Home Blog Page 43

Deeq raashin ah oo la gaarsiiyay shacabka ay saameysay abaarta ee ku nool bariga Gobolka Mudug

0

Ku dhowaad 130 qoys oo ku dhaqan deegaannada Afbarwaaqo, Qoriweyn iyo tuulooyinka hoos yimaada, kuwaas oo ay si weyn u saameysay abaarta ka jirta qaybo ka mid ah bariga Gobolka Mudug, ayaa la gaarsiiyay deeq isugu jirta raashin, biyo iyo xoolo nool.

Deeqdan ayaa ka timid ganacsade Khadar Nuur Maxamed, oo ka mid ah aqoonyahannada ku nool magaalada Muqdisho,ayaa kusoo aaday xili abaaro daran ay ka jiraan qeyba kamid Gobolka Mudug.

Maamulka Degmada Afbarwaaqo iyo odayaasha dhaqanka ee deegaannadaasi ayaa si weyn uga mahadceliyay deeqda la soo gaarsiiyay shacabka, iyagoo tilmaamay inay kusoo beegantay xilli ay dadka deegaanku baahi xooggan u qabeen gargaar bani’aadannimo, maadaama ay jireen duruufo nololeed oo adag oo ka dhashay abaarta.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen ganacsatada kale iyo hay’adaha samafalka inay ku daydaan tallaabadan, si loo garab istaago qoysaska danyarta ah ee wali wajahaya saameynta abaarta ka jirta bariga Gobolka Mudug.

Meydadka dad tahriibayaal ah oo laga helay Liibiya iyo Giriigga

0

Sideed ruux oo mayd ayaa laga helay biyaha badaha ee Liibiya iyo Giriiga, xilli tirada dadka socotada ah ee ku dhintay badda Mediterranean-ka ay sii kordhayaan.

Booliska Liibiya ayaa helay meydadka shan qof oo magangalyo doon ah oo ku soo caariyay xeebta u dhow caasimadda Tripoli, iyadoo dhanka kale mas’uuliyiinta Giriigga ay ku dhawaaqeen dhimashada saddex qof oo kale oo iyaguna laga helay xeebta Crete.

Wakaaladda Wararka ee Athens ayaa Sabtidii sheegtay in mas’uuliyiintu ay soo heleen saddex meyd ah, isla markaana ay badbaadiyeen ugu yaraan 20 qof ka dib markii doon alwaax ah oo siday muhaajiriin iyo magangalyo doon ah ay ku degtay xeebta Crete.

Inta badan dadkii badbaaday waxay ahaayeen Masaari iyo Suudaan, sida la sheegayna waxaa ku jiray afar carruur ah oo aan qaan-gaarin.

Meydadka Liibiya waxaa Sabtidii helay dadka deggan magaalada xeebta ee Qasr al-Akhyar, sida uu sheegay sarkaal booliis ah Hassan Al-Ghawil,wuxuuna intaa raaciyay in dhammaan meydadkaasi oo ahaa dad madow ah ay ku jireen laba haween ah.

Musiibadaan ayaa timid toddobaadyo ka dib markii Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka ay sheegtay dhimashada konton iyo saddex muhaajiriin ah, ka dib markii doon caag ah oo ay saarnaayeen 55 qof ay ku degtay xeebta magaalada Zuwara ee galbeedka Tripoli.

Sidoo kale dhimashada dadka tahribka ah ayaa timid xilli mas’uuliyiinta Giriiggu ay ka jawaabayeen dhacdo kale oo ka dhacday bariga Mediterranean-ka.

Degmada Deyniile oo u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii lix iyo tobnaad, isla markaana ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, ayaa si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, lagana dhageystaa Radio Muqdisho habeen walba,xalay waxaa tartanka ku loollamay degmooyinka Waabari iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobolka Banaadir. Barnaamijka waxaa si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Degmada Deyniile ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartanka kaddib markii ay heshay 10 dhibcood, halka Degmada Waabari ay ka heshay 8 dhibcood.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay Mas’uuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta

0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cabdiqaadir Cali ayaa shir istiraatiiji ah la yeeshay mas’uuliyiinta wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, si dib loogu qaabeeyo jihada wada shaqeynta iyo isku-dubaridka barnaamijyada mudnaanta leh.

Kulanka ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyey Iswaafajinta qorshayaasha istiraatiijiga ah ee labada wasaaradood, Xoojinta isla-xisaabtanka iyo nidaamka dabagalka mashaariicda, Kordhinta dhaqaalo dheeri ah la heli karo, iyo Dardargelinta fulinta barnaamijyada dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhisidda

Waxaa si gaar ah diiradda loo saaray sidii loo abuuri lahaa hannaan wada shaqeyn oo joogto ah, loona mideyn lahaa qorsheyaasha fulineed si loo gaaro natiijooyin la cabbiri karo oo saameyn xoogan ku leh maamulada iyo bulshooyinka Soomaaliyeed.

Gunaanadka shirka ayaa lagu go’aamiyey in la dhiso guddi farsamo oo wadajir ah, kaas oo diyaarin doona khariidad-hawleed (roadmap) cad, dejin doona jadwal fulineed oo waqtiyeysan, islamarkaana xaqiijin doona in mashaariicda la qorsheeyey ay noqdaan kuwo wax-ku-ool ah, waara, isla markaana la jaanqaadaya qorshaha qaran ee horumarinta dalka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo oo laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka, isaga oo sheegay in isbeddel dhab ah lagu sameeyay nidaamka waxbarashada muddo ka yar 45 bilood

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in waxbarashada tayadeeda sare loo qaadayo ay ahayd hadaf qaran oo saldhig u ah horumarka, sharafka iyo mustaqbalka dalka, Wuxuu tilmaamay in ballanqaadyadii hore loo beddelay waxqabad muuqda iyo natiijooyin la taaban karo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in markii ay xafiiska la wareegeen ay jireen 900 macalin oo keliya oo ku diiwaangashanaa shaqaalaha dowladda ee mushaariga ah, halka wax ka yar afar carruur ah midkood uu dugsi dhiganayay, Wuxuu caddeeyay in xaaladdaasi si weyn isu beddeshay hadda.

Muddo laba sano ku dhow, ayuu sheegay in la shaqaaleysiiyay 6,000 macalin oo leh tababar ku filan, kuwaas oo loo kala diray guud ahaan dalka, laga bilaabo magaalooyinka waaweyn ilaa tuulooyinka fogfog, Tirada macallimiinta ayaa la qorsheynayaa in dhawaan la gaarsiiyo 10,000, halka bartilmaameedku yahay 12,000 dhammaadka sannadka 2026.

Sidoo kale, markii ugu horreysay taariikhda dhow, mushaarka macallimiinta ayaa gebi ahaanba laga bixiyaa dakhliga gudaha ee dowladda, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid ka tarjumeysa isku filnaansho iyo maalgashi qaran oo lagu dhisayo mustaqbalka dalka.

Dhanka tacliinta sare, ku dhowaad 250,000 Arday oo qalinjabisay iyo 200,000 Arday oo hadda waxbarashada ku jira ayaa ka diiwaangashan nidaamka tacliinta sare, Tirada Ardayda u fariisatay imtixaanka dugsiyada sare ayaa kor uga kacday 7,000 ilaa 39,000 Arday, iyadoo markii ugu horreysay muddo 30 sano ah imtixaan qaran lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa qiray in dalka uu weli u baahan yahay ku dhowaad 120,000 macalin si loo daboolo baahida waxbarasho ee carruurta Soomaaliyeed, balse wuxuu adkeeyay in la xaqiijiyay in isbeddel dhab ah la sameyn karo, nidaamyadana dib loo dhisi karo.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda ay ka go’an tahay in ilmo kasta oo Soomaaliyeed, meel kasta oo uu joogo, uu helo fursad waxbarasho oo tayo leh, si loo xaqiijiyo qaran dib u soo kabtay oo mustaqbalkiisa si kalsooni leh u hoggaaminaya.

 

 

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta, iyadoo hawlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ciidammada amniga lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa garabka maaliyadda iyo boobka hantida shacabka ee kooxda khawaarijta.

Hawlgalladan oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo jubadda dhaxe ayaa lagu beegsaday horjoogeyaal si gaar ah ugu lug lahaa ururinta baadda, dhaca hantida shacabka iyo maalgelinta falalka argagixiso ee ay kooxdu khawaarijtu ka waddo dalka.

Horjoogaha koowaad ayaa lagu magacaabi jiray Cabdillaahi Xasan, oo loo yaqaanay Cabdillaahi Wadaad, kaas oo lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow,Wadaad ayaa ahaa horjooge u qaabilsanaa kooxda dhibaataynta iyo ka qaadista lacago baad ah shacabka ku dhaqan gobollo kala duwan oo uu uga soo hawlgalay Khawaarijta.

Horjoogaha labaad, Axmed Dhubad Xiddig oo loo yaqaanay Aadan Dheere, ayaa isna lagu dilay hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gaashaan, Hawlgalkan ayaa ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo uu ku dhuumaaleysanayay, Aadan Dheere ayaa ahaa horjoogihii u qaabilsanaa kooxda ururinta baadda iyo dhaqaalaha laga qaadi jiray shacabka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, hawlgal gaar ah ayaa lagu dilay Maxamed Sahal oo loo yaqaanay Abu Usama, kaas oo xilal kala duwan ka soo qabtay kooxda, oo ay ka mid ahaayeen waxa ay ugu yeeraan dabagalka maaliyadda iyo horjoogaha gobolka Shabeellaha Hoose, Waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha ugu dhow horjoogaha guud ee kooxda, Axmed Diiriye, 8 bisha febraayo 2026 ayaana sharkiisa lagu soo af jaray duleedka degmada Saakow ee gobolka Jubadda dhaxe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in hawlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo shabakadaha maaliyadeed ee kooxaha khawaarijta, si loo ciribtiro awooddooda dhaqaale loona badbaadiyo hantida iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Dowladda ayaa ku celisay baaq ay u dirtay shacabka Soomaaliyeed, kuna dhiirrigelisay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo dardargeliyo ciribtirka kooxaha nabad diidka ah loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

0

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eelay oo ka hadlay xaflad loo sameeyay la wareegidda 11 gaadiid ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay ka go’an tahay sidii loo ilaalin lahaa badqabka xoolaha oo inta badan ay ku tiirsan yihiin dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa yiri “Gaadiidka gurmadka deg degga ah ee aan la wareegnay waxaa muhiimaddu tahay in loogu shaqeeyo dadka xoolo dhaqatada ah ee ku kala sugan gobolada dalka”.

Wasiirka Xanaada Xoolaha XFS ayaa xusay in gaadiidkaasi oo ku qalabeysan adeegyada loogu talagalay caafimaadka xoolaha loo qeybin doono dowlad goboleedyada,si wax loogu qabto dadka xoolo dhaqatada ah ee ku nool deegaanada ka fog magaalooyinka.

Deeqdaan gaadiidka ah oo ay maalgaliyeen Bangigga Horumarinta Afrika waxaa loo soo marsiiyay Hey’adda Caruurta Save The Children ee ka howlgasha gudaha Dalka Soomaaliya

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

0

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta mucaawinooyin loogu talagalay dadka taagta daran iyo kuwa barakacayaasha ah ee ka soo cararay abaaraha ba’an ee ka jira gudaha dalka.

Dowladda Sooaaliya,qaar kamid ah dalalka carabta, Hey’adaha samofalka iyo bulshada Soomaaliyeed ayaa bilaabay in ay taakuleeyaan dadka la ildaran dhibaaatooyinka ee ku soo jabay caasimadda dalka iyo deegaanada kale ee ay ka maamulaan dowlad goboleedyada.

Maalinimadii shalay Hay’adda Qadar Charity ayaa magaalada Muqdisho ka daahfurtay mashruuc ballaaran oo deeq gargaar ah lagu gaarsiinaayo ilaa 6 kun oo qoys oo danyar ah,kuwaas oo ay ku jiraan dad barakacayaal ah oo ay saameeyeen abaaraha ba’an ee dalka ka jira.

Sidoo kale maamulka Somali Action Network ayaa raashin u qeybiyay qoysas ka soo barakacay abaaraha oo ku sugan duleedka magaalaa Muqdisho,halka Hay’adda SSWC ay iyaduna lacago maalgelin iyo gargaar raashin ah gaarsiiseen haweenka leh ganacsiyada yaryar iyo kuwa dantayar ee degmada Hodan.

Dhinaca kale, dadka xoola dhaqatada ah ee wajahaya abaaraha ka jira gobolada dhexe,gaar ahaan deegaanada dhaca Magaalada Cadaado ayaa helay deeq biyo dhaamin ah oo lagu diirsaday.

Sidoo kale,Urur Siyaasadeedka Xornimo iyo Xaqsoor ayaa magaalada Baydhabo ka bilaabay gurmad biyo dhaamin ah oo lagu taageerayo qoysaska danyarta ah.

Hay’adda Qatar Charity oo Soomaaliya ka bilowday ololaha Ramadaan oo lagu caawinayo 36,000 qof.

0

Hay’adda Qatar Charity, oo kaashanaysa Safaaradda Dowladda Qatar ee Soomaaliya, ayaa si rasmi ah u daahfurtay ololaha bisha barakeysan ee Ramadaanka sannadka 2026. Ololahan ayaa lagu caawinayaa ku dhowaad 6,000 oo qoys, oo u dhiganta 36,000 oo qof, kuwaas oo isugu jira agoon, dad baahiyaha gaarka ah qaba iyo qoysas tabaaleysan.

Munaasabadda daahfurka oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soo qayb galay Safiirka Dowladda Qatar ee Soomaaliya, Mudane Dr. Cabdalla Bin Saalim Al-Nuaymi; Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle; Agaasimaha Xafiiska Qatar Charity ee Soomaaliya, Mudane Cabdifataax Aadan Macallin; iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir, Mudane Cabdullaahi Aadan Muuse.

Agaasimaha Qatar Charity ee Soomaaliya, Cabdifataax Aadan Macallin, ayaa sheegay in gaarista 36,000 oo qof ay tahay mudnaan istiraatiiji ah oo ay hay’addu mudnaanta siisay sannadkan. Wuxuu u mahadceliyey Safaaradda Qatar, Hay’adda SoDMA iyo Maamulka Gobolka Banaadir oo fududeeyey hirgelinta ololahan, isaga oo sidoo kale u mahadceliyey dadka khayrka jecel ee u dhashay dalka Qatar.

Dhankiisa, Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ammaanay tayada iyo baaxadda gargaarka ay Qatar bixiso, isaga oo xusay in mashruuca afurinta ee sannadkan uu yahay jawaab-celin ku aaddan abaarta ka jirta dalka.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir, Mudane Cabdullaahi Aadan Muuse, ayaa ku tilmaamay Qatar Charity “garab joogto ah,” isaga oo sheegay in mashaariicdeeda bini’aadantinimo ay raad muuqda ku leeyihiin nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ololahan ayaa ku soo beegmaya xilli warbixinno caalami ah oo la soo saaray sannadka 2026 ay muujinayaan in ku dhowaad 4.8 milyan oo qof oo Soomaali ah, oo ay ku jiraan 3 milyan oo carruur ah, ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah. Waxaa sidoo kale la saadaalinayaa in 4.4 milyan oo qof ay wajihi doonaan cunno-yari baahsan marka la gaaro bartamaha sannadkan.

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

0

Mogadishu, Friday, 20th February, 2026

1- President Hassan Sheikh Mohamud chaired a meeting between the Federal Government of Somalia and the Future Council, held at Villa Somalia, in which existential issues were discussed, including elections, completion of the constitution, droughts, and the fight against the Kharijites (extremists).

2- President Hassan Sheikh Mohamud hosted a luncheon for the members of the Future Council who are in Mogadishu following a government invitation.

3- President Hassan Sheikh Mohamud congratulated the Somali people and the entire Muslim Ummah on the holy month of Ramadan, calling for solidarity with Somalis affected by the country’s drought.

4- President Hassan Sheikh Mohamud held a productive telephone discussion with the Amir of Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, focusing on strengthening and advancing the strategic relationship between the two countries.

5- President Hassan Sheikh Mohamud participated in a high-level meeting on the future of the United Nations, held in Addis Ababa, as part of key summit activities of the African Union Heads of State Summit.

6- Prime Minister Hamza Abdi Barre, who congratulated the Somali people on the advent of the holy month of Ramadan, urged unity and solidarity, and encouraged mercy for those affected by drought.

7- Prime Minister Hamza Abdi Barre met with the Qatar Ambassador to Somalia, Dr. Abdullahi Bin Salim Al-Nucaymi, and they discussed intensifying cooperative ties between Somalia and Qatar.

8- Deputy Prime Minister Salah Ahmed Jama delivered an important address at the Africa Trade Conference, emphasizing investment opportunities for Somalia in the areas of ports, agriculture, and fishing.

9- Interior Security Minister Abdullahi Sheikh Ismail officially has received weapons and equipment belonging to a unit of the Special Police to the Harmacad group.

10- Minister of Information, Culture and Tourism H.E. Daud Aweis Jama inaugurated the Ramadan quiz competition, congratulating the national media for the 16th year of the program’s public discussion competition.

11- Minister of Energy and Water Resources Abdullahi Bidhan Warsame welcomed the new Director of the WFP Office for Somalia, Hameed Nuru, focusing on strengthening water governance and the use of modern water data systems.

12- The Ministry of Labour and Social Affairs held a Coordination Conference on Social Protection in Mogadishu to bolster cooperation among the Federal Government, Federal Member States, and partners to accelerate social protection programs.

13- Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Abdisalam Abdi Ali hosted Mousa Jama Ali, the Special Envoy of IGAD for South Sudan, and they discussed strengthening peace and security cooperation in the region.

14- Ministers of Defense, Interior, and the Army Chief of Staff visited the Sabiid and Caanoole areas in Lower Shabelle to formally rebuild the families displaced earlier by the Kharijites group.

15- Minister of Trade and Industry Jamal Mohamed Hassan met in Addis Ababa with Claver Gatete, the United Nations Secretary-General’s Special Envoy for Africa, to discuss trade and investment opportunities in Somalia.

16- Minister of Defense Ahmed Moalim Fiqi held a meeting with the Chinese Ambassador to Somalia, Wang Yu, to discuss boosting bilateral cooperation.

17- Minister of Interior, Federal Affairs and Reconciliation Ali Yusuf Ali officially opened the Joint High Committee for the Dowlad-Kaab project, emphasizing the importance of the project for governance.

18- Minister of Petroleum Dahir Shire Mohamed described as historic milestone, noting the departure of the ship Cagri Bey from Turkey, which will carry out oil exploration off Somali coasts.

19- Minister of Finance Bihi Iman Ige presided over the 24th meeting of Finance Ministers of the Federal Member States and the Banadir region, focusing on strengthening cooperation and coordination of the country’s financial management framework.

20- Minister of Information, Culture and Tourism H.E. Daud Aweis Jama led a delegation from the Northwest State of Somalia, led by the Information Minister Ahmed Diriye, on a visit.

21- Minister of Defense and the Army Chief of Staff sent congratulations to the Somali Air Force on the 66th anniversary of its founding, praising its role in national defense and counter-terrorism.

22- Turkey said farewell to the Cağri Bey ship, which is approaching Somalia to conduct oil exploration off the country’s shores.

23- The African Union communiqué firmly condemned the illegal recognition allegedly granted by Israel to Somaliland’s region in northern Somalia, reiterating their stance on protecting Somalia’s sovereignty, unity, and territorial integrity.

24- Somali Ambassador to Tanzania Ilyas Ali Hassan, formally handed over to the Somali governments’ officials documents allowing Somalia to print and issue the East African Community (EAC) passport.

25- The Director General of the Ministry of Transportation and Aviation, Omar Ali Afrah, chaired a meeting on the plan for constructing roads and the drainage system at Aden Adde International Airport in Mogadishu.

26- Dr. Maryam Qasim, Chairperson of the Independent National Human Rights Committee, met with Kirsten Young, the United Nations High Commissioner for Human Rights for Somalia.

27- Somali Ambassador to Germany, Ambassador Abdulaziz Mohamud Mohamed has formally presented his credentials as the ambassador to Hungary.