Home Blog Page 39

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la yeeshay bulshada ay saameynta abaarta ee G/ Mudug.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa kulan la qaatay maamulka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Gobolka Mudug, kaas oo diiradda lagu saaray saameynta abaarta iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladda bani’aadannimo ee ka jirta gobolka.

Kulanka ayaa lagu falanqeeyay dhibaatooyinka ka dhashay roob la’aanta, gaar ahaan saameynta ay ku yeelatay nolosha dadka iyo xoolaha. Mas’uuliyiinta iyo bulshada ayaa sidoo kale ka hadlay baahiyaha degdegga ah ee u baahan in wax laga qabto, sida biyo, raashin iyo adeegyo caafimaad.

Guddoomiyaha Hay’adda ayaa sheegay in SoDMA ay wado dadaallo lagu xoojinayo gurmadka loo fidinayo dadka ay abaartu saameysay, isla markaana ay muhiim tahay in la mideeyo dadaallada dowladda, hay’adaha samafalka iyo bulshada si loo yareeyo dhibaatada jirta.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday baaq ku wajahan hay’adaha gargaarka iyo bulshada caalamka si ay u kordhiyaan taageerada loo fidinayo dadka ku nool gobolka Mudug ee ay saameeyeen abaaraha.

Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee Dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatorrada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) ayaa kulan wadajir ah ku ansixiyay Dastuurka rasmiga ah ee dalka.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe, ayaa waxaa ka qeyb galay 222 xubnood, kuwaas oo kala ahaa 185 Xildhibaan oo Golaha Shacabka ah iyo 37 Senator oo Aqalka Sare ah. Xubnahaasi waxay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen Dastuurka dalka, sida uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Guddoomiyuhu.

Ansixinta Dastuurkan ayaa loo arkaa tallaabo taariikhi ah oo muhiim u ah dhismaha dowladnimada, xoojinta hay’adaha dowladda, iyo hagidda mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Dhanka kale, kulanka maanta waxaa sidoo kale lagu dhaariyay Senator cusub, Cabdiraxmaan Barre Cismaan, oo si rasmi ah uga mid noqday Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ansixinta Dastuurka iyo dhaarinta xubinta cusub ayaa muujinaya dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo xoojinaya howlaha Baarlamaanka iyo horumarka dowladnimada dalka.

DFS oo bixisay US$3.88 Milyan oo Caymis Takaful ah oo gaadhay 17,734 Xoolo-dhaqato

Muqdisho, Soomaaliya: Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay bixinta lacag dhan US$3.88 milyan oo ah caymiska Takaful ee xoolaha, taasoo si toos ah loogu shubay xoolo-dhaqatada ka faa’iideystay barnaamijka DRIVE.

Lacagtan waxaa helay 17,734 xoolo-dhaqato, kuwaas oo iska diiwaangeliyay xilliyadii Gu’ga (April 2025) iyo Dayrta (October 2025). Bixinta caymiskan waxay timid kadib markii tusmada abaaraha Takaful ee ku salaysan xogta dayax-gacmeedka ay xaqiijisay in roob la’aantii dhacday Dayrtii October–December 2025 ay si weyn u baabi’isay dhul-daaqsimeedka gobollo badan.

Qoysaska helay lacagahan ma aha kaalmo, balse waa dad horey u iibsaday caymiska Takaful, oo ah nidaam waafaqsan Shareecada Islaamka, kuna dhisan mabda’a wadaagga khataraha iyo iskaashiga bulshada. Caymiska Takaful wuxuu xoojiyaa adkeysiga dhaqaale ee xoolo-dhaqatada Soomaaliyeed.

Barnaamijka DRIVE, oo ka mid ah hindisaha Bangiga Adduunka ee AgriConnect, wuxuu isku xirayaa saddex arrimood: dib-u-habayn sharciyeed, maalgelin guud iyo mid gaar ah, iyo maalgashiga kaabayaasha dhijitaalka ah. Wuxuu isku xiraa suuqyada xoolo-dhaqatada, adeegyada maaliyadeed, tignoolajiyada, iyo horumarinta xirfadaha, si loo taageero xoolo-dhaqatada iyo dhaqaalaha dalka.

RW Ku-xigeenka iyo Duqa Muqdisho oo adkeeyay Midnimada iyo horumarka Caasimadda

Muqdisho, Maarso 03, 2026: Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan miro-dhal ah ku yeeshay caasimadda, iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, xoojinta dowladnimada iyo dardargelinta hawlaha mudnaanta u leh caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray hirgelinta himilada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ee ku aaddan xoojinta dowlad-dhiska, adkaynta nabadgelyada, ilaalinta midnimada iyo daadejinta adeegyo bulsho oo tayo leh oo gaara dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Labada mas’uul ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo wadashaqeynta hay’adaha dowladda ee heer federaal iyo heer gobol, si loo xaqiijiyo yoolalka qaran loona xoojiyo kalsoonida shacabka ay ku qabaan dowladdooda.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh).

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo degmada Jalalaqsi ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ka daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Mas’uuliyiinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee ku sugan degmada Jalalaqsi ayaa si rasmi ah daahfuray ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Sidoo kale, daahfurka waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin ka socotay Maamulka degmada.

 

 

Hodan oo u gudubtay wareegga 2-aad ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan.

0

Degmada Hodan oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 12 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Xamar-weyn oo la timid 06 dhibcood.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

War-saxaafadeed:horjoogihii qorsheeyey weerarkii godka Jilacow oo la dilay

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah, ayaa howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Hantiwadaag oo hoostaga Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ku dilay horjoogihii qorsheeyay weerarkii Khawaarijta ee godka Jilacow, sidoo kalana ahaa maskaxdii iyo isku-duwihii weerarro argagixiso oo sababay dhimashada shacab, saraakiil iyo ciidamo ka tirsan hay’adaha amniga Qaranka.

Horjoogaha la dilay, oo adeegsan jiray magacyada Kamaaludiin Yuunis Maxamed, Saalim Nuur Sheekh Cabdiraxiim, Caraale iyo Cabdullaahi Xasan Cali, wuxuu ahaa hagaha shabakaddii fulisay weerarkii Godka Jilcaow (4 October, 2025), weerarkii naftii-halignimo ee Kulliyadda Jaalle Siyaad (09 July, 2025), iyo weerarkii Dugsiga Tababarka General Dhega-Badan – Xero Nacnac (10 December, 2025). Waxa uuna si toos ah u maamuli jiray shabakadihii fulin jiray falalka argagixiso.

Howlgalka xalay ayaa ahaa mid loogu aargudayay dhiigga shacabka, saraakiisha iyo ciidamada ku naf waayay weerarradii argagixiso, waxaana daba-galka dhagarqabahan ay qaadatay in ka badan 150 maalmood, iyada oo si gaar ah loo ilaalinayay badqabka shacabka, maadaama uu gabaad ka dhigan jiray goobo rayidku ku badan yihiin, gaar ahaan deegaannada Mubaarak, Ugunji, Daarusalaam, Hantiwadaag, Kurtunwaarey iyo Gendershe, ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Beegsiga lagu burburinayo shabakadaha argagixisada iyo horjoogeyaashooda waa ay sii socon doonaan ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa iyo xasillooni waarta oo dalka oo dhan ah. Fadlan muwaadin, wixii khatar amni ah ama macluumaad la xiriira Al-Shabaab/Daacish la wadaag NISA: 199 / 0770747474 / 0620545454.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf, oo dhowaan loo soo magacaabay Wakiilka Unicef ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Marwo Landra, la wadaagay guulaha hirgalay ee ay xaqiijisay Xukuumadda DanQaran, isaga oo xusay in Soomaaliya ay gashay marxalad dib-u-habeyn iyo dhismaha dowladnimada ah gaar ahaan Qorshaha Isbeddelka Qaranka 2025–2029 (NTP) oo ah qaab-dhismeedka ugu weyn ee hagaya mudnaanta horumarineed ee dalka.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyay hey’adda UNICEF, taageeradeeda ku aaddan dhinacyada waxbarashada, caafimaadka, nafaqada carruurta, iyo hirgelinta sidii biyo nadiif ah lagu gaarsiin laha bulshada nugul, gaar ahaan deegaannada ay saameeyeen abaaraha.

Marwo Sandra Lattouf, ayaa dhankeeda muujisay sida ay uga go’an tahay taageerada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xoojinta wada-shaqaynta ka dhexaysa hey’adda UNICEF, iyo sidii ay uga taageeri lahayd adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, gaar ahaan caafimaadka iyo tallaalka carruurta, la dagaallanka nafaqo-darrada, horumarinta waxbarashada iyo kordhinta helitaanka biyo nadiif ah iyo fayadhowrka.

 

 

 

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

0

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka ee loogu talagalay dadka ay abaartu saameysay.

Guddiga ayaa kulan la qaatay ganacsatada deegaannada Galmudug, iyagoo uga warbixiyay xaaladda abaarta ka jirta deegaannada maamulkaas. Intii uu kulanku socday, ganacsatada ayaa bilaabay uruurinta lacago loogu talagalay in gurmad lagu gaarsiiyo qoysaska ay abaartu saameysay.

Xubnaha guddiga ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka abaarta ah ay ka jirto qeybo ka mid ah deegaannada Galmudug, isla markaana ay saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyadaba. Waxay bulshada iyo ganacsatada ugu baaqeen in ay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo walaalahooda ay dhibaatadu heysato.

Sidoo kale, xubnaha Guddiga Gurmadka Abaaraha iyo Guddoomiyaha Hay’adda Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa kormeer ku tagay deegaanno ka tirsan Galmudug, halkaas oo ay ku arkeen xaalado bani’aadannimo oo aad u liita, kuwaas oo ay sababtay abaarta ka jirta deegaannadaas.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa yiri: “Waxaan indhahayga ku arkay xoolo bakhtiyay oo ay xoolo kale cunayaan, waxaana degmada Baxdo ku wareejiyay 100 booyadood oo biyo-dhaamin u sameynaya dadka ay abaaruhu saameeyeen.”

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

0

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u gudubtay wareegga labaad ee tartan cilimyeedka bisha ramadaan, kaddib markii 08 dhibcood ay kaga adkaatay Degmada Marka ee Gobolka Sh/Hoose ,taas oo heshay 06 dhibcood.

Tartankaan waxaa habeen kasta laga sii daayo Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo si toos ah looga daawadaa Telefishinka Qaranka iyo sidoo kale Radio Muqdisho oo laga baahiyo.

Waa sanadkii lix iyo tobnaad ee warbaahinta qaranka ay qabaneyso tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan,kaas oo sanadkaan ay si wadajir ah u taaba-gelinayaan maamulada Bangiga IBS iyo kan Gobolka Banaadir.

Sanad kasta barnaamijka tartan cilmiyeedka bisha ramadaan waxaa ka qeybgala 32 degmo oo kamid ah gobolada dalka Soomaaliya,waxaana degmadii ku guuleysata tartankaasi lagu abaalmariyaa koobab,lacago iyo abaalmarinno kale sida shahaadooyin muujinaya kaalinta aqoon ee ay gaareen dhallinyarada jiilasha cusub ee soo koroya.