Home Blog Page 442

Saraakiil ka socota dalalka Safka hore oo muqdisho shir ku yeeshay

Shir ay isugu yimaadeen dalalka Safka hore ee hoggaaminaya hawlgalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta ayaa ka qabsoomay xarunta taliska Ciidanka ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxa guddoominayey Taliyaha Ciidanka hawlgalka wada jirka ah Generaal Maxamed Cali Bariise iyadoo kulankan diirada lagu saaray muhiimada hawlgalkan wada jirka ah iyo sidii bulshada qayb uga noqon lahayd.

Kulankan ayaa waxa kasoo qayb galay saraakiil ka socotay dalalka Safka hore ee kala ah DJabuuti,Ethiopia,Kenya iyo Safiir kuxigeenka Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Guddiga Xuquuqul Insaanka BJFS oo kulan la qaatay madaxda hay’adda SODMA

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu Xafiiska Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, kulan kula yeeshay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Guddigu wuxuu Warbixin ku saabsan Qorshe-howleedka Hey’adda Maareynta Musiibooyinka ka dhegeystay, Guddoomiye ku-xigeenka guddiga Dr Axmed cabdi aadan iyo Agaasimaha guud Hey’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka mudane Cabdirashiid Maxamud Xasan.

Xubnaha Guddiga, ayaa weydiyay Su’aalo la Xiriira Qorshaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka waxeyna mid-mid uga jawaabeyn dhammaan Su’aalihii ay weydiiyeen Guddoonka iyo Xubnaha Guddiga.

Kulanka waxaa Shir guddoomiyey Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xil. Xirsi Adan Roble. Wuxuuna u mahadceliyey Guddomiye ku-xigeenka Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, ayadoo la isla gartey hirgelinta dhammaan waxyaabihii shirka looga hadlay, iyo Fulintooda.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Safiirka UK u Fadhiya Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska wareystay xaaladaha Hirshabeelle sida guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dagaaladii lala galay Khawaarijta, Howlgalada wali socdo iyo u diyaar garowga wajiga 2aad ee howlagalada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay kor u qaadista mashaariicda Dowladda Ingiriiska ay ugu talagashay deegaanada Hirshabeelle iyo arrimaha xasilinta oo dowladda ay dadaal ugu jirto sidii deegaanada la xoreeyay loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhallinyarada ugu baaqay in ay Xukuumadda ku taageeraan ciribtirka amni xumada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.

Shirkan oo ah kii 9-aad ayaa soconaya muddo saddex maalin ah, waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in horumarka dalka ay hortaagan yihiin afar wax yaabood oo haddii aan wadajir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaas oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay halka ay dhallinyaradu uga jiraan nolosha bulshada ayaa sheegay in dal aan lahayn cuddud dhallinyaro oo xoog leh uusan horumar gaari karin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda DanQaran ay dhallinyarada Soomaaliyeed u abuurayso fursado shaqo, waxuuna ku ammaanay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha abaabulka iyo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay afkaartooda ugu biiriyaan dowlad-dhiska.

IMF oo shaacisay in Soomaaliya ka gudubtay hanaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saartay heerka qiimayntii ay ku sameysay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hada maraya merl gabo-gabo ah.

Guddiga Sare ee Hey’adda IMF oo shir gaar ah kalahaa arrimaha maaliyadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay ka gudubtay Barnaamijka ECF ee ahaa Dib-u-eegista 5-aad ee ku saleysnaa sharuudaha Deyn cafinta taasoo hadda ay fulisay Dowladda Soomaaliya dhammaan shuruudihii ku xirnaa hannaanka ECF-ka.

Hey’adda IMF ayaa ku boogadisay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay ugu go’an tahay dadaalada lagu xoojinayo qorshe-yaasha dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, xoojinta wadashaqeynta kala dhexeysa Deeq-bixiyeyaasha calaamiga ah iyo Hey’addaha kale ee Deymaha waa ku leh Soomaaliya. Warbixinta IMF ay soo saartay ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in la labo laabo daadalada lagu dar-dar galinayo kordhinta Dakhliga gudaha, iyada oo mudnaan loo siiyo beeqaaminta karashbixinta si loo yareeyo bixinta kharashaadka aan daruuriga ahayn.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo, Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka horumar laga sameeyay, hannaanka mideynta mushaar bixinta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey’adda IMF. Wasiirka Elmi ayaa sheegay in warka ka soo baxay IMF uu yahay mid wanaagsan oo ku dhiirigalinayo in Dowladdu ay sii xoojiso arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta.

” Warbixinta ka soo baxday IMF waa war u wanaagsan dhagaha bulshada oo misna dhiirigalin u ah hannaanka Horumarinta Maaliyadda Soomaaliya. Arrimaha dib-u-habeynta Maaliyaddu waxa ay ku socdaan waddadii saxda ahayd, waxaana naga go’an in aan aragno guulo badan inkasta oo ay jiraan caqabado waawyn” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi.

IMF waxa ay sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku amaantay in ay xoojisay Maamul wanaagga iyo hufnaanta iyadoo horumar laga sameeyay hannaanka Iibka Qandaraasyada Qaranka iyo heshiisyada ay Dowladdu gasho.

Muqdisho-Somalia

Wafdi ka socda Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka sanadlaha ee Global Payment Week 2023

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysey mudo 32 sano ah kadib ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Global Payment Week 2023 ( GPW) oo sandakan lagu qabtay magaalada Marrakesh  ee dalka Morocco.

Waxaa shirkaas soo qaban qaabiyo Bankiga Aduunka waxaana ka soo qeygala Bankiyada Dhexe ee Aduunka iyadoo lagu soo bandhigo teknologiyada cusub ee Hanaanka Lacag Bixinta aduunka.

Soomaaliya oo  ku guuleysatay hirgelinta Hanaanka lacag Bixinta Qaran waxey sidoo kale halkaas ugu qeyb gashay  dood ay qeyb kahaayeen Bankiga England, Bankiga European Union, Mexico iyo Oman oo lagu soo bandhigay Guulaha Soomaaliya ka gaartey hirgelinta mashruucan.

Waxaa shirkan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku matalayey wafdi uu hor kacayo  Agaasimaha Sare ee Lacagta iyo Howsha Bankiga Axmad Xundubey iyo qaar ka mid ah howl-wadeenada Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka.

 

 

Muqdisho-Somalia

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYEY MEERTADA 32-AAD EE JAAMACADDA CARABTA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta ayaa Khudbadiisa kula wadaagay Boqorrada, Amiirrada, Madaxweyneyaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Carbeed horumarka ka jira dalka, fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waddo howlgallo qorsheysan oo dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, loona diyaarinayo Ciidanka Soomaaliyeed in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyadoo ay qorsheyaashaas barbar socdaan hiigsiyo qaran oo ku aaddan deyn cafinta Soomaaliya iyo xasilinta siyaasadeed ee dalka.
“Waa inaan dardargelinno iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga heer Carbeed. Soomaaliya maanta waxay ka soo kabanaysaa duruufo adag oo ay dhabar adeyg ku wajaheen shacabka Soomaaliyeed, waxaan rajaynaynaa in aad sii laba jibaartaan garab istaagga walaalnimada ah ee aad noo muujiseen. Soomaaliya xasilloon oo hurumarsan waxay guul u tahay dhammaan dalalka Carabta”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan dib ugu soo noqoshada Jamhuuriyadda Suuriya ee Madasha Jaamacadda Carabta, isagoo dhanka kale xoojiyey baaqii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa walaalaha dalka Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, wadahadallna ku dhameeyaan xaaladda ka taagan dalkaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Hoggaamiyeyaasha xusuusiyey in dalalka Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, xasillooni darro siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay in loo midoobo sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qadar

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Faarax Cabdulqaadir Sheekh ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee Dalka Qadar kula kulmay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar Mudane Khaliifa. bin Jassim Al Kuwari.

Mudadii uu socday kulankaasi ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay klamid ahaayeenn is dhaafsi xogaha iyo khibradaha , dhismaha hay’adaha dhaqaalaha, dib u habeynta hay’adaha dowladda.

Sidoo kale  madaxdaasi ka kala socday Soomaaliya iyo Qadar waxay ka wadahadleen sii wadidda  mashaariicda ay Qadar  a ka fuliso Soomaaliya.

Magaalada Nirobi oo lagu soo gabagabeeyay shir la xiriiray dib u dhiska magaalooyinka dalka “SAWIRRO’

Shir looga hadlaayey dib u dhiska magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ay ka qeybgaleen Dowlad Govoledyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Nirobi ee Dalka Kenya.

Shirkaasi oo soxday muddo  4 cisho ah,waxaa soo Agaasimay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, machadka Tokiyo iyo bangiga horumarinta  dubida.

Shirkaan oo ay ka qeybgaleen madax ka kala socday 6 magaalo oo dalka ah,waxaa kaloo looga hadlay Maamul wanaagga, Adeegga aasaasiga ah ee bulshada sida dhisidda buundooyinka iyo bulaacadaha.

Madaxdii ka hadashay shirkaasi,waxaa kanus ahaa Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diriye

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ku howlan wax u qabashada ardaydii ka soo cararay Suudaan

Agaasimaha Tacliinta Sare ee XFS Ismaacil Yuusuf  Cismaan ayaa sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay qorsheynta sidii waxbarashadooda ay u sii wadan lahaayeen ardayda Soomaaliyeed ee naftooda kala soo baxsaday colaadda ka jirta dalka Suudaan.

Agaasimaha oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa xusay in wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ay wadaan diiwaangalin ku aadan tirada saxda ah ee ardayda ka soo cararay dagaalada ka jira Suudaan iyo sidii loo sii wadi lahaa dhameystirka waxbarashadooda.

Ismaacil Yuusuf  Cismaan,waxa uu tilmaamay in Magaalada Muqdisho ay soo gaareen arday lagu qiyaasay 1270,halka ilaa sadex boqol oo arday ay gaareen gobolada dalka mwuxuuna intaa raaciyay in wasaaradda waxbarashada ay gacan ka geysaneyso meeleynta ardaydaasi.

Guddi uu magacaabay r/wasaaraha dalka ayaa ku howlan wax u qabashada ardayda ka soo cararay Suudaan,iyadoo safaaradda Suudaan ee Soomaaliya lagala tashanaayo xogaha ardayda ee ka diiwaangashan jaamacadaha Suudaan.