Home Blog Page 429

Taliska ciidanka Boliiska iyo maamulka gobolka Banaadir oo tababar u furay ciidanka ilaalada deegaanka Xamar

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto, Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane, Maxamuud Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa Xarunta hoggaanka Gaadiidka Boliiska tababar uga furay ku dhawaad 200 oo xubnood oo ah Ciidanka nabad gelyada ka mid ah.

Ciidankan tababarka loo furay oo ah mid cusub ayaa loo qaatay in ay dhowaan ka mid noqdaan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar.

Inta uu tababarku socdo, Ciidanka Boliiska Somaaliyeed, ayaa gacanta ku hayndoonaa tababarina doona Ciidanka cusub, iyada oo la baridoono habka Sugida iyo Ilaalinta Deegaanka Xamar, Shuruucda iyo Qawaaniinta Ilaalinta Deegaanka Xamar.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudana Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka tacsiyeeyay dadkuu ku dhintey colaadda ka taagan magaalada Garowe, kuna baaqey in degdeg loo joojiyo dhigga qubanaya, miiska wadahadalkana lagu xaliyo kala aragti duwanaanshaha labada dhinac.

2-Beesha caalamka oo ku baaqdey in la joojiyo rabshadaha ka dilaacay Garowe.

3-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay wareegtada lagu magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

4-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatey Guddiga La socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo ay kala hadleen muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG.

5-Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Heshiiska Dhismaha Xarunta Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta iyo Qorsheynta ee WFDP.

6-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo tababar u furay 3,000 oo macallin oo dhowaan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya shaqaaleysiisay.

7-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee tiirka Soomaali Heshiis ah, kana dhegeystay warbixino mas’uuliyiinta wasaaradaha qaar.

8-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.

9-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Amniga Qaran oo lagu soo bandhigay qodobo muhiim u ah xoreynta iyo xasillinta dalka, cunaqabaynta hubka iyo qorshaha dhimista Ciidanka ATMIS.

10-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Muqdisho ka furay Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimaha la xiriira sare u qaadista shaqaalaha Caafimaadka dalka.

11-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaaleynta iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Madaxweynaha  Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Kismaayo ka furay shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran.

12-Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha, Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa khudbad ka jeediyay Daah-furka shirka Warbixinta Horumarka ee Hirgelinta Hiigsiga Horumarinta Caalamiga ah oo 20-ka Juun 2023, ka furmay magaalada Beijing caasimadda Shiinaha.

13-Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo ku eedeysan musuqmaasuq.

14-Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo Muqdisho ku qabatay Wajiga Labaad ee wadatashiga diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka ee Warbaahinta iyo Wada-Xiriirka oo ay ka qeyb galeen dowlad goboleedyada ka jira dalka.

15-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ka daah-furtay mashruuc lagu horumarinayo helitaanka caafimaadka hooyada iyo dhalaanka oo tayo leh oo loogu talagalay dadka nugul iyo dadka ku barakacay gudaha dalka.

16-Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee ay sannad walba bixiso hay’adda ‘Central Banking’ ee fadhigeedu yahay waddanka Britain.

17-Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Caafimaadka Ethiopia oo ay ka wadahadleen iskaashiga dhinaca khibrad wadaagga iyo dhismaha kaabayaasha adeegga caafimaadka.

18-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay inta u dhexeeysa magaalada Galcad iyo degaanka Baraag Sheekh Caamir kuna dilay horjooge Cali Axmed Guure (Cali Qoyane).

19-Shir ku saabsan barnaamijka deyn cafinta oo u dhexeeyay Dowladda Soomaaliya, hay’adaha Lacagta Addunka iyo Bangiga Adduunka oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi.

20-Wasaaradda Caafimaadka XFS oo furtay aqoon kororsi ku saabsan diyaarinta qeybaha dhiigga iyo maareynta dhiig-shubista.

21-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga ee Soomaaliya Mudane Cali Ifiye Cali ayaa Jasiiradda Comoros uga qeyb galay shir loogu hadlaayay dhaqaalaha buluugga iyo isbeddelka cimilada.

22-Danjiraha Soomaaliya ee China Mudane Cawaale Kullane ayaa khudbad ka jeediyay shirka Hirgelinta Hannaanka Horumarinta Waarta ee Qaramada midoobay.

23-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle oo la kulmay Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya Mudane, Etienna Peterschmitt oo ay ka wada hadleen xoojinta xog-wadaaga iyo iskaashiga labada hay’adood.

24-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo ku qaabbilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley.

25-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo dalka Norway kaga qeybgaley mid ka mid ah fadhiyada “Madasha Oslo” oo lagu falanqeeyey dadaalada Soomaaliya ee dib u xorreynta kadib.

26-Shirkii afaraad ee Wadatashiga Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee heer federal iyo heer dowlad goboleed  ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

27-Taliyaha xilka ka degaya ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas, Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Hawlgalka Africom Gen, Micheal Langley. Waxayna ka wadahadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya laba qeybood iyo dar-dar gelinta cirib tirka kooxaha khawaarijta.

Shirka Wada tashiga arrimaha waxbarashada Soomaaliya oo galay maalintii labaad

Shirka Wada tashiga arrimaha waxbarashada Soomaaliya ayaa maalinkii 2-aad ka socda magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleeedka Galmudug.

Shirkan oo lagu wado in maanta la soo gabagabeeyo ayaa looga arrinsanayaa xaaladda waxbarashada dalka, qorshaha mustaqbalka waxbarashada, daadajinta adeegyada wasaaradda waxbarashada iyo wada shaqaynta wasaaradaha waxbarashada heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Maraykanka oo dhiggiisa Shiinaha ku tilmaamay kaligii taliye

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa ku tilmaamay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, inuu yahay Madaxweyne xil jecel oo kaligii taliye ah.

Biden, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka qayb galay  kulan uu Xisbiga Dimuquraadiga ku lahaa Gobolka California, maalin kadib booqashadii xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka Anthony Blinken uu ku tagay dalka Shiinaha, kaas oo ujeedakiisu ahaa in lagu dejiyo xiisada u dhaxaysa Washington iyo Beijing.

Xiisadda u dhaxeysa labadan dal ayaa aad u sii laba kacleeysay kadib markii bishii February ee la soo dhaafay, Milateriga Mareykanka ay soo rideen buufin lagu sheegay basaas, oo uu lahaa Shiinaha oo dul maray hawada Mareykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka iyo Madaxweynaha Shiinaha ayaa maalin ka hor ku heshiiyay kulan ay ku yeesheen magaalada Beijing ee dalka Shiinaha in la dejiyo xiriirka labada dal si aysan u sii baahin colaadda u dhaxeysa labadan dal.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Natiijada ka soo baxday kulankaasi ku tilmaamay mid wanaagsan, oo wax badan ka baddali doona xiriirka Washington iyo Beijing.

 

Duqa muqdisho oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shir gaar ah oo ku saabsan dardar gelinta Sugida amniga Caasimadda iyo u diyaar garowga munaasabadaha isa-saaran ee Ciidul Adxa iyo Todobaadka Xorriyadda, kaas oo ka dhacay Xarunta Qeybta Guud ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyed.

Shirkan waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Banaadir, Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Taliyaha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Saraakiisha Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka iyo saraakiil kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa warbixin ku saabsan amniga Caasimadda ka dhageestay qaar kamid ah saraakiishii shirkan ka qeyb gashay, kuwaas oo soo gudbiyay guulihii laga gaaray howlgaladii ay sida wadajirka ah u fulinayeen ciidamada qalabka sida iyo sida loogu diyaar garooway munaasabadaha Ciidul Adxa iyo maalmaha Xorriyadda oo nagu soo foodleh.

Ugu danbeyn Duqa Muqdisho Mudane Madaale ayaa faray saraakiisha Amniga iyo guddoomiyaasha Degmooyinka in la xoojiyo howlaha Sugida Amniga, iyada oo la kaa shanayo shacabka islamarkaana si wadajir ah loogu diyaar garoowo weyneynta todobaadka Xorriyada iyo munaasabada Ciidul Adxa.

Khawaarijta Al-shabaab oo rayid ku xasuuqay Shabeellada hoose

Ugu yaraan 3-qof oo shacab ah ayaa ku geeriyootay in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen miinooyinka dhulka lagu aaso oo ay Khawaarijta Al-Shabaab ku qarxiyeen qaar ka mid ah shacabka degaanka Bariirre ee gobolka Shabeellada hoose.

Guddoomiyaha Gobolka Shabbeellada hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in dadka dhaawaca ah loo soo qaaday isbitaallada magaalada Muqdisho, dadka dhintayna la aasay, wuxuuna tacsi tiiraanyo leh la wadaagay ehelada dadkii ay dhibaatadu haleeshay.

Mudane, Maxamed Ibraahim Barre oo faah-faahin ka bixiyay qaabkii ay rayidka u xasuuqeen arxan laawayaasha khawaarijta Al-shabaab ayaa yiri, “marka hore waxay qarax la beegsadeen Mooto uu qof shacab ah watay, ka dibna waxay qarax kale la beegsadeen dad weynihii usoo gurmaday ee goobta isugu yimid”

Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn dowladda federaalka, maamulka koofur galbeed iyo bulshada ku dhaqan caasimadda ka codsaday in kaalmo iyo garab istaag loo fidiyo shacabka ay waxyeelladu kasoo gaartay qaraxyada ay dhigeen khawaarijtu.

Dhowaan ayay ahayd markii khawaarijtu in ka badan 20 Carruur ah ku laysay qarax ay dhigeen goob ay ku cayaarayeen duleedka degaanka Jannaale ee isla gobolka Shabeellada hoose, taas oo qeyb ka ah falalka arxan darrada ah ee ay shacabka iyo maatida la beegsadaan.

Bankiga dhexe oo daah-furay hannaan casri ah oo fududeynaya lacag bixinta iyo wax kala iibsiga

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa daah-furay hannaan casri ah oo loo yaqaan SOMQR, kaas oo fududeynaya habka lacag bixinta iyo wax kala iibsiga.

Hannaankan SOMQR ayaa ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed u sahlayaa in ay si digital ah lacagaha isugu wareejin karaan iyagoo isticmaalaya hannaanka SOMQR.

Adeegga lacag-bixinta deg-degga ah ee uu soo kordhinayo SOMQR waxaa ku midaysnaan doona Bangiyada oo dhan iyo shirkadaha bixiya adeegga mobile money, waxaana loo adeegsan doonaa wax kala iibsiga, lacag isu dirista, canshuur bixinta, iwm.

Guddoomiya Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi, oo khudbad ka jeediyey xafladda daahfurka SOMQR ayaa yiri “waxaa sharaf noo ah inay noo suuro gashay hirgelinta SOMQR oo wax badan kusoo kordhin doona hannaanka lacag bixinta dalka.

Wuxuu sheegay in tallaabadani ay qeyb ka tahay casriyeynta iyo tayeynta adeegyada maaliyadda dalka, si ay u noqdaan kuwo la jaanqaadi kara tignoolajiyadda u dambeysay ee adduunku maanta isticmaalo,  wuxuuna intaa raaciyay in iIlaa hadda waddamo kooban oo Africa ah ay hirgeliyeen hannaanka loo yaqaan ‘National QR Code’.

“Waxaynu hore u hirgelinay Hannaanka isku-xirka Bangiyada dalka iyo qaadashada lambar-xisaabeedka caalamiga ah ee loo yaqaan IBAN, oo adduunku inagu amaanay, abaal-marin caalami ahna ku helnay.”

Bankiga dhexe waxaa ka go’an dib u habeynta, casriyeynyta iyo ilaalinta xasiloonida hannaanka maaliyadda dalka.

Boqolaal xujey Soomaali ah oo ay kujiraan Mas’uuliyiin DFS ka tirsan ayaa xalay gutay siyaarada Rowdada ee Masjidu Nabawi SCW

– Boqolaal xujey Soomaali ah oo ay kujiraan mas’uuliyiin Dowladda Federaalka  ka tirsan ayaa xalay gutay siyaarada Rowdada ee Masjidu Nabawi oo ku yaalla magaalada barakaysan ee Madinah al-Munawwarah.

Dr, Maxamed Sheekh Cabdi oo ka mid ah culimada Xafiiska arrimaha Xujeyda oo warbaahinta Qaranka kula hadlay agagaarka Rowdada ee Masjidu Nabawi CSW ayaa sheegay in wixii ka horreeyay cudurka Karoonaha ay xujeydu u wada furnayd balse wixii ka dambeeyay xayiraaddii cudurka la sameeyay nidaam cusub oo lagu diiwaan gelinayo Xaajiga iyadoo la oggol yahay in ay galaan tiro cayiman.

Xildhibaan, Cabdillaahi Aadan Axmed Black ayaa bogaadiyay tallaabada ay dowladda Federaalka sanadkan 1444 kaga dhigtay mudnaanta Qaran howlaha Xajka, wuxuuna sheegay in adeegyo badan ay heleen marka loo eego sanadkii hore oo ay Soomaalidu kala kulmi jirtay dhibaatooyin kala geddisa.

Soomaaliya ayaa sanadkan 1444 heshay 11519, waxana haatan gudanaya waajibaadkooda Xajka 10619, halka maalmaha soo socdana la filayo in ay Xaramka gaaraan 900 oo xujey ah.

Safiirka Soomaaliya u jooga Itoobiya oo la kulmay madaxa Xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya

-Safiirka JFS ee dalka Ethiopia Ambassador, Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xafiiskiisa Safaaradda ee Addis Ababa ku qaabbilay madaxa Xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ,Aisa Kacyira, iyagoo ka wada hadlay shaqada xafiiska UNSOS uu ka hayo dalkeenna.

Danjire Warfaa, ayaa Aisa Kacyira la wadaagay horumarka la taaban karo ee ay Dawladda Soomaaliya ka sameysay dhinacyada Amniga, Dhismaha Dawladnimada, Horumarinta dhaqaalaha, iyo arrimo kale, isagoo Qaramada Midoobay gaar ahaan UNSOS uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka Xoogga Dalka oo raashin ka qeybiyay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

Cutubyo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa raashin kala duwan u qeybiyey qoysas danyar ah oo ku nool degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Taliyaha guutada 17-aad ee ciidanka kumaandooska Gor-gor, G/le Saahid Jaamac Faarax oo warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in ay raashiinkan ugu tala galeen dadka jilicsan, sida naafada, waayeelka, dadka dhimirka la’, dadkii ay khawaarijtu dhibaateysay IWM.

Taliye Saahid ayaa intaa ku daray in guutada Ciidanka Gor-gor ay iska soo jareen garaam-kii ay qaadanayeen markii ay arkeen dhibaatada haysata dadka deegaanka, gaar ahaan dadka baahiyaha gaarka ah qaba.

Shacabka ku dhaqan Ceeldheer iyo maamulka degmada ayaa ka mahad celiyay deeqda raashinka ah ee ay gaarsiiyeen Ciidanka Xoogga dalka.

Guutada 17-aad ee ciidanka kumaandooska Gor-gor oo kaashanaya kulliyadda Ciidamada ee TurkSom ayaa shalay deeq dawo ah gaarsiiyay Isbitalka degmada Ceeldheer, waxayna maamulka iyo saraakiisha ciidankuba ballan qaadeen in ay soo nooleyn doonaan adeegyadii bulshada ee ay baabi’iyeen khawaarijtu.