si loo adkeeyo isdhexgalka dhalinyarada iyo xoojinta midnimadooda.

Tartankani wuxuu qeyb ka yahay barnaamijyada isdhexgalka bulshada, waxaana sanad walba loo qabtaa jaaliyadaha dalalka shisheeye ee ku nool Talyaaniga, iyadoo sidoo kale la qabto bandhigyo dhaqameedyo kala duwan. Barnaamijkan wuxuu qeyb ka yahay qorshaha #MatteiPlan.

Wasiir Fiqi oo qaabilay danjiraha Midowga Yurub

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta la kulmay wafdi ay hogaaminayso Safiirka Midowga Yurub u fadhiya Soomaaliya marwo Karin Johansson.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dhinac ee dhanka amniga iyo difaaca, taageerada Midowga Yurub ee ku aaddan dib u habeynta hay’adaha difaaca, tababarrada ciidamada qalabka sida, iyo dardargelinta barnaamijyada xasillinta ee deegaanada laga xoreeyay kooxaha Khawaarijta.

Wasiirka iyo Safiirka ayaa sidoo kale isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay taageerada beesha caalamka ee ku aaddan dagaalka ay Dowladda Federaalka kula jirto kooxaha argagixisada, iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida guud ee dalka.

Gudoomiyaha hay’adda SoDMA oo Baydhabo gaaray

0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha hay’adda maareynta musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo.

Wafdigan oo ay qeyb ka yihiin Wasiirrada Wasaaradaha gargaarka ee Dowlad-goboleedyada dalka, ayaa ujeedkiisu yahay ka qeybgalka Shirka Madasha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya oo berri ka furmi doona Baydhabo.

Madashan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda SoDMA ayaa looga hadlayaa guud ahaan arrimaha bani’aadannimada dalka, waxaana ka soo qeybgalaya hay’adaha dowladda, kuwa caalamiga ah, kuwa maxalliga ah, ururrada bulshada ee ka shaqeeya arrimaha bani’aadannimada iyo deeq-bixiyeyaasha.

Mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush, ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay garoonka Shaati-gaduud.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

0

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaabilay Danjiraha cusub ee UK u fadhiya Soomaaliya Mr. Charles Nicholas King, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda, la-dagaallanka Khawaarijta, doorashooyinka iyo dardar-galinta Mashaariicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha ay dowladdu xaqiijisay ee ay kamid yihiin la dagaallanka Khawaarijta iyo hirgelinta doorashooyin qof iyo cod ah oo ay dadweynuhu ku soo doortaan madaxda hoggaamineyso, taas oo hadda qeybo kamid ah dalka ay ka socdaan diiwaangelinta codbixiyaasha doorashooyinka.

Danjiraha UK ee Soomaaliya Mr. Nicholas King, ayaa soo dhaweeyey shirarka wada-hadalka ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya, saamileyda siyaasadda iyo qeybaha bulshada ee lagu kaabayo dowlad-dhiska Soomaaliya, horumarinta amniga iyo la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah.

 

 

 

Wasiir Fiqi oo qurbajoogta kala shiray doorkooda la dagaalanka argagixisada

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay xubno ka tirsan Guddiga Qurbajoogta Soomaaliyeed ee dalka kusoo laabtay, kuwaas oo ay hoggaaminayeen Jiif Caaqil Macow Cumar Maxamed iyo Prof. Cabdullaahi Maxamed Aadan (Salaamullah).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray doorka Qurbajoogta ee ku aaddan sidii ay qeyb uga noqon lahaayeen halganka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al-Shabaab, isla markaana ay gacan taakulayn ah ugu geysan lahaayeen taageerada Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan dhinacyada la xiriira daryeelka iyo u hiilinta qoysaska shuhadada.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay xubnaha Qurbajoogta dadaalkooda iyo garab istaagga ay siiyeen Ciidanka Xoogga Dalka, isaga oo xusay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay diyaar u tahay in ay si dhow ula shaqeyso dhammaan shacabka doonaya inay kaalin muuqata ka qaataan difaaca dalka.

 

Xeer ilaalinta Qaranka oo gacanta ku haysa kiis la xiriira maalgelinta argagixisada

0

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray kiis la xiriira lacag dhaqid iyo maalgelin argagixiso, kaas oo loo xayiray ku dhawaad 1-milyan oo Dollar.

Kuuriyada Koonfureed oo Safiirka cusub usoo magacowday Soomaaliya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa ka guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo, Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Kuuriya Koonfureed u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Kang Hyung-Shik.

Wasiirka ayaa u rajeeyay Safiirka cusub inuu ku guulaysto howshani muhiimka ah ee loo igmaday, isaga oo tilmaamay in Soomaaliya ay aad u daneyneyso kobcinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga ee ay la leedahay Jamhuuriyadda Kuuriya, caddeeyayna muhiimadda ay leedahay xoojinta saaxiibtinimada soo jireenka ah iyo in la sii wado wada-shaqeynta si loo hiigsado himilooyinka la wadaago, isfahanka labada dal iyo sare u qaadida wax-wadaagga.