Home Blog Page 440

Hay’adaha amniga oo ku guuleystay in ay fashiliyaan Dhagarta aan muuqan ee Khawaarijta (Warbixin)

18-kii May, Sanadkan 2023, todobaadkii hore Al-shabaab waxay lumiyeen Kunteenar hub iyo walxaha qarxa isugu jira oo ay doonayeen in ay ku gumaadaan Dalka iyo dadka, balse waxaa gacanta ku dhigay hay’adda Sirdoonka Qaranka NISA.

” Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa Dekada Muqdisho ku qabatay allaabo ay ciidamada isticmaalaan oo ay ku jiraan saanad ciidan, kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-shabaab, sirdoonka Soomaaliya ayaa si dhow ula socday saanadan ciidan ee loogu soo dhex qariyay Badeeco ganacsi ahaan Dalka loo soo gelinayay, ilaa iyo wadanka laga soo qaaday iyo muddadii laga shaqeynayay intaba, NISA ayaa sidoo kale la socotay dhaq-dhaqaaqa iyo xiriirka Shabakadda ballaaran oo kala joogay dibadda, Muqdisho iyo gobollada,kuwaas oo ka wada shaqeynayay soo iibinta, soo rarista soo dejinta Dekada ila gaarsiinta gacanta Khawaarijta,” ayuu yiri wasiirka ku-xigeenka amniga gudaha Soomaaliya.

Labo maalin ka dib, 20-kii May 2023, isla sanadkan, 11-kii barqanimo kunteernarkii labaad ayaa galay gacanta NISA, waa qalab ku fadhiyay qiimo sare, bale waa guuldaro kale oo Al-shabaab ay la kulmayaan maalmo is-xig-xiga oo xanuun badan.

” Maanta halkan waxaa yaallo kunteenarkii labaad ee la qabtay, runtiina howlgal wali socda oo aad iyo aad u ballaaran weeye, waxaa runtii hambalyo, bogaadin iyo duco mudan ciidanka qaranka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka NISA oo shaqadan aadka iyo aadka u weyn qabtay, dadka Soomaaliyeedna ka badbaadiyay dhagarta weyn ee Khawaarijta soo maleegtay, sidoo kalena, ku guuleystya in wixii ugu weynaa ee Khawaarijtu ku faani jirtay ee ahayd inaan xogtooda la heli karin beeniyay,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta XFS Mudane Al-caddaala.

Isla labaatankii May, kumaandooska Gor Gor ayaa gacanta ku soo dhigay afar dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta, halka Mahad Caga-duub oo ahaa madaxii Khawaarijta u qaabilsanaa Sakawaadka deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud uu wadno istaag u dhintay ka dib markii uu isku dayay inuu orod kaga baxsado Kumaandooska Gor Gor.

Kooxdan ka tirsan argagixisada naflacaariga ah ee Al-shabaab ayaa u yimid deegaannadaas in lacago baad ah ka qaadaan, balse dadka deegaanka oo la soo xiriiray ciidanka xoogga Dalka ayaa u suurta gashay in ay gacanta ku dhigaan afar ka mid ah Khawaarijta, halka horjooge Mahad Caga-duub uu isku dayay inuu ka baxsado ciidanka, balse ugu yaraan markii uu 3km ordayay ayuu istaagay wadnaha, sidaas meesha ugu quur baxay.

Mahad oo ahaa madaxii Sakawaadka deegaannada Meexaan, Towfiiq, Cali Afrax iyo Budbud ayaa hadda wax Sakawaad dambe ah ka uruurin doonin shacabka  dhammaan deegaannadaas.

Haatan, waxaa xiran oo xukun sugayaal ah  khwaarijta kala ah Cantoob Xiise waa xubin ka tirsan Khawaarijta una qaabilsanaa muddo afar sano Maaliyadda,Jaajuusnimada khaarijinta shacabka Muslimka ah, Yaasiin Cabdulle Cadde asna waa xubin ka tirsan Khawaarijta, wuxuuna muddo 7-sano ah ka tirsanaa kuwa qaada Badda , Siciid Naxar Maxamuud waa xubin ka tirsan khawaarijta wuxuu la shaqeynayay muddo 2-sano ah, kaas oo u qaabilsanaa dabagalka iyo gudbinta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed, dhammaan hadda waa kuwo xiran oo xukun sugayaal ah.

Amarkii Maareynta Mooto Bajaaj-ta oo maanta Muqdisho ka dhaqan galay

Waxaa Muqdisho ka dhaqan galay amarkii Maamulka Gobolka Banaadir uu ka soo saaray kaltanka gaadiidka loo yaqaanno Mooto Bajaajta laga bilaabo maanta oo Khamiis ah, bishuna tahay 25-5-2023, kaltankan shaqada Mootooyinka Bajaajta ayaa waxuu ku bilowday kuwa leh midibka Jaalaha ah ee ku sundan xarafka (A), halka barrina ay shaqeyneyn doonaan Mootooyinka leh midabka Buluugga ah ee ku sundan xarafka (B).

Sida uu sheegay Af-hayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, waxaan gabi ahaanba magaalada ka shaqeyn doonin Motooyinka aan midabeysneen ee anan ku sundaneen Xarfaha A iyo B, iyo kuwa aan marin habracii rasmiga ahaa, kuwaasi oo Hey’addaha amniga lagu amar inay qabtaan.

Dhaqan galinta amarkan ayaa yimid kadib markii Golaha Wasdiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ay dhawaan soo sareen go’aan ku aaddan xadeeynta Mootooyinka Pajaajta loo yaqaanne ee ka shaqeeya Caasimadda, si loo meesha looga saaro saxmada ka jirta wadooyinka magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaarada Gadiidka iyo Duulista hawada oo kulan Gaara la qadatay Ra’iisulwasaaraha Dalka Malaysia

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukumadda Federalka Soomaliya Xildhibaan Fardowso Cisman Cigal oo Maal mahan Safar shaqo ku joogtay Dalka Malaysia ayaa kulan gaara la qadatay Ra’iisulwasaaraha Dalka Malaysia,Mudane Yab Dato’ seri Anwar iyo wasiirka Arimaha Dibadda Ee Dalka Malaysia Zambry Abdul Kadir.

Wasiir Fardowso ayaa salaan ka Gaadh’siisay Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaliyaa Dr Xasan Shekh Maxamuud, iyo Guud ahaan Shacabka Somaliyeed.

Wasiir fardowsa ayaa uga mahad celisay Ra’iisulwasaaraha sida ay shacabka Soomaaliyeed uga saacideen dhanka Waxbarashada Muddadii Bur-burku dalku ku jiray.

Kulankan ayaa waxa sidoo kale looga wada hadlay sidii labadda dal isaga kaashan lahaayeen dhinacyada horumarinta iyo arrimaha hor tebinta u leh labadda dal.

Mareykanka oo xayiraad kusoo rogay shiqsiyaad Soomali ah iyo Shirkado

Xafiiska Mareykanka u qaabilsan koontaroolka hantida shisheeye  ee Waaxda lacagta ayaa xayiraad ku soo rogay  26 qof oo lagu eedeeyay inay xiriir la leeyihiin kooxda Al Shabaab.

Xayiraaddaan oo sidoo kale lagu soo rogay todobo shirkadood , waxaa dadka la bartilmaameedsaday kamid ah 15 ‘fududeeye iyo shaqaale, 4 nin oo ganacsato ah oo dhoofiya dhuxusha,kana tirsan Al Shabaab.

Waxaa kaloo dadka la bartilmaameedsaday ku jira hogaamiye goboleedyo muhiim ah, dad gacan saar la leh’ iyo wax Maraykanku ku tilmaamay ‘xubno ka tirsan argagixisada Soomaaliya oo ku lug leh hawlo fara badan oo ay ku taageerayaan Al Shabaab.

Dadka la xayiray ayaa la tilmaamay in ay ku lug lahaayeen fududaynta dhaqaalaha, hawlaha ganacsiga, canshuuraha lagu uruuriyo magaca kooxda, samaynta waxyaabaha qarxa ee gacan ku samayska ah iyo dhuxusha sida qarsoodiga ah looga dhoofiyo Soomaaliya.

Xubnahaas Al Shabab lala xiriiriyey waxay warbixinta Maraykanku sheegtay inay ahaayeen hogaamiye goboleedyo muhiim u ah Al Shabaab oo jooga Shabeellada Hoose, Jubbada hoose iyo Jubbada dhexe.

Hasaan Abshir Xuurow

Aadan Yusuf Siciid Ibraahim

Muumin Dheere  

Macalin Burhan

Cali Axmed Xuseen  

Axmed Kabadhe  

 Siyaad Ayuto

 Maxamed cabdullaahi Xiireey

 Cabdi Roobow (Roobow)

.Xasan Yariisow Aadan 

 Siciid Cabdullaahi Aadan

Aadan Jiis  

Cumar Guhaad 

.Cali Axmed

Bashiir Khaliif Muuse 

Maryan Barre 

Cabdiwahaab Nuur Cabdi

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shalay galinkii dambe madasha shirka Sharm el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen xoojinta mashaariicda Bagiga uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii uu gacan uga geysan lahaa barnaamijka hormarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay waddo.

Dr Adesina ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay barnaamijka deyn cafinta, isaga oo sheegay in bangigu kor u qaadi doono taageerada uu siiyo mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

 

Wasiirka Maaliyadda oo Sharma Shiikh kula kulmay wasiirka horumarinta caalamiga ah ee dowladda Canada.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar waxa uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Canada Mr. Harjit Sajjan iyo masuuliyiintii la socotay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray Hannaanka Isbadalka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka arrimaha deyn-cafinta.
Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in uu kala hadlay taageerada ay ka geysan karaan saameynta dhaqaale ee isbadalka cimilada oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka uu saameynta xoogan ku yeeshay.

Wafdi saraakiil ah oo ka socda Booliiska Turkiga oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay.

Wafdi ka socda Boliiska Gaarka ah ee Ozil Harakat ee Dowlada Turkiga, ayaa maanta booqasho koban ku soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaliyeed, S/Guuto. Cusmaan Cabdulahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil kale ee Boliiska Soomaliyeed ah ayaa Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Adan Cade ku soo dhaweeyey.
Waftigaan ayaa u yimid in ay booqdaan, Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan Boliiska Gaarka ah ee Haramcad oo ay Dowlada Turkigu tababarto.
Waftiga oo ka koobnaa 4 Sarkaal ayaa dhamaantood ka socday Ciidanka Ozel Harakat. Waxeyna kala yihiin.
1-Selami TÜRKER Özel Harekat Başkanı 1.Sınıf Emniyet Müdürü (Taliyaha özel Harekat).
2-Ali TÜREDİ Dış İlişkiler Daire Başkanı 1.Sınıf Emniyet Müdürü (Taliyaha Arimaha Dibadda).
3-Turgay OLGUN Dış İlişkiler Daire Başkan Yardımcısı 2.Emniyet Müdürü (Taliye kuxigenka Arimaha Dibadda).
4-Sıddık Mustafa ÜLGER Özel Harekat Başkanlığı Komiser (sarkalka özel harekat kamida).
Booqashadaan rasmiga ah ayaa mudo dhan dhowr cisho waftigu ku joogidoonaan Magaalada Muqdisho.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1- Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo maanta Muqdisho ka furmaya, loogana hadli doono qorsheyaal muhiim u ah dalka.
2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta uga waramey horumarka Soomaaliya ay ka sameysay dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab, qorshaha ciidammada Soomaaliya kula wareegayso amnigeeda, deyn cafinta iyo xasilinta dalka.
3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa uu sidoo kale Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta ka sheegay inuu soo dhoweynayo dib ugu soo noqoshada ururka ee Jamhuuriyadda Carabta ee Suuriya, isagoo dhanka kalena ku celiyay baaqii ahaa in dhinacyada isku haya Suudaan ay colaadda joojiyaan, wadahadalna ku xaliyaan khilaafkooda.
4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Jeddah kulamo kula yeeshay qaar ka mid ah madaxda ka qeybgashey Shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta.
5- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Dooxa kulan miradhal ah kula yeeshay Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad Al Thaani.
6- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Rugta Ganacsiga iyo ganacsatada Qatar uga waramey fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya.
7- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dooxa kula kulmey saraakiil ciidan Soomaaliyeed oo tababar uga socdo Qatar, isagoo ku booriyay inay isku diyaariyaan ka qeyb ahaanshaha hawlgalada dalka looga xoreynayo Khawaarijta Al Shabab.
8- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daah-furay dhaqan gelinta shuruucda Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo la jaan qaadaysa heerarka caalaamiga ah ee hay’adaha duulimaadyada.
9- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga ayaa sheegay in lagu guuleystey sugidda amniga caasimadda Muqdisho, taas oo sare u qaadday kalsoonida shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan dowladdooda.
10- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka sandadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika.
11- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo daah furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo siyaasadda qaran ee dhallinyarada.
12- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la yeeshay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, kaas oo looga hadlay qodobada mudnaanta u leh horumarinta dhaqaalaha dalka iyo barnaamijka dayn cafinta.
13- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa agaasimeyaasha guud iyo maareeyeyaasha haya’adaha dowladda farey kor u qaadista hufnaanta, isla xisaabtanka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, una sheegay in xukuumaddu muhiimad gaar ah siinayso hufnaanta adeegyada bulshada.
14- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeybgaley munaasabad si rasmi ah loogu shaacinaayey macalimiinta kuy guuleysatey barnaamijka shaqaaleynta macalimiinta cusub ee dugsiyada dowladda.
15- Hay’adda Lacagta Aduunka ayaa shaacisay in Dowladda Soomaaliya ay ka gudubtay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee barnaamijka (ECF) ee deyn Cafinta Soomaaliya.
16- Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa gaaray magaalada New York halkaas oo uu ka dhacayo shir caalami ah oo dhaqaale yabooh loogu samaynayo dalalka Bariga Afrika ee abaaraha ay saameeyeen.
17- Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya ayaa Muqdisho ka furtay qeybta koowaad ee kulanka wadatashiga diyaarinta istiraatiijiyadda qaran ee warbaahinta iyo wada xiriirka.
18- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho iyo Garoonka Aadan Cadde ku qabtay shixnad ciidan oo ku socotey Khawaarijta Al-Shabaab.
19- Ciidamada Booliiska Degmada Wadajir oo kaashanayo dadka degaanka ayaa fashiliyay qarax argagixisada ay doonayeen inay shacabka ku dhibaateeyaan.
20- Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno ku ridday askartii ka dameeysay weerarkii ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, 27-kii Bishii Febraayo ee sanadkaan.
21- Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa furay kulan farsamo oo looga arrinsanayo hawl-gelinta hannaanka caddaaladda iyo asluubta ee ay dhawaan Golaha Wadashiga Qaran heshiis ka gaareen.
22- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Muqdisho ka daah-furay kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya.
23- Shir ay isugu yimaadeen dalalka Safka hore ee hoggaaminaya hawlgalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta ayaa ka dhacay Muqdisho.
24- Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur oo tababar dalka Uganda ugu soo xirey urur gaar ah (special force ) oo ka tirsan Xoogga Dalka, kuwaas oo dhameystey tababar heerkiisa aad u sareeyo.
25- Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Faarax Cabdulqaadir Sheekh ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee Dalka Qadar kula kulmay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar Mudane Khaliifa bin Jassim Al Kuwari.

Shirka Madasha wadatashiga Qaranka oo ka Furmay Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.
Shirkan ayaa looga arinasanayaa xaaladda amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta, dhameystirka deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen golaha wadatashiga qaran.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)

Ciidanka Qaranka oo howlgal ka sameeyay Degmada Jilib

Ciidanka Qalabka sida oo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah ayaa weerar ka fuliyay magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe, halkaasi oo xarun u ah Khawaarijta Al-Shabaab.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidanku khasaare xooggan ugu geysteen Khawaarijta kaas oo isugu jirta dhimasho, dhaawac iyo qalab la burburiyay.