Kolonyadii uu horreysay ee gaadiid gargaar siday ayaa gaarartay dhullka Woqooyiga Galbeed Suuriya ku yaalla ee ay Mucaaradku gacanta ku hayaaniyagoo ka yimid Turkiga.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda ayaa booqasho ku tagay safaarada dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye si uu ugu tacsiyadeeyo Dowladda iyo shacabka Turkiga dadkii ku dhintay musiibadii dhulgariirka ahayd ee ka dhacday isniintii la soo dhaafay.
Taliska Boliiska Saldhigga Degmada Dharkenleey ayaa gacanta ku dhigay seddex nin oo la sheegay in dadka Barackayaasha ah ee nool duleedka Magaalada Muqdisho ku dhacayeen Kaarar Been-abuur ah,iyaga oo dadka u sheegayay in ay yihiin Hey’adaha Ka shaqeeya Arrimaha gargaarka.
Kulanka oo ay ku wehliyeen Wasiirru Dowlaha, Marwo Nuura Mustaf Guudow, Wasiir Ku Xigeenka, Mudane Axmed Cismaan Daqare iyo maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxay warbixin faahfaahsan ka siiyeen Ra’iisul Wasaaraha Daahfurka Hannaanka iyo Habraaca loo maray qaadashada macallimiinta cusub.
Wasaaradda Waxbarashada oo toddobaadkan daahfurtay barnaamijka qaadashada macallimiinta cusub, ayaa sheegtay in habraaca ay ka wada heshiiyeen madaxda heer federaal iyo heer maamul gobolleed, kadib kulan 10 maalmood qaatay oo wasaaraddu soo qabanqaabisay oo magaalada Muqdisho ku yeesheen mas’uuliyiinta wasaaradda iyo wasaaradaha maamul gobolleedyada.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo ka hadlay kulanka ayaa ku amaanay Wasiirka iyo Masuuliyiinta kale ee waxbarashada waxqabadka iyo tallaabooyinka muuqda ee ay qaadeen taasi oo wax weyn ka tareysa haqabtirka baahida waxbarasho ee ubadka Soomaaliyeed, isaga oo kula dardaarmay inay sii laba jibaaraan dadaalka ay sare ugu qaadayaan heerka waxbarashada.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed General Sulub Axmed Firin ayaa kulan Tacsi ah ugu tagay Safarada Dowladda Turkiga ay ku leedahay Magalada Muqdisho si uu uga Tacsiyeeyo Dowlada Iyo Shacabka Reer Turkiga musiibadii Dhulgariirka aheed ee ku dhufatay dalkaas.