Home Blog Page 430

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha oo Khudbad ka jeediyay shirka Warbixinta Hindisaha Horumarinta Caalamiga ah

Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha, Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa khudbad ka jeediyay Daah-furka shirka Warbixinta Horumarka ee Hirgelinta Hiigsiga Horumarinta Caalamiga ah oo 20-ka Juun 2023, ka furmay magaalada Beijing caasimadda Dalka shiinaha.

Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabisay Xarunta aqoonta Caalamiga ah (Center for International Knowledge on Development (CIKD). Hindisahan ayaa waxaa soo jeediyay madaxweynaha Shiinaha Mudane Shi jingping bishii Sebtembar 2021, waxaanna  udub dhexaad u ah xiriirka wada shaqeynta horumarka dalka Shiinaha iyo dalalka saaxiibadeeda ee caalamiga ah.

Sida uu Danjire, Kullane shirka ka sheegay hindisahan ayaa ah mid horumar iyo iskaashi caalaami ah lagu gaari lahaa, kaas oo horseedaya in tani ay tusaale u tahay wada shaqeynta iyo xiriirka joogtada ah ee horumarinta yoolalka hindisaha iyo iskaashiga joogtada ah.

Danjire Cawaale Cali Kullane, oo khudbaddiisu dhinacyo badan taabanaysa ayaa hal-ku-dhiggiisu wuxuu ahaa “Iskaashiga iyo Dardar-Gelinta: Horumarka Waara, iyadoo loo marayo Hindisaha Horumarinta Caalamiga ah (GDI).

Sidoo kale, Danjire Kullane ayaa qeexay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dadaallada horumarineed ee caalamiga ah, wuxuuna tilmaamay muhiimadda ay leedahay iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro yoolalka horumarineed ee waara.

“GDI-du waxa ay si buuxda ula jaan-qaadaysaa qorshaheena horumarinta qaranka, waxaanan aad u danaynaynaa in aanu si firfircoon uga qayb-qaadanno hirgelintiisa,” ayuu yiri safiirka.

Munaasabadda daahfurka waxaa isugu yimid ku dhawaad ​​150 wakiilo, oo ay ku jiraan hay’adaha Qaramada Midoobay, ururada caalamiga ah, safaaradaha, xarumaha cilmi-baarista, xarumaha warbaahinta, iyo waaxyaha dowladda Shiinaha. Ka qaybgalayaashu waxay fursad u heleen inay fikrado ka helaan warbixinta oo ay ka qaybgalaan khudbadaha iyo doodaha ay hoggaaminayaan mas’uuliyiinta dawladda Shiinaha, daneeyayaasha caalamiga ah, iyo hayadaha fikirka.

Ugu dambeyn, Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa hoosta ka xarriiqay sida ay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dadaallada horumarinta caalamka iyo iskaashiga ay la leedahay Shiinaha.

Ururka OIC oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday hoyga safiirka Soomaaliya u fadhiya Suudaan

Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa cambaareeyay weerarkii ay dhowaan koox hubeysan ku qaadday hoyga uu ka degan yahay magaalada Khartoum Safiirka Jamhuuriyadda Soomaaliya u fadhiya dalka Suudaan, Maxamed Sheekh Isxaaq.

Weerarka oo ay geysteen dabley aan ka tirsanayn labada garab ee ku dagaallamaya dalka Suudaan ayaa guriga Danjiraha ka qaatay laba Gaari oo ay lahayd Safaaradda iyo hanti kale oo aan la shaacin inta ay la egtahay.

Bayaan uu soo saaray Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la joojiyo rabshadaha ka socda dalkaasi iyo la ixtiraamo guryaha dublamaasiyiinta, iyadoo ay lagama maarmaan tahay in la adkeynayo amniga siyaasiyiinta ku sugan dalka Suudaan.

 

Madaxweynaha Jubaland oo ka hadlay Xaaladda Gobolka Gedo

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in gobolka Gedo ay ka jirto xaalad siyaasadeed oo u baahan in ay xallinteedu ka wada qeyb qaataan Dowladda Federaalka, maamulka Jubbaland iyo cid kasta oo ahal u ah.

Mudane, Axmed Madoobe ayaa intaa ku daray in si maamulka dhowaan lasoo magacaabay uu gobolka u tago, loona sii amba qaado dib u heshiisiinta bulshada ku dhaqan Gedo ay lama huraan tahay in xal laga gaaro xaaladda Gedo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in wejiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah argagixisada dowladaha deriska ah ee ka qeybgalaya dhinaca gobolka Gedo ay u baahan yihiin maaamul sharci ah oo ay la shaqeeyaan iyo Ciidamo heer maamul goboleed ah oo ay la howlgalaan, taas oo meesha ka maqana ay dhabar jab ku tahay dagaalka lagu xoreynayo dalka.

Madaxweynaha Jubbaland oo daahfurayey Shirweynaha isku-dubbaridka xasilinta qaranka oo ay kasoo qeybgaleen Wasaaradaha arimaha gudaha heer Federaal iyo heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federaalka, ururada iyo Dowladaha Taageera Soomaaliya ayaa u mahadceliyey dhamaan masuulyiintaas.

 

Madaxweynaha Galmudug oo aqalka madaxtooyadda ku qaabiley wafdi uu hogaaminaayo wasiirka waxbarashadda dfs

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa aqalka madaxtooyada Dowladda Galmudug ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo wasiirka wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Faarax Shiikh Cabdulqaadir kana kooban wasiirrada waxbarashada Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Ujeedka wafdiga ayaa ah iney ka qeyb galaan Shirka Wadatashiga Waxbarashada oo ka furmi doona caasimadda Dowladda Galmudug ee Dhuusamarreeb.

 

Lataliyaha madaxweynaha ee dhanka xakameynta hubka sharci darada marwo mako maxamuud mouse ayaa galmudug ugu hambalyeysay ansixinta sharciga xakameynta hubka

Lataliyaha Madaxweynaha ee dhanka Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa Baarlamaanka Dowladda Galmudug ugu hambaleyeysay ansixinta sharciga xakameynta hubka.

“Sharcigan ayaa muhiim u ah in la xakameeyo hubka aan sharciyeesneen ama aan ku jirin gacanta dowladda, waxaana tallabadan ay  qeyb ka tahay  aragtida Madaxweyne Hassan Sheekh ee ku aaddan in la xoojiyo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka ‘monopoly of violence’ si loo hirgaliyo Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay Mako Maxamuud Muuse.

Dhanka kale waxa ay tilmaamtay Lataliye Makko in tallaabadan ay soo dedejin karto dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cunaqabatayna hubka taas oo lafdhabar u ah la daallanka Argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka xfs Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Amniga Qaran

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka Guddi Hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Amniga Qaran oo lagu soo bandhigay qodobo muhiim u ah xoreynta iyo xasillinta dalka, Cunaqabaynta Hubka iyo qorshaha dhimista Ciidanka ATMIS.

Shirka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howlgallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee dagaalka dalka looga xoreynayo kooxaha Khawaarijta ah.

Kulanka ayaa lagu gorfeeyey qabyo-qoraalka heshiiska mamnuucista tijaabinta hubka halista ah ee Nukleerka iyo Xeerka Amniga Hoteelada, Goobaha Ganacsiga iyo Xarumaha Adeegga Bulshada.

Sidoo kale kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qorshaha dhimista Ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, warbixin la xiriirta halka uu marayo qaadista cunaqabataynta hubka iyo qoondeynta Ciidanka Booliska Soomaaliya ee Maamul Goboleedyada, gaar ahaan ciidamada amniga ee la geynayo deegaannadii dhowaan laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.

Wasiirka Waxbarashada Faarax Sheekh Cabdulqaadir  oo ay wehliyaan wasiirada waxbarashada ayaa goordhaw gaaray Magaalada Dhuusamareeb

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir  oo ay wehliyaan wasiirada waxbarashada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa goordhaw gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug,

halkaas oo labada maalmood ee soo aaddan uu ka dhacayo shir wadatashi ah oo ku saabsan waxbarashada dalka.

Wafdiga Wasiirka waxaa garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Wasiirka Waxbarashada Galmudug, masuuliyiin iyo qeybaha Bulshada.

Wafdigan ayaa ujeedkoodu yahay in ay ka qeyb galaan shirka Wada-tashiga Arrimaha Waxbarashada oo dhawaan ka furmi doono Magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi ay wehliyaan wasiirada arrimaha gudaha ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Joose

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallin Fiqi oo ay wehliyaan wasiirada arrimaha gudaha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Joose halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiir Fiqi ayaa Kismaayo ka furay Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran kaas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.  

La-taliyaha Madaxweynaha JFS oo bogaadisay ansixinta Sharciga la dagaalanka hubka Sharci darrada ah oo Galmudug ansixisay

Lataliyaha Madaxweynaha JFS Xakameynta Qulqulka Hubka Sharci darrada ah ee Soomaaliya Marwo Makko Maxamuud Muuse ayaa Baarlamaanka Dowladda Galmudug ugu hambalyeysay ansixinta sharciga xakameynta hubka.

“Sharcigan ayaa muhiim u ah in la xakameeyo hubka aan sharciyeesneen ama aan ku jirin gacanta dowladda, waxaana tallabadan ay qeyb ka tahay aragtida Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan in la xoojiyo in hay’adaha dowladda kaliya ay gacanta ku hayaan awoodda dalka ‘monopoly of violence’ si loo hirgaliyo Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.” ayey ku tiri qoraal ay soo saartay Mako Maxamuud Muuse.

Dhanka kale waxa ay tilmaamtay Lataliye Makko in tallaabadan ay soo dedejin karto dadaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee ku aaddan in Soomaaliya laga qaado cunaqabatayna hubka taas oo laf dhabar u ah la daallanka Argagixisada.

Dhawaan ayey aheyd markii mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Galmudug ay Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay Hindise-Sharciyeedka Xakameynta Hubka Galmudug oo ay horay ugu soo gudbisay Wasaarada Amniga Gudaha Galmudug Golaha Baarlamaanka Galmudug.

Wasiirka arrimaha gudaha Axmad Macalin Fiqi oo gaaray Kismaayo

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS Axmed Macallin Fiqi oo ay wehliyaan wasiirada arrimaha gudaha dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa goordhow gaaray magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Joose halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweynaha Jubbalanad Axmed Maxamed Islaam iyo Wasiir Fiqi ayaa Kismaayo ka furay Shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran kaas oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.