Home Blog Page 40

Saddex ka tirsanaa Khawaarijta oo saaka lagu fuliyay xukun dil ah

0

Waxaa saakay aroortii hore ayaa lagu fuliyay xukun dil ah oo toogasho ah tiirka cadaaladda ee magaalada Muqdisho, kadib markii Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ay horey ugu ridday xukun dil ah saddex eedeysane oo ka tirsanaa kooxda Khawaarijta, kuwaas oo lagu helay dambiyo culus.

Ragga la toogtay ayaa kala ah:

– Abuukar Axmed Maxamed (Anwar)

– Xamsa Jeylaani Cabdullaahi (Abtiga)

– Xassan Cali Xuseen (Garaad)

Maxkamadda ayaa horay ugu xukuntay dil toogasho ah kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal qorsheysan, qaraxyo, iyo falal amni-darro oo ka dhacay Caasimadda Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada amniga ayaa si adag u sugaayay goobta xukunka lagu fulinayay, waxaana falkani uu qeyb ka yahay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka kooxaha Khawaarijta iyo xaqiijinta cadaaladda.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo kulan la qaatay ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika 

0

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo qaar kamid ah hoggaanka sare ee hay’adaha garsoorka dalka, ayaa kulan muhiim ah la qaatay wafdi ka socday Ururka Garsooreyaasha Bariga Afrika (EAMJA) oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay sidii ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada horumarka garsoorka, isdhaafsiga talooyin ku saabsan sida looga faa’iideysan karo xubinnimada ururka daboolidda baahida loo qabo wada-shaqeyn joogto ah .

Xubnaha ka socday Ururka EAMJA ayaa soo bandhigay taariikhda Ururka, mashaariicda ay ka hirgeliyeen dalalka xubnaha ka ah, iyo fursadaha iskaashi ee dhinacyada tababarka, is-dhaafsiga waayo-aragnimada, iyo mideynta heerarka shaqada garsoorka.

Ujeedka booqashada Wafdiga ayaa lagu sheegay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga hay’adaha garsoorka ee gobolka iyo sidii Soomaaliya ay xubin uga noqon laheyd ururkan.

R/W Ku-xigeenka labaad ee Soomaaliya oo kulan la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika

0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka labaad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdi Rashid Xaaji Cabdi, oo matalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika uga qeybgalaya Shirka Horumarinta Biyaha Qaaradda Afrika.

Intii uu shirku socday, Mudane Jibriil Cabdi Rashid ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Koonfur Afrika, Mudane Cyril Ramaphosa. Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika, Mudane Maxamed Sheekh Isaaq.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika, iyadoo diiradda la saaray:

– Kor u qaadista iskaashiga dhinacyada waxbarashada iyo horumarinta xirfadaha dhalinyarada.

– Fududeynta socdaalka iyo fiiseyaasha muwaadiniinta labada dal.

– La-dagaallanka tacaddiyada lagula kaco ganacsatada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika.

– Taageeridda dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey Madaxweyne Ramaphosa martiqaadka iyo soo dhoweynta diirran, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee labada dal.

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka cusub ee Guddoomiyaha Guddiga Sare ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, ahna Madaxa Hawlgalka Midowga Afrika (AUSSOM), Mudane El Hadji Ibrahima Diene.

Wasiirka iyo Wakiilka Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, amniga, xasillinta, wacyigelinta bulshada, la dagaallanka argagixisada iyo ka hortagga wararka been abuurka ah.

Labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda u saaray guulaha laga gaaray hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, kuwaas oo horseeday in cadowga lagu wiiqo goobaha dagaalka. Sidoo kale, waxaa la isla gartay in la dardargeliyo iskaashiga labada dhinac si loo sii xoojiyo dadaallada nabadeynta iyo xoreynta dalka.

Wasiir Daa’uud Aweys ayaa Midowga Afrika uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta dhinacyada warbaahinta, wacyigelinta iyo la dagaallanka argagixisada.

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Mudane El Hadji Ibrahima Diene, ayaa dhankiisa ballan qaaday in Midowga Afrika uu sii laba jibbaarayo kaalintiisa, isagoo xusay in Soomaaliya ay horumar muuqda ka samaysay dhinacyo badan, taasoo ka tarjumeysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale, Ku-Xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Mudane Mukhtar Osman Kariye, Taliyaha Guud ee Ciidamada AUSSOM, General Samuel Kavuma, iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhawaan ka dhacay gobolka Gedo, isagoo u rajeyay dhaawacyada in Alle u boogo dhayo oo caafimaad degdeg ah siiyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sidoo kale faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay gargaar caafimaad iyo taageero bani’aadannimo gaarsiiso dadka ay saameeyeen xaaladda ka taagan gobolka.

Madaxweynaha ayaa faray ciidamada ka tallaabay xuduudda dalka aan darsika nahay ee Kenya inay dib ugu soo laabtaan deegannadoodii, isagoo xaqiijiyay in aan cidna ciqaab la marin doonin, isla markaana loo ballan qaadayo badqabka iyo nabadgelyadooda.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku booriyay dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadaha gobolka in ay ka shaqeeyaan nabadda, midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

 

Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

0

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Tardo ee gobolka Hiiraan. Howlgalkaasi oo si gaar ah loo bartilmaameedsaday maleeshiyaadka Khawaarijta ayaa lagu gaarsiiyay khasaare xooggan.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in la beegsaday kooxo Khawaarij ah oo halkaas ku urursanaa, kuna diyaargaroobayay weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed iyo xarumaha dowladda. Sidoo kale, waxaa la burburiyay gaadiid dagaal oo ay wateen.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in howlgalka lagu dilay horjoogeyaal muhiim ah oo muddo dheer dhibaato ku hayay bulshada deegaanka, kuwaas oo door weyn ku lahaa falalka amni darrada.

Howlgallada noocan ah ayaa qeyb ka ah dadaalka joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta, loogana xoreynayo guud ahaan dalka. Dowladda Federaalka ayaa horey u sheegtay in aysan jirin meel ay ku dhuuman karaan cadowga shacabka Soomaaliyeed.

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

0

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo Madaxa Isku-xirka Yurub ee arrimaha dadka soo laabanaya (EURLO), Marwo Vanda Dahlbom, ayaa booqday xarunta soo dhaweynta iyo daryeelka dadka soo laabanaya ee Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Wafdiga ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Guddoomiye Kuxigeenka 2-aad ee Hay’adda, Maxamed Cabdullaahi Salaad, iyo masuuliyiin kale, kuwaas oo warbixin ka siiyay adeegyada xarunta.

Maareeyaha xarunta Salaad Cabdullaahi Cumar, ayaa sharaxay habka ay xaruntu u shaqeyso iyo adeegyada muhiimka ah oo ay bixiso, oo ay ka mid yihiin soo dhaweynta garoonka, daryeelka caafimaadka, hoyga, cuntada, wacyigelinta, diiwaangelinta, taleefoonada gacanta, iyo ambabixinta dadka ku laabanaya gobolladooda.

Masuuliyiinta booqday xarunta ayaa ammaanay adeegyada iyo hab-maamulka dowladda Soomaaliya ay ugu adeegto dadka soo laabanaya, oo ay ku jiraan qaxootiga Soomaaliyeed iyo muhaajiriinta lasoo badbaadiyey.

 

 

Dhismaha cusub ee Kumaandooska Gor Gor oo xarigga laga jaray

0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar Jeneraal Khaalid ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha cusub ee Taliska Guutada 19-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor.

Dhismahan cusub ayaa noqon doona xarun istiraatiiji ah oo muhiim u ah abaabulka, tababarka iyo howlgallada ciidamadeenna geesiyaasha ah.

Taliyaha ayaa sheegay in tallaabadani ay ka tarjumayso dadaalka joogtada ah ee lagu tayeynayo awoodda Ciidanka Xoogga Dalka, laguna dhisayo kaabayaal casri ah oo ka jawaabi kara baahiyaha difaaca qaranka. Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa ka mid ah laf-dhabarta difaaca dalka, waxaana la filayaa in xeradan cusub ay sare u qaaddo waxqabadka, isku-duubnida iyo hufnaanta shaqo ee guutadan muhiimka ah.

Geesta kale, Taliyaha ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay dhismaha xeradan cusub oo ay yeelanayso Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa weli ku jira dadaal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo cadawga Ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS “Amni darradu waa dabarka ku xiran horumarka da’yarta Soomaaliyeed.”

0

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, oo maanta qeyb galay xuska Maalinta Dhallinyarada Adduunka oo sanad Kasta dunida laga xuso, ayaa sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay hormuud u yihiin dagaalka cadowga looga ciribtirayo dalka.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Dalka oo hadal ka jeediyay munaasibadda, ayaa dul istaagay muhiimadda ay dhallinyarada Soomaliyeed u leeyihiin Dowlad-dhiska, isaga oo ku bogaadiyay kaalintooda nafhurnimo ee adkeynta midnimada dalka.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayaa sheegay in Xukuumada DanQaran ay qorshayaal ka leedahay horumarinta dhallinta Soomaliyeed, taasi oo ay kamid tahay in masiirkooda siyaasadeed iyagu jaan-gooyaan, taasina ay tahay sababta loo dardargalinayo Doorashooyina tooska ah ee Wadanka laga hirgelinayo.

Munaasibadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirro Ka tirsan Xukuumadda, Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobalka Banaadir, Ururrada Dhallinyarada, iyo Marti Sharaf Kale.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray waddooyin muhiim ah

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa xarigga ka jaray afar waddo oo laami ah, kuwaas oo laga hirgeliyay waaxda Oktoobar ee Degmada Hodan, iyadoona dhismaha waddooyinkaan ay iska kaashadeen Bulshada, Maamulka Degmada iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in dhismaha waddooyinka ay kaalin wayn ka qaadanayaan, horumarka caasimadda, waxa uuna sheegay in ay socdaan qorshayaal kale oo lagu dhisaayo waddooyin muhiim ah iyo furista waddooyinka xirn ee Magaalada Muqdisho kuwooda aan culeesyada amni ka jirin si loo fududeeyo isku socodka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan horumarada ka socda caasimadda ee dhanka dib-u-dhiska, soo celinta bilicda, amniga iyo dimuqraadiyeynta dalka si ay bulshada usoo doortaan Maamulkooda heer Degmo ilaa heer Gobol.