Home Blog Page 433

Aqalka sare ee BFS oo ansixiyay guddiyada joogtada ah ee golaha

Mudanayaasha golaha Aqalka sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay guddiyada joogtada ah ee golaha oo isku shaan-dheyn lagu sameeyay.

Kal fadhiga labaad, kulankiisa saddexaad Aqalka sare ee BFJS ayaa waxaa guddoominayay , guddoomiyaha golaha Aqalka sare Sen; Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyadoo ay goob joog ahaayeen labadiisa ku xigeen.

Dood dheer ka dib, waxaa isku shaandhaynta guddiyada joogtada ah ee golaha Aqalka sare ku dhowaaqay xoghayha guud ee golaha Aqalka sare BFS, Cabdinaasir Ibraahim.

Guddiga xeer hoosaadka anshaxa, xasaanadda iyo daryeelka Sanatarrada

1-Sen; Cabdi wali Maxamed Ibraahim (Xaabsade) guddoomiye

2-Saen; Duniyo Maxamed Cali  -Guddoomiye ku xigeen

3-Sen; Bilaal Idiris Cabdullaahi –Xog haye

4-Maxamed Cali Yuusuf  (Gaagaab) Xubin

5-Xasan Ibraahim Yaroow- Xubin

6-Iftiin Xasan Iimaan-Xubin

Gudiga garsoorka, arrimaha diinta awqaafta, xuquuqul insaanka haweenka iyo carruurta

1-Sen; Naciima Xasan Xaaji Maxamuud–Guddoomiye

2-Sen; Leyla Nuur Maax- Guddoomiye ku xigeen

3-Sen; Cali Maxamuud Gacal –Xog haye

4-Sen; Cabdi Ismaaciil Samatar-xubin

5-Sen; Farxaan Cali Maxamuud -xubin

 

Ciidanka Kenya oo dilay 60 ka tirsan khawaarijta Al-Shabaab

Ciidamada Kenya ayaa deegaanka u dhaxeeya Lamu iyo Tana  River ku dilay In ka badan 60 qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal lagu magacaabo Kithure Kindiki.

Howlgalkaan oo dhacay maalinimadii shalay ayaa yimid,kadib markii kooxaha argagixisada ay weerareen afar bas oo ay saarnaayeen in ka badan 200 oo rakaab ah.

Wararka ayaa sheegaya in laba qof ay ku dhinteen rasaastaasi, toban qof oo kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo ,kadib markii ciidamada Kenya ay ku baxeen shilkaasi.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Kenya ayaa sheegtay in ay wadaan baaritaanno iyo howlgallo ka socda kaynta Boni,kadib markii  kooxahaasi lagu jabiyay  dagaalka,isla markaa ay ku carareen dhulka howdka ah

Wasiirka Warfaafinta oo ka war bixiyay waxqabadka dowladda ee todobaadkii tagay

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS Mudane, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ka warbixiyey waxqabadka dowladda ee todobaadkii tagay iyo guulaha laga gaaray la dagaallanka kooxaha khawarijta .

Wasiirka ayaa ugu horreyn sheegay in goobo hor leh laga xoreeyay cadowga, casharro lama illaawaan ahna lagu siiyay degaanno ay shacabka ku dhibaatayn jireen, iyadoo la burburiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen khawaarijta.

Wasiir Aweys ayaa sheegay in cadowga laga dilay 100 malleeshiyo ah inta u dhaxaysa Shabeellada dhexe iyo Galgaduud, halka degaanka Goof-guduud buureey ee ka tirsan gobolka Baay argagixisada looga dilay 60 dhagar qabe, iyadoo ay jiraan goobo kale oo khawaarijta lagu laayay hub iyo saanad bandanna looga furtay.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska XFS ayaa ugu dambayn u mahad celiyay geesiyaasha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo shacabka oo iska kaashanayay howlgalladaasi.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey Guddiga Qaran ee La-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo Ka-hortagga Maalgelinta Argagaxisada, isagoo ka dhegeystay warbixin ku saabsan miro-dhalka qorshaha qaran ee curyaaminta awoodda dhaqaale ee argagixisada Al-Shabab

2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la yeeshay Kaaliyaha Xoghayaha Maaliyadda ee Mareykanka u qaabilsan arrimaha argagixisada iyo ka hortagga maalgelintooda Mudane Brian Nelson. Waxaana uu Madaxweynaha kulankaasi ku soo bandhigay talaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya ay ku wiiqday dakhliga iyo dhaqaalaha Khawaarijta Al Shabab.

3-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer ku tegay Xerada Tababarka Ciidanka ee Turki-Som, oo lagu tababaro qeybo kala duwan oo ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa Degmada Heliwaa ee magaalada Muqdisho kaga qayb kulan lagu xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha nabad galayada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

5-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo madaxweynaha Kenya William Ruto kala hadlay in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo dal ku galka Kenya iyo ciribtirka Khawaariijta, kadib kulan ka dhacay magaalada Daressalam ee dalka Tanzania.

6-Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo qaabilay Ergeyga Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ee Geeska Afrika Mohamed Abdi Affey.

7-Ra’iisal Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo Daressalam kula kulmay  Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan oo ay ka wada hadleen iskaashiga iyo xiriirka labada dal.

8-Xildhibaanada labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey dib u eegista miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2023-ka.

9-Shirka toddobaadlaha ee Golaha Wasiirrada oo looga hadley xaaladda amniga dalka, isla markaana lagu meel mariyay ilaa iyo 5 hindise sharciyeed.

10-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda Ruushka Timur Igorevich Maksimov oo kala saxiixday heshiis ay Russia kaga cafisay Soomaaliya deyn gaareysa 684 milyan oo dollar.

11-Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac iyo Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Talyaaniga ayaa magaalada Rome ku kala saxiixday heshiis iskaashi iyo taageero la siinayo Soomaaliya.

12-Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa soo dhoweysay $75 million oo dollar oo Bankiga Adduunka meel mariyey si loogu kabo miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya, loona dhiirigeliyo dadaalada kobcinta dhaqaalaha iyo dib u habeynta maamulka maaliyadda.

13-Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa Baarlamanka Federaalka  uga warbixiyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in ay ku biirto Ciidanka Heeganka Bariga Afrika, isagoo ka codsaday in ay meel mariyaan heshiiskan.

14-Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa saxiixay Siyaasadda Qaran ee Hubinta Da’da Carruurta.

15-Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ayaa inta u dhexeysa Shabeelaha Dhexe iyo Galguduud ka fuliyay hawlgal milateri oo lagu baacsanayo Khawaarijta, waxaana halkaasi lagu dilay in ka badan 100 ka mid ah Khawaarijta, laguna burburiyay gaadiid iyo qalab kale oo cadowga uu lahaa.

16-Guddiga Dib u Eegista Dastuurka oo bilaabay ka doodista heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaranka.

17-Dhegeysiga dacwadaha musuqmaasuqa ee loo haysto hawlwadeeno ka tirsan dowladda oo weli ka socda Maxkamada Gobolka Banaadir.

18-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale ( Madaale) oo ka qeybgaley shaacinta natiijada imtixaanka Fasalka 8aad ee sannadka 2022/2023.

19-Wasiirka Amniga Soomaaliya Dr Maxamed Sheekh Cali oo hortagay Guddiga Amniga iyo Difaaca ee Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

20-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa kormeer shaqo ku tagay xerooyinka General Daaud iyo General Dhegabadan oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

21-Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa daah furay munaasabadda xuska Toddobaadka Naas-Nuujinta Adduunka.

22-Taliyeyaasha ugu sarreeya Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo gabagabeeyay kulan looga hadlay qiimeynta wajigii koowaad ee ka bixitaankii ciidanka ATMIS ee Soomaaliya iyo u diyaargarowga wajiga 2-aad oo la filayo in la soo gunaanado bisha September ee soo socota.

23-Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in burburinta dhisma diblomaasiyadeed oo ku yaalla Muqdisho ay ka dhalatey codsi ka yimid Dowladda Talyaaniga oo dhulkaasi mulkiyad sharci ah u leh.

24-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo Daraawiishta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed ayaa hawlgal ka fuliyay Ceel Dhuun oo ka tirsan degaanka Goof Gaduud Buurey ee Gobolka Bay, halkaas oo lagu dilay in ka badan 60 ka tirsan maliishiyaadka Khawaarijta Al Shabab.

25-Wasiirka Ku-Xigeenka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Mudane Cabdixakiim Xasan Ashkir oo kulan la yeeshay Ergeyga Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR) Maxamed Cabdi Afey.

26-Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa  kaluumeysato ajnabi ah ku xukuntey midkiiba lacag dhan $12000 oo dollar, isla markaana lala wareegi doono doomihii ay ku kaluumeysanayeen.

27-Kulanka seddax biloodlaha ah ee isku duwidda howlaha caafimaadka oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka furmay magaalada Muqdisho,waxana looga hadlayaa horumarinta caafimaadka dalka.

28-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ah oo ku saabsan dardargelinta amniga caasimadda.

29-Wasiir Ku-Xigeenka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim  ayaa xaqiijiyey in 14 sarkaal loo xiray baaritaanka qaraxii ka dhacay Xarunta Kuliyadda Jaalle Siyaad.

30-Dowladda Soomaaliya oo dowladda Talyaaniga kala wareegtay gargaar loogu talagalay dadka ku barakacay dagaalada Laas Caanood.

 

Madaxda dalalka ECOWAS oo ka wada hadlaya arrimaha Niger

Madaxda dalalka xubnaha ka ah ururka “Economic Community of West African Republic (ECOWAS)” ayaa waxuu maanta oo Arbaca ah kulan ugu bilaaban doona magaalada Abuja, si ay uga wada hadlaan afgambigii ka dhacay dalkasi Niger.

Hogaamiyayaasha Galbeedka Afrika, ayaa maanta shir aan caadi ahayn Nigeria ku yeellanaya, kaasi oo looga arrinsanayo afgambigii dalkaasi dhawaan ka dhacay.

Wefdi ka socda Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore ee Nigeria Abdusalam Abubakar, ayaa sidoo kale lagu wadaa in maanta ay garaan dalka Niger, si uu gacan looga geysta arrimaha Niger.

Xudduudaha dhulka iyo cirka ee ay Niger la leedahay dalalka Algeria, Burkina Faso, Libya, Mali iyo Chad, ayaa dib loo furay kadib ka dib afgambigii dalkaasi ka dhacay, sida uu telefishinka qaranka ka sheegay mid ka mid ah kooxaha afganbisay Madaxweynahii Niger.

 

Wasiirrada Isgaarsiinta iyo Arrimaha Gudaha ee XFS oo ka wada hadlay doorka shaqo ee ay wadaagaan

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda XFS, Jaamac  Xasan Khaliif ayaa maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka oo ay wehliyeen Maareeyaha iyo Maareeye-kuxigeenka Hay’adda Diiwaangelinta iyo  Aqoonsiga Dadweynaha.

Labada Wasiir ayaa waxay ka wada hadleen doorka shaqo ee ay wadaagaan iyo sida ay iskaga kaashan lahaayeen hawlaha Xukuumadda Dan Qaran u leh hortebinta iyo qaybaha ay u xilsaaran yihiin in ay iska kaashadaan.

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda XFS, ayaa sheegay in waxyaabaha la iska kaashanayo oo dadweynaha loogu adeegayo ay ka mid yihiin in bulshada lagu gaarsiiyo adeegga aqoonsiga sida ugu sahlan, iyadoo la daboolayo kuwa baahiyaha gaarka ah qaba.

“Adeegga Aqoonsiga dadweynaha hirgelintiisa iyo horumarintiisa waxaa tiir u ah isgaarsiinta, iyadoo sidoo kale sugidda amniga isgaarsiinta uu aqoonsigu lafdhabar u yahay”.

Wasiirka Amniga koofur galbeed oo la kulmay saraakiisha ciidamada iyo maamulka degmada Baraawe

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Xasan Cabdulkadir  Mohamed oo ay wehliyaan Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose iyo kan Caasimada Baraawe ayaa kulan looga hadlayey Xaalada Amniga Degmada la qaatay Saraakiisha Ciidamada Amaanka, Booliska, Nabad-sugida, Xoogga Dalka, Booliska gaarka ah ee KG iyo ATMIS.

Wasiirka Amniga koofur galbeed Mudane, Xassan Cabdulkadir ayaa Saraakiisha Ciidanka kula dardaarmay in ay wadashaqeyn wanaagsan ay yeeshaan lana xaqiijiyo amniga Magaalaada.

Gudaha Wararka Wasiirka Cadaaladda XFS” Ma jiraan Maxaabiis Roman ah oo 10 sano ku xiran Xabsiga dhexe”.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS mudane, Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay xabsiga dhexe ee magaalada muqdisho, isagoo ka war bixiyay xaaladda maxaabiista halkaasi ku xiran.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin maxaabiis Roman ah ama lagu hayo 10 sano Xabsiga dhexe ee muqdisho, isagoo xusay in maxaabiista aan la maxkamadayn muddadii loogu tala galayna dhaafay ay sida ugu dhaqsiayah badan cadaalad ku heli doonaan.

Wasiirka cadaaladda XFS oo ka jawaabayay hadal haynta ah in ay jiraan maxaabiis xiran10 sano oo ay bulshadu is weydiineyso ayaa yiri, “Ma jiraan Maxaabiis Roman ah oo 10 sano ku xiran Xabsiga dhexe”.

Ciidamada Ruushka oo sheegay inay ka hortageen weerarro lagu qaaday qaar ka mid ah Marakiibtooda

Ruushka ayaa sheegay in ay burburiyeen saddex doonyood oo ah kuwa aan cidina wadin oo laga leeyahay dalka Ukraine, kuwaas oo doonayay in ay weerar ku qaadaan laba markab oo ay leeyihiin ciidamada badda Ruushka oo marayay badda madow

Wasaaradda difaaca Ruushka, ayaa sheegtay in werarkan uu dhacday saacadihii hore ee saakay, uuna ka dhacay meel saddex boqol iyo afartan kilomitir koonfur-galbeed ka xigta Sevastopol ee Crimea.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in ciidamadeeda badda ay burburiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, kuwaas oo bartilmaameedsanayay maraakiib ganacsi oo Ruushku leeyahay oo ku sii jeeday marinka Bosphorus.

Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu duqeeyey Shabeelaha dhexe

Howlgal lagu burburiyey fariisin ay leehaayeen maleeshiyaad Khawaarij ah, gadiid iyo saanad ciidan ayaa ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxay ka fuliyeen galabta deegaanka Sigato oo hoos taga degmada Ruunnirgood ee gobalka Shabeellaha dhexe.

Howlgalkaan ayaa khasaaro xoog leh waxaa lagu gaarsiiyay danbiilayaashii Khawaarijta ahaa ee ku sugnaa goobta uu howlgalka ka dhacay.

Goor dhow la soco faah-faahin dheeraad ah iyo khasaaraha dhabka ah ee Khawaarijta ka soo gaaray howlgalkaan.