Home Blog Page 381

IMF oo shaacisay in Soomaaliya ka gudubtay hanaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta

Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa warbixin ka soo saartay heerka qiimayntii ay ku sameysay hannaanka dib-u-eegista 5-aad ee Barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hada maraya merl gabo-gabo ah.

Guddiga Sare ee Hey’adda IMF oo shir gaar ah kalahaa arrimaha maaliyadda Soomaaliya ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay ka gudubtay Barnaamijka ECF ee ahaa Dib-u-eegista 5-aad ee ku saleysnaa sharuudaha Deyn cafinta taasoo hadda ay fulisay Dowladda Soomaaliya dhammaan shuruudihii ku xirnaa hannaanka ECF-ka.

Hey’adda IMF ayaa ku boogadisay Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay ugu go’an tahay dadaalada lagu xoojinayo qorshe-yaasha dib-u-habeynta Maaliyadda dalka, xoojinta wadashaqeynta kala dhexeysa Deeq-bixiyeyaasha calaamiga ah iyo Hey’addaha kale ee Deymaha waa ku leh Soomaaliya. Warbixinta IMF ay soo saartay ayaa lagu xusay in loo baahan yahay in la labo laabo daadalada lagu dar-dar galinayo kordhinta Dakhliga gudaha, iyada oo mudnaan loo siiyo beeqaaminta karashbixinta si loo yareeyo bixinta kharashaadka aan daruuriga ahayn.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in ay socdaan dadaallo lagu xoojinayo, Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka horumar laga sameeyay, hannaanka mideynta mushaar bixinta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa soo dhaweeyay warbixinta ka soo baxday Guddiga Sare ee Hey’adda IMF. Wasiirka Elmi ayaa sheegay in warka ka soo baxay IMF uu yahay mid wanaagsan oo ku dhiirigalinayo in Dowladdu ay sii xoojiso arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda iyo Deyn Cafinta.

” Warbixinta ka soo baxday IMF waa war u wanaagsan dhagaha bulshada oo misna dhiirigalin u ah hannaanka Horumarinta Maaliyadda Soomaaliya. Arrimaha dib-u-habeynta Maaliyaddu waxa ay ku socdaan waddadii saxda ahayd, waxaana naga go’an in aan aragno guulo badan inkasta oo ay jiraan caqabado waawyn” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi.

IMF waxa ay sidoo kale Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku amaantay in ay xoojisay Maamul wanaagga iyo hufnaanta iyadoo horumar laga sameeyay hannaanka Iibka Qandaraasyada Qaranka iyo heshiisyada ay Dowladdu gasho.

Muqdisho-Somalia

Wafdi ka socda Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka sanadlaha ee Global Payment Week 2023

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa markii ugu horeysey mudo 32 sano ah kadib ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Global Payment Week 2023 ( GPW) oo sandakan lagu qabtay magaalada Marrakesh  ee dalka Morocco.

Waxaa shirkaas soo qaban qaabiyo Bankiga Aduunka waxaana ka soo qeygala Bankiyada Dhexe ee Aduunka iyadoo lagu soo bandhigo teknologiyada cusub ee Hanaanka Lacag Bixinta aduunka.

Soomaaliya oo  ku guuleysatay hirgelinta Hanaanka lacag Bixinta Qaran waxey sidoo kale halkaas ugu qeyb gashay  dood ay qeyb kahaayeen Bankiga England, Bankiga European Union, Mexico iyo Oman oo lagu soo bandhigay Guulaha Soomaaliya ka gaartey hirgelinta mashruucan.

Waxaa shirkan Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku matalayey wafdi uu hor kacayo  Agaasimaha Sare ee Lacagta iyo Howsha Bankiga Axmad Xundubey iyo qaar ka mid ah howl-wadeenada Hanaanka Lacag Bixinta Qaranka.

 

 

Muqdisho-Somalia

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KHUDBAD KA JEEDIYEY MEERTADA 32-AAD EE JAAMACADDA CARABTA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalaya Meertada 32-aad ee Shir-madaxeedka Jaamacadda Carrabta ayaa Khudbadiisa kula wadaagay Boqorrada, Amiirrada, Madaxweyneyaasha iyo Hoggaamiyeyaasha Carbeed horumarka ka jira dalka, fursadaha iyo caqabadaha ku xeeran dowladnimada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay waddo howlgallo qorsheysan oo dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, loona diyaarinayo Ciidanka Soomaaliyeed in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, iyadoo ay qorsheyaashaas barbar socdaan hiigsiyo qaran oo ku aaddan deyn cafinta Soomaaliya iyo xasilinta siyaasadeed ee dalka.
“Waa inaan dardargelinno iskaashiga iyo wax-wadaqabsiga heer Carbeed. Soomaaliya maanta waxay ka soo kabanaysaa duruufo adag oo ay dhabar adeyg ku wajaheen shacabka Soomaaliyeed, waxaan rajaynaynaa in aad sii laba jibaartaan garab istaagga walaalnimada ah ee aad noo muujiseen. Soomaaliya xasilloon oo hurumarsan waxay guul u tahay dhammaan dalalka Carabta”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay soo dhaweynayaan dib ugu soo noqoshada Jamhuuriyadda Suuriya ee Madasha Jaamacadda Carabta, isagoo dhanka kale xoojiyey baaqii Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku wajahnaa walaalaha dalka Suudaan in ay joojiyaan dagaalka, wadahadallna ku dhameeyaan xaaladda ka taagan dalkaas.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Hoggaamiyeyaasha xusuusiyey in dalalka Carabta ay ka jiraan dhibaatooyin badan oo ay ugu horreeyaan amni xumo, xasillooni darro siyaasadeed iyo dhibaatooyin dhaqaale, wuxuuna ugu baaqay in loo midoobo sidii loo wajihi lahaa caqabadahaas.

Wasiirka Waxbarashada XFS oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qadar

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Faarax Cabdulqaadir Sheekh ayaa kula kulmay magaalada Dooxa ee Dalka Qadar kula kulmay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Horumarinta Qatar Mudane Khaliifa. bin Jassim Al Kuwari.

Mudadii uu socday kulankaasi ayaa waxaa labada dhinac ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay klamid ahaayeenn is dhaafsi xogaha iyo khibradaha , dhismaha hay’adaha dhaqaalaha, dib u habeynta hay’adaha dowladda.

Sidoo kale  madaxdaasi ka kala socday Soomaaliya iyo Qadar waxay ka wadahadleen sii wadidda  mashaariicda ay Qadar  a ka fuliso Soomaaliya.

Magaalada Nirobi oo lagu soo gabagabeeyay shir la xiriiray dib u dhiska magaalooyinka dalka “SAWIRRO’

Shir looga hadlaayey dib u dhiska magaalooyinka waaweyn ee dalka oo ay ka qeybgaleen Dowlad Govoledyada iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Nirobi ee Dalka Kenya.

Shirkaasi oo soxday muddo  4 cisho ah,waxaa soo Agaasimay dowladda Federaalka ee Soomaaliya, machadka Tokiyo iyo bangiga horumarinta  dubida.

Shirkaan oo ay ka qeybgaleen madax ka kala socday 6 magaalo oo dalka ah,waxaa kaloo looga hadlay Maamul wanaagga, Adeegga aasaasiga ah ee bulshada sida dhisidda buundooyinka iyo bulaacadaha.

Madaxdii ka hadashay shirkaasi,waxaa kanus ahaa Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diriye

Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo ku howlan wax u qabashada ardaydii ka soo cararay Suudaan

Agaasimaha Tacliinta Sare ee XFS Ismaacil Yuusuf  Cismaan ayaa sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay qorsheynta sidii waxbarashadooda ay u sii wadan lahaayeen ardayda Soomaaliyeed ee naftooda kala soo baxsaday colaadda ka jirta dalka Suudaan.

Agaasimaha oo ka hadlay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka ayaa xusay in wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ay wadaan diiwaangalin ku aadan tirada saxda ah ee ardayda ka soo cararay dagaalada ka jira Suudaan iyo sidii loo sii wadi lahaa dhameystirka waxbarashadooda.

Ismaacil Yuusuf  Cismaan,waxa uu tilmaamay in Magaalada Muqdisho ay soo gaareen arday lagu qiyaasay 1270,halka ilaa sadex boqol oo arday ay gaareen gobolada dalka mwuxuuna intaa raaciyay in wasaaradda waxbarashada ay gacan ka geysaneyso meeleynta ardaydaasi.

Guddi uu magacaabay r/wasaaraha dalka ayaa ku howlan wax u qabashada ardayda ka soo cararay Suudaan,iyadoo safaaradda Suudaan ee Soomaaliya lagala tashanaayo xogaha ardayda ee ka diiwaangashan jaamacadaha Suudaan.

Shirka wadamada G-7 oo maanta ka furmaya dalka Jabaan

Japan ayaa martigelinaysa shir madaxeedka G7 ee ka dhacaya magaalada Hiroshima ee dalkaasi,halkaasi oo ay isugu tageen hoggaamiyeyaasha Canada, France, Germany, Italy, United Kingdom iyo Maraykanka iyo Midowga Yurub.

Shirka ayaa socon doona 3 cisho waxaa lagu wadaa in uu furmo duhurnimada maanta,iyadoo looga hadlaayo qodobbo ay kamid yihiin dagaalada ,Ukraine iyo sidii looga jawaabi lahaa ajandaha ugu sarreeya ee horyaalla shirkaasi.

Madaxweynaha Yukreeniyaan Volodymyr Zelenskyy ayaa sidoo kale la filayaa in uu madaxda G-7 kula hadlo habka muuqaalka.

Madaxda G-7 ayaa saaka ubax dhigay beerta Nabadda ee Hiroshima, halkaas oo ay ku dhinteen kumannaankii qof ,kadib markii Mareykanka uu magaalada ku tuuray Bam Nuclear ah 1945tkii.

Dad badan oo dibad-baxaya ayaa isugu soo baxay waddooyinka halka uu ka dhacayo hirka G7

Masaajid kuyaalla dalka Mareykanka oo dab la qabadsiiyay

Waxaa sii kordhaya weerarada islaam nacaybka ku saleysan ee lagu qaadayo goobaha cibaadada, gaar ahaan masaajidada muslimiinta ay ku leeyihiin dalka Mareykanka , kuwaasi oo ay geesanayaan kooxo lagu tilmaamay cunsuriyiin islaamka neceb.

Masaajid lagu magacaabo Towfiiq oo kuyaalla magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa dab la qabadsiiyay, walina ma jiro cid falkaasi ka dambeesay oo ciidamada ammaanka ay usoo xireen.  

War kasoo baxay laamaha ammaanka ee magaalada St. Paul  ayaa lagu sheegay in ay baarayaan Masaajidka dab la qabadsiiyey iyo ciddii ka dambeesay, waxa ayna xuseen booliiska in falkaasi aysan jirin cid wax ku noqotay.

Masjidkan ayaa  xilliga dabka la qabadsiiyay waxaa ku socday dhismo, waxaana falkan walaac xooggan ka muujiyay muslimiinta kunool dalka Mareykanka oo dowladda ugu baaqay in ay wax ka qabato weerarada lagu qaadayo masaajida.

Madaxweynaha Dalka oo la kulmay Ciidamo Tababar ku qaadanaya Dalka Qatar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay Saraakiil iyo Saraakiil-xigeenno ku biiraya Ciidamada Qalabka Sida oo tababar uu uga socdo dalka Qatar.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Ciidamadan rajada shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay hormuud u noqdaan howlgallada socda ee xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dowladda Qatar doorkan kuu aaddan dib u dhiska Ciidamada Cirka, Barriga iyo Badda.

Ciidanka Qaranka ayaa guullo waaweyn ka gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxa khawaarijta oo ka socda deegaanada kooxahani ka dhigteen gaboodka.

 

Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyeeyey Geerida Cismaan Maxamed Jeelle

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Korneel Cismaan Maxamed Jeelle.

Madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in Korneel Cismaan Maxamed Jeelle uu muddo dheer u soo adeegayey qaranka Soomaaliyeed, isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladdii Dhaxe, Duqa Magaalada Muqdisho iyo mas’uuliyada kale oo diblomaasiyadeed, kuwaas oo uu kala soo shaqeeyey Dowladihii soomaray dalkeenna.

“Inna Lillaahi Wa Inna IIayhi Raajacuun, Alle ha u naxariisto Cismaan Maxamed Jeelle, oo waqti badan ku soo bixiyey u adeegidda dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxaana tacsi u dirayaa qoyskiisa, qaraabadiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Cismaan Maxamed Jeelle in uu hoygiisa ka yeelo jannatul fardowsa samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.