Home Blog Page 42

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

0

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shaacinayaa in saaka abaare 7:00 subaxnimo howlgal qorsheysan laga fuliyay deegaanka Warta Eey Duure, oo 30 km waqooyi kaga beegan magaalada Xudur, lagu dilay horjooge ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab.

Horjoogahan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Abuukar Cali ayaa ka mid ahaa horjoogayaasha sare ee Khawaarijta, isagoo xilal kala duwan ka soo qabtay gobolka Bakool. Waqtigan, wuxuu Khawaarijta ugu magacaawnaa madaxa maaliyadda kooxda ee gobolka, sidoo kalena wuxuu ahaa horjoogihii u qaabilsanaa askareynta carruurta yaryar ee si qasab ah loogu daro maleeshiyaadka.

Taliska CXDS wuxuu caddeynayaa in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo bartilmaameed gaar ah lagu qaaday, isla markaana lagu burburiyey shabakad Khawaarij ah oo ka howlgeli jirtay deegaankaas.

 

 

 

 

Dowladda oo dhaqangelisay nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah

0

Kaalinta Dad-dhigista ee dhisidda Kaabayaasha iyo Nidaamvada Dhijitaalkaah ee Aqoonsiga Sharci ee Qaaradda Afrika

Afrika waxay maanta xusaysaa Maalinta Sideedaad ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah (CRVS), oo ku beegan 10-ka Agoosto 2025. Xuskan oo sanadkii siddeedaad si xiriir ah loo qabanayo ayaa ah calaamad cad oo muujinaysa sida ay dawladaha Afrika uga go’an tahay inay soo afjaraan maqnaanshiyaha ay malaayiin muwaadiniin Afrikaan ah uga magan yihiin diiwaannada rasmiga ah, taas oo ka hor istaagta helitaanka xuquuqda, adeegyada aasaasiga ah, iyo ka qaybgalkahorumarka qaranka.

Maalinta Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah (CRVS) ee Afrika waxaa lagu aasaasay go’aankii ka soo baxay Kal-fadhigii 32-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika sanadkii 2018. Ujeeddada maalintan waa in kor loo qaado wacyiga ku saabsan muhiimadda nidaam CRVS oo shaqaynaya, isla markaana loo helo taageero buuxa oo lagu xoojinayo dadaallada qaran iyo kuwa goboleed. Sidoo kale, xuskan waa madal lagu mideeyo hay’adaha dowliga ah, bulshada rayidka, ururrada caalamiga ah, iyo daneeyayaasha kale si loo hubiyo in kheyraadka CRVS si hufan loo isticmaalo.

Sanadkan, halkudhegga mowduuca waa “Dad-dhigis ah Aasaaska Kaabayaasha iyo Nidaamyada Dhijitaalka ee Aqoonsiga Sharci ee Afrika”. Mowduucan wuxuu muujinayaa kaalinta muhiimka ah ee Dad-dhigistu ee dhismaha mustaqbal dhijitaal ah oo lagu kalsoonaan karo, loo wada dhan yahay, ammaan ah, isla markaana xaqiijinaya in qof walba lagu daro nidaamka rasmiga ah ee dowladeed.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS waxay ugu bishaareyneysaa in Dalkeennu uu maanta ka hirgelay adeegga dhijitaalka dad-dhigista mideysan, kaas oo ay adeegsadaan degmooyinka dalka marka ay diwaangelinayaan dhalashada, Guurka, Furiinka iyo Dhimashada, diiwaankasta waxaa uu kujiri doonaa diiwaanka qaranka, waxaana uu xal u noqonayaa caqabadaha soo noqnogday iyo culeyska kajira helidda cadeymaha dhalashada, guurka, furiinka iyo dhimashada.

Hirgelinta wajiga hore ee adeegga waxaa uu ka dhaqangalay 19 degmo oo ku kala yaala Dowlad_Goboleedyada Jubbaland, Koonfurgalbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Waqooyi Bari waxaa ayna kala yihiin: Caabudwaaq, Cadaado, Dhuusamareeb, Gaalkacyo, Balcad, Warsheekh, Buuloburde, Baladweyne, Jowhar, Afmadow, Buuloxaawo, dhoobley, Garbahaarey, Kismaayo, Baraawe, Diinsoor, Waajid, Xudur, Laascaanood.

Wasaaraddu waxay hadda gacanta ku haysaa sidii nidaamka iyo Adeegga Dhijitaalka ee Dad-dhigista Midaysan loogu xiri lahaa adeegyada Dawladda sida: Caafimaadka, Waxbarashada, Aqoonsiga Qaranka iyo Baasaboorka iyo Socdaalka. Sidoo kale, Wasaaraddu waxay qorshaynaysaa adeegga Dhijitaalka ee Dad-dhigista Midaysan lagu fidiyo lana gaarsiiyo heer gobol iyo heer degmo si loo gaaro dadka ku nool meelaha fogfog.

Ugu dambeyn, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ku xoojinaysaa baaqa Afrika ee ku aaddan in Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga la hormariyo si loo xaqiijiyo in dhammaan muwaadiniinta Qaaradda Afrika u noqdaan kuwa tirsan oo ku jira diiwaanka rasmiga ee Dawladda.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Ciraaq

0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dalka Ciraaq oo uu hoggaaminayo La-taliyaha Wasiirka Arrimaha Gudaha Sarreeye Guud Ziyad Daha Cali iyo Agaasimaha Waaxda Iskaashiga Caaalmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Ciraaq Sarreeye Gaas Calaa Canshuur Manaati oo maanta dalka ku yimid booqasho rasmi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka walaaltinimo ee Soomaaliya iyo Ciraaq, iyadoo si gaar ah looga hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, la-dagaallanka argagixisada, tababarrada ciidamada iyo isdhaafsiga khibradaha.

General Fartaag oo uga mahadceliyey safarka ay ku yimaadeen dalka, ayaa xusay in booqashadani ay tahay tallaabo lagu xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinaca amniga.

Booqashadani waxa ay daba socotaa safarkii uu Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Ciraaq iyo hishiiskii iskaashiga Amni ee Labada wasaarood ay Kala saxiixdeen, kuna qotomay Xoojinta iskaashiga dhinaca Amniga, isdhaafsiga khibradaha iyo ka faa’iideysiga khibrada Ciraaq ee dhinaca la dagaalanka argagixisada.

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad katirsan khawaarijta oo lagu qabtay dagaalkii Bariire

0

Weriye Zakariye Qaasim Bagax oo ku sugan Bariire ayaa la kulmay labo ka mid ah maxaabiista dagaalka ee Khawaarijta looga qabtay howlgalkii guuleystay ee Bariire, midka koowaad, horjoogayaasha arxanka daran ee Khawaarijta ayaa silsilad kula xiray Geed weyn, iyagoo ku talagalay in uu dagaalamo ilaa inta uu ka dhinto, balse geesiyaasha Qaranka ayaa nolosha ku qabtay.

Kan labaad waxaa la qabtay isagoo dhaawac ah, waxaana hadalladiisa laga fahmay inuu yahay horjooge dhagar badan, wuxuu sheegay in maleeshiyaadkii uu watay oo dagaalka lagu laayey uu gurmad ahaan uga keenay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Wareysiyo xasaasi ah oo xog badan ay ku soo bandhigayaan xubnahaan maxaabiista ah ayaad saacadaha soo socda ka daawa doontaan Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed.

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo Gaaray Dalka Aljeeriya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, oo ay wehliyaan wafdi heer sare ah, ayaa gaaray magaalada Algiers, caasimadda dalka Aljeeriya.

Wafdiga Wasiirka ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Algiers, waxaana halkaas kusoo dhoweeyey Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Aljeeriya, Mudane Yuusuf Xasan Axmed, Yusuf Jeego, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda martida loo yahay.

Booqashadan muhiimka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga istiraatiijiyadeed, iyo wada shaqeynta labada dal ee walaalaha ah Soomaaliya iyo Aljeeriya si loo gaaro horumar, xasillooni iyo is-afgarad waara.

Aqoon Isweydaarsi ku saabsan Tabinta Doorashooyinka oo ka furmay Baydhabo

0

Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta ka furtay magaaladda Baydhabo Tababar ku saabsan Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya oo ka qeyb galayaan 20 suxufiyiin oo kala matalaya xarumaha Warbaahinta.

Aqoon isweydaarsigani oo soconaya Mudda laba maalmood ah waxaana uu diiradda saarayaa kaalinta Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka dalka si ku dhisan dhexdhaxaadnimo iyo eex la’aan dhinacyada doorashada si waafaqsan mabaadi’ida saxaafadda iyo sharciga Doorashooyinka iyo xeernimayayaasha

Agaasimaha Xiriirka Dowlad Goboleedyadda ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka Iyo Dalxiiska JFS mudane Cabdiraxmaan Axmed xuseen, ayaa uga mahad celiyay Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Koonfur galbeed iskuduridka tababarka iyo sida ay marwalba wadashaqaynta wanaagsan ula leeyihiin Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska, isaga oo sheegay ujeedka tababarkani yahay kor u qaadista kaalinta Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta Iyo wacyi galinta bulshada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Cumar Mustafe oo furay Tababarka ayaa xubnaha wariyayaasha ah ee matalaya Warbaahinta Dowliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee Koofur Galbeed kula dardaarmay ka faa’iidaysiga casharada tababarka iyo dhaqan galinta waxa ay dhaxlaan khubarada bixinaysa aqoon isweydaarsiga isaga oo bogaadiyay iskaashiga Wasaaradda Warfaafinta ee heer Federaal ee kor u qaadista wacyi Warbaahinta.

Aqoon isweydaarsigani oo ah tixane looguna talo galay kor u qaadista fahamka Doorashooyinka iyo kaalinta muhiimka Warbaahinta ee suxufiyiinta Soomaaliyeed waxaa taageeray howlgalka xilliga kala guurka ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ( UNTMIS) si loo xoojiyo Warbaahinta wax u tabisa si hufan, madax banaan oo ku dhisan dhexdhaxaadnimo

Aqoon isweydaarsi ku saabsan tabinta doorashooyinka oo laga furay Baydhabo

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo kaashanaysa Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo ka furtay aqoon isweydaarsi ku saabsan anshaxa warbaahinta ee tabinta doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo ay ka qeybgalayaan 20 suxufi oo ka kala socda xarumaha warbaahinta.

Aqoon isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa diiradda saaraya kaalinta warbaahinta ee tabinta doorashooyinka dalka, si ku dhisan dhexdhexaadnimo, eex la’aan, mabaadi’da saxaafadda iyo shuruucda doorashooyinka.

Agaasimaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS, Mudane Cabdiraxmaan Axmed Xuseen, ayaa uga mahadceliyay masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed isku-dubbaridka tababarka iyo wada-shaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin wasaaradda heer federaal. Wuxuu sidoo kale sheegay in ujeedada tababarkani tahay in la kor u qaado doorka warbaahinta ee tabinta doorashooyinka dalka.

Agaasimaha Guud ee Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cumar Mustafe, oo tababarka si rasmi ah u furay, ayaa kula dardaarmay wariyeyaasha ka kala socda warbaahinta dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay in ay si dhab ah uga faa’iidaystaan casharada tababarka. Wuxuu sidoo kale bogaadiyay iskaashiga Wasaaradda Warfaafinta ee heer federaal ee ku aaddan kor u qaadista wacyiga warbaahinta.

Aqoon isweydaarsigan oo ah qeyb ka mid ah tixane loogu talagalay fahamka doorashooyinka iyo kaalinta muhiimka ah ee saxaafadda Soomaaliyeed, waxaa taageeray howlgalka xilliga kala-guurka ee Qaramada Midoobay (UNSOM), si loo xoojiyo warbaahin madax bannaan, hufan, dhexdhexaad ah.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer shaqo ku tegay Deegaanka Bariire

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda Ciidamada Uganda ee UPDF ay ka xoreeyeen maleeshiyaadka Khawaarijta, kuna dhigeen casharro lama ilaawaan ah.

Intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa booqday gododkii iyo xarumihii maleeshiyaadka Khawaarijta laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan oo cadawga ah, hub farabadan iyo saanado kale oo ciidan oo ay ka carareen.

Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Cali Cageey, ayaa taliyaha ugu warbixiyay xaaladda amniga iyo sida ay ciidanku u xaqiijiyeen xasilloonida deegaanka.

Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyay geesinimada iyo howlkarida Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda UPDF ee qeybta ka ahaa howlgalka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-laabaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.

 

 

Degmada Yaaqshiid oo lagu qabtay kulan lagu xoojinayo wada shaqaynta Booliiska iyo Shacabka

0

Degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan looga hadlayo Amniga, is dhexgalka Shacabka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kulankan wuxuu daaraa fulinta amar uu hore u bixiyey Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,

Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Cabdifitaax Aadan oo faah faahin ka bixiyey kulankan ayaa yiri“Waxaan ka bilownay degmooyinka Gobolka Banaadir barnaamijyo isku xiraya bulshada iyo Ciidamada Booliska.”

Bandhigaan oo ay Kasoo qeyb galeen masuuliyiin ka socdey maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil Ka socotey Ciidanka Booliska, ayaa muhiimadiisu ahayd adkeynta wada shaqeynta Bulshada iyo Booliiska iyo is dhaafsiga xogaha muhiimka u ah Amniga.

Bulshada ayaa loo sheegey in ay Ciidanka gacan ku siiyaan Sugida Amniga iyo in wixii ay dhibaato u arkaan kusoo wargeliyaan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud (fargax) ayaa ugu baaqay bulshada Degmada in wax waliba oo ay u arkaan inuu amnigooda Qatar ku yahay ay la soo wadaagaan laamaha amniga.

Safiirka Soomaaliya ee Yemen oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka dalkaasi

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen, Cabdixakiin Maxamed Axmed, ayaa maanta qasriga madaxtooyada kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Yemen, Mudane Caydruus Qaasim Al-Zubeidi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dowladood iyo xiriirka ka dhaxeeya labada shacab, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga iyo arrimaha bulshada.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay xoojinta amniga xeebaha iyo ka hortagga khataraha ay ka mid yihiin burcad-badeedka, tahriibka iyo hubka sharci darrada ah.