Home Blog Page 42

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan-doceed la qaatay dhiggiisa dalka Masar

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa caawa fiidkii magaalada Jeddah kulan kula yeeshay dhiggiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda, Socdaalka iyo Jaaliyadaha ee Masar, Mudane Dr. Badr Abdelatty., inta uu socdey shirka aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).

Intii lagu guda-jiray kulankani, labada wasiir waxay si qoto dheer uga wada hadleen aqoonsiga sharci-darrada ah ee Israa’iil ay siisay waxa loogu yeeray (Somaliland) ee gobolka Waqooyi galbeed Soomaaliya, iyagoo si adag u diiday tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda dhowrista sharciga caalamiga, iyagoo muujiyey taageeradooda dhammaan dadaallada lagu dhowrayo midnimada qaran iyo xasilloonida dalka.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS” Soomaaliya maanta waxay fiirineysaa Go’aanka Ururka Iskaashiga Islaamka,”

0

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali oo ka hadlay shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ee ka socda magaalada Jidda ee Dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay fiirinayaan go’aanka Dalalka Ururka Iskaashiga Islaamka ee xadgudubka Israa’iil ku sameysay Qaranimada Soomaaliya.

“Soomaaliya maanta waxay fiirinaysaa Go’aanka Wadamada Urur Iskaashiga Islaamka, Midnimada Qaran ee dhammaan dowladaha Islaaamka waa mid lama taabtaan ah.” ayuu yiri wasiirka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Falastiin Faarsiin Ajaabikiyaan ayaa tilmaamay in Dowladda Falastiin si buuxda u garab taagan tahay midnimada Qaran ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in ay ka soo horjeedaan xadgudubka ay ku kacay Israa’iil.

“Dowladda Falastiin waxay si buuxda u taageersantahay Midnimada Qaran ee Soomaaliya, waxayna kasoo horjeedaa xadgudubyada ay ku kacday Israa’iil ee ka dhanka ah Midnimada Dowladaha Xubnaha ka ah Ururka Islaamka.”

Ururka Iskaashiga Islaamka oo si buuxda u garab istaagay Soomaaliya si cadna u diiday aqoonsi beenaadka

0

Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa maanta ku yeeshay magaalada Jeddah kulan ay kaga hadleen horumarrada iyo xaaladda ka taagan Soomaaliya.

Ururka (OIC), ayaa si gaar ah kaga hadlay duulaanka gardarada ah ee Israa’iil ku soo qaaday madax bannaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna iyagoo isku duuban si cad u diideen xadgudubka Israa’iil iyo aqoonsi beenaadka ay siisay Somaliland.

Xoghayaha Guud ee OIC Xuseen Ibraahim Daaha ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsiga qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya ee ay samaysay Israa’iil uu yahay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah, islamarkaana khatar ku ah amniga gobolka, isagoo xaqiijiyay in midnimada Soomaaliya ay tahay khad cas oo aan laga gudbi Karin.

Sidoo kale, Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa soo shirkooda ku soo qaaday arrinta Falastaan iyo dhibta ka taagan marinka GAZA ee Israa’iil sababta u tahay, waxayna isla garteen in guda galo wejiga labaad ee xabad joojinya iyo in ciidmaada Israa’iil ka baxaan deegaannada Falastiin si shacabka dib guryahooda uga soo noqonayo loo xaqiijiyo nabad galyadooda.

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

0

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka XDS, G/le Dhexe Liibaan Yuusuf Gare, ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Guutada Lixaad, kuwaas oo muddo tababar uga socday Taliska Guutada 6-aad duleedka degmada Baraawe Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidankan ayaa noqonaya qeyb ka mid ah geesiyaasha dagaalka kula jira kooxda Khawaarijta ah oo muddo dheer dhibaateynayey shacabka. Taliyaha ayaa kula dardaarmay in wixii la baray lagu muujiyo fagaarayaasha dagaalka.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo tayada ciidamada si ay si hufan u gutaan waajibaadka Qaran ee ka saaran difaaca dalka.

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

0

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa Khawaarijta, una qaabilsanaa degmada Baardheere falalka amni-darrada iyo curyaaminta dhaqaalaha shacabka.

Dhagar qabe Maxamuud Shariif Xuseen ayaa kooxda khawaarijta u qaabilsanaa saddex shaqo oo khatar ah kuwaas oo kala ahaa inuu waddooyinka ku aasi jiray miinooyinka lagu waxyeeleeyo gadiidka Ciidanka Ammaanka iyo kuwa dadweynaha.

Sidoo kale dhagarqabaha ayaa khawaarijta u qaabilsanaa inuu u gudbiyo xogtada ganacsatada gobolka Gedo si khawaarijta u dhacdo ganacsaada hantidooda wuxuu sidoo kale u qaabilsanaa gudbinta saadka khawaarijta.

Dhagarqabahan ayaa waxa gacantiisa ku maqan sida uu qirtay Sarkaal ka tirsan ciidanka Booliiska degmada Baardheere kaas oo uu ku dilay qarax miino isagoo dhagarqabuhu qirtay in ay qaraxan wada fuliyeen dhagarqabe kale oo lagu magacaabo Aadan Dheere.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray Baakin casri ah, oo laga hirgeliyay xayndaabka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Baakinkan cusub oo loogu talagalay gaadiidka isticmaalaya garoonka, ayaa waxa uu leeyahay goob dukaamaysi ah oo lagu magacaabay DARMAD Business Park, oo ah suuq ganacsi casri ah, kana kooban adeegyo dhammaystiran, oo ay ku jiraan bangiyo, xarumo ganacsi iyo adeegyo kale oo muhiim u ah rakaabka iyo bulshada caasimadda.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa sheegay in hirgelinta baakinkan ay tahay tallaabo istiraatiiji ah oo si weyn hoos ugu dhigaysa saxmadda gaadiidka ee ka jirtay gudaha iyo nawaaxiga garoonka, islamarkaana kor u qaadaysa nidaamka, amniga iyo bilicda caasimadda. Waxa uu xusay in laga billaabo maanta si rasmi ah loo mamnuucay in gawaarida lagu dhex Baakimo gudaha garoonka, iyadoo keliya baakinkan cusub loo oggol yahay in loo adeegsado baahida gaadiid dhigashada.

Sidoo kale, Guddoomiyuhu waxa uu bogaadiyey doorka ay ka qaateen ganacsatada iyo maalgashadayaasha hirgelinta mashruucan, isagoo adkeeyey in Maamulka Gobolka Banaadir uu sii xoojinayo iskaashiga u dhexeeya dowladda iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, si loo dardargeliyo horumarka caasimadda Muqdisho.

Munaasabadda xarig-ka-jarka waxaa ka qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno, Maareeyeyaal, Ganacsato iyo masuuliyiin kale oo ka socday hay’adaha dowladda, kuwaas oo dhammaantood ku tilmaamay baakinkan mid wax weyn ka tari doona hagaajinta adeegyada garoonka iyo fududeynta isu-socodka gaadiidka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa mar kale caddeeyey sida ay uga go’an tahay horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, casriyeynta adeegyada dadweynaha iyo yareynta saxmadda caasimadda, si Muqdisho ay u noqoto magaalo nidaamsan oo la jaanqaadda horumarka casriga ah ee ay u qalanto.

 

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo ku aaddan khasaarihii soo gaaray Safaaradda Dawladda walaalaha nahay ee dalka Qatar taas oo ku taala caasimadda Jamhuuriyadda Ukraine, Kyiv,taas oo loo geystay duqayn.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkaynaysaa mabda’a aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah ee ah in goobaha diblomaasiyadeed yihiin kuwo aan la taaban karin, iyadoo xoogga saaraysa waajibka saaran dhammaan dhinacyada in ay ilaaliyaan dhismayaasha diblomaasiyadeed iyo shaqaalahooda, si waafaqsan Heshiiska Vienna ee Xiriirka Diblomaasiyadeed.

Soomaaliya waxay muujinaysaa garab staaggeeda buuxa ee Dawladda Qatar iyo shacabka walaalaha ah ee Qatar, waxayna ku baaqaysaa in si buuxda loo dhowro shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah, lana xaqiijiyo badbaadada dhammaan hay’adaha diblomaasiyadeed.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku celinaysaa mowqifkeeda ku aaddan taageeridda nabadda, xasilloonida, iyo dhowrista sharciga caalamiga ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo xarriga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho oo xarigga ka jaray baarkin cusub oo uu yeelanayo Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Baarkinkan cusub ayey si weyn ugu baahnaayeen Shacabka Soomaaliyeed iyo isticmaalayaasha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,baarkinka ayaa sidoo kale wax weyn ku soo kordhinaya adeegyada ganacsi ee garoonka iyo bilicdiisa.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka Axmed Macallin oo ka hadlay furitaanka baarkinka cusub ayaa yiri“Baakinkaan casriga ah waa bilowga qurxinta iyo qaabeynta wajiga hore ee Garoonka Aadan Cadde.”

 

 

Dowladda Hindiya oo si adag uga hor timid xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

0

Dowladda Hindiya ayaa si adag uga hortimid go’aankii xadgudubka ahaa ee Israa’iil ay ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo taageertay madax-bannaanida iyo wadajira dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya.

Randhir Jaiswal oo ah Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa qabtay shir jaraa’id oo uu ku shaaciyey mowqifka Hindiya, isagoo sheegay in xiriir taariikhi ah uu ka dhexeeyo Soomaaliya iyo Hindiya.

“Waxaan sii adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal.

Madaxweynaha JFS oo Salaadda Jimcaha kula oogay boqolaal shacab ah Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha.

0

Muqdisho, Jannaayo 09, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Boqolaal ka mid ah Shacabka magaalada Muqdisho Salaadda Jimcaha kula tukaday, Masjidka Abuu Hureyra oo ku yaala Suuqa Bakaaraha.

Madaxweynaha ayaa Khudbad uu ka jeediyay Masjidka kaga hadlay xaaladda guud ee dalka, dadaallada diblumaasiyadeed iyo sharci ee ay Dowladdu ku wajahayso faro-gelinta shisheeye iyo tallaabooyinka gurracan ee ka dhanka ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulo muhiim ah kasoo hoysay, halganka diblumaasiyadeed ee looga hortagayo damaca gurracan ee Israa’iil, isagaa oo uga baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay si midnimo leh uga hortagaan halista faragelinta shisheeye iyo isku-dayga ah in dalkeenna laga sameeyo saldhigyo sharci-darro ah oo laga huriyo colaadaha gobolka.

Madaxweynaha waxaa wehliyay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, qaar ka mid ah Taliyeyaasha Ciidanka Qalabka sida iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.