Home Blog Page 434

Ciidamada Ruushka oo sheegay inay ka hortageen weerarro lagu qaaday qaar ka mid ah Marakiibtooda

Ruushka ayaa sheegay in ay burburiyeen saddex doonyood oo ah kuwa aan cidina wadin oo laga leeyahay dalka Ukraine, kuwaas oo doonayay in ay weerar ku qaadaan laba markab oo ay leeyihiin ciidamada badda Ruushka oo marayay badda madow

Wasaaradda difaaca Ruushka, ayaa sheegtay in werarkan uu dhacday saacadihii hore ee saakay, uuna ka dhacay meel saddex boqol iyo afartan kilomitir koonfur-galbeed ka xigta Sevastopol ee Crimea.

Sidoo kale, waxaa la sheegayaa in ciidamadeeda badda ay burburiyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, kuwaas oo bartilmaameedsanayay maraakiib ganacsi oo Ruushku leeyahay oo ku sii jeeday marinka Bosphorus.

Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu duqeeyey Shabeelaha dhexe

Howlgal lagu burburiyey fariisin ay leehaayeen maleeshiyaad Khawaarij ah, gadiid iyo saanad ciidan ayaa ciidanka Qaranka oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah waxay ka fuliyeen galabta deegaanka Sigato oo hoos taga degmada Ruunnirgood ee gobalka Shabeellaha dhexe.

Howlgalkaan ayaa khasaaro xoog leh waxaa lagu gaarsiiyay danbiilayaashii Khawaarijta ahaa ee ku sugnaa goobta uu howlgalka ka dhacay.

Goor dhow la soco faah-faahin dheeraad ah iyo khasaaraha dhabka ah ee Khawaarijta ka soo gaaray howlgalkaan.

 

guddoomiye ku xigeenka guddiga oo maanta shir guddoomiyey kulanka maalin laha.

Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Madaxa banaan ee dib u eegsita iyo Hirgelinta Dastuurka Mudane Maxamed Xasan Idiris ( Ganeey) ayaa maanta Shir guddoomiyay kulanka maalin laha ah ee guddiga oo looga hadlay dib u eegista cutubyadda Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta ee guddiga ayaa diiradda lagu saaray ka doodista qodobada 45-aad, 46-aad iyo qodobka 47-aad kuwaas oo ka hadlaya nidaamka iyo mabaadi’da doorashooyinka dalka uu yeelan doono. Iyadoo xubnaha guddiga ay falanqeyn dheer ka yeesheen qodobadaan.

Xuska maalinta Naas-nuujinta Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr; Cali Xaaji Aadam ayaa furay munaasabadda xuska todobaadka Naas-nuujinta Adduunka oo maanta oo kale laga xuso Caalamka.

Munaasabadda ayaa waxaa  ka qeyb galay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Drs; Maryama Maxamed Xuseen, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Shaqada arrimaha bulshada XFS Agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mas’uuliin ka socotey Maamulka Gobolka Banaadir, xubno sare oo ka socday Hey’addaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Caafimaadka, Dhaqaatiir, bahda Caafimaadka, iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda Xuska todobaadka ayaa ujeedadeedu tahay in hooyooyinka lagu dhiirigelliyo iyo in ay nuujiyaan dhallaankooda dhawaan dhashay si kor loogu qaado difaacooda jirka, naaska hooyada waxa Kujira nafaqo dhameystiran oo ilmuhu ubaahanyahay ilaa uu ka gaarayo 6 da bilood ee ugu horeysa Naaska hooyada waxa uu sidoo kale  kordhiyaa Garadka caruurta kaas oo ka dhiga ilmaha mid Caqli badan Maskax iyo jir ahaanna u fiyoow, Wuxuu kaloo ka hortaga xanuunada caabuqa ee ku dhaca Neef mareenka Cunaha iyo Dhagaha.

Halku dhigga Sanadkan ee ay qaadatey Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ah “Fursad u siinta Haweenka shaqeeya, in ay Caruurtooda Naaska nuujiyaan waa waajib bulsho”.

shaacinta natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2022\2023

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay shaacinta natiijada imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023 oo sanadkan ay u fadhiisatay 31,372-Arday oo ka kala socda 76-xarumood iyo 1,592 fasal oo dhamaantood kamid ah dugsiyada Gobolka Banaadir.

Agaasimaha guud ee waxbarashada Gobolka Banaadir Dr. Cabdifitaax Bare oo natiijadaan shaaciyay ayaa sheegay in ay gudubtay 30,837 Arday waxaa dhacay 535 Arday kuwaas oo dhawaan u fadhiistay imtixaanka fasalka 8-aad ee sanad dugsiyeedka 2022/2023.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hambalyeeyay ardaydii gudubtay imtixaanka fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir, isaga oo sidoo kale la dardaarmay waalidiinta Soomaaliyeed.

Ciidanka ATMIS oo u diyaar garoobaya wajiga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya

Taliyeyaasha ugu sarreeya ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa soo gabagabeeyay kulan socday afar maalmood oo looga hadlay  qiimeynta wajigii koowaad ee ka bixitaankii ciidanka ATMIS ee Soomaaliya iyo u diyaargarowga wajiga 2-aad oo la filayo in la soo gunaanado bisha Setembar ee soo socota.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay taliyeyaasha cutubyada shanta dal ee ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya; Kenya, Uganda, Djibouti, Ethiopia iyo Burundi,iyadoo uu shir guddoominayay taliyaha ciidamada ATMIS Lt. Gen. Sam Okiding.

Kulankaan oo halku-dhiggiisu ahaa Xoojinta Wada-shaqeynta ciidanka ATMIS CONOPS,ayaa lagu sheegay in wejiga labaad ee ka bixitaanka Soomaaliya loo diyaariyay 3000 oo askari , halka bishii June ee la soo dhaafay dalka ay ka baxeen 2000 oo ciidan.

Ciidamada ATMIS iyo ciidanka xoogga dalka  ayaa hadda qorsheynaya wejiga labaad ee howlgallada wadajirka ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab ,kadib markii kooxdaasi laga xoreeyey deegaanno badan oo dhaca Hiiraan,Gaalgaduud iyo Mudug.

Kulanka taliyeyaasha qeybaha ayaa afartii biloodba mar la qabtaa si looga hadlo howlgalada  muhiimka ah ee amniga iyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya .

Bayaan ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu faah faahiyey sababta dadka looga saarayo Dhulka (Kaasa Italia ) ee degmada Xamar weyne

Bayaan ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa lagu faah faahiyey sababta dadka looga saarayo Dhulka (Kaasa Italia ) ee degmada Xamar weyne oo ah dhul ay leedahay safaaradda dowladda Talyaaniga.

Warka Maamulka ka soo baxay ayaa lagu yiri” Burburinta dhismaha Xarunta Kaasa Italia waxay ku timid Codsi nooga yimid dowladda Talyaaniga oo dalbatay in dhulkeeda loo baneeyo oo ay u baahan tahay, waxaana bulshada loo sheegayaa inaanu jirin ganacsade ama dowlad Soomaaliyeed oo dhulkaas isticmaali doonta”.

Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta mar kale u fariisanaysa dacwad ka dhan ah eedeeysanayaal loo haysto musuq

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad dhagaysanaysa dacwad ka dhan ah eedeysanayaal loo haysto xatooyo xoolo dad weyne.

Xubnaha ay maanta maxkamaddu dacwaddooda dhagaysanayso ayaa waxaa ka mid ah, Abuukar Maxamed Cali  maamulahii xafiiska canshuuraha berrriga ee wasaaradda Maaliyadda ku leeedahay garoonka diyaaradaha Muqdisho, Maxamed Aadan Cabdullaahi maamulahii Bankiga dhaxe laanta garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo Cabduqaadir Cabdi Socdaal, Qasnajigii Bankiga dhaxe qeybta dakhliga ajaanibta

Taalibaan iyo Maraykanka ayaa yeeshay wadahadaladii ugu horeeyay tan iyo markii Afgaanistaan ​​ay qabsadeen

Hogaamiyayaasha Taliban ayaa kulan kula qaatay dalka Qatar  mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka markii ugu horeysay tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen talada dalka Afgaanistaan ​​labo sano ka hor.

Af-hayeen  u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Afgaanistaan ​​ayaa Isniintii u  sheegay in labada dhinac ay ka wadahadleen  tallaabooyin  lagu  xoojinayo kalsoonida  labada maalmood  ee wadahadalka, oo ay ku jiraan qaadista cunaqabateynta iyo xayiraadaha socdaalka iyo sidoo kale soo celinta hantida bangiga dhexe ee Afgaanistaan ​​ee lagu haysto dibadda.

Wafdiga ayaa sidoo kale ka wada hadlay la dagaalanka maandooriyaha  iyo arrimaha xuquuqul insaanka, ayuu yiri Abdul Qahar Balkhi.

Ma jiro waddan si rasmi ah u aqoonsaday Taliban tan iyo markii ay xukunka ku soo laabteen.

Kooxda ayaa la wareegtay bishii Agoosto 2021 iyadoo dowladda Afgaanistaan ​​ay taageerto reer galbeedka ay burburtay wixii ka dambeeyay ka bixitaankii Mareykanka ee fowdada ahaa ee dalka ka dib 20 sano oo colaad ah.

Tan iyo markii ay la wareegeen Taliban, waxa ay la kulmeysay cambaareyn caalami ah, oo ay ku jiraan dhowr wadan oo Muslimiin u badan, kuwaas oo la xiriira xannibaado ay kooxdu ku soo rogtay waxbarashada haweenka. Afgaanistaan ​​ayaa sidoo kale la daalaa dhacaysa masiibo bini’aadantinimo,

iyadoo ku dhawaad ​​kala bar dadkeeda – 23 milyan oo qof – ay gargaar ka heleen Barnaamijka Cunnada Adduunka (WFP) sannadkii hore.

 

 

Wasiirka cadaaladda XFS oo saxiixay siyaasadda hubinta da’da carruurta

0

Wasiirka cadaaladda iyo arrimaha Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa maanta saxiixay Siyaasadda Qaran ee hubinta da’da carruurta oo dejinaysa baaxadda, shuruudaha, habka iyo fursadaha isticmaalka qiimeynta da’da.
Siyaasadan oo waafaqsan heshiiska xuquuqda Carruurta Qaramada Midoobay (HXCQM) ee ay saxiixday Dowladda Fedaraalka Soomaaliya, waxaa saldhig looga dhigay qaab-dhismeedka dadaallada Qaran ee dib-u-habeeynta shuruucda carruurta oo nidaamka caddaaladda carruurta Soomaaliyeed lagu waafajiyo halbeegyada caalamiga ah