Home Blog Page 40

Madaxweynaha JFS oo ku adkeeyey odayaasha dhaqanka Waqooyi bari xoojinta midnimada,nabadda iyo dowlad-dhiska

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay Odeyaasha Dhaqanka Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari oo uu kala hadlay adkeynta midnimada bulshada, xasillinta nabadda iyo horumarinta dowlad-dhiska.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Odeyaasha Dhaqanka ku adkeeyey doorka muhiimka ah ee ay ku leeyihiin mideynta bulshada, ka hortagga khilaafaadka iyo xoojinta wadajirka shacabka Soomaaliyeed, isaga oo xusay in midnimada iyo wadajirku ay saldhig u yihiin dowladnimo iyo horumar.

Dhankooda, Odeyaasha Dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynahu ayaa ku bogaadiyey dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, iyagoo muujiyey dareen Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo si weyn lagu soo dhaweeyay Laascaanood .

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Laascaanood ee xarunta Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya, halkaas oo uu kaga qeybgalayo munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey masuuliyiin ka tirsan heerarka kala duwan ee maamulka Waqooyi Bari, dhaqanka, waxgarad, haween iyo dhalinyaro, kuwaas oo muujiyey farxad iyo soo dhoweyn ballaaran oo ku aaddan booqashadan taariikhiga ah.

Booqashada Madaxweynaha ee Laascaanood ayaa astaan u ah adkeynta midnimada iyo dadaalka Dowladda Federaalka ee ku aaddan xoojinta wadajirka dhuleed ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Waqooyi Bari waxa uu kulmmo la qaadan doonaa hoggaanka iyo hormuudka Waqooyi Bari, si loo xoojiyo nabadda, dib u heshiisiinta iyo dowlad-dhiska.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood oo ah xarunta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari. Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah booqasho rasmi ah oo uu ku tagay gobolka, taas oo la xiriirta xoojinta nabadda, midnimada iyo horumarinta adeegyada dowladda.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka diyaaradaha Laascaanood ku soo dhaweeyey masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda, odayaal dhaqameedyo, iyo boqolaal shacab ah oo muujiyey farxad iyo taageero ay u hayaan dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka qeygali doona Caleema saarka Madaxweyne Firdhiye oo ay ka soo qeygaleen Kumanaan shacab ah,iyo Masuuliyiin.

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal qorsheysan oo ay si taxaddar leh uga fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay dhagar-qabe Khawaarij ah oo muddo dheer lagu raad-joogay.

Dhagar-qabahan oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, ayaa la xaqiijiyay in uu ahaa sarkaal si gaar ah ugu takhasusay aaska miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaas oo lagu dhibaateeyo shacabka iyo ciidamada.

Howlgalka lagu beegsaday ayaa lagu soo furtay qori AK-47 ah, waxaana la rumeysan yahay inuu qeyb muhiim ah ka ciyaarayay weerarro horey uga dhacay gobolka.

NISA waxay sheegtay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo haraadiga Khawaarijta ee wali ku dhuumaaleysanaya deegaanada miyiga ah.

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

0

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa maanta guddoomiyay shir amni oo ka dhacay magaalada Laascaanood.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga iyo diyaargarowga munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari iyo ku-xigeenkiisa, iyadoo la isla qaatay qorshayaal lagu xaqiijinayo amni buuxa inta ay munaasabadda socoto.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa magaalada Muqdisho ka furay shir muhiim ah oo u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah, kaas oo looga hadlayay xaaladda abaarta iyo amni-darrada cunno ee dalka ka jirta.

Guddoomiyaha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo qaato go’aammo wax-ku-ool ah oo ku saleysan xog dhab ah, halkii laga diyaarin lahaa qorshayaal guud oo waqti qaata, si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul ugana hortago in xaaladdu faraha ka baxdo.

Shirka ayaa si gaar ah diiradda u saaray meelaha ugu nugul ee ku jira marxaladda IPC Phase 4, waxaana lagu gorfeeyay diyaarin jawaab degdeg ah oo leh miisaaniyad iyo masuuliyad cad.

Guddoomiye Maxamuud ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta dowladda iyo la-hawlgalayaasha, isagoo dhammaan dhinacyada ku booriyay in ay si wadajir ah uga hortagaan halista isa soo taraysa.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

0

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka u jeedinaya khudbad ku saabsan xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka iyo tallaabooyinka dowladdu qaadday ee ku aaddan difaaca wadajirka, midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ay Madaxtooyadu ku baahisay boggeeda rasmiga ah ee Facebook ayaa lagu sheegay in khudbadda soo socota ay diiradda saari doonto xaaladda guud ee dalka iyo dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku difaaceyso midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Khudbaddan ayaa imanaysa xilli ay jirto dareen iyo feejignaan bulsho oo sareysa, taas oo la xiriirta horumarrada siyaasadeed, amni, iyo diblomaasiyadeed ee socda, iyadoo Dowladda Federaalka ay mar kale adkaynayso masuuliyaddeeda dastuuriga ah ee ah ilaalinta danaha aasaasiga ah ee qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu mar kale xaqiijiyo go’aanka adag ee dowladda ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isla markaana uu faahfaahin ka bixiyo tallaabooyinka la qaaday si wax looga qabto caqabadaha halista ku ah xasilloonida dalka iyo nidaamka dastuuriga ah.

Khudbadda qaran ee Madaxweynaha ayaa si toos ah looga baahin doonaa warbaahinta dowladda, taasoo u oggolaanaysa muwaadiniinta dalka oo dhan inay si toos ah uga dhageystaan Madaxweynaha arrimaha muhiimka ah ee masiirka qaranka la xiriira.

Indonesia oo mar kale xaqiijisay taageerada buuxda ee madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya

0

Dowladda Indonesia ayaa si cad u adkaysay taageerada ay u hayso madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka qaran ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dib tallaabadii ay Israa’iil ku aqoonsatay Gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya, arrintaas oo dhalisay walaac ballaaran oo ka taagan dunida Islaamka iyo tan caalamka.

Mowqifkan ayaa lagu muujiyay shirkii degdegga ahaa ee Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), oo dhawaan lagu qabtay magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carbiya, halkaas oo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Indonesia, Anis Matta, uu sheegay in maamulka Waqooyi Galbeed Somaliland uu yahay qayb aan ka go’i karin Soomaaliya, isla markaana Indonesia ay si buuxda u taageersan tahay midnimada iyo madaxbannaanida dalka.

Indonesia ayaa si rasmi ah u diidday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, iyadoo ku tilmaantay tallaabo khatar ku ah xasilloonida Geeska Afrika, kana hor imanaysa sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, waxay ku baaqday in arrinta Somaliland lagu xalliyo hannaan gudaha Soomaaliya ah, iyada oo aan faragelin shisheeye jirin. Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Indonesia, Mudane Sugyono, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Indonesia oo ay ka wada hadleen xoojinta taageerada madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo wadajirka qaran ee Soomaaliya.

Ka hor shirka OIC, Indonesia waxay ku biirtay bayaan wadajir ah oo ay hormuud u ahayd Masar, isla markaana ay taageereen 22 dal, OIC iyo Golaha Iskaashiga Khaliijka (GCC), kaas oo si cad u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, kuna adkeeyay ixtiraamka midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Shirka OIC waxaa ka qayb galay 39 dal oo xubno ka ah ururka, waxaana gunaanadkii lagu ansixiyay laba qaraar, midkoodna si cad u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, isla markaana adkeeyay go’aanka OIC ee ilaalinta midnimada dhuleed iyo amniga Soomaaliya.

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal lagu tiro badan oo Khawaarij ah ka fuliyey Shabeellaha dhexe

0

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa xalay fuliyay howlgal cirka ah oo ka dhacay deegaanka Jabad Godone ee Gobolka Shabeellada Dhexe.

Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay Khawaarijtu ka abaabuli jireen falal argagixiso, gaar ahaan qaraxyada lagu dhibaateeyo shacabka, waxaana howlgalkaas lagu khaarajiyay 17 dhagarqabe oo ka tirsanaa argagixisada, sidoo kale waxaa howlgalka lagu burburiyay gabi ahaan hubkii iyo gaadiidkii ay Khawaarijtu u adeegsan jirtay falalkooda guracan, si loo xakameeyo dhagartooda.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale xaqiijiyay go’aankooda ah in ay sii wadaan howlgallada qorsheysan ee lagu ciribtirayo Khawaarijta arxanka daran, si loo ilaaliyo amniga, xasilloonida, iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.

Golaha wasiirrada oo buriyey heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta

0

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ku shaqeynaya awooddooda dastuuriga ah kana duulaya waajibaadka saaran ee ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee dalka, ayaa maanta qaatay go’aan muhiim ah oo lagu difaacayo qarannimada iyo nidaamka dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirradu, kaddib qiimeyn qoto dheer oo ay ku sameeyeen xaaladihii ugu dambeeyay iyo warbixinno la xiriira arrimaha amniga, siyaasadda, iyo madaxbannaanida dalka, ayaa si rasmi ah u burriyay dhammaan heshiisyadii iyo wadashaqeyntii u dhaxeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ay ku jireen heshiisyo lala galay hay’adaha dowladeed, kuwa la xiriira, iyo maamul-goboleedyada ka jira gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale adkeeyeen sida ay uga go’an tahay ilaalinta qarannimada dalka, difaaca danaha shacabka Soomaaliyeed, iyo ku dhaqanka sharciga, dastuurka, iyo heshiisyada caalamiga ah ee dalka uu saxiixay.