Raโ€™iisul wasaare Xamsa oo shacabka ugu baaqay in ay ka baxaan xarumihii dowladda

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS, mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay banneeyaan xarumaha dowladda si loogu adeego dad weynaha.

Mudane, Xamsa Raโ€™iisul wasaaraha oo ka hadlayay munaasabada xarigga lagaga jarayay xarunta keydka Qaran ee dawooyinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in dowladdu uu xil ka saaran yahay in ay dadka u adeegto, xarumihii loogu tala galayna ay wax ugu qabato, wuxuuna faray dadka deggen xarumaha dowladda in ay ka guuraan iyaga oo aan la qasbayn.

Raโ€™iisul wasaare Xamzaโ€œDowladnimadii baan rabaa, adeeg caafimaad baan rabaa, tacliin baab rabaa haddana xarumihii loogu tala galay ayaan deggenaanayaa, isma keeneysoโ€.

Raโ€™aysul wasaaraha XFS ayaa xusay in uu garowsan yahay duruufaha dalka ka jira balse aysan suurta gal ahayn in dan guud laga hor mariyo tan gaarka ah.

Wuxuu sheegay Raโ€™iisul wasaaruhu in aysan suurta gal ahayn dal uu Caafimaadkiisu sidan yahay lana doonayo inuu soo kabto in xarumihii loogu shaqayn lahaa shacabka ay dad barakacayaal ah iska deggenaadaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo kala hadlay Safiirka Talyaaniga xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Raโ€™iisul Wasaaraha XFS oo xafiikiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo furay shirka wadamada xubnaha ka ah Ciidanka Heeganka Afrikada Bari

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...