Home Blog Page 43

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud has received the letters of credence of the new ambassadors to Ethiopia, Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, and Iraq.

2- President Hassan Sheikh Mohamud has appointed Ambassador Aweys Xaji Yusuf to be the National Security Advisor of the Federal Republic of Somalia.

3- Prime Minister Hamza Abdi Barre has appointed Mr. Osman Cali Farah to be the First (Deputy Director-General) of Aden Adde International Airport in Mogadishu.

4- Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama met with the new British Ambassador to Somalia, Mr. Charles Nicholas King, and they discussed enhancing cooperation between the two countries.

5- The Ministry of Justice and the Supreme Court held a joint meeting to address challenges facing the country’s prisons, such as overcrowding and inmate safety concerns.

6- Foreign Minister Abdisalam Abdi Ali has met the new Special Representative of the Chairperson of the African Union Commission for Somalia and Head of the African Union Stabilization and Support Mission in Somalia (AUSSOM), Ambassador El Hadji Ibrahima Diene.

7- The Somalia Humanitarian Platform Conference, organized by SoDMA in coordination with the Southwest Ministry of Relief and Disaster Management, concluded in Baidoa.

8- Deputy Special Representative of the United Nations Secretary-General and UN Humanitarian Affairs Coordinator for Somalia, Mr. George Conwey, said that Somalia’s humanitarian situation requires urgent, large-scale relief.

9- A crucial meeting in Mogadishu between the Immigration and Citizenship Authority and the National Identity and Registration Authority (NIRA) discussed harmonizing services and plans related to the national identity card.

10- The Minister of Planning, Investment and Economic Development, Mahmud Sheikh Farah Beenebeene, held a fruitful meeting with Ambassador Karin Johansson, the European Union Ambassador to Somalia.

11- Defense Minister Ahmed Moalim Fiqi met with the European Union Ambassador to Somalia, Karin Johansson, to discuss defense, security, and Europe’s support for Somalia.

12- Somali National Army and Ugandan Defense Forces delivered a strong blow to Al-Shabab terrorists in a battle in Bariire, Lower Shabelle region, killing more than 70 militants.

13- A major fire caused substantial financial losses at Suuq Bacaad, the second-largest market in Mogadishu.

14- Finance Minister Bihi Iman Ige met with the British Ambassador to Somalia, Mr. Charles King, to discuss the financial relations between the two countries.

15- The Director-General of the Immigration and Citizenship Authority, Mustafa Sheikh Ali Dhuhulow, has formally signed important procedures to improve the services the agency provides to the Somali people.

16- Foreign Minister Abdisalam Abdi Ali has received copies of the letters of credence of ambassadors from Ghana, Ivory Coast, Mexico, Venezuela, Korea, Mauritania, and Iraq.

17- The Governor of Banaadir and Mayor of Mogadishu, Dr. Hassan Mohamed Hussein (Muungaab), delivered a total grant of $200,000 to the drought-relief committee in the Awdal region of northern Somalia.

18- The Embassy of the Federal Republic of Somalia in India welcomed ten diplomats from the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation of Somalia who were on a work visit to New Delhi.

19- The Governor of Banaadir and Mayor of Mogadishu, Dr. Hassan Mohamed Xuseen (Muungaab), appointed Mohamed Aden Afrah as Director of the Department of Labor and Workforce of the Banaadir Administration and Mogadishu Local Government.

20- Deputy Finance Minister Abdighafar Elmi Hange participated in the African Ministers of Finance meeting in Bangui, Central African Republic, to discuss economic development and climate-change resilience.

21- Officials of the Federal Government of Somalia held consultative meetings in Beled Xaawo, Gedo region, with traditional elders about how the public can cooperate with the recently deployed Somali National Forces in the region.

22- The Minister of Interior, Federal Affairs and Reconciliation appointed the Monitoring and Approval Commission for the House of Representatives of the newly established Northeast State of Somalia.

23- The Ministry of Ports and Maritime Transport concluded in Mogadishu a workshop on the duties and the general framework for Somalia’s maritime security and addressing sea-based threats.

24- The National Intelligence and Security Service (NISS) conducted operations targeting a house where Kharijites leaders were meeting in the Aboorey area of Hiiraan province.

25- Qudama Hamza Yusuf Mohamed aka Yahya, Abdi Hassan Roble aka Afey and Ibrahim Omar Sham’un aka Hubka, all members of Al Shabab, were executed by firing squad after being sentenced to death by the Army Court for murders and terrorist offenses.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixiyay horumarka adeegyada caafimaadka dalka

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali XaajI oo ka qeybgalay kulanka todobaadka Waraahinta Qaranka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya dadaal xooggan u gashay dayactirka 8 cisbitaal oo ku yaalla Muqdisho iyo deegaanada kale ee maamul-goboleedyada dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay haatan ku howlan tahay dhismaha 6 cisbitaal oo laga hirgelinayo degmooyinka ay maamulaan dowlad-goboleedyada, si sida uu yiri shacabka halkaasi degan ay u helaan adeegyo daaweyn oo ay kaga maarmayaan in ay u safraan meelaha kale.

Dr. Cali Xaaji ayaa sidoo kale caddeeyay in wasaaradda ay shaqaaleysiisay dhaqaatiir howlkar ah, isagoo intaa ku daray in cisbitaallada Banaadir iyo Martiini lagu qalabeeyay adeegyo aasaasi ah oo gacan ka geysan kara la socodka xanuunada kala duwan ee inta badan soo rida bukaanada caadiga ah.

Wasiirka Caafimaadka ayaa tilmaamay in wasaaradda ay si joogto ah uga warqabto dhaqdhaqaaqyada cisbitaallada gaarka loo leeyahay isla markaana ay leeyihiin xiriir wada-shaqeyn oo wanaagsan.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Dakhliga, Maamulaha Dekedda Muqdisho iyo Agaasimaha furdooyinka, ayaa maanta xarunta dekedda ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK ee Soomaaliya, Mr. Charles King, iyo koox ka socotay Xafiiska horumarinta dowladda UK.

Kormeerka Safiirka UK ee Soomaaliya ayaa salka ku haya u kuurgelidda hannaanka casriyeynta dakhliga gudaha, iyadoo Dowladda UK ay gacan ka geysatay dhisidda habka wada-shaqeynta Dowladda iyo Cashuur-bixiyaha ee loo yaqaan SOMCAS (Sistamka Casriga ah ee furdooyinka). Waa hannaan online ah oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan Maamulka qeybta Maaliyadda ee Dekedda iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Safiir Charles King ayaa kormeerka kadib sheegay in Dowladda UK ay sii wadi doonto wada-shaqeynta ay la leedahay Dowladda Soomaaliya, iyo ka qayb qaadashada qorsheyaasha horumarineed ee la xiriira sare u qaadista dakhliga gudaha.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige, ayaa uga mahadceliyay Dowladda UK taageeradeeda joogta ah ee ay siiso Dowladda Soomaaliya, waxaa uu intaa ku daray hannaanka casriyaynta ilaha dakhliga in uu mudnaan gaar ah u lee yahay Wasaaradda Maaliyadda, si sare loogu qaado dakhli uruurinta dalka.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa daahfuray mashruuca ololaha nadaafadda caasimadda ee dib-u-soo-celinta bilicda magaalada, kaas oo laga bilaabay waddada dheer ee Wadnaha, gaar ahaan qeybta u dhaxeysa degmooyinka Shibis iyo Yaaqshiid.

Ololahaan waxaa ka qeybgalay wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka, xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, madaxda maamulka gobolka iyo shaqaalaha dowladda hoose ee Xamar.

Guddoomiye Muungaab ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in Muqdisho la gaarsiiyo heerka caasimadaha horumaray, isagoo xusay in waaxda nadaafadda laga dhigi doono mid si joogto ah u shaqeysa, laguna xoojin doono tiro iyo tayo ahaanba.

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday isla xisaabtan dhab ah oo lala yeelanayo shirkadaha bah-wadaagta la ah maamulka ee ka shaqeeya nadaafadda, isagoo xusay in saddex boqol oo aqoonyahan ah loo wareejiyay waaxda nadaafadda si ay ololaha u fuliyaan.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha ayaa sheegay in maamulka uu dhowaan la imaan doono qalab casri ah oo lagu shaqeeyo, isla markaana la hirgelin doono sharciga nadaafadda, isagoo bulshada ku dhiirrigeliyay inay ka qeybqaataan sugidda amniga iyo bilicda caasimadda.

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdinaasir Cumar Kaatib, ayaa ka qeybgalay kulanka Guddiga Hagidda Urur-Goboleedka Bulshada Bariga Afrika (EAC), oo lagu qabtay magaalada Caruusha ee dalka Tansaaniya intii u dhexeysay 4–6 Agoosto 2025.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ansixinta Qabyo-Qoraalka Istiraatiijiyadda 7aad ee Horumarinta EAC (2026/2027–2030/2031), taasi oo hagaysa jihada horumarka dhaqaale, ganacsi iyo wada-shaqeynta waddamada xubnaha ka ah ururka sanadaha soo socda. Soomaaliya ayaa si firfircoon uga qaybqaadaneysa qorshayaasha horumarineed ee gobolka tan iyo markii ay si rasmi ah ugu biirtay EAC.

Maxkamadda Ciidamada oo toogasho ku fulisay saddex Khawaarij ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saakay ku fulisay dil toogasho ah saddex dhagarqabe oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab, kuwaas oo horey dilal uga geystay magaalada Muqdisho iyo gobolka Shabeelaha Hoose.

Qudaama Xamsa Yuusuf Maxamed (Yaxye), Cabdi Xassan Rooble (Afeey), iyo Ibraahim Cumar Shamcuun (Hubka) ayaa ahaa eedeysanayaal horey ay maxkamaddu ugu xukuntay dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin dilal qorsheysan iyo falal amni-darro ah.

Fulinta xukunka ayaa waxaa goobjoog ka ahaayeen saraakiil Ciidan iyo xubno ka tirsan hay’adaha garsoorka.

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo magacowday xubnaha Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka

Dr. Ali Haji Adam, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay xubnaha Golaha Anshaxa Cilmi-baarista Qaranka Soomaaliyeed (SNREB). Tallaabadan waxay muujinaysaa dadaalka dowladda ee ku wajahan dhisidda nidaam cilmi-baaris oo daahfuran, ku saleysan anshax, kuna dhisan mas’uuliyad iyo nidaam sharci, lana jaanqaadoona qorshaha isbadalka qaran (National Transformation plan).

Golaha SNREB oo ayaa u xil-saaranaan doona dib-u-eegista, qorshaynta, isku xerka iyo kormeerka dhamaan cilmi baarista caafimaadka ee dalka, mas’uuliyadaha golahan waxa ay sidoo kale daboolayaan baahiyaha ku gadaaman cilmi-baarista la xiriirta Caafimaadka, nafaqada, WASH (biyaha, nadaafadda, iyo fayadhowrka), deegaanka, iyo hab-dhaqanka aadanaha.

Ujeeddadu Golahan ayaa ah in dhammaan cilmi-baarisyada noocan oo kale ah lagu hago xeerarka anshaxa cilmi-baarista ee heer qaran iyo Go`aanka Golaha Wasiirrada ee Summadiisu tahay SHGW.00.84.10.19 ee 10/10/2019 kuna saabsan ansixinta Xeer-nidaamiyaha Machadka Caafimaadka ee Soomaaliya, dhanka kale Machadka Qaranka ee Caafimaadka (NIH) oo ah udub dhexaadka isku xerka dhamaan howlaha la xariira cilmi baarista caafimaadka dalka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa ku tilmaamay dhismaha golahan inuu yahay tallaabo istiraatiiji ah oo muhiim u ah dhisidda dowladnimada casriga ah iyo dhiirrigelinta cilmi-baarista masuulka ah, sidookalena in Golaha SNREB uu noqdo garab muhiim ah oo suga anshaxa cilmi-baarista caafimaadka dalka, ilaalinta xuquuqda bini’aadantinimo iyo dhiirrigelinta cilmi-baaris la isku halleyn karo.

Xubnaha la magacaabay ayaa ka kooban khubaro sare oo leh aqoon iyo waayo-aragnimo dhanka caafimaadka, anshaxa bio-etikada, cilmi-baarista, sharciga iyo siyaasadda guud ee caafimaad Dalka, waxay hirgelidoonan howlaha horyaala si waafaqsan habraacyada anshaxa ee lagu oggolyahay gudaha iyo dibadda.

Wasaaradda Caafimaadka waxay ku amreesaa dhammaan hay’adaha, caalamiga ah iyo kuma maxaliga ah, jaamacadaha, xarumaha caafimaad iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah ee cilmi-baarista ku lugta leh inay la shaqeeyaan golahan, una hogaansamaan nidaamka iyo xeerarka (SNREB)si loo horumariyo cilmi-baaris caafimaad oo ku dhisan hufnaan, anshax, isla xisaabtan iyo nidaam cadaalad ah oo buddhig u ah dastuurka iyo sharuucda kale ee dalka udagsan.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO MAGACAABAY LATALIYAHA AMNIGA QARANKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Danjire Aweys Xaaji Yuusuf in uu noqdo Lataliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha.

Danjire Aweys waxa uu leeyahay khibrad qoto dheer oo ku saabsan maamulka iyo amniga qaranka, isagoo hore u soo qabtay xilal muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

• Hogaaminta Xafiiska Qorshaynta Siyaasadda ee Madaxtooyada Qaranka (2012–2016), halkaas oo uu hormuud ka ahaa dejinta siyaasadaha guud ee amniga, dhaqaalaha iyo dib-u-habaynta dowladda.

•Hoggaaminta wadahadallada heer-sare ee amniga iyo iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbadeeda caalamiga ah.

•Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sucuudiga (2023–2025), isagoo door weyn ka qaatay xoojinta xiriirka amni iyo istaraatiijiyadeed ee labada dal.

Madaxweynaha oo ku tixgeliyey Lataliye Aweys waayo-aragnimadiisa amni iyo hoggaamineed, ayaa ka rajeeyey in uu doorkiisa ka qaato xoojinta amniga qaranka iyo istiraatiijiyadda dowladda ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale uga mahad celiyay Lataliyihii hore ee Amniga Qaranka Mudane Xuseen Macalin Maxamuud hawlihii uu ka qabtay horumarinta arrimaha amniga qaranka muddadii uu xilka hayay.

Wasiirka Amniga oo guddoomiyay kulan wada shaqeyn ah ee Hay’adaha HSJ iyo NIRA

Wasiirka Amniga Gudaha, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey wada shaqeynta iyo sare u qaadista sumcadda Baasaboorka Soomaaliyeed.

Ujeedooyinka ugu waaweyn ee kulanka waxa ka mid ahaa:

• Hirgelinta isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee qaadashada baasaboorka.

• Dardargelinta aqoonsiga caalamiga ah ee Baasaboorka Soomaaliga.

• Sugidda iyo tayeynta xogta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

• Xoojinta is-dhexgalka nidaamyada xog-wadaagga HSJ iyo NIRA .

• Dhisidda hannaan joogto ah oo labada hay’adood ay si wadajir ah u fuliyaan.

Wasiirka ayaa sheegay in la qaadayo tallaabooyin muhiim ah oo lagu xoojinayo maamulka socdaalka iyo aqoonsiga muwaadiniinta, iyadoo lagu saleynayo istiraatiijiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan hay’ad casri ah iyo adeegyo la jaanqaadaya baahida shacabka.

𝐆𝐨’𝐚𝐚𝐦𝐨 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐦 𝐚𝐡 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲:

• Laga bilaabo 1-da September 2025, Baasaboorka Soomaaliyeed waxaa lagu codsan doonaa Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo xaqiijiyo sugnaanta iyo kalsoonida xogta muwaadinka.

Laga bilaabo 1-da January 2026, dhammaan dadka ku safaraya dalka gudihiisa waxaa looga baahanyahay inay haystaan Kaarka Aqoonsiga Qaranka, si loo hubiyo xogtooda shaqsiga ah.

• Muddada ka horeysa taariikhdaas, labada hay’adood waxay si buuxda uga wada shaqeyn doonaan isku dubaridka nidaamyada, tababarka saraakiisha, iyo wacyigelinta bulshada.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda Mudane Cali Cumar Balcad, Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow, Maareeyaha Guud ee NIRA Mudane Cabdiwali Cali Cabdulle Timacadde, lataliyayaal iyo masuuliyiin kale oo ka kala socday labada hay’adood.

Kulanka Wasiirka Amniga oo lagu adkeeyey Isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka.