Home Blog Page 444

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu dilay Koonfur Afrika

Sida la sheegay Koox Burcad Koonfur Afrikan ah ayaa gudaha dalkaas ku kudilay muwaadin Soomaaliyeed oo kamid ahaa Soomaalida ka Shaqeeysata Koonfur Afrika, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Allaha u Naxariistee Xasan Axmed cabdulle, oo kamid ahaa dadka Soomaaliyeed ee dalkaasi ka shaqeeysta ayaa sida la sheegay xilliga la dilayay ku sugnaa Dukaan kuyaalla xaafada side B oo ka tirsan Degmada isku raranka ah ee Khayelitsha ee Magaalada Cape Town.

Kooxdan Burcadda ah ee dilka geysatay ayaa dilka ka dib dhac u geystay dukaankii uu ka Shaqeeynayay, iyaga oo qaatay agabkii iyo lacag badan oo taallay Dukaanka.

Ciidamada Booliska Koonfur Afrika oo gaaray dukaanka lagu dilay Muwaadinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay baarayaan Kooxdii ka dambeeysay dilka wallow dhowr jeer sidaan oo kale loo dilay Dhallinyaro Soomaaliyeed balse aysan waxba ka qaban.

NATO oo Kosovo uga digtay iibsashada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga

Ciidamada NATO ayaa uga digay Xukuumadda Kosovo, cawaaqib xumada ka dhalan karto iibsashada diyaarado aan duuliyaha laheen ee loo yaqaanno Bayraktar ee Turkiga, iyagoo oo sheegay in howlgalka nabad ilaalinta NATO uu weli mas’uul ka yahay hawada Kosovo.

Bayaan ka soo baxay howlgalka nabad ilaalinta NATO ayaa lagu yiri: ” Taliyaha ciidamada nabad ilaalinta ee Kosovo ayaa ah maamulka koowaad ee hawada Kosovo, marka la eegana adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn xilligan caqabad ayay ku yahiin howlaha Ciidamada nabad ilaalinta”.

Hadalkan ay soo saareen ciidamada NATO ee nabad ilaalinta u jooga Kosovo, ayaa ku soo beegmay maalin ka dib markii Ra’iisul wasaaraha Kosovo Albin Kurti, uu ku dhawaaqay in Turkiga ay ka soo iibsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar TB-2.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Bayraktar, ayaa caan ka noqday caalamka waxii ka danbeeyay markii ciidamada Asarbayjaan ay u adeegsadeen dagaalkii ay la galeen kuwa  Armenia.

 

Maamulka Hirshabeelle oo DF ka codsaday ka qeyb qaadashada xal u helida colaadda ka taagan Shabeelaha dhexe

Dowlad gobaleedka Hirshabeelle, ayaa ka hadlay dagaal beeleedyo ka soo cusboonaaday degaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure (Karoorre), ayaa sheegay in colaadda ka taagan degaannada hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay tahay mid u baahan in wax laga qabto oo aan indhaha laga qabsan.

Wasiirka, waxuu sheegay in ay horay ula kulmeen dhinacyada ku dagaalamay degaannada hoostaga Cadalle iyo Raaga-Ceelle, isla markaana ay ka codsadeen inay dhaqan geliyaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Cabdi Daahir Guure (Karoorre), ayaa Xukuumadda Fedaraal Soomaaliya, ka codsaday inay ka qeyb qaadato deminta colaadahan kasoo cusboonaaday degaanno udhexeeya Degmooyinka Cadale iyo Raagaceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ra’iisal wasaare Xamse oo kulan la qaatay guddiga dib u daabicidda Shilin Soomaaliga

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatay guddiga dib u daabacidda lacagta Shilinka Soomaaliga ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dib loo soo nooleeyo lacagta dalkeenna, si wax looga qabto sicir-bararka iyo nolosha adag ee ay la tacaalayaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha ayaa soo bandhigay qorshaha xukuumadda Dan-qaran ee dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee dalka, iyadoo ay socoto dhismaha iyo howlgelinta xarummaha Bangiga dhexe ee dowlad-gobolleedyada, lana ballaarinayo latashiyada iyo hagidda daabicista lacag-ta uu yeelanayo dalkeennu oo ay door ku wada yeelanayaan dhammaan dowlad-goboleedyada dalka.

Dhankooda, guddiga hagidda mashruuca kal-kaal ee dib u daabicidda Shilin Soomaaliga ayaa Ra’iisul wasaaraha warbixin dhameystiran ka siiyey halka uu marayo mashruucani iyo caqabadaha jira ee u baahan in laga gudbo, si uu dalku u yeesho lacag cusub.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda lacagtii Shilin Soomaaliga ahayd ee lagu daabacay dalka Suudaan, hawlgalinta xarumaha Bangiga dhexe ee dowlad goboleedyada iyo qorshaha dhaw dib u daabicidda lacagta Shillin Soomaaliga ah.

 

Wasiirka warfaafinta oo daah-furay dood wadaag ku aaddan gaarista Soomaaliya oo nabad ah

Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska dowladda FS mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa furay dood wadaag ku saabsan gaaridda Soomaaliya oo nabad buuxda hesha, fikradaha xagjirka ahna laga cirib-tiray.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa munaasabada furitaanka ka sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud inay ka go’antahay in Soomaaliya la gaarsiiyo marxalad ay ka faa’iideysato khayraadkeeda, dhallinyaradeedana loo abuuro mustaqbal ifaya oo wanaagsan, isagoo tilmaamay in doodaha furan ay ka mid yihiin 3-da jiho ee dagaalka ka dhanka ah khawaarijta, kuwaas oo kala ah, dagaal ciidan, mid dhaqaale iyo midka fikirka ah oo bulshada looga wacyi galiyo khatarta fikirka xagjirka khawaarijta.

Wasiirka Warfaafinta ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in dagaalka Khawaarijta kaalinta kaga aaddan ay sii xoojiyaan, si loo soo afjaro Khawaarijta dadka nabadda u diiday, isagoo doodda u rajeeyey in ka soo baxaan aragtiyo maangal ah oo bulshada waxtara.

Dood wadaagga waxaa ka qeybgalaya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, Booliska, Maamulka gobolka Banaadir, Culimada Soomaaliyeed iyo boqolaal shacab ah, iyadoo laga filayo in ay ka soo baxaan aragtiyo wanaagsan oo qeyb wayn ka qaata dagaalka ka dhanka fikirka xagjirka ee Khawaarijta.

 

Kulan ku saabsan doorka uu shacabka ka qaadan karo amniga oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Taliyaha ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Gobolka Banaadir iyo Taliska qeybta ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay munaasabad ujeed keedu aheyd doorka bulshada kaga aadan Amniga  kaas oo lagu qabtay Muqdisho.

Guddoomiyaha Degmada Wadajir Mudane Axmed Cabdulle Afrax oo marti gelisay kulanka ayaa tilmaamay in bulshada reer Wadajir ay yihiin kuwa nabadda iyo Dowladnimada jecel islamarkaana ay la shaqeeyan maamulka degmada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay hirgalinta adeegyada aas aasiga ah ee bulshada iyo dib u dhiska Caasimadda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in Booliska iyo shacabka ay yihiin kuwa si dhow saaxiib u ah loona baahan yahay in la xoojiyo wada shaqeyntooda.

Wasiirka Amniga Qaranka Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) ayaa waxa uu tilmaamay in sugidda amniga ay tahay mas’uuliyad wadareed saaran shacab iyo Dowlad, islamarkaana Amniga uu fura u yahay horumarka iyo dib-udhiska.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi  ayaa bogaadiyay sida ay bulshada Caasimadda ugu basilyihiin dowladnimada iyo xoojinta horumarka.

Munaasabadan kadib ayaa shahaadooyin sharaf la gudoomsiiyay qaar kamid mas’uuliyiinta degmada Wadajir, kuwaas oo lagu dhiiragliyay howlihii wanaagsanaa oo ay ka qabteen degmada.

Soomaaliya oo ku sii dhawaanaysa bar-dhammaadka deyn cafinta

Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukumadda Federaalka Soomaaliya mudane Biixi Iimaan Cige ayaa manta kulan is-xog wareysi ah la yeeshay madaxda hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo kooxda qaabilsan hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hada meel gabo-gaba ah maraya.

Kulanka oo lagu qabtay aaladda fogaan araga ayaa diiradda lagu saaray qodobada mudnaanta gaar ka ah leh ee haatan hor yaala wasaaradda maaliyadda oo ay ka mid yihiin horumarinta iyo dib-u-habeynta nidaamka maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta maaliyadda, xoojinta dakhliga gudaha iyo ku dhaqmida nidaamka Maamulka maaliyadda guud ee Public Financial Management (PFM).

Mudane Biixi Iimaan Cige oo dhawaan la wareegay shaqada wasaaradda maaliyadda ayaa muujiyey ahmiyadda ay dalka u leedahay dar-dar galinta shaqooyinka maaliyadda oo ay ugu horeeyaan dib-u-habeynta dhaqaalaha iyo daadajinta hufnaanta maamul wanaaga maaliyadda dalka.

Safaarada Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka turkiga ayaa soo saartey wargeling ku socota jaaliyada Soomaaliya

0

Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa soo saartay wargalin ku socota Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

Qoraalka ka soo baxay Safaaradda ayaa lagu yiri ” Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Deggan Dalka Turkiga waxaa lagu wargelinayaa in Laga bilaabo 01 August 2023 Cusboonaysiinta Baasaboorka Lacagtiisa loo wareejiyay Bankiga,Lana Joojiyay Lacagtii Gacanta lagu qabanayay.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNFPA

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi ka socday Hay’adda UNFPA oo maanta Safar shaqo kuso Gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Madaxweyne Laftagareen iyo Madaxa Hay’adda UNFPA Niyi ojoulape ee Wafdiga uu Hogaaminayey ayaa ka Wada Hadlay Hormarinta Adeegyada Caafimaadka, Barashada Farsamada Gacanta, Shaqa Abuurka Dhalinyarada iyo Xoojinta Wada Shaqaynta.

Kulanka Waxaa ka qeybgalay Wasiiradda Wasaaraddaha Qorshaynta, Dhalinyarada, Caafimaadka, Dekedaha, Haweenka iyo Biyaha.

Taliyaha Ciidanka dhulka General Axmed Aadan ayaa gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud

0

Taliyaha Ciidanka dhulka XDS General Axmed Aadan ayaa gaaray Degmada Galcad ee Bariga Gobolka Galgaduud halkaas oo Fariinsin u ah Cutubyo Ka tirsan Ciidanka xoogga dalka.

Taliyaha ayaa kormeeray fariisimaha ciidanka isagoo halkaas kula kulmay saraakiisha hogaaminaysa ciidanka xoogga waxaana uu ka dhagaystay warbixino la xidhiidha xaaladda ay ku sugan yihiin ciidanka iyo howlgallada Khawaarijta lagu sifeynayo.

Taliyaha ayaa Ciidanka ku amaanay guulihii ay ka gaadheen howlgaladii ugu dambeeyey ee lagu xasuuqay khawaarijta waxana u sheegay in ay u diyaar garooban wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka khawaarijta.