Home Blog Page 445

Maxkamada ciidamada qalabka sida  ayaa magalada baydhabo saaka ka bilowdey dhageysiga dacwad loo heysto 14 eedeysane

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybteeda 60aad ayaa Magaalada Baydhabo saaka ka bilowday dhageysiga dacwad loo haysto 14 eedeysane oo loo haysto inay ka tirsan yihiin Kooxaha Khawaarijta.

Madaxweynaha Galmudug oo casho sharaf u sameeyay madax ka socotay Qaramada Midoobay

0

Madaxweeynaha Dowladda Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa  Aqalka Madaxtooyada Galmudug ee Dhuusamareeb ugu sameeyay casho sharaf madax ka socotay Qaramada Midoobay, gaar ahaan IESG oo qaabbilsan arrimaha doorashooyinka iyo dimuquraadiyeynta, kuwaas oo muddo shan maalmood ah ku sugnaa deegaannada Dowladda goboleedka Galmudug.
Madaxweeynaha ayaa dhinaciisa uga mahadceliyay wafdiga dadaalka ay ku bixinayaan arrimaha dimuquraaddiyeynta iyo horumarka degaannada dowlad goboleedka Galmudug.

Taliyaha Ciidanka Booliiska iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kormeeray Ciidanka Birmadka

0

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto.Sulub Axmed Firin iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Caasimada, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maxamed Axmed Diiriye iyo Saraakisha Birmadka iyo Hoggaanka Dhismaha Booliiska, ayaa kormeeray Ciidanka Birmadka Booliiska ee  Ilaalada Amniga Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Kormeerkan ayaa ku saabsanaa korjoogteynta Hanaanka Shaqo iyo baraarujinta Ciidanka Birmadka ee ka howlgala Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Howlgal qorsheysan oo ka dhacay Budbud oo lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta

0

Howlgalka qorsheysan oo ciidamada sida gaar ah u tababaran ee kumandooska Danab ka fuliyeen shalay galinkii dambe deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in howlgalka ka dhacay Budbud iyo aagga Galcad ee gobolka Galgaduud lagu dilay Khawaarij badan oo horjoogayaal ku jiraan.

Howlgalkan ayaa lagu dilay 18 dhagarqabe oo isugu jiri horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay deegaankaas lagana war helay xogtooda.

Sargaal ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka oo la hadlay SONNA ayaa sheegay in sidoo kale caqta la mariyay goobo cadowga keyd u ahaa oo ay sunta iyo alaadaha kale ee ay ka sameeyaan walxaha qarxa ay u yaaleen.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan oo lagu beegsanayo Kooba dhagarta ka soo maleegayaan Khawaarijta kawada gobollada dalka, iyadoo dhawaan uu bilaaban doono wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Guddiga dib u eegista Dastuurka ee labada Aqal oo lagu wareejiyay heshiiskii madasha wadatashiga

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehliyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa ayaa waxay  Guddiga Dib u Eegista, La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ku wareejiyeen nuqulada heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran.

Guddoonka labada aqal ayaa Guddiga waxay kula dardaarmeen in ay luuqad dastuur kuso qoraan Isla markaana horkeenaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana guddiga ay guddoomeen nuqulada heshiiskii Madasha Wada-tashiga Qaran.

Muqdisho-Somalia

Howlgal qorsheysan oo lagu burburiyey goobo khawaarijtu ku kaydsan jireen sunta qaraxyada iyo saanad ciidan

0

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Budbud ee Gobolka Galgaduud.

Taliyaha Guutada 16-aad ciidanka kumaandooska Danab XDS G/Dhexe Axmed Cabdullaahi Nuur Beeryare ayaa sheegay in howlgalkan lagu burburiyay goobo ay ku kaydsan jireen khawaaeijtu sunta iyo alaadaha kale ee ay khawaarijta ka sameeyan walxaha qarxa iyo goob kale oo ku kaydsadaan hubka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah khawaarijta ka wada qaar kamid gobollada dalka, iyagoo khaarajiyay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta, waxaana dhawaan lagu wadaa in uu bilowda wajiga labaad ee dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada.

Maxaa iska beddelay Dakhliga Dowladda Soomaaliya kaddib ololaha la dagaallanka Musuqa?

0

Dabayaaqadii Abriil-2023 dowladda Soomaaliya waxa ay billowday dagaal ka dhan ah musuqa iyo boobka dakhliga dowladda ka soo gala ilaha kooban ee dakhliga dowladdu ka yimaado, ilahaas ay dowladda Soomaaliya ka hesho dakhliga waxaa kamid ah garoonka diyaaraha ee Muqdisho oo bixiya adeegyo kala duwan oo muhiim ah.

Adeegyada kordhinta Fiisaha iyo Fasaxa shaqada oo kamid ah ilaha dakhliga dowladda ayaa sameeyey isbeddel dakhli oo aad u wanaagsan kaas oo aad uga duwan sidii uu ahaa bilihii ka horreeyey dadaalka dowladdu kugu jirto dabargoynta musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda.

Haddaba waxa aan halkan kula wadaageynaa muwaadiniinta Soomaaliyeed xog kooban oo aan helnay taas oo isgarab dhig ku sameyneysa dakhliga dowladda uga soo xarooday labadaas adeeg 6dii bil ee ugu dambeysay ee sanadkaan 2023.

Bisha       Kordhinta Fiisaha. Fasaxa shaqada

January     $423,950.00.                $036,500

February   $375,530.00.                 $071,160

March         $268,840.                    $78,770

April.           $231,460.                   $219,290

May              $361,470.                   $386,060

June              $480,550.                  $340,730

 

Dagaalka dowladdu kula jirto musuqa iyo xatooyada dakhliga dowladda ayaa ilaa xad wanaagsan waxa uu sameeyey isbeddel togan oo muujiyey in haddii saraakiisha ka howlgasha ilaha dakhligu ay si wanaagsan oo wafaqsan sharciga u qabtaan, u xisaabiyaan una xareeyaan islamarkaana maareeyaan ay dowladdu heli karto dakhli kaalin weyn ka qaata in dowladdu bixiso adeeg dadweyne islamarkaana ay xal u heli karto dhibaatada iyo cajsiga dowladda ka haysta xagga miisaaniyadda.

Madaxweynaha JFS oo kulan casho sharaf ah ku maamuusay madaxda iyo mas’uuliyiinta ka qeybgalay shirkii Wadatashiga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casho sharaf ku maamuusay Madaxda iyo masuuliyiinta hore ee ka qeyb-galay kulankii wadatashiga ahaa ee shalay ku soo gaba-gaboobay Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa uga Mahadceliyey masuuliyiintan ka qeyb-galka Kulanka Wadatashiga iyo talooyinkii ay ku kabeen dowlad-dhiska Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynuhu muujiyey sida uu mudnaanta u siinayo dhageysiga talooyinka iyo aragtiyaha qeybaha kala duwan ee shacabka iyo hoggaanka Soomaaliyeed.

Dhankooda, Madaxdii hore ayaa bogaadiyay kulanka wadatashiga ee uu fidiyay madaxweynaha waxaana ay sheegeen in dowlada Soomaaliyeed ay ku garab siinayaan halganka ciidamada iyo shacabka Soomaaliyeed ay ku jiraan ee argagixisada Alshabaab lagu cirib tirayo.

Casho sharaftan waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Kuxigeenadiisa Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Kuxigeenadiisa Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Cabdullaahi cali Xersi.

Isku aadka is reebreebka koobka adduunka 2026 ee dalalka Afrika oo la sameeyay.

Magaalada Abidjan ee dalka Ivory coast ayaa lagu sameeyay isku aadka dalalka Afrika ee is reeb reebka koobka aduunka ee 2026, waxaana Soomaaliya ay gashay group-ka G.
Ciyaarahaan ayaa socon doona muddo ku dhaw 2 sano waxaana dal kasta oo Afrika ah uu dheeli doonaa 10 ciyaarood.
Soomaaliya sanadkan waxay fursad weyn u heysataa ka qeyb galka koobka Adduunka ee 2026.

Ergayga Madaxweynaha ee Qulqulka hubka oo taageertay Ansinta Hindisaha Hubka.

La-taliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee xakameynta qul-qulka hubka sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa soo dhaweysay anixisinta Hindiso sharciyeedka hubka Soomaaliya oo maanta Golaha Wasiirada ay ansixiyeen.
Waxay sheegtay in sharcigaan uu muhiim u yahay in la xakameeyo hubka sharci darrada ah, islamarkaana tallaabadan lagu xoojinayo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka.
“ Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka Golaha Wasiirada sidoo kale waxaa ka go’an dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh in guud ahaan dalka laga sifeeyo hubka sharci darrada ah si looga hor tago falalka amni darrada ah, Soomaaliyana looga qaado cunaqateynta hubka” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay Marwo Makko.
Shirkii Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka Soomaaliya iyo Xeerka Amniga iyo Bedqabka Xurumaha Dowladda, Amniga Hotellada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha adeegyada Bulshada kaa oo muhiim u ah qorshayaasha amni ee dowladda.