Home Blog Page 44

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

0

Muqdisho, Jimco, 20-ka Febraayo 2026

1’Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulan dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka, oo ka dhacay Villa Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimaha masiiriga ah sida doorashooyinka, dhammaystirka dastuurka, abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

2′ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan qado ah ku maamuusay xubnaha Golaha Mustaqbalka ee aqbalay gogoshii xukuumaddu u fidisay 19-kii bishii Janaayo 2026.

3′ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Muslimiinta bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

3′ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal miro-dhal ah oo khadka taleefanka ah la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar, Mudane Sheekh Tamiim Bin Hamad Al Thaani, iyagoo diiradda ku saaray xoojinta iyo horumarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

4′ Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka Qaramada Midoobay, kaas oo ka qabsoomay magaalada Addis Ababa, kana mid ahaa kulammada doceedyada muhiimka ahaa ee Shir Madaxeedka Midowga Afrika.

5′ Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay curashada bisha barakeysan ee Ramadaan, ayaa ugu baaqay bulshada midnimo iyo wadajir, isaga oo kula dardaarmay inay u naxariistaan dadkeenna ay abaartu saameysay.

6′ Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Safiirka Dowladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi, waxayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dowladood.

7′ Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, isaga oo carrabka ku adkeeyay fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada dekadaha, beeraha iyo kalluumeysiga.

8′ Wasiirka Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah uga guddoomay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad.

9′ Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa daah-furay tartanka cilmiyeedka bisha Ramadaan, isaga oo hambalyo u diray bahda Warbaahinta Qaranka oo sannadkii 16-aad wada barnaamijka dood cilmiyeedka.

10′ Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Cabdillaahi Bidhaan Warsame, ayaa qaabilay Agaasimaha cusub ee Hay’adda WFP u qaabilsan Soomaaliya, Hameed Nuur, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta horumarinta maamulka biyaha iyo adeegsiga hannaan casri ah oo xog-ururin ah.

11′ Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Shirka Isku-duwidda Ilaalinta Bulshada, kaas oo loogu talagalay in lagu xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo bah-wadaagta si loo dardargeliyo barnaamijyada ilaalinta bulshada.

12′ Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa qaabilay Danjire Muuse Jaamac Cali, Ergeyga Gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Koonfurta Suudaan, waxayna ka wada hadleen xoojinta nabadda iyo iskaashiga amniga ee gobolka.

13′ Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Arrimaha Gudaha, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa kormeer ku tagay deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoo dib-u-dejin rasmi ah u sameeyay qoysaskii ay hore uga barakiciyeen kooxda Khawaarijta.

14′ Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula qaatay Claver Gatete, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika, iyadoo kulanka looga hadlay dhinacyada ganacsiga iyo fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.

15′ Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyagoo ka wadahadlay xoojinta iskaashiga labada dal.

16′ Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, Cali Yuusuf Cali (Xoosh), ayaa si rasmi ah u furay kulanka Guddiga Sare ee Mashruuca Dowlad-Kaab, isaga oo tilmaamay ahmiyadda mashruucan u leeyahay dowlad-dhiska dalka.

17′ Wasiirka Batroolka, Daahir Shire Maxamed, ayaa maalin taariikhi ah ku tilmaamay in dalka Turkiga laga soo sagootiyay markabka Cagri Bey, oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona xeebaha dalkeenna.

18′ Wasiirka Maaliyadda, Biixi Imaan Cige, ayaa shir guddoomiyay kulankii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku dubbaridka hannaan-maamulka maaliyadeed ee dalka.

19′ Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa la kulmay wafdi ka socda Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya oo uu hoggaaminayay Wasiirka Warfaafinta maamulkaasi, Axmed Diiriye.

20′ Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hambalyo u diray Ciidanka Cirka Soomaaliyeed munaasabadda sannad-guurada 66-aad ee aasaaskooda, iyagoo ku bogaadiyay doorka ay ku leeyihiin difaaca dalka iyo la dagaallanka argagixisada.

21′ Dalka Turkiga ayaa laga soo sagootiyay markabka Cagri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis ah ka sameyn doona xeebaha dalkeenna.

22′ War-murtiyeedka Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay sheegtay inay siisay Somaliland, iyagoo mar kale adkeeyay mowqifkooda ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

23′ Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Tanzania, Ilyaas Cali Xasan, ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay madaxda amniga iyo socdaalka ee Dowladda Soomaaliya go’aankii lagu ansixiyay naqshadda iyo daabacaadda baasaboorka cusub ee Urur-Goboleedka Bariga Afrika (EAC) ee Soomaaliya.

24′ Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Cumar Cali Afrax, ayaa guddoomiyay shir looga hadlay qorshaha dhismaha waddooyinka iyo nidaamka bulaacadaha ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

25′ Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qaasim, ayaa kulan la qaadatay Kirsten Young oo ah madaxa Qaramada Midoobay u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee Soomaaliya.

26′ Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Jarmalka, Mudane Cabdulcasiis Maxamuud Maxamed, ayaa si rasmi ah loogu guddoomay warqadihiisa aqoonsiga danjirenimo ee dalka Hungary.

Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo kala saxiixday Heshiis Dekadaha iyo Gaadiidka ah

0

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulkadir Maxamed Nuur, ayaa heshiis iskaashi la saxiixday Wasiirka Gaadiidka ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Mudane Saalax bin Naasir Al-Jaasir.

Heshiiskan ayaa khuseeya iskaashiga dhinacyada gaadiidka badda iyo horumarinta dekadaha, wuxuuna xoojinayaa xiriirka istaraatiijiyadeed iyo wada-shaqeynta qotada dheer ee u dhexeysa labada dal.

Iskaashigan ayaa si gaar ah diiradda u saaraya horumarinta kaabeyaasha dekadaha, tayeynta adeegyada gaadiidka badda, dhiirrigelinta maalgashiga, iyo is-dhaafsiga khibradaha iyo aqoonta farsamo.

Heshiiskan wuxuu kor u qaadi doonaa hufnaanta iyo wax-soo-saarka dekadaha dalka, kordhin doonaa isku xirka ganacsiga badda, isla markaana xoojin doonaa doorka Soomaaliya ku leedahay marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee gobolka. Sidoo kale, wuxuu kaalin muuqata ka qaadan doonaa kobaca dhaqaalaha qaranka iyo abuuridda fursado horumarineed oo waara.

Shirka Golaha Wasiirrada oo maanta looga hadlay xaaladda abaaraha ka jira dalka

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan amniga iyo abaaraha ba’an ee saameeyay qaybo badan oo ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Golaha ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda gurmadka bani’aadannimo iyo dardargelinta qorsheyaasha wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha abaarta.

Kulanka oo uu shir-guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku saabsan magacaabista Guddoomiyaha Hey’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, waxaana loo magacaabay Mudane Liibaan Cabdi Cigaal.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno ka dhagaystay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, kuwaas oo ku saabsanaa saameynta bacaadka uu ku yeeshay dalka, iyo xaaladda diyaaradaha ka howlgala gudaha Soomaaliya iyo tallaabooyin ay qaaday wasaaraddu oo shaqada lagaga joojiyey diyaarado dhamaystiri waayey shuruudihii looga baahnaa ee dhanka badqabka, waxaanna guddi loo saaray kasoo talo-bixinta iyo baarista tayada diyaaradaha iyo adeegyada ay bixiyaan kuwaas oo golaha usoo bandhigi doona warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda diyaaradaha dalka.

Golaha ayaa ansixiyay Axdiyo iyo Siyaasado muhiim u ah horumarinta iskaashiga caalamiga ah iyo ilaalinta badaha, kuwaas oo kala ah

1. Axdiga Caalamiga ah ee Asaasidda Sanduuqa Caalamiga ah ee Magdhowga Waxyeelada Wasakhaynta Shidaalka (1992).

2. Axdiga Caalamiga ah ee Iskaashiga u Diyaargarowga iyo Ka Jawaabista Wasakhowga Saliideed (1990).

3. Axdiga Caalamiga ah ee Xeerarka Kahortagga Isku-dhacyada Badda (1972).

Ugu dambeyn, Golaha, ayaa ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, taas oo hagaysa jihada iyo mudnaanta iskaashiga diblomaasiyadeed iyo midka horumarineed ee dalka, si loo xaqiijiyo danaha Qaranka.

Madaxweynaha JFS oo Madaxtooyada Qaranka kusoo dhaweeyay Golaha Mustaqbalka

0

Muqdisho, Feberaayo 19, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta iyo Xubnaha Golaha Mustaqbalka, kuwaasi oo soo ajiibay Gogosha wadatashi ee ay fidisay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Soo dhoweyn kaddib, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey kulan labo-geesood ah oo lagaga hadlayo xaalada guud ee dalka, doorashooyinka, adkeynta midnimada iyo wadajirka Soomaaliyeed, gurmadka abaaraha iyo la dagaalanka Khawaarijta.

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay Siyaasadda Madaxda Qaranka ay ku wajaheen dagaalka Khawaarijta

0

Sheekh Cali Wajiis ayaa sheegay in siyaasadda iyo diblomaasiyadda ay hoggaaminayaan madaxda qaranka ay horseed u noqotay in Soomaaliya hesho taageero caalami ah oo ku aaddan dagaalka lagula jiro kooxaha khawaarijta ah.

Sheekha ayaa xusay in xiriirrada diblomaasiyadeed ee ay la sameeyeen dalal saaxiib ah ay suurageliyeen in la helo garab istaag dhinacyada amniga, tababarrada iyo qalabka ciidan, taas oo sare u qaadday awoodda ciidamada qalabka sida ee dalka.

Wuxuu tilmaamay in iskaashigaasi uu xoojiyay dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada, isla markaana lagu soo celinayo amniga iyo xasilloonida guud ee dalka. Sheekh Cali Wajiis ayaa ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan ciidamada iyo hoggaanka dalka si loo xaqiijiyo guul waarta oo laga gaaro dagaalka socda.

Ugu dambeyn, wuxuu adkeeyay in midnimada shacabka iyo dowladdu ay tahay tiirka ugu muhiimsan ee lagu gaari karo nabad iyo horumar waara.

Dr. Khadar Xaaji Daahir oo ka warbixiyay Heshiis lala galay Shirkadaha qaadaya Xujayda Soomaaliyeed

0

Madaxa xafiiska arrimaha Xajka ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS, Dr. Khadar Xaaji Daahir, ayaa ka warbixiyay heshiis cusub oo sanadkan dhexmaray xafiiska Xajka iyo shirkadaha adeegyada bixiya, kaas oo lagu xoojinayo tayada iyo hufnaanta adeegyada la siiyo xujayda Soomaaliyeed.

Ujeeddada Heshiiska

Dr. Khadar ayaa sheegay in heshiiskan cusub uu diiradda saarayo:

Kor u qaadidda tayada hoyga iyo gaadiidka xujayda

Sugidda badqabka iyo daryeelka caafimaad ee xujayda

Yaraynta kharashaadka dheeraadka ah ee ku imaan jiray adeegyada qaar

La xisaabtanka shirkadaha bixiya adeegyada

Heshiiskan ayaa lagu soo kordhiyay qodobo cusub oo shirkadaha ku waajibinaya inay si buuxda u daboolaan baahiyaha xujayda, isla markaana ay jirto kormeer joogto ah oo ay sameyn doonto Wasaaraddu.

Adeegyo Cusub oo La Hirgeliyay

Sanadkan waxaa lagu soo kordhiyay adeegyo ay ka mid yihiin:

Hagitaan iyo wacyigelin dheeraad ah oo la siinayo xujayda ka hor safarka

Qorshe isku dubbaridan oo ku saabsan dejinta iyo kala socodka xujayda

Adeegyo casri ah oo lagu fududeynayo isgaarsiinta iyo xog-wadaagga

Dr. Khadar Xaaji Daahir ayaa xusay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada dowladda ee lagu hubinayo in xujayda Soomaaliyeed ay helaan adeeg la jaanqaadaya heerarka caalamiga ah.

Muhiimadda Heshiiska

Heshiiskan cusub ayaa la filayaa inuu:

Yareeyo cabashooyinka la xiriira adeegyada Xajka

Sare u qaado kalsoonida xujayda

Xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda iyo shirkadaha

Ugu dambeyn, Madaxa Xafiiska Arrimaha Xajka ayaa ugu baaqay shirkadaha inay si daacadnimo iyo xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda, si loo helo Xaj nidaamsan oo tayo leh.

Haddii aad rabto, waxaan ka dhigi karaa war rasmi ah oo saxaafadeed ama maqaal faahfaahsan oo warbaahinta loo diyaariyay.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Qatar 

0

Muqdisho, Arbaco, 18 Febraayo 2026 — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dawladda Qatar u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdullaahi Bin Saalim Al-Nucaymi . waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya labada dowladood ee Qatar iyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa uga mahadceliyey dawladda iyo shacabka Qatar taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha iyo gargaarka bini’aadantinimo, isaga oo xusay in Xukuumaddiisu ay mudnaan gaar ah siinayso hirgelinta heshiisyadii iskaashi ee dhowaan ay labada dal kala saxeexdeen, gaar ahaan kuwa la xiriira difaaca iyo horumarinta bulshada.

Dhankiisa, Danjire Dr. Cabdullaahi , ayaa caddeeyey in dawladda Qatar ay ka go’an tahay taageerada ay siiso dawladda Soomaaliya, isaga oo boggaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka gaartay dhinacyada amniga iyo xasillinta dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha oo Qalab Casri ah Kala Wareegay Safiirka Soomaaliya ee Turkiga 

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Yuusuf Cali, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa maanta si rasmi ah uga kala wareegay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Turkiga qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacadda.

Qalabkan, oo lagu wareejiyey munaasabad ka dhacday xarunta Ciidanka Harmacadda, ayaa la sheegay inuu yahay mid casri ah oo kor u qaadaya awoodda howlgal, tababar iyo u-diyaargarowga cutubka, kaas oo dhowaan soo dhammaystay tababar sare oo lagu xoojinayey xirfadaha amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.

Mas’uuliyiinta ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, iyagoo xusay in qalabkani uu door weyn ka qaadan doono sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.

Safiirrada Carabta iyo ANC oo Kulanka Xoojinta Iskaashiga ku yeeshay magaalada Pretoria

0

Magaalada Pretoria, Koonfur Afrika – Waxaa ka dhacay kulan u dhexeeyay safiirrada dalalka Carabta ee fadhigoodu yahay Koonfur Afrika iyo xoghayaha xisbiga talada haya ee African National Congress (ANC), Mudane Masibulele Xaso.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya dalalka Carabta iyo Koonfur Afrika, iyo iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, iyo arrimaha caalamiga ah.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq, ayaa khudbad ka jeediyay madasha, isaga oo adkeeyay muhiimadda ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyo doorka dalalka Carabta ee garab istaagga Soomaaliya iyo xoojinta wadajirka gobolka.

Danjiruhu wuxuu sidoo kale u mahadceliyay Dowladda Koonfur Afrika iyo xisbiga ANC sida ay u garab istaageen madax-bannaanida iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday is-afgarad iyo ballan-qaad ku aaddan sii xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga wadajirka ah ee u dhexeeya dalalka Carabta iyo xisbiga ANC.

Taliyaha Ciidanka XDS oo shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska guud ee XDS.

0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa shir guddoomiyay kulanka subaxlaha ee Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS).

Shirka ayaa lagu falanqeeyay howlaha socda iyo qorshayaasha Taliska Guud, iyadoo Taliyuhu uu warbixin ka dhageystay saraakiisha ka qeybgalay kulanka, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladda guud ee howlgalada iyo diyaargarowga ciidanka.

Intii uu shirka socday, Taliyaha ayaa faray saraakiisha in la xoojiyo heeganka iyo diyaarsanaanta Ciidanka, isla markaana si dhow loola shaqeeyo bulshada, gaar ahaan iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa ku dardaarmay adkeynta isla xisaabtanka iyo dardargelinta howlaha, si loo horumariyo tayada iyo waxtarka shaqada Ciidanka Xoogga Dalka.