Shiinaha oo diyaarado dagaal u diray Taiwan

Date:

Shiinaha ayaa Taiwan u diray 103 ka mida diyaaradohooda dagaalka, labadii maalin ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca ee Taiwan.

Taiwan ayaa Bayaan ay soo saaratay shalay ugu baaqday Shiinaha inuu joojiyo tallaabooyinka keeni karo xasillooni darro iyo xaalad dagaal, iyagoo intaas ku dartay in ugu yaraan 40 ka mida diyaaradaha dagaalka ee Shiinuhu ay ka gudbeen khadka dhexe ee marin-biyoodka Taiwan, kaasoo ay sheegeen inay daliil u tahay daandaansiga Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa aaminsan in Taiwan ay qayb ka tahay dhulweynaha Shiinaha, hase ahaatee arrintaas waxaa in muddo ah ka biyo diidsan Taiwan, oo isku tilmaantay Dowlad Madax banaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulanka Guddiga Joogtada ah ee BFS oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Warfaafinta

Guddiga joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka...

Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka oo Gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladda...

Dibadbax lagu taageerayo dowladda iyo doorashooyinka qof iyo codka ah oo dhacay degmada Kaaraan

Shacabka degmada Kaaraan ayaa xaafadda Mirinaayo ku qabtay dibadbax...

Wasiirka Cadaaladda oo ka hadlay guulaha DFS ay ka gaartay dimuqraadiyeynta iyo dib-u-habeynta garsoorka

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...