Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sakariye Kamaal Suufi Abba-Sheekh (Saki) oo ahaa shaqsigii ugu muhiimsanaa ee cadowga Khawaarijta ah uga soo iibin jiray dibadda hubka iyo waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo ee lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed.
Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed oo xilka la wareegay
Munaasabad uu xilka kula waregayay Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa ka dhacday Taliska ciidanka dhulka XDS.
Munaasibadda xil-wareejinta ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliye ku xigeenka Ciidanka xoogga dalka soomaliyeed,hoggaannada ciidanka, kan gaadiidka, xiriirka arrimaha dibedda ,hanti dhowr iyo marti sharaf kale.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed sarreeye Guuto; Madey Nuureey Sheekh ayaa Xilka u kala Wareejiyey Taliyaha cusub ee xilka la wareegay gashaanle sare Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyihii hore ee Ciidanka dhulka Sarreeye guuto; Axmed Aadan Cali.
Taliye ku -xigeenka CXDS sarreeye Guuto Madey Nuureey Sheekh Ufuroow ayaa kula dar daarmay tliyaha cusub inuu dar dargeliyo howsha culus ee loo igmaday ,wuxuuna taliyuhu eebbe uga baryay inuu Alle la garab galo waajibaadka adag ee horyaallo.
Soomaaliya oo ka faa’ideysaneysa adeegsiga Tamarta
Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb. Cawaale Cali Kullane ayaa Khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay shirka wadatashiga adeegsiga Tamarta oo maalintii labaad ka socda magaalada Beijing ee caasimadda Dalka Shiinaha.
Danjiraha ayaa jeediyay Khudbad muhiim ahayd, wuxuuna carabka ku adeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ka faa’ideysiga tamarta iyo iskaashi dhexmara dalalka deriska ah.
Ka qeyb galka Danjire Kullane ee shirkan ayaa tusaale cad u ah sida ay Soomaaliya uga go’an tahay sahminta xalal tamareed oo waara si wax looga qabto caqabadaha adag ee hortagaan horumarinta dalka. Soomaaliya waxaa muhiim u ah helitaanka ilo tamar oo la isku halayn karo oo nadiif ah si aan u xaqiijino hamigeenna ku aaddan horumar taabba gala.
Ugu dambeyntii, Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha ayaa tilmaamay sid ay Soomaaliya u daneyneyso in ay beesha caalamka kala shaqeyso sidii looga faa’ideysan lahaa tamarta nadiifka ahee ka curta hawada iyo qoraxda.isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay hindisaha iyo fikradda laga helay shirka.

Taliyaha Asluubta oo Xabsiga dhexe ka dhagax dhigay qayb u gaar ah maxaabiista qabta cudurrada faafa
Taliyaha Ciidanka Asluubta General; Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa xabsiga dhexe ka dhagax dhigay qeyb lagu karantiilayo maxaabiista qaba cudurrada faafa.
Taliye Mahad ayaa sheegay in sheegay in saraakiisha Xabsigu ay usoo gudbiyeen in halkaasi lagu hayo dadka qaba cudurrada faara, kuwaas oo la ogaado marka kiiskooda loo gudbiyo Maxkamadaha, si caafimaadkooda loo ilaaliyana loo dhiso qayb gaar u ah bukaanka.
Wuxuu sheegay Taliyuhu in ay qaybtan ku dhisayaan si is-xilqaan ah, wuxuuna dowladda dhexe iyo bulshada Soomaaliyeedba ugu baaqay in ay ka qayb qaataan dhismaha gaarka ah ee loogu tala galay maxaabiista qabta cudurrada faafa.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan xuska dhalashada Nebiga CSW
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo iyo farriin ku saabsan xuska dhalashada Xabiibkeenna Muxamed nabad-gelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed in ay ku daydaan raadkii Nebiga CSW iyo dhaqankiisa suubban, wuxuuna mar kale ugu digay in ay ka fogaadaan sharta khawaarijta iyo qalloocinta sunnada Rasuulka SCW.
Munaasabado lagu xusaayo dhalashada Nabigeenna CSW oo lagu wado inay ka dhacaan Magalooyinka dalka
Maanta oo kale qeybo badan oo ka mid ah dunida waxaa si weyn looga xusaa dhalashada Nabigeenna Muxammad CSW, sidokale waxaa shaqooyinka fasax ka ah inta badan Shaqaalaha ka howl gala dalalka Muslimiinta ah munaasabaddan awgeed.
Munaasabadda dhlashada Nabigeenna, ayaa si isku mid ah looga maamuusaa meelo badan oo ka mid ah dunida, wiyadoo lagu weyneynaayo isu soo baxyo iyo xaflado kala duwan.
Maalinta oo ay taariikhduna ku beegan tahay 12-ka Bisha Rabiical Awal (Mowliid) 1445-ta Hijriyada, kuna aaddan 27/9/2023, waxaa lagu wadaa in Magalooyin dalka ay ka dhacaan Munaasabado waaweyn oo lagu xusayo dhalashada Nabigeenna Muxamed SCW, sidokale waxaa fasax ah dhammaan shaqaalaha Soomaaliyeed.
Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka sameeyay gobolka Bakool
Ciidanka xoogga dalka ayaa saaka howlgal lagu beeegsanayo Khawaarijta ka fuliyey deegaanada Bariga iyo Galbeed degmada Waajid ee gobalka Bakool.
Howlgalka ayaa lagu burburiyay goobo Khawaarijtu ay baad uga qaadeysay dadka Shacabka ah ee degaannadaas.
Howlgalka waxaa horkacayey taliyaha ururka 47aad, Guutada 8aad, Qeybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Axmed Maxamed Nuur Dhagey.

Ciraaq:In ka badan boqol ruux oo ku dhintay xaflad aroos
Ugu yaraan 100 qof ayaa ku dhintay in ka badan 150 kalena waa ay ku dhaawacmeen dab ka kacay xaflad aroos oo ka dhacday Gobolka Nineweh ee waqooyiga Ciraaq.
Wasaaradda caafimaadka Ciraaq ayaa sheegtay in qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay ay ku jiraan xaalad aan degganeyn ,iyadoo kuwa uu soo gaaray dhaawaca daran loo qaaday isbitaallada leh agabka daryeelka gaarka ah.
Guddoomiyaha gobolka Nineweh ayaa sheegay in tirada khasaaraha aan la xaqiijin Karin,isagoo intaa raaciyay In qalabka dhismaha ee loo adeegsaday hoolka xafladda ay sababeen in si degdeg ah uu danku u faafo.
Difaaca madaniga ah ee Ciraaq ayaa sheegay in warbixinadii ugu horeeyay ay muujinayaan in dabkaasi uu sababay isticmaalka Bululeyrka ama baaruudda rashka intii lagu jiray dabaaldega xafladaasi arooska ah.
Turkiga oo dardar gelinaya mashaariicda horumarineed ee uu dalka ka wado
Madaxha hay’adda TIKA qaybteeda Soomaaliya , Ilhami TURUS ayaa sheegay in ay xoojinayaan maalgashiga iyo horumarinta dalka Soomaaliya sida Beeraha, Tammarta, Kalluumeysiga iyo dhismaha kaabayaasha dhaqalaaha.
Ilhami TURUS, ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Muqdisho kula qaatay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane, Cabdirashiid Jire Qalinle.
Mudane, Ilhami TURUS ayaa Wasiir Qalinle warbixin ka siiyay mashaariicda ay TIKA ka waddo dalka iyo Istaraajiyadda cusub ee Hay’adda sidii loo waafajin lahaa Qorshaha Horumarinta Qaranka.
Waxay labada dhinac isla meel-dhigeen in sida ugu dhaqsiyaha badan adeegyada muhiimka sida Waxbarashada, Caafimaadka iyo adeegyada kale ee dowladda loo gaarsiiyo goobaha laga xoreeyay Khawaariijta.
Hay’adda dowlada Turkiga u qaabbilsan horumarinta mashaariicda ee TIKA ayaa door wyn ka ciyaartay garab qabashada umadda Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiir Cabdirashiid Jire uga mahad celiyay sidii ay ugu soo gurmadeen shacabka Soomaaliyeed markii ay dalka ka dhacday abaartii 2011-kii.
Sweden oo danjire cusub u soo magacowday Soomaaliya
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibedda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac Huruuse ayaa warqadaha aqoonsiga Danjirenimo kaga guddoomay Safiirka cusub ee dowladda Sweden u fadhiyi doona dalkeenna Amb. Joachim waern oo baddelaya danjirahoodii hore ee dalkeenna u joogay.
Wasiirka iyo Danjiraha cusub ayaa ka wada hadlay sii wadidda iyo adkaynta xiriirka dhinacyada badan ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Sweden oo ku dhisan iskaashi, is-qadarin iyo wax wada qabsi.
Waddanka Sweden wuxuu ka mid yahay waddamada ay ku nool yihiin oo marti geliyey mid ka mid ah Jaaliyadaha qurba joogta Soomaaliyeed ee ugu ballaaran.
