Safiirka JFS ee Shiinaha oo kullan muhiim ah kaga qeyb galay Beijing

Date:

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Cawaale Cali Kullane, ayaa ka qeyb galay kulan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha, kaas oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee ee Beijing.

Kullanka, ayaa daarnaa dadaallada horumarinta, hal-abuurka, iyo iskaashiga caalamiga ah ee Shirkadda tareennada (China Railway Group Limited (CREC). Intii ay socotay munaasabadda, mas’uuliyiinta CREC waxay ka wada hadleen sida ay uga go’an tahay horumarinta tayada sare leh, hal-abuurka, iyo ilaalinta deegaanka.

Danjire Kullane, ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya u xiisaynayso xoojinta xiriirka laba geesoodka ah, wuxuuna bogaadiyay ka qeyb qaadashada CREC ee kaabayaasha tareennada Shiinaha.

Diblomaasiyiinta ayaa sidoo kale booqday hoolka bandhigga ee CREC si ay wax uga ogaadaan waxyaabihii u qabsoomay shirkadda iyo qorshaha mustaqbalka.

Ugu dambeyn, Danjire Kullane ayaa iftiimiyay horumarka Shiinaha uu ka sameeyay kaabayaasha tareenada, wuxuuna rajo ka muujiyay isweydaarsiga aqoonta iyo kor u qaadida wacyiga iyo aqoonta Soomaaliya u leedahay Barnaamijkan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya iskaashi ku aaddan horumarinta khayraadka dabiiciga ah

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan...

Soomaaliya iyo Cumaan oo xoojinayo iskaashiga dhinacyada Gaadiidka iyo Isgaarsiinta

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo Afgooye ka furay tababar howl-wadeennada doorashooyinka

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

W/ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo Muqdisho ku soo dhaweeyay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud QM ee arrimaha gargaarka

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Xasan Maxamed...