Home Blog Page 39

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Wafdiga, oo ay qayb ka ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), ayaa la yeeshay Wasiirka kulanka diiradda lagu saaray xaaladda guud ee siyaasadda dalka, arrimaha amniga, iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Intii kulanka uu socday, Ergayga Midowga Afrika ayaa bogaadiyay dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoreyneyso deegaannada ay ku dhaamaaleysanayaan Khawaarijta, gaar ahaan howlgallada guuleystay ee lagu xaqiijiyay amniga iyo xasilinta goobihii ugu dambeeyay ee laga saaray Argagixisada.

NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamiga ayaa hawlgal ku dishay horjoogeyaal khawaarij ah

0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay howlgallo qorsheysan, oo lagu dilay ilaa 11 Khawaarij ah oo uu ku jiro horjooge sare, isla markaana lagu burburiyay gaadiid iyo saanad ciidan, ka fuliyay Gobollada Hiiraan, Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Howlgalka koowaad oo dhacay 12-kii Agoosto, ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay Khawaarijta, waxaana halkaas dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo la burburiyay goobtii ay ku shirayeen.

Sidoo kale, 13-kii Agoosto howlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Daarunimca ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa looga hortagay maleeshiyaad qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidamada difaaca shacabka kaddib markii la helay xogtooda, waxaana halkaas lagu dilay afar xubnood uu ku jiro horjooge Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009, door weyn kulahaa hoggaaminta dagaallada kooxda Khawaarijta ah.

Howlgalka saddexaad oo 14-kii Agoosto ka dhacay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay Khawaarijtu si xad-dhaaf ah ugu soo rareen saanad ciidan, kaas oo ay u wadeen maleeshiyaad qorsheynayay inay carqaladeeyaan amniga degmada Ceeldheer, Ciidanka NISA ayaana ku guuleystay in guud ahaan la gubo gaarigii iyo saanaddii uu siday taas oo fashilisay dhagartii argagixisada.

Drone nooc cusub ah oo Dunida ku soo biiray

0

Turkey’s SolidAERO waxa ay soo saartay TALAY, oo ah diyaarad aan duuliye laheyn oo kormeereysa xeebaha Badeed ka shaqayneysa, taasoo dib u soo nooleyneysa Tiknoolajiyada caalamka gaar ahaan saameynta garabka-gudaha ee Cold War–ka ama dagaalka qaboow ama dagaalka casriga ah ee Badda, waana diyaaraddii ugu horreysay ee aan duuliyaha laheyn ee u gaar ah howlaha Badda, islamarkaana uu soo saaro dalka turkiye.

Diyaaraddaan Qaab sameyskeeda ayaa ah inay Baalka laalaabi karto, waxaana loogu talagalay howlgallada Badda iyo Xeebaha oo ay ku jiraan weerarrada, ilaalinta, iyo sahanka, iyadoo ku duuleysaa joog hoose 3 mitir (9.8 cagood) oo ka sarreysa Biyaha, waxayna hoos ugu dhici kartaa 30 sentimitir (1 cagood), si looga fogaado in uu ogaado Raadarka.

TALAY waxa ay ku duuli kartaa xawaare dhan 124 mph (200 km/h) saacadiiba, waxayna shaqeyn kartaa ama hawada ku jiri kartaa ilaa seddex saacadood, waxayna qaadi kartaa culeys dhan 66 rodol ama (30 kg) oo Hub ah.

Diyaaraddaan Drone ka ah waxay ku shaqeysaa Matoor koronto ah iyo nidaam xakameyn duulimaad oo caqli macmal ah (AI) ku saleysan, taasoo u ogolaaneysa inay fuliso howlgallo ay ka mid yihiin Roondo ama fiir fiirin, weerarro toos ah, ama weerarro saldhigyada Badda ah, xitaa waxay ka howlgali kartaa marka biyuhu kacsan yihiin.

Wejiga labaad ee Barnaamijka iskaashiga Shacabka iyo Haya’addaha Amniga oo lagu qabtay Muqdisho

0

Degmada Dharkenlay ee gobolka Banaadir oo lagu qabtay kulan looga hadlayo Amniga, is dhexgalka Shacabka iyo Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kulankan ayaa waxa soo Qaban qaabiyey Hoggaanka Xiriirka Bulshada ee ciidanka Booliiska oo ay Hoggaaminaysay Taliyaha Hoggaanka Gaashaanle Qaali Axmad Caddaan.

Kulanka ayaa waxa ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Haya’addaha Amniga iyo maamulka gobolka Banaadir iyadoo looga hadlay kulanka kor u qaadida Wacyiga Bulshada iyo kaalinta ay ka geysan karaan la dagaalanka Amni daradda,

Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo goobta ka hadlay ayaa yiri “Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan Haweenka Dhiirigelintooda Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Wuxuu u Arkaa In ay muhiim u tahay Amniga iyo wax ka qabashadiisa “.

Waxa sidoo kale isaguna goobta ka hadlay Guddoomiyaha Degmada Dharkenlay mudane Cumar Meyre oo xusay in Degmadu tahay mid aad u degan xagga Amniga Shacabka iyo Ciidankuna iska kaashadaan wax ka qabashada Amniga isagoo u mahadceliyey dhamaan laamaha Amniga “dhamaan laamaha amniga waa u mahadcelinaynaa laakiin Ciidanka Booliiska Soomalaiyeed Kaalinta Koowaad ayuu Noogu jiraa “ayuu yiri guddoomiye Cumar.

Kulankan ayaa qabsoomidiisa waxa door weyn ka qaatay Maamulka Gobolka Banaadir, Saraakiisha iyo maamulka Qeybta galbeed ee Gobolka Banaadir iyadoo kulan kani yahay mid soconaya oo lagu wada qaban doono dhamaan Degmooyinka gobolka Banaadir.

Gobolka Florida oo laga hirgalinaayo xarun 2-aad oo lagu hayo soo galootiga

0

Guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis ayaa ku dhawaaqay Khamiista in xarun labaad oo lagu hayo dadka muhaajiriinta ah laga dhisi doono gobolkaasi, sida laga soo xigtay warbaahinno badan oo kuwa Mareykanka ah.

DeSantis ayaa sheegay in maamulkiisu uu furayo waxa uu ugu yeedhay “Xarunta Masaafurinta” si halkaasi loo dejiyo soogalootiga sharci darada ah ee illaa hadda gacanta lagu hayo,waxayna xaruntaasi hooy u noqon doontaa ilaa 1,300 maxbuus.

Tallaabadaan ayaa imaanaysa qiyaastii hal bil ka dib markii koonfurta Florida laga furay xaruntii ugu horeysay ee lagu hayo dadka magangalyo doonka ah,kahor inta aan loo masaafurin dalalkooda.

Garsoore federaali ah ayaa usbuucii hore si ku meel gaar ah u joojiyay dhismo kasta oo dheeri oo lagu heyn doono dadka muhaajiriinta ah,iyadoo dhinaca kale, dawlad gobolka Florida iyo dawladda dhexe aysii wadaan qorshaha lagu qabqabanayo dadka socotada ah ee aan laheyn sharciya dal ku joogga.

Illaa hadda dadka ugu badan ee lagu hayo Mareykanka ee aan heysan waraaqaha sharciga ah waxa ay ka soo jeedaan dalalka laatiiin Ameerika,halka kuwa ka yimid dalalka Aasiya iyo Afrika ay yihiin kuwo yar.

Dhowr kun oo Soomaali ah ayaa la sheegay in illaa hadda aysan heysan waraaqaha sharciga ah,waxaana jira dad la soo masaafuriyay xilligii hore ee Trump iyo waqtigaan oo uu joogo.

Madasha Somali Leadership Awards oo abaalmarisay Hey’adda SODMA

0

Madasha Somali Leadership Awards ayaa sanadkaan abaalmarinta hoggaamiyaha ugu wanaagsan ee adeegga bulshada guddoonsiisay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo maamulkiisa.

Abaalmarintan ayaa lagu bixiyay munaasabad heer sare ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirrada , Xildhibaanno, xubno ka socday dowlad-goboleedyada dalka, maamulka Gobolka Banaadir, ururada bulshada rayidka, iyo marti-sharaf kale.

Guddoomiyaha SoDMA ayaa lagu amaanay doorka firfircoon ee uu ku hoggaaminayo howlaha gurmadka degdegga ah, qorsheynta xasillinta, iyo isku-duwidda gargaarka bani’aadannimo ee gudaha dalka, gaar ahaan xaaladihii adkaa ee dalka soo wajahay sanadkan.

Mudane Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay Madasha Somali Leadership Awards abaalmarinta la guddoonsiiyay, isagoo xusay in ay tahay dhiirrigelin sii xoojinaysa dedaallada hay’adda ee ku aaddan ka jawaabidda baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Madasha Somali Leadership Awards waa madal sannadle ah oo lagu aqoonsado lana abaalmariyo shaqsiyaadka, hay’adaha iyo shirkadaha wax muuqda ka qabtay horumarinta dalka, hufnaanta maamulka, iyo adeegga bulshada.

Ciidanka XDS oo howlgallo ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Mudug

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanada Murcudka, Wadaariq,Faarax Aadan,Bacadka iyo deegaano kale oo hoos taga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Deegaannadan ayaa Khawaarijtu u adeegsan jireen meel ay ku aasaan miinooyin, isla markaana shacabka ku khasbaan inay bixiyaan lacago baad ah.

Howlgalkan ayaa dhacay kadib markii ciidanku heleen xog sugan oo ku saabsan dhibaatooyinka khawaarijtu ku hayso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanadan,Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku guuleystay in ay ku burburiyaan fariisimihii Khawaarijta, waxayna cadowga gaarsiiyeen jab culus.

Danjiraha Soomaaliya ee Shiinaha oo u furtay Aqoon-isweydaarsi masuuliyiin ka tirsan DFS

0

Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Shiinaha Drs. Hodan Cusmaan Cabdi ayaa maanta daahfurtay kulan aqoon-isweydaarsi ah oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin sare oo ka socday Xafiiska Madaxweynaha iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo socon doona 15-ka ilaa 29-ka bishaan waxaa soo qaban-qaabiyay Xarunta Iskaashiga Caalamiga ah ee Guddiga Horumarinta iyo Dib-u-habaynta Qaranka Shiinaha (NDRC), iyadoo diiradda lagu saarayo maamulka, hoggaaminta iyo hannaanka dawladnimada casriga ah.

Aqoon-isweydaarsigaan waxa uu salka ku hayaa istaraatiijiyad lagu doonayo in laga faa’iideysto khibradda qoto-dheer ee uu Shiinuhu ku kasbaday dib-u-habaynta dowladnimada, furfurnaanta dhaqaale iyo istaraatiijiyadaha horumarineed ee guuleystay.

Ujeedka kulanka waa in mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku arkaan, ku falanqeeyaan, kuna qiimeeyaan hababka lagu gaaro horumar joogto ah oo ku dhisan qorshe qaran, hufnaan iyo adeeg dadweyne oo tayo leh, si ay fikradahaasi ugu tarjumi karaan duruufaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Danjire Drs. Hodan Cusmaan Cabdi oo ka hadashay kulanka aqoon-isweydaarsiga ayaa xustay muhiimadda uu barnaamijkani u leeyahay dadaallada socda ee Soomaaliya ku doonayso dib-u-habaynta hay’adaha, kobcinta dhaqaalaha iyo dhisidda dowlad hufan oo wax-ku-ool ah,iyadoo docda kale ku boorrisay kaqeybgalayaasha in ay si furan uga faa’iideystaan waayo-aragnimada Shiinaha.

Mas’uuliyiinta ka socday Guddiga Horumarinta iyo Dib-u-habaynta Qaranka Shiinaha (NDRC), ayaa dhinacooda muujiyay sida ay uga go’an tahay taageeridda Soomaaliya, gaar ahaan dhanka maamulka, dib-u-dhiska hay’adaha, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dhimac.

Ciidamada Gorgor oo howlgal ka fuliyay deegaanno ka tisan Gobolka Shabeellaha Hoose

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, ayaa howlgallo qorshaysan oo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana lagaga hortagayo dhagarta Khawaarijta, ka fuliyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanka Cumar Beere iyo deegaano kale, waxaana ciidanku ku guuleysteen in ay soo saaraan miinooyin ay Khawaarijtu ku aaseen wadooyin ay isticmaalaan shacabka deegaanka, si ay ugu dhibaateeyaan.

Ciidanka geesiyaasha ah ayaa miinooyinkaas burburiyay, iyagoo mar kale xaqiijiyay badqabka iyo amniga dadka deegaanka.

 

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah

0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey Xeer-nidaamiyaha shirkadaha shaqo-siinta gaarka ah iyo Hindise Sharciyeedka Macdanta.

Shuruucdan ay goluhu ansixiyeen, ayaa qeyb ka qaadanaya horumarinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.

Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay amniga dalka iyo dardargelinta howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka socda qaar kamid ah gobollada dalka, iyada oo goluhu uu bogaadiyey guulaha ay ciidanku ka gaareen dagaalka Khawaarijta looga sifeynayo dalka.