Home Blog Page 443

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ku dilay 30 ka mid ah maleeshiyaadka khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saaka howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya Goballada Galgaduud iyo Shabeelada dhexe.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala ayaa SONNA u sheegay in howlgalka ay Ciidanku ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen Khawaarijtu.

Mudane, Al-caddaala ayaa sidoo kale sheegay in ay Ciidamadu howlgalkaasi ku dileen in ka badan 30 ka tirsanaa Khawaarijtii halkaas ku sugnayd, iyagoo kala wareegeen hub iyo agab kale oo Ciidan.

Ciidamada Xoogga dalka ayaa burburiyay saldhiggii Khawaarijta, waxaana hadda socda howlgal lagu raad joogo firxadkii Khawaarijta.

 

Madaxweyne ku xigeenka Kowaad ee Jubbaland oo gaaray degmada Luuq

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray degmada Luuq ee gobolka Gedo, waxaana halkaas ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Gedo, kan degmada Luuq iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka  Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan, ayaa kulamo kala duwan la yeelan doona Mas’uuliyiinta Maamulada degmooyinka Gobolka Gedo, Sarakiisha Ciidamada, wax garadka iyo dhamaanba qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Gedo.

Madaxweyne Erdogan oo booqasho ku jooga Dalka Sacuudi Carabiya

Madaxweyne Erdogan ayaa maanta oo Isniin ah gaaray dalka Sacuudiga, isagoo ay la socdaan 200 oo qof oo ganacsato ah, sida laga soo xigtay guddiga xiriirka dhaqaalaha dibadda ee dalkaasi.

Erdogan iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa ka qeyb galay xaflad ay heshiis ku kala saxiixdeen shirkadda difaaca Turkiga ee Baykar iyo wasaaradda gaashaandhigga Sacuudiga, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Sacuudiga ee SPA.

Labada dal waxay kala saxiixdeen heshiisyo is-afgarad ah oo dhinacyo badan leh oo ay ku jiraan tamarta, maalgashiga tooska ah iyo warshadaha difaaca.

Heshiiska dhinacyadaasi ayaa yimid xilli madaxweyne Erdogaan uu booqasho 3 cisho ah ku marayo gobolka.

Sacuudi Carabiya waxay heli doontaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn “iyadoo ujeedadu tahay in kor loo qaado ciidamada qalabka sida ee Boqortooyada iyo xoojinta awoodda difaac ee dalkaasi sida uu ku waramay Wasiirka Difaaca Amiir Khalid bin Salman Al Saud .

 

Maxkamadda Ciidanka qalabka sida oo xukun ku ridday nin ka tirsanaa khawaarijta

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa maanta 10 sano oo xabsi ah ku ridday Yuusuf Xasan Ibraahim oo 42 jir ah, kana tirsanaa kooxda khawaarijta ah ee Al-shabaab.

Yuusuf oo tan iyo 2019 ka tirsanaa Argagixisada ayaa khawaarijta u qaabbilsanaa basaasidda dhaqdhaqaaqa Ciidanka xoogga dalka ee isticmaala waddada ceelasha biyaha marka ay gudbayaan iyo xilliga ay Muqdisho kusoo laabanayaan.

Ninkan ayaa sheegay in uu mushaar ahaan u qaadan jiray $130, waxaana lagu qabtay howlgal ciidan oo 19 kii January ee Sanadkan ka dhacay degaanka ceelasha xilli uu watay Caag ay ku wada jiraan Masaggo iyo Bastoolad.

W/Q/ Abdulahi Warsame Roble

RA’IISUL WASAARE XAMSA OO XARIGGA KA JARAY XARUNTA KEYDKA QARAN EE DAAWADA SOOMAALIYA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Dhexe ee Qaranka ee Keydka Daawada Soomaaliya, taas oo daboolaysa baahida ay dadweynaha Soomaaliyeed u qabaan daawo tayo leh oo la hubiyey badqabkeeda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in hirgelinta xaruntani ay ka tarjumeyso halbeeg muhiim ah oo la xaqiijiyey, loogana gudbaayo dhibaatooyinkii soddonkii sanno ee la soo dhaafay ay dadkeenna ku sababeen daawooyinka bilaa tayada ah ee dalka la keenayay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo u mahadceliyey dhammaan dhinacyadii ka qeyb qaatay hirgelinta xaruntani, isagoo faray Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada in si hufan looga faa’deysto xaruntan, isla markaana laga hirgeliyo xarumo lamid ah dowlad goboleedyada dalka.

Sidoo kale, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed ee dagan xarumaha danta guud ee ay leedahay Dowladdu, gaar ahaan kuwa Wasaaradda Caafimaadka in ay banneeyaan, si loogu adeego bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamsa oo shacabka ugu baaqay in ay ka baxaan xarumihii dowladda

Ra’iisul Wasaaraha XFS, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay banneeyaan xarumaha dowladda si loogu adeego dad weynaha.

Mudane, Xamsa Ra’iisul wasaaraha oo ka hadlayay munaasabada xarigga lagaga jarayay xarunta keydka Qaran ee dawooyinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladdu uu xil ka saaran yahay in ay dadka u adeegto, xarumihii loogu tala galayna ay wax ugu qabato, wuxuuna faray dadka deggen xarumaha dowladda in ay ka guuraan iyaga oo aan la qasbayn.

Ra’iisul wasaare Xamza“Dowladnimadii baan rabaa, adeeg caafimaad baan rabaa, tacliin baab rabaa haddana xarumihii loogu tala galay ayaan deggenaanayaa, isma keeneyso”.

Ra’aysul wasaaraha XFS ayaa xusay in uu garowsan yahay duruufaha dalka ka jira balse aysan suurta gal ahayn in dan guud laga hor mariyo tan gaarka ah.

Wuxuu sheegay Ra’iisul wasaaruhu in aysan suurta gal ahayn dal uu Caafimaadkiisu sidan yahay lana doonayo inuu soo kabto in xarumihii loogu shaqayn lahaa shacabka ay dad barakacayaal ah iska deggenaadaan.

Wasiirka Warfaafinta oo tababar u furay qaar ka mid ah gabdhaha saxafiyiinta Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Tababar u furay 30 xubnood oo ka mid ah gabdhaha saxafiyiinta Soomaaliya.

Wasiir Aweys ayaa sheegay in qorshaha dowladda ee sanadkan 2023-ka ay ka mid tahay in sare loo qaado tababarka wariyeyaasha gaar ahaan qibradda gabdhaha saxaafadda ku jira.

Daa’uud Aweys Jaamac, Wasiirka warfaafinta XFS, ayaa sheegay in tababarkani uu qayb ka yahay barnaamijka dowlad dhiska ee Soomaaliya ka socda, taas oo ay ujeeddadeedu tahay in ay gabdhuhu door weyn ku yeeshaan jiheynta Umadda.

Wuxuu sheegay Wasiirku in Wasaaradda warfaafintu uu qorshaheedu yahay in ay tababarkani ugu faa’iideyso 150 xubnood oo ka mid ah saxafiyiinta Soomaaliyeed dhowaanna ay gaarsiin doonaan gobollada dalka oo dhan.

W/Q/ Abdulahi Warsame Roble

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goor dhowed gaaray Jawhar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Jowhar , iyadoo halkaas uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen.

Faahfaahin isha ku hay SONNA.

Dowladda Soomaaliya oo soo iibsatay Saanad Ciidan oo isugu jirta Diyaaradaha dagaalka iyo hub culus

La taliyaha amniga Qaranka , Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay soo iibsatay diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka iyo hub culus oo isugu jira lidka diyaaradaha iyo madaafiic.

La taliyaha oo la hadlayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in sanadkii hore markii ay QM cusbooneysiisay cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya la qafiifiyay shuruudaha, wuxuuna xusay in loo oggolaaday in ay DF soo iibsan karto hubka qaarkiisa taasina ay ka faa’iideysatay dowladda si  khawaarijta loo ciririb tiro.

“Hub waaweyn oo aan horay loogu oggolayn Soomaaliya ayaan sanadkii la soo dhaafay soo gadannay, hadday ahaan lahayd Helocoptarro, Zuugagga iyo Artelleriyada qaarkood ayaan farsamooyinka na loo oggol yahay ku keensannay dalka”.

Mudane, Xuseen Macallin ayaa intaa raaciyay in ay dowladdu ku howlan tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tirada iyo tayada qeybaha kala duwan ee Ciidanka XD, si ay Soomaaliya ugu filnaato ilaalinta xudduudaheeda Badda iyo berrigaba.

 

Turkiga iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah

Dhaxal sugaha Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan iyo Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa kala saxiixday heshiisyo ku saabsan maalgashiga, warshadaha difaaca, tamarta iyo isgaarsiinta.

Saxiixa heshiiskan ayaa yimid ka dib wadahadalo ay magaalada Jeddah ku yeesheen madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, kaasoo diiradda lagu saarayay arrimo quseeya xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiirka Difaaca Sacuudiga, Khaalid Bin Salmaan, ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in maanta oo Talaado ah  Boqortooyada Sacuudiga ay la saxiixatay Turkiga, heshiis ay ku iibsaneyso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn  si sare loogu qaado awooddaa ciidamada qalabka ee Boqortooyada Sacuudiga.

Sidoo kale, labadan dal ayaa kala saxiixday heshiis iskaashi oo ku saabsan maalgashiga, heshiis iskaashi oo dhanka isgaarsiinta ah oo u dhaxeeya Waaxyaha Isgaarsiinta Turkiga iyo Sacuudiga.