Home Blog Page 428

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa daah-furay qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha Haweenka

0

          Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Salah Jama ayaa daah-furay qorshaha Qaran ee kobcinta xirfadaha Haweenka ee ka faa’iideysiga khayraadka Badda.

Qorshahan qaran ayaa loogu talo galay in si wadajir ah loogu horumariyo baahiyaha haweenka ee la xiriira wax soo saarka badda, kor u qaadidda doorka hoggaamineed ee haweenka, ka qaybgalka waxbarashada iyo shaqaalaysiinta, amniga iyo fursadaha maalgashi ee la xiriira badaha.

 

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo hadal ka jeediyey munaasabadda daah-furka ayaa tilmaamay in qorshahani uu wax wayn ka badeli doono shaqo la’aanta iyo saboolnimada, isagoo sheegay in haweenka ay fursad u heleyaan barashada xirfado ay uga faaiideysan doonaan khayraadka badaha ee dalkeenna ceegaaga.

Shirka oo ay si wadajir ah usoo qaban-qaabiyeen Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xaquuqal Insaanka, Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda iyo Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga ah, ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirradda Heer Dowlad Goboleed, xubno ka socday labada gole ee Baarlamaanka, Safiiro iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha deeq bixiyaasha.

Gudoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin ayaa maanta kula la qaatay kaaliyaha Arimaha Barakacayaasha iyo xalalka waara ee Xog hayaha guud ee Qaramada midoobay

0

Gudoomiyaha hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin ayaa maanta kula la qaatay kaaliyaha Arimaha Barakacayaasha iyo xalalka waara ee Xog hayaha guud ee Qaramada midoobay Mudane Robert Piper.

labada mas’uul ayaa si qota dheer oga wada hadlay xaaladaha barakacayaasha iyo sida xal waara loogu heli karo, Mudane Robert Piper ayaa sheegay in Qaramada Midoobay aa si dhaw ola socoto xaladda bini’aadinomo ee Soomaliya isagoo sheegay in ay garab taganyihiim marwalba shacabka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha SoDMA Maxamud Macallin ayaa Kaaliyaha gaarka ee ka socdo Xog hayaha Qaramada midoobay kaga mahadceliyay garab istaagga Shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS oo hambalyo u diray Cidanka Cirka Soomaaliyeed

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ciidanka Cirka Soomaaliyeed munaasabadda 63-sanno guuradii ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay Ciidanka Cirka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa dhammaan saraakiisha, saraakiil xigeennada, qeybaha Kala duwan ee Ciidanka Cirka iyo qoysaskooda ugu hambalyey maalintan qiimaha badan ee ku weyn ummadda Soomaaliyeed, isagoona sheegay in ciidanka cirka ay kaalin muhiim kaga jiraan dowladnimadda dalka.

Wasiirka Difaaca XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta safaarada dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga uu Tacsi ugu tagay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya

0

Wasiirka Difaaca XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta safaarada dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga uu Tacsi ugu tagay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya, si uu uga tacsiyadeeyo dowladda iyo shacabka dadkii ku dhintay  Dhulgariirkii musiibadii ahaa ee ka dhacday Isniintii la soo dhaafayTurkiga.

 

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa saxiixay buugga tacsida ee loo furay dadkii dhintay Dhul-gariirka, isagoo cadeeyey in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay aad uga tiiraanyeysan yihiin musiibadii ka dhacday Turkiga.

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa weerar jahooyin badan ah ku qaaday goobo ay isku abaabulayeen Khawaarijta Al-Shabaab

0

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa weerar jahooyin badan ah ku qaaday goobo ay isku abaabulayeen Khawaarijta Al-Shabaab oo dhaca duleedka koonfureed ee degaanka Qeycad ee Gobolka Mudug.

Dagaal xoog leh ayaa hadda ka socda goobihii la weeraray, iyadoo wararka hordhaca ah oo aan ka heleyno dagaalkaas ay sheegayaan in ciidanku la wareegay saldhiggii iyo godadkii ay Khawaarijtu uga sugnaayeen degaanka Qeycad.

Xasan Hurry Ugaas ayaa ku soo baxay doorashada Kursiga Tirsigiisu yahay Hop#203

0

Xasan Hurry Ugaas ayaa ku soo baxay doorashada Kursiga Tirsigiisu yahay Hop#203 oo saaka ka qabsoontay Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Kursiga ayaa waxaa ku tartamayay Musharrixiinta kala ah Cabdullaahi Maxamed Cabdi iyo Xasan Hurre Ugaas waxaana ka tanaasulay tartanka Cabdullaahi Maxamed Cabdi iyadoo uu cod gacan taag ah ku soo baxay Xasan Hurre Ugaas oo  helay 88 cod.

Dagaal khasaare culus lagu gaarsiiyay  Al-Shabaab ayaa maanta ka socda  deegaan lagu magacaabo Inji oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan,

Dagaal khasaare culus lagu gaarsiiyay  Al-Shabaab ayaa maanta ka socda  deegaan lagu magacaabo Inji oo hoos taga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, weerarka waxaa qaaday ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka, kadib markii ay heleen xogta koox Khawaarij ah oo dooneysa inay dhinaca kale uga gudubto wabiga Shabeelle

Dagaalka oo weli socda ayaa wararka hordhaca ah ee aan ka heleyno waxay sheegayaan in khasaare culus lagu gaarsiiyey Khawaarijta, isla markaana la fashiliyey qorshihii ay uga gudbayeen deegaankaas.

Maxamed-deeq Cabdullaahi oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed

0

Maxamed-deeq Cabdullaahi oo ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, kadib markii ay ciidanku kordhiyeen howlgallada, ninkaan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay inuu u adkeysa waayey nolosha adag ee maleeshiyaadka Khawaarijta ay wajahayaan.

Sawir hadlaya “Kaalay aan ku tusee”

0

Halkaan waa Gobalka Mudug, ninka dharka Shacabka ah wata waa oday Deegaanka ah, waxaa daba socda Cutubyo ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo Daraawiishta Galmudug.

Odaygu waa mujaahid Dhul yaqaan ah oo Khawaarijtu ciriiri galiyeen noloshiisa ka dibna wuxuu goostay in uu la dagaalamo Khawaarijta.

Hadda garab ayuu helay wuxuuna Ciidamada ku hugaaminayaa Dhulkii uu ku dhashay ee Khawaarijtu ka saartay.

Wuxuu isku hayaa labo shaqo, mar waa dhul bixiyeen Ciidamada kala tusaya meelaha ay Khawaarijtu ku dhuumanayso, marka labaadna wuxuu dhiniciisa ka galayaa Dagaalka oo qorigiisa ayuu garwaaxeedsanyahay.

Tani waa tilmaanta iskaaashi ee ka dhaxeeya Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Qaranka waana sababta ugu wayn ee jabisay Khawaarijta aqbalka alle ka sakoow.

Fursadda aan haysano Maanta waa  wadajirkeenna waana Wadka Khawaarijta.

Waa qoray Wasiir ku xigeenka Warfaafinta XFS Abdirahman Yusuf Al-adala

[DAAWO] Ciidamada amaanka ayaa gacanta ku dhigay Madaxii qaraxyada Khawaarijta ee Gobolka Mudug

0
Madixii qaraxyada iyo caafimaadka Khawaarijta gobolka Mudug Salmaan Daadir ayaa saaka lagu qabtay Aagga Camaara isagoo maleegayay dhagar uu ku dhibaateyn lahaa Shacabka.