Howlgallada ka socda Jubbaland oo jab xooggan lagu gaarsiiyay Khawaarijta

Date:

Taliyaha guutada labaad ee ciidamada Daraawiista Jubbalanad Aar Sheekh Cali ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay deegaannada Jubbaland jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Khawaarijta, deegaanno badanna laga xoreeyay.

Taliyaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada yar yar ee ay qaldeen Khawaarijta in ay ka faa’ideystaan fursadda iskuna soo dhiibaan Dowladdooda si ay u helaan nolol ka wanaagsan midda ay ku jiraan oo ah mid aan sax ahayn.

” Waxaan rabnaa Khawaarijta fursad bey haystaan maanta ay kaga faa’ideysan karaan dhallinyarada yar yar ee la qalday in ay deegaankooda iyo dalkoodii dib ugu soo laabtaan, waxaan leeyahay shacabka Jubbaland ha loo diyaargaroowbo nimankan waqtigooda wuu dhammaday waqti yar baa u haray,” ayuu yiri taliye Aar.

Sidoo kale, taliyaha ayaa tilmaamay in guulo wax ku ool ah ay ciidamada oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka, wuxuuna hadalkiisa intaas ku daray in ay habeen iyo maalin u taagan yihiin ciribtirka Khawaarijta nabadda iyo horumarka u diidan ummaddeenna.

“Ciidamada Jubbaland waxay soo hoyiyeen guulo la taaban karo habeen iyo maalinna waxaa loo taagan yahay in cadowgaas dalka laga saaro,”.

Ciidamada Xoogga Dalka, kuwa Daraawiisha Jubbaland oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyay deegaannada fara ku tiriska ah ee ay Khawaarijta kaga harsan yihiin Jubbooyinka, waxaana howlgalladaas laga gaaray guulo wax ku ool ah.

Khawaarijta ayaa howlgalladaas ku waayay tiro maleeshiyaad iyo horjoogayaal muddo 15-sanno ka badan shacabka ku dhibaateyn jiray deegaannadaas gaartay gacanta ciidamada qaranka iyo kuwa geesiyaasha Jubbaland.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlayay xoojinta wacyigelinta adeegyada Aqoonsiga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho

Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) ayaa magaalada Muqdisho...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

Agaasimaha Laanta Afrika ee Xarunta Boqor Salmaan oo booqday Xarunta Daryeelka Agoonta ee Ummu Badr

Masuuliyiin ka mid ah Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka...

Soomaaliya oo daneyneysa kordhinta qoondada Xujeyda Xajka 𝟭𝟰𝟰𝟴𝗛/𝟮𝟬𝟮6

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka mudane...