Home Blog Page 405

Bile Muxudiin” Khawaarijtu waxay iga dishay Hooyadeey,Aabaheey iyo Walaalkeey”, ( Warbixin)

Bile Muxudiin Maxamuud, waa 20-sanno jir labadiisa waalid ay dileen Khawaarijta,.labo sanno ka hor ayuu ciildartiis u qortay ciidanka, qorigana u qaatay Khawaarijta ka dib markii ay dileen hooyadiis, Aabihiis iyo walaalkiis.

” Waxaa igu kalifay inaan ciidanka qorto sababo la xiriira Khawaarijta dartood inaan la diriro, maaddaama hore ay ii dhibaateeyeen, mana doonayo in ummad Kale oo Soomaaliyeed dhibaateeyaan sidaas darteed ayaa u qortay,”.

Bile ayaa si qoto dheer kaga hadlay dhibaatada ay u geysteen Khawaarijta, wuxuuna sheegay in aysan wax u yareysan oo dhammaan qoyskiisa ay dhibaateeyeen.

” Waxba iima yareysan hooyadey waa dileen, Aabahey waa dileen iyo wiil Ila dhashay,horta wixii aniga igu dhacay waa igu dhaceen, balse waxaa go’aansaday inaan la dilin wiil dambe Soomaaliyeed, aabe iyo hooyo dambe oo Soomaaliyeed,” ayuu yiri Bile oo la hadlayay warbaahinta Qaranka.

2017, xilli galab ah, degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir kooxda Khawaarijta Al-shabaab ayaa gaadmo ku idlay Bile Aabihii Alle ha u naxariistee Muxudiin Maxamuud Abooreyste oo ka mid ahaa Booliska Soomaaliya.

Sidoo kale, Bishii November, 2018, Qarax ay argagixisadu ka geysatay Kaawo-godeey Isla degmada Kaaraan ayuu Bile ku waayay hooyadii Alle ha u naxariistee oo halkaas gamacsi ku lahayd iyo walaalkii Maxamed Muxudiin Abooreyste oo booqasho ugu yimid hooyadii, waxayna ku naf waayeen qaraxii Khawaarijtu ay soo maleegtay.

Bile, markii ay Al-shabaab ka dileen hooyadii, Aabihii iyo walaalkii dhowr dagaal oo uu Khawaarijtu uga hortegay wuxuu sheegay inuu hooyadii, Aabihii ito walaalkii ugu aarguday Khawaarijta, wilina wuxuu doonayaa inuu shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatada ka soo gaartay falalka guracan ee aragaguxisadu ugu aargudo.

” Hadda waxaan filaa inaan u aaray, haddana inaan u sii aaraa rejeynaa, 2-sanno iyo wax la jiro ayaa ciidan ahay, waxaan u dhaartay ummadda Soomaaliyeed,”.

Bile,ayaa fariin u diray dhallinyarada asaagiisa ah in xilligan la joogo waqtigii qof kasta ka aargudan lahaa Khawaarijta Al-shabaab.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socdo degaannada Hirshabeelle

0

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa bogaadiyay howlgallada Ciidanka Xoogga Dalka, iyo Ciidamada dib u xoreynta deegaanka ay ku xoreeyeen Degmada Ruunir-good ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidanka dib u xoreynta deegaanka oo iskaashanaya ayaa si buuxda gacanta ugu dhigay Degmada Ruu-nirgood iyo deegaanada hoosyimaada sida Hilowle gaab iyo Ceelbacad,

Madaxweynaha ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin u diray Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa dib u xoreynta ee shacabka Degmada Ruunirgood iyo deegaanada hoosyimaada ka dulqaaday cadowgii ku habsaday mudada dheer.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa xusay in wajiga labaad ee howlgalka lagu xoreeyn doono dhamaan deegaanada dhaca Galbeedka Wabiga ee Dowladda goboleedka Hirshabeelle

Ciidanka Nabadsugida jubbaland oo fashiliyay qaraxyo Miino

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka & Nabadsugida Jubbaland oo kaashanaya shacabka reer Jubbaland ee Magaalada Kismaayo ayaa gacanta kusoo dhigay agabka Qaraxyada oo ay dhagar-qabayaasha Khawaarijta doonayeen iney ku waxyeeleeyaan dadka shacabka ah ee amniga iyo saxansaxada nabadadeed ku naaloonaya.

Ciidamada ayaa u mahadceliyay shacabka reer Jubbaland ee sida joogtada ah ugu soo wargeliya xogta dhagaraha ay khawaarijta u malegeeyso Shacabka reer jubbaland,si ay ciidamada uga howlgalaan.

Ciidanka xoogga iyo kuwa degaanka ayaa degaanno badan oo katitsan gobolada dalka kawada howlgallo ka dhan ah khawaarijta oo dhibaata badan ku hayo dadka shacabka ah.

Nuxurka Wareysi uu bixiyay wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh Cabdulqaadir

0

Halkaan waxaan ku soo koobayaa nuxurka wareeysi aad u qiimo badnaa ee uu bixiyey Wasiiirka Waxbarashadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sarre Faraax Sheekh Cabdulqaadir.

Wareeysiga faham qoto dheer siinaya dadka doonaya in ay wax badan ka ogaadaan heerka Waxbarasho ee dalkeena iyo sida loogu gundhi karo.

Wareegsiga ayaa nuxurkiisa ahaa sidan:-

✓ Dadka heerka waxbarshado gaarey dalkeenna waxaa lagu qiyaasaa ilaa 5,000,000 oo qof, hadda inta waxbarsho aadda waxaa lagu qiyaasaa ilaa 1,000,000 oo qof. 2030 waxaa la qiyaasayaa in dadkaasi ay gaarayaan ilaa 8,000,000 oo qof.

✓ Shan Milyan oo arday waxa ay u baahan yihiin 120,000 oo macallin ( Boqol iyo Labaatan Kun)

✓ 33,000 oo arday ( Sodon iyo Seddex Kun ) ayaa sanadkaan fariisatay imtixaankii fasallada 8aad iyo 12aad ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

✓ Guud ahaan hadda 22,000 oo macallimiin ayaa ka howlgala dalka, in yar ayaa tababar macalinimo qabta.

✓ Shaqaalaha rayidka ah ee Soomaaliya waa 6,000 oo qof, waxaana lagu kordhiyey 3,000 oo macallin oo si rami ah kaga mid noqday shaqaalaha Dowladda.

✓ Qofku haddii uu hal sano waxbarto 10% ayaa xaaladda faqriga ee qof ahaaneee aya hoos u dhacaysa, haddii uu 10 sano waxbartana 100% wuu ka baxayaa faqriga.

✓ Seddex u jeeddo ayaa qofku wax u bartaa. 1- Waxbarashadu waa waxa ka dhigaya qofka waxa uu noqonayo iyo waxa uu qabanayo mustaqbalka. 2- Waxbarshadu dadka waxa ay bartaa wada noolaanshaha. 3- Sidoo kale waxbarshadu qofka waxa ay usii gudbisaa heerka kale ee waxbarsho.

✓ Ujeeddada loo qabtay shirkii qaran ee waxbarsho waxaa ka mid ahaa, in la helo ajande qaran oo waxbarsho; Sida ay u jirto  ajande qaran, shirar qaran, ayay sidoo kalena u jirtaa   sheeko qaran, waxa ay umaddeennu kaga sheekaysato fadhi ku dirirka ayuu noqonayaa mustaqbalkoodu.  Waxbarashadu waa inay noqotaa ajande Qaran oo lawada lee yahay.

✓ Dhawaan waxaan rajeyn inaan dib u furno Mac’hadkii macallimiinta ee Lafoole. Sidoo kale waxaannu hirgelin doonaa guddiga horumarinta Manhajka.

✓Umaduhu uma jidboodaan waxa la soo dhaafay ama hore u soo mareen ee waxay ujedboodaan waxa soo socda mustaqbalka ah sax maaha in dhallinyaradeen u jidboodaan wixii la soo maray.

✓ Hadda waxaa soo socda wadatashi ku saabsan Tacliinta Sarre ee dalka marka la dhammeeyo waxaa la heli doonaa meelaha ku habboon ee laga furi karo jaamacadda umadda iyo jaamacadaha kale ee dowliga ahba.

✓ Sannadakan waxaannu go’aaminnay inaannu ka furno 12 dugsi oo farsamo gacanta ah gobollada dalka oo dhan.

✓ Wax akhris qoraalka adduunka waxaa laga qiimeeyaa qofka waa afkiisa hooyo. Akhris  qoraalka waxa uu qaabeynayaa hab fekerka qofka. Waxaan dhowaan bilaabi doonaa olalaha akhris qoraalka. Qofka wayni wuxuu wax akhris Qoraalka ku baran karaa 80 saacadood ama 8 toddobaad.

✓ Arday walba haddii uu masuuliyad iska saaro qoyskiisa gaarka ah dadka aan akhris Qoraalka aqoon in uu wax baro, ardaygaasi waajib wayn buu gutey.

✓ Barnaamijka EMS (Education management information system) wuxuu fududaynayaa in lala socdo sooyaalka waxbarsho ee ardayga.

✓ waqtigayga ugu badani wuxuu ku baxaa wacyigelin, gaar ahaan kooxda ila shaqaysaa iyo  wacyigelinta guud ee bulshada.

✓ Umadaha adduunyadu saddex heer ayey midkood ku jiraa Less developed countries, middle developed countries iyo high development countries. Innagu saddexdaas midna kuma jirnee kan ugu hooseeya ayaynu ka sii hoosaynaa.

✓ Ardayga jooga dalka uu horumarkiisu hooseeyo qiimaha waxbarshada ee sanadkii ku baxa waxaa lagu qiyaasaa $200. Halka kan ku nool waddamada meel dhexeedka ka ah lagu qiyaaso $1,000 wax  ka yar, waddamada horumarayna ardayga waxa lagu qiyaasaa in la geliyo sanadkii $8,000 lacag ka badan. Sidee ayey u sinnaanayaan marka arday sanadkii la geliyo $200 iyo mid la geliyo $8,000 lacag ka badan sidaa darteed si ardaygeenna aynu usoo gaarsiinno heerka koowaad waxaynu u baahannahay sanadkii $1,250,000,000. ( Hal Bilyan Laba Boqon iyo Konton Milyan)

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS oo Dhuusamareeb ka wada abaabulka duullaanka.

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha dastuurka XFS, mudane Xasan Macallim Maxamuud, ayaa magaalada Dhuusamareeb ka wada abaabulka duullaanka dowladdu ay horumuudka ka tahay ee lagu xoreynayo deegaannada ay khawaarijtu wali ku dhuumaaleysaneyso ee Gal-mudug

Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa xalay hoyga uu ka deganyahay Dhuusamareeb kula kulmay odayaasha dhaqanka, qaar kamid ah wasiirrada iyo xildhibaannada Gal-mudug iyo dhallinyaro.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa kulamada joogtada ah ee wasiirku la yeelanayo qeybaha bulshada ayaa looga hadlay arrimo badan oo khuseeya xoreynta oo ay kamid tahay in dhammaan bulshadu ay wadajir uga qeyb qaadato howl-galka, si dadka deegaanku ay u gaaraan horumarka ay u baahanyihiin.

Howl-galka qeybtiisa duqeynta cirka ah ayaa shalay bilaawday, waxaana la filayaa in duulaanka dhulka ah uu isna dhawaan bilaawdo.

Sawirro: Madaxweynaha JFS, Madaxweynaha Galmudug iyo Gudoomiyaha Bankiga Dhexe oo xariga ka jaray Laanta Bankiga ee Galmudug

0

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa si wadajir ah u xarigga uga jaray laanta Bangiga Dhexe ee Dhuusamarreeb.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku amaanay inuu ka shaqeeyo baahinta xarumaha Bankiga Dhexe ee dalka oo laga hergelinayo xarumaha maamul goboleedyada dalka.

Dhanka kale Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ay ka reer Galmudug ahaan ku faraxsanyihiin isla markaana muhiimad weyn ay u leedahay in Bangiga Dhexe xaruntiisii Dhuusamareeb dib loo hawlgaliyo oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bangiga Dhexe ee dib looga howlgaliyo meel ka baxsan Caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Ugu dambentii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa dhankiisa xusay iney ka go’antahay sidii dib loogu howlgelin lahaa dhamaan laamaha Bankiga Dhexe ee dalka uu ku lahaa si loo baahiyo shaqooyinka Bankiga Dhexe.

 

 

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baahinaya boosas ka banaan Xeer ilaaliye iyo Kaaliyayaal.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baahinaya boosas ka banaan Xeer ilaaliye iyo Kaaliyayaal.

Halkaan ka aqriso sharuudaha shaqada Xeer ilaaliyaha

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baahinaya boosas ka banaan Xeer ilaaliye iyo Kaaliyayaal.

Halkaan ka aqriso sharuudaha looga baahan yahay shaqada kaaliyaha

 

 

 

 

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhagax-dhigay Xarunta cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Dhexe ee cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka oo lagu dhisayo iskaa-wax-u qabso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha xarunta maanta la dhigax-dhigay uu ka tarjumayo dadaalka Wasaaraddu ay ugu jirto u adeeggidda bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada, isla markaana xilliyada dhow la qorshaynayo in Wasaaradaha oo dhan ay yeeshaan xarumo waaweyn oo casri ah oo dalka iyo dadka loogu adeego.

Xaruntan Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee ay yeelato wasaaradda, maadaama ay haatan la deggan tahay dhismaha wasaaradda warfaafinta. Waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixiyeen in ay wasaaraddu yeelato xarun dhexe.

Cabdi Cabdullaahi oo magaciisa afgarashadu yahay Cabdinasir ayaa isku soo dhiibay Ciidamada ammaanka ee ku sugan degmada Baxdo

Cabdi Cabdullaahi oo magaciisa afgarashadu yahay Cabdinasir oo ahaa dhaqtar daaweeya dhawacyada Khawarijta lixdii sano ee la soo dhaafay ayaa isku soo dhiibay Ciidamada ammaanka ee ku sugan degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa 30-sano kadib maanta daahfuray xarunta keydka talaalka Dowladda

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 30-sano kadib maanta daahfuray xarunta keydka talaalka Dowladda Hoose Xamar ee degmada Cabdicasiis.

Xaruntan oo muda ku dhow 30-sano bur bur saneyd islamarkaana aanan helin wax dayactir ayaa hirgalinteeda muhiim u aheyd horumarinta tayada Talaalka, iyada oo xaruntan loo dhameestiray qalab xafiiseed iyo agabyadii lagu keedin lahaa Talaalka loogu adeegi doono bulshada Caasimadda.

Aggaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Axmed Maxamud ayaa tilmaamay in aggaasinka caafimaadka oo baahi weyn u qabay hirgalinta iyo qalabeynta xarunta keydka talaalka Dowladda Hoose Xamar.