Home Blog Page 409

Ciidanka Xasilinta Caasimadda oo ku guuleystay sugidda aminga Magaalada Muqdisho

0

Qeybaha kala duwan ee laamaha amniga oo iskaashanaya ayaa ku guuleystay in amniga Magaalada Muqdisho uu noqdo mid aad u sarreeyo, kaddib markii ay hawgallo joogta ah ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Shacabka Caasimadda ayaa xilligaan dareemaya jawi xasilloon markii laamaha amniga ay wax ka qabteen dhaca iyo arbushaadda laga geysan jiray Magaalada Muqdisho, iyada oo shacabka ku nool degmooyinka dhaca daafaha Magaalada ay aad ugu riyaaqeen hawgallada joogtada ah ee laamaha amniga.

Taliyaha Birmadka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Suleymaan Maxamed Axmed (Dulmi-diid) ayaa kormeer u kuur gal ah ugu tagay Ciidanka Birmadka qeybtooda Xasilinta Caasimadda, isaga oo Ciidamada kula dardaarmay in ay laba jibaaraan shaqada ay u hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Dhanka kale, qaar ka mid ah Shacabka Soomaaliyeed oo la hadlay wakaaladda wararka ee SONNA ayaa sheegay in ay ka reysteen tuugadii dhaci jirtay taleefanadooda, iyaga oo xusay in hadda ay dareemayaan jawi xasiloon oo ka duwan kii hore ee Muqdisho.

 

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay dhigiisa Dalka Sacuudiga

0

-Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Mudane  Maxamed Shiikh Axmed Cali (Doodishe)oo ku sugan Magaalada Riyaad ee Sacuudi Carabiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha gudaha ee dalka Sacuudiga Amiir Abdulaziz bin Saud,kuwaa oo ka hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada shaqeynta amniga ee u dhaxeysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Boqortooyada Sacuudiga iyo Wasaaradda Amniga Gudaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta dhanka Amniga ee labada wasaarad.

Wasiirka waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay Taliyaha ciidanka Boliiska soomaaliyeed Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin,iyo masuuliyiin kale kuwaa oo inta ay joogaan Sacuudiga kulama kala duwan la qaadan doonno madaxda dalkaasi

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiint XFS oo daahfuray kulan looga hadlayo adèega 5G

0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan  Axmed Cismaan Diiriye ayaa daah-furay shir looga hadlayay istaraatijiyada adeega 5G,kaa oo ay ka qeyb galeen xubnno ka socoday xarumaha isgaarsiinta dalka

Wasiirka waxa uu sheegay shirkaan wadatashiga ah uu qeyb weyn ka qaadan doono suuq xor ah iyo guud ahaan amniga Qaranka

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta”  5G waxa uu ka qayb qaadan doonaa suuq xor ah iyo amniga  Qaranka”

Maareeyaha guud ee hay’adda Isgaarsiinta Qaranka  Mustaf Yaasiin Sheekh ayaa ka warbixiyey nuxurka adeega 5G,ayaa sheegay in adeegaan uu faa’iido badan u leyahay waxbarashada hormarka ganacsiga guud ahaan dalka,waxa uuna tilmaamay in mudda dhaw adeegaan lagu baahin doono guud ahaan dalka

Waxa uu sheegay in maalmaha shirka uu socdo looga doodi doono sidii adeeg internet ah oo tayo sare leh u  heli lahayeen bulshada Soomaaliyeed.

Maxkamadda ciidamada oo Xukun Dil Toogasho ah ku fulisay Askari horay Dil u geystay

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta dil Toogasha ah ku fulisay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac (JiniJini),oo horay xarardheere dil ugu geystay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabee, oo ay militariga ka wada tirsanaayeen September kow iyo Tobankeedii ee Sanadkan.

Maxkamad wareegto oo loo diray ayaa xukunkan Dilka ah kula fulisay Xarardheere,kadib markii maxkamaddu ku heyshay Shariif Abshir Cabdiraxmaan Jaamac oo katirsana Ciidanka Gorgor uu si bareer ah u dilay marxuum Saacid Cali Cabdi Shabee

Waana fariin loo Dirayo Ciidanka oo ah in ay Dilaan Cadowga balse aan Hubka loogu dhiibin Iyaga in ay Is Dilaan.

Maxkamadd ciidamada qalabka sida ayaa sidaan oo kale horay u fulisay xukunno askar dilal u geeystay shacab iyo ciidan.

 

 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS : Khawaarijta waxay maraayaan heer maalin walba dhexdooda diriraan oo ay islaayaan

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in khawaariijta la gaarsiiyay jab xooggan, isagoo tilmaamay in kummanaan ay soo qaadeen lagu khaarajiyay howgallada ka socda dalka.

“Khawaarijta Waxaa meel la kala geeyo la layhay dhaawacooda oo ay intooda badan dhameystiraan naftana dhaafiyaan, Waxay waayeen maal badan oo ay shacabka ka baadi jireen, waxaa lumey kalsoonidii dhexdooda ahayd oo waxay maraayaan heer maalin walba dhexdooda diriraan oo ay islaayaan. Waxaa kaloo xaqiiqo ah tira ku kordheysa in aysan jirin”.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidamada Qalabka sida oo kaashanaayo Shacabkooda ay ku jiraan dagaal lagu difaacaayo Dinteena, dalkeena iyo dadkeena dhiigooda iyo sharafkooda.

“Waxa la bixinaayo waa naf, maal iyo maskax mana jiro wax uu aadane bixin lahaa oo intaas ka qaalisan, xukuumadda dan qaran waxaa ka go’an in la ciribtiro Khawaarijta, la dhameystiro halganka dalkeena lagu gaarsiinaayo amniga iyo horumarka waana taariikh qormeyso oo lagu dhigi doono Iskuulada” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Wasiirka Difaaca xukuumadda Federaalka Soomaliya ayaa ku baaqay in Jihaadka ka dhanka ah khawaarijta aan loo kala harin oo qof kasta qeybtiisa uu uga qeyb noqdo maal, af iyo adin.

Tan iyo markii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta ayaa lumisay degmooyinka iyo deegaanno badan oo 15 wax kabadan ku jiray gacanta cadowga, iyadoo xiligin khawaarijta ku jirto xiligii ugu adkaa marka laga eego koobaha wali ku hareen iyo firxadka ay ku jiraa.

Maxaa laga filan karaa kulanka Qaramada Midoobey ee ka furmaya New York?

0

In ka badan 140 hoggaamiye iyo wakiillo dawladeed oo ka kala socda caalamka ay ku qulqulaya Magaalada New York ee Dalka Mareykanka si ay uga hadlaan kalfadhiga 78aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo furmaya brrito.

Jadwalkaan sannadlaha ah ee ay isugu tagayaan madaxda caalamka waxay fursad u siineysaa in ay soo  bandhigaan mudnaanta sanadka soo socda ee ku aadan in iskaashi laga yeesho arrimaha khuseeya caalamka,gaar ahaan dhinacyada amniga,horumarka iyo isbadalka cimilada.

Doodda guud ee sanadkan waa Dib u dhiska kalsoonida iyo dib u soo celinta midnimada caalamiga ah, dardargelinta Ajendaha 2030 ee ku wajahan gaaritaanka nabadda, barwaaqada, horumarka iyo waaritaanka.

Kulanka Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay si weyn uga dhex muuqdaan arrimo la xiriira xiisadda isbaddalka cimilada iyo dagaalka Ukraine .

Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare oo Safar Shaqo u Aaday Dalka Kenya.

0

Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Kenya, halkaas oo ay kulamo qibrad wadaag shaqo iyo waayo- aragnimo iswaydaarsi ah kula yeelan doonaan Golaha Senate-ka dalka Kenya.

Xubnaha Guddiga joogtada oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa inta ay Kenya joogaan waxa ay kulamo la yeelanayaan Guddoonka Golaha Senate-ka,  guddiyada, iyagoo sidoo kale ka qayb geli doonaa fadhiga guud ee Golaha Senate-ka dalka Kenya.

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay dhul go’ ka dhacay waqooyi-galbeed ee kongo

0

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhintay dhul go’ ka dhacay waqooyi-galbeed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, oo ay sababeen roobab mahiigaan ah,

mas’uuliyiinta ayaa sheegay in ay ka digayaan in khasaaruhu uu sii kororto iyadoo samatabbixiyeyaashu ay kala shaandheynayeen  dhoobo iyo burburka guryaha dumay.

Musiibadan ayaa Axdii ka dhacday agagaarka wabiga Congo ee magaalada Lisal ee gobolka Mongala, sida uu sheegay Matthieu Mole, madaxa ururka bulshada rayidka ah Forces Vives.

Dadka dhintay ayaa ku noolaa guryo laga dhisay buur hoosteeda.

 

Wasiir Axmed Xasan : Inta Madaxweynaha JFS uu tuutaha xiranyahay ma jiri doono qof gadaal uga istaagaya dagaalka Khawaarijta

0

Wasiirk wasaaradda Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Axmed Xasan Aadan oo ku sugan Magaalada Bacaadweyn ee gobolka Mudug oo shalay lagala wareegay khawaarijta ay ku ammaanay Madaxeynaha jamuuriyadda federaalka Soomaliya mudane,Xasan Sheekh Maxamuud ka go’naashaha dagaalka dalka looga xoreynayo khawaarijta.

Wasiir Axmed Xasan ayaa sheegay in inta uu Madaxweynaha JFS uu xiranyahay tuutaha safka horana u joogo ciribtirka khawaarijta aysan jiri doonin cid dib uga laabaneyso howlgallad dalka looga xoreynayo khawaarijta.

” Inta Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu tuutaha xiranyahay ma jiri doono qof gadaal uga istaagaya dagaalka Khawaarijta”,wasiir Axmed Xasan

Wasiirka Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ah ayaa dhanka kale sheegay in dowladda ay la garab taagantahy Shacabka adegyadii bulshada in laga hirgaliya degmada Bacaadweyn diyaarna ay u tahay,Shacabka ayuuna uga baaqay in ay adkeystaan Amniga degaanka oo ay ka difaacdaan khawaarijta.

Hadalkaan ayuu wasiirka Kalluumeysiga iyo dhaqaalaha balluuga ka jeediya Dagmada Bacaadweyn oo si buuxda ay ula wareegeen ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca Koonfurta Gobolka Mudug Cabdimanaan Sheekh Maxamed Cismaan oo sidoo kale goobta ka hadalay ayaa sheegay in shacabka ay isku tashadeen ayna ka go’antahay inay cadowga iska dulqaadaan.

 

Galmudug oo Kafaalo qaadday Reerihii ay ka shahiideen laba Mujaahid oo ku shahiiday Qaraxii Khawaarijta ee Laas-gacamey.

0
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa heerka ugu sarreysa ee billad geesinimo guddoonsiiyey Axmed Cabdulqaadir Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xasan oo maanta naftooda u huray badbaadinta madaxda Galmudug, xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacameey.
Dawlada Galmudug waxay si buuxda u kafaala qaadaysaa qoyska iyo ubadka naftood hurayaasha, waxayna waalidka dhalay uga mahad naqeysaa geesinnimada, nafhuridda iyo waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.
Tallaabada ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ah ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.