Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamud Guure ayaa shir guddoomiyay Kulan Laba geesood ah oo dhex maray Gobolka Banaadir, iyo hey’adda UNOPS.
Xoghaya Guud ee Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay kulanka Xoghayayaasha guud ee Baarlamaanada Islaamka oo lagu qabtay Aljeeriya
Xoghaya Guud ee Golaha Shacabka BJFS 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐮𝐥𝐥𝐞 (𝐉𝐚𝐚𝐛𝐢𝐫𝐢) ayaa ka qeybgalay kulanka Xoghayayaasha guud ee Baarlamaanada Islaamka oo lagu qabtay wadanka Aljeeriya.
Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Maareynta oo shir guddoomiyay shir looga hadlaayay arimaha xasilinta iyo isku xirka Gargaarka Bin’aadanimada
Guddoomiye ku Xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka(SoDMA) Dr Axmed Cabdi Adan ayaa maanta shir guddoomiyay shir looga hadlaayay arimaha xasilinta iyo isku xirka Gargaarka Bin’aadanimada.
Dad ku dhintay Shil ka dhacay dalka Pakistan
Dadkaasi ayaa geeriyooday, kadib, markii uu Baskii ay la socdeen ku-dhawaad 49 qof uu ku dhacay Doox ama Waadi ku yaalla Degmadda Lasbela ee Gobolka Balochistan ee Waqooyiga dalkaasi.
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Shan Sano xabsi Ciidan ah ku xukuntay odoyaal heshiis kula soo galay Xarardheere khawaarijta
Maxkamadda ciidamada Qalabka sida ayaa maanta shan sano oo xabsi ah iyo il ku haynta Booliska ku xukuntay Odayaal Cadaado laga soo xiray December 27-dii Sanadkii tegay Kadib Heshiis ay Khawaarijta kula galeen Xarardheere intii aan khawaarijta laga saarin 16-kii bishan.sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS oo qaabilay wafdi ka socda Gobolka Bakool
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socda Gobolka Bakool oo magaalada Baydhaba u jooga ka qeyb galka shirka dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.
[DAAWO] Hey’adda Mareynta Masiiboyinka oo Kismaayo ka dhagax-dhigtay dhismaha xarunta gurmadka deg degga ah
Gudoomiyaha Hay’adda maareynta Masiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin Abdulle oo Maalintii Shalay Aheed Gaaray Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee Jubbland ayaa maanta isaga iyo Wasiirka wasaaradda Gargaarka Jubbaland Mudane Axmed Xasan Cumar waxa ay si wadajir ah uga dhagax dhigeen dhismaha xarunta gurmadka deg-dega ah ee deeganada Jubbaland.
[DAAWO+SAWIRRO] Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad iyo Senator Cabdi Qeybdiid oo Wisil u tegay dardar gelinta dagaalka Khawaarijta.
Xildhibaano katirsan JFS labadiisa Aqal ayaa maanta lagu dhaweeyay Magaalada Wisil ee koonfurta Gobolka mudug ee Maamulka Galmudug.
Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre oo qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaliya
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya, Mudane Ahmed Jumah Alromaith.
Waxgaradka iyo Bulshada Magaalada Gaalkacyo oo sheegay in xiligaan loo baahan yahay in ahmiyad la siiyo howlgallada la dagaalanka Argagixisada Khawaarijta
Waxgaradka iyo Bulshada Magaalada Gaalkacyo oo sheegay in xiligaan loo baahan yahay in ahmiyad la siiyo howlgallada la dagaalanka Argagixisada Khawaarijta Al-shabaab.
