Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Date:

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta, iyadoo hawlgallo qorsheysan oo ay fuliyeen ciidammada amniga lagu dilay saddex horjooge oo ka tirsanaa garabka maaliyadda iyo boobka hantida shacabka ee kooxda khawaarijta.

Hawlgalladan oo ka kala dhacay gobollada Shabeellaha Hoose iyo jubadda dhaxe ayaa lagu beegsaday horjoogeyaal si gaar ah ugu lug lahaa ururinta baadda, dhaca hantida shacabka iyo maalgelinta falalka argagixiso ee ay kooxdu khawaarijtu ka waddo dalka.

Horjoogaha koowaad ayaa lagu magacaabi jiray Cabdillaahi Xasan, oo loo yaqaanay Cabdillaahi Wadaad, kaas oo lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow,Wadaad ayaa ahaa horjooge u qaabilsanaa kooxda dhibaataynta iyo ka qaadista lacago baad ah shacabka ku dhaqan gobollo kala duwan oo uu uga soo hawlgalay Khawaarijta.

Horjoogaha labaad, Axmed Dhubad Xiddig oo loo yaqaanay Aadan Dheere, ayaa isna lagu dilay hawlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) iyo cutubyo ka tirsan Kumaandooska Gaashaan, Hawlgalkan ayaa ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo uu ku dhuumaaleysanayay, Aadan Dheere ayaa ahaa horjoogihii u qaabilsanaa kooxda ururinta baadda iyo dhaqaalaha laga qaadi jiray shacabka gobolka Banaadir.

Sidoo kale, hawlgal gaar ah ayaa lagu dilay Maxamed Sahal oo loo yaqaanay Abu Usama, kaas oo xilal kala duwan ka soo qabtay kooxda, oo ay ka mid ahaayeen waxa ay ugu yeeraan dabagalka maaliyadda iyo horjoogaha gobolka Shabeellaha Hoose, Waxaa la sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha ugu dhow horjoogaha guud ee kooxda, Axmed Diiriye, 8 bisha febraayo 2026 ayaana sharkiisa lagu soo af jaray duleedka degmada Saakow ee gobolka Jubadda dhaxe.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in hawlgalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada joogtada ah ee lagu burburinayo shabakadaha maaliyadeed ee kooxaha khawaarijta, si loo ciribtiro awooddooda dhaqaale loona badbaadiyo hantida iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Dowladda ayaa ku celisay baaq ay u dirtay shacabka Soomaaliyeed, kuna dhiirrigelisay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, si loo dardargeliyo ciribtirka kooxaha nabad diidka ah loona xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida dalka

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...