Home Blog Page 41

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami ah, kuwaas oo laga hirgeliyay waaxda Oktoobar ee Degmada Hodan, iyadoona dhismaha waddooyinkaan ay iska kaashadeen Bulshada, Maamulka Degmada iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka ay kaalin wayn ka qaadanayaan, horumarka caasimadda, waxa uuna sheegay in ay socdaan qorshayaal kale oo lagu dhisaayo waddooyin muhiim ah iyo furista waddooyinka xirn ee Magaalada Muqdisho kuwooda aan culeesyada amni ka jirin si loo fududeeyo isku socodka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horumarada ka socda caasimadda ee dhanka dib-u-dhiska, soo celinta bilicda, amniga iyo dimuqraadiyeynta dalka si ay bulshada usoo doortaan Maamulkooda heer Degmo ilaa heer Gobol.

 

Safiirka Soomaaliya ee Malaysia oo sheegay in la qaaday tallaabooyin lagu horumarinayo iskaashiga waxbarashada labada dal

0

Danjire Cali Maxamed Abuukar ayaa soo bandhigay horumaradii u dambeeyay ee laga sameeyay xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo Malaysia, isagoo shaaca ka qaaday in isbeddelo muuqda laga gaaray iskaashiga dhinaca waxbarashada ee labada dal.

Safiir Cali Maxamed Abuukar, oo hadal ka jeediyay doorashada guddoomiyaha Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Malaysia oo ka dhacday caasimadda dalkaa ee Kuala Lumpur, ayaa ku boggaadiyay Ardayda Malaysia sida ay tusaale ugu yihiin jiilka bulshada Soomaaliyeed, markaa oo uu soo hadal qaaday, sida ay Ardayda wax ka baratay dalka Malaysia hadda door ugu qaadanayaan Isbedalada ka socda Soomaaliya.

Dalka Malaysia ee dhaca koonfur-bari Aasiya, ayaa ka mid ah waddamada ay waxbarashada u tagaan Ardayda Soomaaliyeed, kuwaasoo kamid ah aqoonyahannada waxtarka u leh bulshada ee dalka ku soo laabtay.

Agaasimaha hay’adda socdaalka oo kulan la qaatay wafdi ka socda Ciraaq

0

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda mudane Mustafa Duhulow ayaa kulan wax ku ool ah la yeeshay wafdi ka socday wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Ciraaq oo uu hoggaaminayo La-taliyaha Wasiirka Arrimaha gudaha, Sarreeye Guud Ziyad Daha Cali iyo Agaasimaha waaxda Iskaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Ciraaq, Sarreeye Gaas Calaa Canshuur Manaati. Wafdigan ayaa booqasho ku yimid xarunta dhexe ee HSJ.

Kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha JFS mudane Yuusuf Cali Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Ciraaq, Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan HSJ.

Ugu horrayn, Agaasimaha Guud ee HSJ ayaa wafdiga siiyay warbixin guud oo ku saabsan dedaallada lagu xaqiijinayo horumarinta baasaboorka Soomaaliyeed iyo isbeddellada lagu sameeyay adkaynta lagu codsado baasaboorka, hirgelinta nidaamka PISCES, iyo saxiixyada heshiisyada wada-shaqaynta ee Interpol oo qayb ka qaadanaya adkaynta amniga socdaalka iyo xuduudaha.

Sidoo kale, wuxuu la wadaagay wafdiga wada-hadallada caalamiga ah ee dhawaan lala yeeshay dalalka Norway, Switzerland, Germany, iyo Ingiriiska, kuwaas oo dhawaan la filayo inay qayb ka noqdaan horumarinta kaabayaasha Hay’adda.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Dowladda Ciraaq iyo Dowladda Soomaaliya horay ula lahaayeen xiriir qoto dheer oo taariikhi ah, isla markaana hay’adaha labada dal ee socdaalka iyo jinsiyadda ay iska kaashan karaan khibrad wadaag, isdhaafsiga xogta, iyo horumarinta kaabayaasha teknoolojiyada casriga ah. Waxa uu sidoo kale Dowladda Ciraaq ka codsaday inay ka taageeraan HSJ tababarka saraakiisha iyo dhismaha machadka tababarka.

Dhanka kale, wafdiga Dowladda Ciraaq ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin soo dhaweynta iyo martiqaadka loo sameeyay, isla markaana casuumaad rasmi ah u fidiyeen Agaasimaha Guud ee HSJ si uu booqasho rasmi ah ugu tago dalka Ciraaq. Waxa ay sidoo kale ballanqaadeen inay HSJ kala shaqeyn doonaan tababarro kala duwan oo la xiriira baasaboorrada, dalku-galka, iyo socdaalka, iyagoo sheegay inay ka caawin doonaan tababarka saraakiisha HSJ.

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xafiiska baarista iyo hubinta dukumentiyada, xafiiska madbacadda, iyo xafiiska dalku-galka ee elektarooniga ah (E-visa).

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo qaabilay wafdi ka socda hawlgalka AUSSOM

0

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, mudane Cali Daahir Ciid ayaa maanta madaxtooyada Galmudug ku qaabilay saraakiisha Ciidamada AUSSOM.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga, la dagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa awoodda Ciidamada AUSSOM ee ka howlgala deegaanada Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa Taliyaha AUSSOM Sector-4 u sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug ay shaqo weyn ka qabteen guud ahaan Galmudug, isla markaana amnigu uu hadda aad uga sarreeyo sidii hore.

Ugu dambayntii, saraakiisha AUSSOM iyo madaxda Galmudug ayaa isla qaatay in la dardar-geliyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo howgallo culus ay ka bilaaba doonaan deegaanada Galmudug.

 

Wasiirka Warfaafinta oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Karin Johansson.

Wasiirka iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa ka wada hadlay iskaashiga iyo horumarinta dhinacyada dhaqanka iyo wacyigelinta bulshada.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa ku bogaadiyay Midowga Yurub taageerada iyo wadashaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kaalinta Midowga Yurub ee ku aaddan horumarinta dhaqanka iyo dhiirrigelinta nabadda.

Daljire Karin ayaa dhankeeda xustay inay doonayaan inay sii laba-laabaan hawlaha ay ka wadaan Soomaaliya, iyadoo intaa ku dartay in dalka uu sameynayo horumar dhinacyo badan leh oo abuura rajo cusub.

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka kala socday Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Midowga Yurub.

Nooc cusub oo laga helay hubkii laga furtay Shabaabka (WARBIXIN)

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dhawaan gacanta ku dhigay deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa soo bandhigay Hub, Saanad Ciidan oo kala duwan, Horjooge iyo Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay halkaasi.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa qabashada Bariire kadib kormeer shaqo ku tagay halkaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda Ciidamada Uganda ee UPDF ay ka xoreeyeen maleeshiyaadka Khawaarijta, kuna dhigeen casharro lama ilaawaan ah, intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa tegay gododkii iyo xarumihii maleeshiyaadka Khawaarijta laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan oo cadawga ah, hub farabadan iyo saanado kale oo ciidan oo ay ka carareen.

Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Cali Cageey, ayaa taliyaha ugu warbixiyay xaaladda amniga iyo sida ay ciidanku u xaqiijiyeen xasilloonida deegaanka.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaliyeed Khalid Sheikh Cabdullahi Cumar ayaa bogaadiyay Ciidanka Xoogga Dalka

“Waxaan booqday maanta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, oo shalay lagu nadiifiyay howlgalka qorsheysan ee guusha leh ee ‘Duufaanta Aamusan’. Guushan waxay timid kaddib markii geesiyada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo garab ka helaya ciidamada UPDF ee qeybta ka ah AUSOM ay jebiyeen difaacyadii cadowga, lagana furtay hub badan, gacantana lagu dhigay maxaabiis, isla markaana loo geystay khasaare nafeed culus”.

Taliyaha ayaa Bartiisa Baraha Bulshada ku qoray, “Cadowgu waxa uu hore u jaray buundada deegaanka, taas oo muhiim u aheyd isku socodka bulshada, gaar ahaan Beeraleyda, si uu ugu go’doomiyo nolol maalmeedkooda. Maanta, shacabka Bariire waxay dib u heleen xorriyaddooda iyo neecowda dowladnimada, iyadoo ciidanka Qaranku ay xaqiijiyeen in amniga iyo kala dambeyntu dib ugu soo laabato deegaanka, islamarkaana ay ka socdaan howlaha nadiifinta cadowga”.

Isagoo ka hadlaayay kormeerkiisa, “Intii aan ku guda jiray kormeerka, waxaan dhiirrigelin iyo bogaadin u jeediyay geesiyada ciidanka & saaxiibadeen UPDF ee ku sugan jiidda hore, kuwaas oo u taagan difaaca Shacabka. Bariire maanta waa calaamad muujinaysa go’aanka iyo awoodda dowladda Soomaaliyeed ee ku aaddan sifaynta iyo nadiifinta dhulka Soomaaliyeed meel kasta oo cadowgu ku dhuumanayo. Howlgalka ‘Duufaanta Aamusan’ wuu soconayaa ilaa laga xaqiijiyo amniga, midnimada iyo karaamada Qaranka”.

 

Sawirka kor ka muuqda waa Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar iyo Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska GorGor, Gaashaanle Cali Cageey oo kor u haaya Gumac ka mid ah hubka laga furtay dhowr maalin ka hor Argagaxisada Al-Shabaab dagaalkii cuslaa ee Bariire, midkaasoo in ka badan 120 maleeshiyaadkooda ah lagu dilay.

Gumaca ay taliyayasha gacanta ku haayaan waxaa uu u eg yahay nooca la dhahaa (Al Yaasiin ), wuxuuna ku rakibmaa qoriga RPG-7 ee Soomaalida u taqaan ‘SABANKA’, kaasoo garabka laga tuuro. Gumacaan loo bixiyay ‘Al Yaasiin’ waa garneyl ay farsamadiisu aad u sareyso.

Gumaca Al-Yaasiin ayaa awood u leh inuu duleeliyo Taangiyada iyo Gawaarida Gaashaaman, islamarkaana burburiyo, iyadoo dagaalka Gaza lagu arkay awoodiisa, waxaana la sheegaa in laba marxaladood uu qarxo, iyadoo gumaca Afka hore uu shaqada u fududeeyo midka labaad oo qaraxa xooggan wata.

Inkastoo Khubarada Soomaaliyeed ee Hubka aysan wax tafaasiil ah ka bixin Gumacaan, balse waxaa loo maleynayaa inuu yahay ‘ Al-Yaasiin’. “Dowlada federaalka Soomaaliya waa inay arrintaasi ku baraarugtaa oo qorshaha lagu darsadaa”, sida uu qabo Falanqeeye arrimaha Amniga ah.

Dhinaca kale Wasiirka gaashaandhiga xukuummadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan qabtay shir jaraa’id ayaa faah faahin ka bixiyey howlgal socday muddo toddobaad ah oo Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay ka wadeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose, wuxuuna xaqiijiyey howlgalkan intii uu socday in lagu dilay in ka badan 120 ka tirsan Khawaarijta Al-shabaab sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale oo intaasi ka badan, kuwa noolna gacanta lagu dhigay.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa bogaadiyey ciidanka xoogga iyo taageerada Saaxiibada Caalamku la garab joogaan Dowladda Soomaaliya” ciidankeenna waad guulaysateen, waxaad kor u qaadeen niyadda shacabka Soomaaliyeed, waxaa weeye dagaalku wuu soconayaa ilaa dhamaan dhulka Soomaaliya laga nadiifinayo kooxaha Khawaarijta”ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ciidanka xoogga ayaa gacanta ku dhigay dhamaan goobihii Khawaarijtu ku dhuumanaysay waxayna Ciidanku hadda wadaan hawlgalo lagu ururinayo Maydadkii iyo hubkii ay ka carareen khawaarijta.

Weriye ka tirsan Warhaabinta Dowladda Zakariye Qaasim Bagax, oo ku sugan Bariire, ayaa la kulmay labo ka mid ah khawaarijta oo lagu qabtay howlgalka guuleystay ee Bariire.

 

Maxbuuska koowaad, oo ah mid ka mid ah horjoogayaasha arxanka daran ee Khawaarijta, ayaa silsilad ku xiray geed weyn salkiisa, iyagoo ku talagalay in uu dagaallamo ilaa uu ka dhinto, hase yeeshee, ciidanka Qaranka ayaa nolosha ku qabtay.

Bariire waxaa loogu tegay wax yaab leh, dhagarqabahaan waxaa Geedka loogu xiray inuu aad u dagaalamo oo uusan cararin, markii rasaastu ka dhamaatay, isaguna uu dhima waayey ayaa nolosha lagu qabtay, waxaanana sida ka muuqata sawirka. Bal eeg arxan darrada Khawaarijta, Wiilkaan yarka ah ee aan 15 sano gaarin ayay silsilad iyo qunful kula xireen geed si uu ugu dagaalamo ilaa uu ka dhinto

“kan labaad ayaa la qabtay isagoo dhaawac ah, waxaana hadalladiisa laga fahmay inuu yahay horjooge dhagar badan, wuxuuna sheegay in maleeshiyaadkii uu watay, oo dagaalka lagu laayay, uu gurmad ahaan uga keenay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe”sida uu sheegay.

Deegaanka Bariire waa magaalo-beereed istiraatiiji ah oo 73 kiiloomitir (45 mayl) koonfur-galbeed kaga beegan caasimadda Muqdisho, waxay kaloo ku fiican tahay dhaqashada Xoolaha, gaar ahaan Lo’da.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Daah-furay Dhisme Cusub oo Safaaradda Aljeeriya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay weheliso Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afrika, Salma Bakhita Mansuur, ayaa shir guddoomiyay furitaanka dhismaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Algeria.

Xafladda oo ay ka qeyb galeen xubna sare oo katirsan bahda diblomaasiyadda ayaa waxa hadal ka jeediyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Afrika,Salma Bakhita Mansu taa oo ka hadashay xiriirka tariikhiga ah ee labada dal iyo taageerada wadajirka ah ee ay muujiyeen sannadihii la soo dhaafay. Waxa ay xaqiijisay sida ay Aljeeriya uga go’an tahay in ay sii wado kala shaqaynta Soomaaliya si loo xoojiyo iskaashiga dhinac walba ah, gaar ahaan marka la eego xubinnimada labada dal ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo bixiya fursado waaweyn oo wadatashi iyo isku-dubbarid lagu difaacayo arrimaha Afrika iyo horumarinta danaha qaaradda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa uga mahad celiyey dowladda Aljeeriya taageerada ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sal adag leh.

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Kulan la Qaatay Dhigiisa Dalka Aljeeriya

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Wasiir Cabdisalaam Cabdi Cali , ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Aljeeriya, Mudane Axmed Ataf, kaas oo ka dhacay magaalada Aljeres, caasimadda dalkaas.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Aljeeriya, gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga, waxbarashada, farsamada gacanta, iyo xoolaha. Labada Wasiir ayaa isla gartay in la dhiso guddi heer Wasiir ah oo labada dal ka dhaxeeya, si loo adkeeyo iskaashiga labada dowladood, loona horumariyo xiriirka labada dhinac.

Intii uu socday kulanka, waxaa sidoo kale laga hadlay arrimaha gobolka, oo ay kamid yihiin xaaladaha ka taagan Suudaan, marinka Gaza, Geeska Afrika iyo gobolka Saaxil. Labada dhinac ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay wadashaqeyn dhab ah si loo helo xasilooni waarta oo ka hana qaadda guud ahaan gobolka.

Wasiir Cabdisalaam ayaa uga mahad celiyey dowladda Aljeeriya taageerada ay mar walba la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo midnimadooda, isagoo xusay in xiriirka labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sal adag leh.

Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Aljeeriya, Mudane Axmed Ataf, ayaa isna uga mahad celiyey dhiggiisa Soomaaliyeed booqashada iyo dadaallada uu ku bixinayo xoojinta xiriirka labada dal. Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in dowladda Aljeeriya ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga oo xafiiskiisa ku qaabilay xubno ka socda QM

0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai, Agaasimaha Taageerada Hawlgalka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).

Kulanka ayaa looga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo UNSOS. Waxay si gaar ah uga wada hadleen taageerada howlaha amniga, qalabaynta Ciidanka Xoogga Dalka, iyo sidii loo horumarin lahaa awoodda hay’adaha amniga ee dalka.

Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay UNSOS kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato dhismaha awoodda ciidamada iyo guulaha laga gaarayo dagaalka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo la kulmay Safiirka Mareykanka

0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Mustafe Sheekh Cali Duhulow ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya, Mudane Richard Hiley, iyo Madaxa Arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqaalaha, Matthew Younger.

Kulanka ayaa looga hadlay iskaashiga ku saabsan Maaraynta Amniga Xuduuddaha, Aqoonsiga baasaboorka Soomaaliyeed, Hirgelinta nidaamka cusub ee PISCES oo ay Maraykanku taageeraan, iyo Hirgelinta nidaamyada isku-xirka adeeg bixinta baasaboorka ee HSJ iyo NIRA iyo barnaamijyada lagu xoojinayo kobcinta awoodda iyo xirfadda shaqaalaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.