Home Blog Page 434

Hay’adda Maaraynta iyo hay’adda WFP oo daah-furay Mashruuc gargaar cunto deg deg ah oo loogu talagalay bulshada Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen

0

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, hay’adda WFP, Safaaraddaha boqortooyada Saudi Arabia iyo Boqortooyada Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa si wadajir ah u daah-furay Mashruuc gargaar cunto deg deg ah oo loogu talagalay bulshada Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Ra’iisul Wasaare Hamse iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada oo maanta tagay safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre oo ay wehliyaan xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ayaa maanta tagay safaaradda dalka aan walaalaha nahay ee Turkiye si uu uga tacsiyeeyo Dowladda iyo Shacabka Turkiga dadka ku dhintay musiibadda dhulgariirkii ka dhacay Isniintii.

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda BFS oo kulan yeeshay

0

Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta & Iskaashiga Caalamiga ah iyo La xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ayaa maanta  wuxuu kulan ajandihiisu ahaa dulmarka guud ee Hindise Sharciyeedka Lagu hagayo Nidaam Maaliyadeedka Kheyraadka Dhulka hoostiisa oo muhiim u ah deyn cafinta dalka ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa.

Golaha Wasiirrada XFS oo maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Ahmed Isse Gutale

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa saaka cod aqlabiyad ah ku ansixiyay magacaabista Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka Avv: Ahmed Isse Gutale, kadib kulankii Golaha Wasiirrada ee toddobaadlaha oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Hamza Abdi Barre

[DAAWO] Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo xariga ka jaray xafiiska guddoonka golaha oo dib u dhis iyo balaarin lagu sameeyay

0

Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xarigga ka jaray xafiiska guddoonka islamarkaana dhagax dhigay xafiisyadda guddiyadda Golaha Shacabka BJFS.

Wasiirka Amniga Jubbland oo kulan la qaatay Saraakiisha Kala duwan ee Ciidanka hay’adda Sirdonka iyo Nabad Sugidda Jubbaland ee degmada Afmadow

0

Wasiirka amniga gudaha Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xusseen Cismaan (Dhuumaal), Taliyaha qaybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Jubbaland ayaa kulan la yeeshay Saraakiisha Kala duwan ee Ciidanka hay’adda Sirdonka iyo Nabad Sugidda Jubbaland ee degmada Afmadow.

[DAAWO+SAWIRRO] Dhaawacyadii Laascanood oo Muqdisho la soo gaarsiiyey

0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka ee sodma ayaa maanta Magaalada Garoowe  maanta ka soo qaaday dhawacyadda 18 qof  oo kamid ah dadkii dhawacyada halista ah qaba ee ku soo dhawacmay dagaalada culus ee maalintii Afaraad ka socda Magaalada Laascaanood kuwaas oo muqdisho la soo gaarsiiyey.

[SAWIRRO] Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada Kismaayo ku qaabilay Wakiilka gaarka ah e Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmaymadaxweynaha Jamhuuriyadda Talyaaniga

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad soodhaweyn ah oo heerkeedu sarreeyo loogu sameeyey qasriga madaxtooyada dalka Talyaaniga ee Quirinale Palace, halkaas oo uu salaan sharaf ka qaatay ilaalada Jamhuuriyadda.

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka iyo Wasiiradda Gargaarka Maamul Goboledyada oo la kulmay Safiirka dalka Turkiga u jooga Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin oo ay wehliyaan Wasiirrada Gargaarka Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa tacsi ku aadan dadkii ku geeriyooday waxyeeladii ka dhalatay dhulgariirki xoogganaa ee is xigey ee ku dhuftey qeybo ka mid ah dalka Turkiga ugu tegay Safiirka dalka Turkiga u jooga Soomaaliya Mudane Ibrahim Mete Yagli.