Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay AntΓ³nio Guterres ayaa si baβan u dhaliilay Β duqeymaha joogtada ah ee Israaβiil ay ku hayso Marinka Qaza, sida ay baahisay wakaaladda wararka ee Jarmalka.
Guterres ayaa sheegay, intii lagu guda jiray shirkii Golaha Ammaanka ee Talaadadii shalay ka dhacay magaalada New York, in ilaalinta dadka rayidka ah macnaheedu aanay aheen in la soo saaro amarro dadka ay ugu baxayaan guryahooda iyo in laga jaro cunnada, biyaha, dawada, iyo shidaalka, ka dibna lagu garaaco duqeyma aan kala joogsi laheen.
Guterres ayaa intaa ku daray in weerarkii ay Xamaas ku qaadeen magaalooyinka ku xeeran Marinka Gaza 7-dii bishan Oktoobar uusan ku dhicin meel bannaan, balse waxa hadda socda ay ka weynyahiin.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa yiri: βAad ayaan uga walaacsanahay ku xadgudubka sharcigyada caalamiga ah ee biniβaadannimada ee ka dhacaya Qaz, ma jiro dhinac hubeysan oo ka sarreeya sharciga caalamiga ah ee dhowrista baniβaadannimada.β
Guterres, ayaa ka digay fidno dagaal oo gobolka saameeyso, isagoo Carrabka ku adkeeyay in sii socoshada dagaalada ay horseedi karaan inuu dagaalka ku baaho jihooyin ay hadda nabad ka jirto.
Dhanka kale, Wasiirka arrimaha dibadda Israaβiil, Eli Cohen, ayaa cambaareeyay, dhaleeceynta Guterres ee duqeymaha Israaβiil ay ka waddo magaalada Gaza.
Sidokale, wakiilka Israaβiil u fadhiya Qaramada Midoobay, ayaa ku baaqay in Guterres uu iscasilo, madaama uusan u qalmin inuu Β hoggaamiyo Qaramada Midoobay.
