Home Blog Page 405

Madaxweyne Xasan Sheekh” Doorashada soo socota waxa ay noqon doontaa qof iyo cod”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in doorashada soo socota ay Soomaaliya noqon doonto mid qof iyo cod ah oo xisbiyeysan.

“Soomaaliya ilaah idinkiis doorashada soo socoto waa qof iyo cod xisbiyeysan”

Madaxweynaha oo ka hadlayay munaasabad uu ku saxiixayay Hindise sharciyeedyo ay ansixiyeen labada gole ee Baarlamaanka ayaa xubnaha guddoonka iyo guddiyada labada Aqal ee halkaasi ku sugnaa ka codsaday in ay qabyo tiraan dastuurka.

Mudane, Xasan Sheekh ayaa qabyo tirka dastuurka ku tilmaamay mid horseedi karta in laga gudbo habka Baarlamaaniga ah ee ay haatan ku dhacaan doorashooyinka dalka, wuxuuna intaa ku daray inaysan xildhibaannada iyo hoggaanka maamul goboleedyaduba diyaar u ahayn in mar kale ay dalka ka dhacdo doorasho dadban.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in siyaasaddu aysan ahayn tiro badnaan iyo laandheeranimo, balse ay tahay abaabulnaan iyo feker jira oo lagu wada qancay.

Madaxweynaha ayaa ugu dambayn sheegay in ay dowladdiisu dejineyso qorshe shan sanaale ah kaas oo diiradda lagu saarayo hiigsiga mustaqbalka fog iyo wejiga ay Soomaaliya yeelan doonto 2060-ka.

Qorshahan ayaa gogol xaar u noqonayo jiilasha dambe iyo in Soomaaliya ay shantii sanaba ku tallaabsato guulo waaweyn iyo horumarro ballaaran.

 

43,000 qof oo sanadkii tagay abaar darteed ugu dhimatay dalka

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr; Cali Xaaji Aadam ayaa furay Munaasabad lagu soo bandhigayay natiijada cilmi baaris laga sameeyay Soomaaliya sanadkii tagey ee 2022-ka taas oo lagu sheegay in 43,000 oo qof ay u dhinteen abaaro ka jira dalka.

Bandhigga warbixintan oo lagu qabtay Muqdisho Maarso 20, 2023. ayaa lagu soo bandhigay natiijooyinkii ugu dambeeyay ee cilmi baaris iyo aragtiyo laga helay daraasadda lagu baarayey dhimashada dadka ay haleeshey Abaarta, iyadoo ay warbixinta iska kaashadeen LSHTM, Jaamacadda SIMAD, iyo Khuburo Soomaaliyeed, waxaana soo bandhigey Hay’adaha UNICEF iyo WHO.

Daraasaddu waxay kaloo muujineysey dhimashada sanadkaas in ay kabadan tahay tii dhacdey Sanadihii 2017 ilaa 2018-kii, waxayna aheyd Cilmi baaris laga heley xogo badan iyadoona fududeyn doonta xoojinta iyo dedaalada looga hortagayo wax ka qabashada saamaynta Abaaraha inta aysan isku badalin Macluul.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay laba jibaari doontaa dadaallada lagu bedbaadinayo Muwaadiniinta Soomaaliyeed markasta gaar ahaan xilliyada ay jiraan dhibaatooyinka saameeya Bulsho waynta Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Japan oo maanta booqasho ku tagaya Ukraine

Ra’iisul Wasaaraha Japan Fumio Kishida, ayaa maanta oo Talaado ah booqasho ku tagi doona magaalada Kiev ee Caasimadda Ukraine, inta uu Fumio Kishida ku guda jiro booqashadiisa ayaa la sheegayaa inuu kulan la qaadan doono Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky.

Wasaaradda arrimaha dibadda Japan ayaa sheegtay in Ra’iisul Wasaare Kishida, uu halkaasi u tagaya si uu u muujiyo taageerada joogtada ah ee Japan ay la garab taagantahay Ukraine.

Kishida, ayaa ahaa Hoggaamiyaha kaliya ee ka mid ah hoggaamiyayaasha G7 ee aan booqan Ukraine tan iyo markii uu qarxay dagaalka kala dhaxeeya Ruushka bishii Febraayo 2022.

Booqashada Kishida ee Kiev ayaa ku soo beegmeysa xilli madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping uu booqasho ku tagay Moscow, halkaasoo uu kula kulmaya dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin.

Fumio Kishida, ayaa noqonayaa Ra’iisul wasaarihii ugu horreeyay ee Japan oo booqda goob dagaal tan iyo dhamaadkii dagaalkii labaad ee adduunka.

 

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan gurmadka abaaraha oo ka qeyb galay madasha Bini’aaddannimada Yurub

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Madasha Bani’aadannimada Yurub (European Humanitarian Forum) oo maanta ka furantay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Shirkaan oo ay si wada jir ah u soo qaban-qaabiyeen komishanka Yurub (DG ECHO) iyo Dowladda Iswidhan oo hadda heysa hoggaanka Golaha Midowga Yurub, ayaa looga hadlay baahida bini’aadannimo ee sii kordheysa iyo xal u helidda caqabadaha taagan.

Madasha waxaa qeyb ka ahaa hay’adaha Qaramada Midoobay, NGOs caalamiga ah iyo kuwo maxalliga ah ee gargaarka bani’aadannimada ka shaqeeya, halka dalalka garagaarka bani’aadannimada loo fidiyo ay matalayeen hay’ado magacooda ku hadlaya.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ayaa madasha la wadaagay farriin la xariirta sida ay Soomaaliya uga daashay gurmadka degdegga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn, ayna baahi u qabto mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, ka soo kabashada iyo horumarka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay Soomaaliya u leedahay in lagu garab siiyo sidii ay gacan hoorsiga uga bixi lahayd oo ay khayraadkeeda kaga faa’iidaysan lahayd, taasoo imaan karta haddii xoog la galiyo dhisidda awoodda iyo kartida hay’adaha dawladda.

Midowga Yurub iyo Dawladaha xubnaha ayaa ku dhawaaqay in €8.4 bilyan oo gargaar ah bani’aadannimo ah dunida loo fidiyo sanadkaan 2023, xilli baahida bini’aadannimo ay gaartay heer aan hore loo arag. 339 milyan oo qof oo adduunka ah ayaa u baahan gargaar bini’aadannimo halka 23-kii qof ee adduunka ku nool hal ruux u baahan yahay gargaar degdeg ah.

Dagaalka Ukraine, kor u kaca qiimaha cuntada ee adduunka iyo saamaynta ba’an ee is-beddelka cimilada ayaa xaaladda uga sii daray, Madasha Bani’aadannimada Yurub ayaana diiradda saareysa in iyadoo loo marayo wada-hadallo heer sare ah, doodo siyaasadeed iyo aqoon-is-weydaarsiyo wax-ku-ool ah, la soo bandhigo habab waara si wax looga qabto caqabadaha hadda jira.

Ra’iisulwasaaraha XFS oo u mahad celiyay intii kasoo shaqaysay meel marinta Hindise sharciyeedyadii uu meel mariyay labada gole ee BFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaannada meel marinta iyo saxiixa hindise sharciyeedyada ay soo gudbisay Xukuumadda Dan-Qaran.

Ra’iisulwasaaraha XFS ayaa sheegay in howshani ay soo martay geeddi dheer iyo shaqa badan oo ku timid towfiiqda rabbi ka sokoow iskaashi, wada shaqayn ,isu laab furnaan, saaxiibtinimo iyo dareen mas’uuliyadeed, taas oo uu ku bogaadinayo intii kasoo shaqaysay.

Mudane, Xamse Cabdi Barre oo ka hadlayay munaasabaddii uu Madaxweynaha Qaranka ku saxiixayay Hindise sharciyeedyo dhowra xalay ayaa intaa ku daray in shuruucdani ay kaabayaal u yihiin sugidda amniga, deyn cafinta iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegay in haduusan jirin dedaal wada jir ah aysan suurto gal noqoteen in muddo kooban lagu ansixiyo 11 sharci oo qaarkood ay Baarlamaanka Soomaaliya yaalleen muddo ka badan 9 sano.

 

MADAXWEYNE XASAN OO SAXIIXAY 8 SHARRCI OO ANSIXIYEEN BFS

Muqdisho, Maarso 20, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee kala ah:

1 .Sharciga La-dagaallanka Argagixisada

2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,

3 .Sharciga Socdaalka,

4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha

5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,

6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,

7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

 

Dowladda Soomaaliya oo Dhallinyaro laga soo daayay Xabsiyada Libya ku soo celisay dalka. {Sawirro}

0

Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda Caruurta ee JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iyo Hay’adda IOM Oo Garoonka Diyaaradaha Ku soo Dhoweeyay 11 Dhallinyaro Soomaaliyeed oo Laga Soosaaray Xabsiyada Libya.

11-kan dhalinayaro oo muddo badan magafe ku heystay Libya ayaa soo ceelintooda waxaa iska kaashaday Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Liibya
Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda caruurta ee JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda/Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Libya, Hay’adda IOM iyo Midowga Yurub oo maal galiyey.

Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf, Ergayga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda caruurta ee JFS oo ka hadashay soo dhoweynta ayaa sheegtay in Xafiiska uu ka shaqeynayo soocelinta dadka ku dhibaateysan dibedda iyadoo u mahadcelisay Madaxweynaha JFS,,,,Cod.

Ibraahim Guure Maxamed. Agaasimaha Arrimaha Diaspora-ha ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS ayaa uga mahadceliyay dhinacyadii ka shaqeeyay soo celinta muwaadiniintan,,,,Cod.

Taniyo sabadkii 2016-kii Xafiiska Ergayga Gaarka ah ee Muhaajiriinta iyo Xuquuqda caruurta ee DFS ayaa ka shaqeeynayay soocelinta Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan xabsiyada iyadoo gacan ka helayso, DFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda, IOM iyo Muwaadiniinta Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee Qurbaha.

Kulanka Shiinaha iyo Ruushka ma keeni doonaa xal laga gaaro dagaalka Ukraine?

Madaxweynaha Dalka Shiinaha Xi Jinping ayaa lagu wadaa in safar xambaarsan saaxiibtinimo, iskaashi iyo nabad uu ku tago Magaalada Moscow,kadib markii dhowaan Beijing ay soo bandhigtay warqad 12 qodob ah oo ay ku jireen  baaq xabbad-joojin ah oo la xiriiray dagaalka Ruushka iyo Ukraine.

Booqashada maanta ayaa qaadan doonta muddo saddex cisho ah, iyadoo madaxweynaha Shiinaha uu wada-hadallo fool-ka-fool ah la yeelan doona Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin oo ah nin uu hoggaamiyaha Shiinuhu ku tilmaamay saaxiibka ugu wanaagsan.

Shir madaxeedka ka dhacaya Moscow ayaa noqonaya kii 40-aad ee ay yeeshaan labada madax,waxaana suurtagal ah in booqashadaan ay kor u qaaddo rajada ku saabsan soo afjaridda dagaalka Ukraine.

Colaadda Ukrine ayaa gashay sannadkii labaad,,iyadoo galaaftay nolosha tobanaan kun oo qof,halka  malaayiin qof ay ka qaxeen guryahoodii, waxaana intaa dheer in ay sababtay xanuun dhaqaale oo ku baahay dduunka .

Dhowaan Madaxda Shiinaha ayaa dhexdhexaadiyay dalalka Sucuudiga iyo Iran oo in muddo ah uu xumaa xiriirkoodu.

 

Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka wada hadlay la dagaallanka Khawaarijta.

0

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi kaga qayb-galaya shirka Wasiirrada dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta ayaa kulan doceed la yeeshay dhiggiisa Ciraaq Mudane Axmed Maxamed Xuseen Qaasim waxayna ka wada hadleen qodobo dhowr ah oo labada dal taabanaya.

Qodobada ugu muhiimsan ee labada wasiir isla soo qaadeen ayaa ahaa sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd khibradda Ciraaq ee la dagaalanka fikirka xagjirnimada iyo argagixisada oo dalkaasi uu natiijo wax ku ool ah ka gaaray.

Wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Ciraaq Mudane Axmed M Xuseen Qaasim ayaa la wadaagay dhiggiisa Soomaaliya Mudane Maxamed Barre Maxamuud heerarkii kala duwanaa ee dalkiisu lasoo maray la dagaalanka argagaxisada iyo fikirka xagjirnimada isagoo caddeeyay inay diyaar u yihiin inay walaalahood Soomaaliya la wadaagaan wixii khibrad ah.

Kulanka labada wasiir waxaa ku weheliyay agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga JFS  Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo saraakiil ka kala socotay labada wasaaraddood.

Waxaa sidoo kale halkaa lagu soo gabogabeeyay Magaalada Jeddah ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya shirka 46-aad ee wasiirrada Dhallinyarada iyo cayaaraha wadamada Carabta oo labadii maalmood ee la soo dhaafay ka socday halkaas.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo cayaaraha XFS ayaa intii uu shirku socday ka jeediyay khudbad uu kaga waramayo marxaladda kala guurka ah ee dhalinyarada Soomaaliyeed xilligan oo cadowga Al-Shabaab laga xoreeyay inta badan gobollada iyo degmooyinka dalka.

Maxkamadda Ciidamada oo saaka xukun dil ah ku fulisay gacan ku dhiigleyaal.

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybta 60-aad ayaa markale saakay dil toogasho ah ku fulisay Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan oo horay dilal u geeystay.

Aroornimadii hore ee saakay ayaa laga Oofiyay Qisaasta oo horay Maxakamdda dil toogasha ah ku xukuntay taa oo ka dhacaday Cara tuurka Magaalada Baydhabo,waxana goobta toogashada ku sugnaa mas”uuliyiin katirsan Maxkamadda Ciidmada Qalabka sida qeybta 60-aad ee Magaalada Baydhabo.

Sidaan oo kale ayay shalay Maxakamadda Ciidamada Qalabka sida Baydhabo dil toogasho ah ugu fulisay Rag horay dilal u geystay.