Home Blog Page 428

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Seddax Askar katirsan dowladda

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukuno ku riday Seddax Askari oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay.

Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada.

Waxaa lagu xukumay Seddax sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.
Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadagaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.

Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa u sheegay warbaahinta xukunkan.

Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo meel mariyay Hindise Sharciyeedka Waddo-Marista

Madaxweynaha DDowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hirshebeeelle.

Shirka Golaha Wasiirada ayaa caawa looga hadlay Arrimaha amniga, xaqiijinta nabadgelyada deegaanada xorta ah, iyo Dardargalinta iyo tayeeynta hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho garsoor cadaalad ah.

Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhawaan laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah, Isagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaarada Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ayaa Madaxweynaha iyo Golaha uga warbixyay Qorshaha Wasaaradda iyo sida ay uga go’antahay dardargalinta hanaanka garsoorka si bulshadu u hesho adeeg garsoor oo cadaalad ah, isagoo sheegay si loo helo Garsoor aqoon leh in ay qaadeen Imtixaan daahfuran oo lagu xulayay Garsoorka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo hada meel-gabo gabo ah maraya.

Golaha Wasiiradda ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay Hindise sharciyeedka wadda-Marista oo hore Golaha ay ugu soo gudbisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Hirshabeelle.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Golaha Wasiiradda hor keentay Sharciga shaqo qorista shaqaalaha shisheeye.

Muqdisho-Somalia

Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka oo xilka la wareegay+Sawirro

0

Wasiirka Gaashandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, sidoo kale Taliyihii hore ee ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa xilka ku wareejiyey Taliyaha cusub Jeneraal Axmed Aadan Cali.

May be an image of 2 people, suit, dinner jacket, newsroom, dais and text

May be an image of 3 people, military uniform, dais, office and text

May be an image of 3 people, newsroom, office and text

May be an image of 3 people, newsroom and text

May be an image of 2 people, military uniform, dais and text

 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Gudoomiyaha maxkamadda sare oo gaaray magaalada Baraawe

0

Wasiirka gaashaandhigga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, guddoomiyaha  Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow,Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute, Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Mas’uuliyiintaas ayaa ciidanka ku booqday difaacyadooda, sidoo kale waxay u kuur-galeen nolosha shacabka ku nool magaalada Baraawe.

Askarta iyo saraakiisha ciidamada ayaa laga wareystay sida uu ku bilowday gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay Baraawe, waxayna masuuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ku amreen ciidamada inay is walaashadaan oo gacan ka hadal dambe uusan ka dhicin Baraawe.

Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ciidanka kula dardaarmay inay masuuliyad muujiyaan oo xabad dambe aysan isku ridin ayaa masuuliyiinta maxkamadda ciidamada ka codsaday inay dedejiyaan baaritaankooda, si caddaaladda loo waafajiyo shaqaaqadii ciidanka ku dhex-martay Baraawe.

Muqdisho-Somalia

Wasiirka Waxbarashada XFS oo soo xiray shir u qabsoomay madaxda waxbarashada ee dalka

0

Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane Faarax C/qaadir ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray shir 3- cisho ah oo u socday madax ka kala socday guddigga wadatashiga waxbarashada ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Shirkaan oo socday intii u dhaxeysay 20-22-kii,waxaa ka qeybgalay madaxda wasaaradaha waxbarasho ee dalka ,iyadoo mudadii uu socday looga hadlay qodobbo badan oo la xiriiray xagga waxbarashada.

Shirkaasi waxaa gabagabdii laga soo saaray warmuriyeed wadajir ah,sida uu shaaca ka qaaday Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada XFS Ismaaciil Yuusuf Cismaan.

Qodobada warmurtiyeedkaan waxaa kamid ahaa in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyada waxbarasho ee dalka.

-La aburo jawi iskaashi oo lagu hormarinaayo tayada waxbarashada.

-La sameeyo madal la isku dhaafsado aqoonta waxbarasho.

-Ahmiyad la siiyo dugsiyada qur’aanka.

-dib loo furi 12 dugsi oo farsamada gacanta ah,kuwaas oo ku taalla gudaha dalka.

-La sameeyo olole waxbaraso ,gaar ahaan deegaanada laga laga xoreeyo kooxaha argagixisada.

Iyo in la meeleeyo macalimintii waxbarashada ee dhowaan ku guuleystay imtixaankii macalinimada dugsiyada.

Muqdisho-Somalia

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha oo furey kulan looga hadlaayo xisilinta iyo soo kabashada deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay Kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayo xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.

Shirkan ayaa inta uu socdo lagu lafa-guri doonaa dardar-gelinta dadaallada ku saabsan xasillinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay wali ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu iyo sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ay gaarsiinayaan deegaannadii la xoreeyey.

Mudane Saalax oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu Barnaamijkani u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo kabashada goobahii laga saaray kooxaha Khawaarijta ah oo u baahan in la gaarsiiyo adeegyadii guud ee dowliga ahaa.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xoreynta iyo xasillinta dalka ay yihiin arrimaha hortebinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, isagoo la wadaagay saaxiibada caalamiga ah aragtida dowladda ee lagu gaari karo hiigsigaas .

Xubno loo heysto musuq maasuq oo maanta la hor-geyey maxkamadda G/Banaadir

0

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maxkamadda gobolka Banaadir hor geeyay labo sargaal oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta iyo sargaal ka tirsan ilaaladda madaxtooyada oo loo heysto falal la xariira Musuq-maasuq.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhagax dhigey dib u casriyeenta darjiinka arbaca rukun ee degmada xamarweyne.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay dib u casriyeenta Darjiinka Arbaca Rukun ee Degmada Xamarweyne oo kamid goobaha qadiimiga ah ee ku yaalla Caasimadda Muqdisho.

Goobtaan uu dhagax-dhigay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ah goob Taariikhi ah oo dhismaheeda la hirgaliyay nus qarni ka hor, waxaana oo loogu talagalay in ay isugu timaado bulshadu, si ay ugu qaataan waqtigooda la xariira nasiinada iyo wadasheekeysiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa balan-qaaday in Dowladda Hoose ee Xamar ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta goobaha taariikhiga ah ee ka turjumaya jiritaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka gaashaandhigga Maraykanka.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ka, Xoghayaha Difaaca Mudane Lloyd J. Austin.

Austin ayaa ku bogaadiyay  Madaxweynaha  horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah oo kooban waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Maraykanka doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, isagoo warbixin ka siiyay guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray wajigii 1-aad ee lagu xoreeyey deegaanno iyo magaalooyin badan oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, ayna ka soo maleegayeen falalka arxan darrada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Lloyd J. Austin cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya caqabadda ay ku hayso dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo qorshahu yahay in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka iyo dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey in codka Mareykanka ay ku taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Qaramada Midoobey.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xoghayaha Difaaca Maraykanka ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dib u dhiska ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ee wadahadallada DFS iyo Somaliland oo la kulmay safiirka Qatar

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed kullan kula qaatay Muqdisho safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Abdolla Salem Alnuaimi.

kullanka labada mas’uul ayaan diirada ku saarnay iskaashiga labada dal, iyo dardargalinta wada-hadallada DFS iyo Somaliland.

Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Dr. Abdolla Salem Alnuaimi la wadaagay sida dowladda Soomaaliya uga go’antahay ka miro-dhelinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Dr. Abdolla Salem Alnuaimi oo bogaadiyey dadaallada Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Qatar diyaar u tahay garab istaagga iyo taageerada wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.