

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa , ayaa looga hadlay amniga dalka, iyadoo lagu ansixiyay Heshiiska Dhismaha Xarunta Dhaxe ee Sanduuqa Caalamiga ah ee horumarinta iyo qorshaynta ee (WFDP) oo laga hirgelinayo Soomaaliya.
Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay guulihii ay ciidamada qaranka ka gaareen xasillinta iyo xoreynta goobaha ay Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuuto. Sulub Axmed Firin iyo Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Cusmaan Cabdulahi Maxamed (Kaniif), ayaa maanta Akademiyada Boliiska ee Sareeye Guuto. Kaahiye, Salaan Shafar uga qaatay Cutubyo katirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo tababar meheradeed ku jira, Ciidanka oo isagu jira kuwa dhawaan tababar Dalka Dibadiisa ah ka yimid iyo kuwa dhawana Ciidanka ku soo biiray oo tababar Dhibow ah ku jira.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Maxamed Xasan Maxamed ayaa magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethoipia uga qeyb galay shirwayne looga hadlay mashaariicda hormarineed ee Caafimaadka,isla markaana sare loogu qaadilahaa nidaamka maamulka maaliyadeed iyo dabagalka mashaariicdaas.
Wasiirka ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaarisay nimaad maaliyadeed oo hufan kaas oo lagu maamulo mashaariic aad u badan isla markaana ay ka go’an tahay in si mugleh loo gaarsiiyo dhammaan gobollada iyo deegaanada dalka oo idil.






Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka BFS ayaa maanta ka furmay xaruntooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka maanta ayaa ah hadal-jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo bandhigaya warbixinta kulamadii dhacay ee guddiga joogtada ah.
Akhrinta 1-aad ee hindise sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallim Fiqi, oo safar shaqo kujooga Norway ayaa kaqeybgalay mid ka mid ah fadhiyada Madasha Oslo, oo lagu falanqeeyey “Wejiga Soomaaliya ee dadaallada dib u xorreynta kadib”.
Wasiir Axmed Macalin Fiqi, ayaa ku dheeraaday hannaanka dib u xorreynta dalka, howlaha xasillinta iyo mashaariicda kala duwan ee loogu talogalay deegaannada la xoreeyay iyo kuwa la xorreynayo dhawaan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya mudane Axmed Macallim Fiqi, ayaa ka mid ah wufuud caalami ah ee qeybta ka ah “Madasha Norway” tirsigeeda 20-aad, oo xoogga lagu saarayo arrimaha xallinta khilaafaadka, nabadeynyta iyo dimoqoraadiyadeynta dalka.

Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga, Filippo Grandi, ayaa sheegay in tirada dadka ku barakacay dagaalada ka socda qeybo ka mid ah caalamka ay gaartay 110 milyan oo qof, taasi oo uu sheegay in ay sabab u tahay xaaladda dagaal ee ka taagan dalalka Ukraine, Suudaan iyo meelo kale.
UNHCR , ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo Arbaca ah, ku sheegtay in kororka ku yimid Qaxootiga Caalamka ay ka dhigantahay inuu gaaray heerkii ugu sareeyay abid, taasi oo uu Grandi, sheegay inay ugu wacan tahay colaadda ka taagan Suudaan, Ukraine dalal kale.
Filippo Grandi, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva, ayaa sheegay in asal ahaan Barakaca ay sababaan arrimo ay ka mid yahiin colaadda, cadaadisyada kala duwan, takooridda, rabshadaha joogtada ah iyo isbeddelka cimilada, balse tobankii sane ee la soo dhaafay uu korar ku yimid tirada barakaca yaasha Caalamka.
Warbixinta ayaa lagu xusay in qiyaastii kala bar tirada guud ee qaxootiga Caalamka ay ka kala yimaadeen dalalka Suuriya, Afgaanistaan, Ukraine iyo Suudaan.
Ugu danbeyntii, Grandi, ayaa walaac ka muujiyay sharciyada adag ee ka dhanka ah qaabilaadda Qaxootiga iyo dib u celinta, isagoo aan magacaabin dalal arrinkaasi ku eedeeysan.