Home Blog Page 380

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha diinta XFS oo gaaray magaalada Kismaayo

Wefdi uu hoggaaminayo Wasiir ku xigeenka wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Xukuumada Federalka Soomaaliya Saalax Shariif Sayid Cali ayaa lagu soo dhaweeyey Garoonka diyaaradaha xarunta KMG ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Kismaanyo.

Wasiirka iyo Wefdigiisa ayaa waxaa si diiran halkaasi ugu soo dhaweeyey wasiirka Caddaalada, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Jubbaland Maxamed Yuusuf Cumar, Wasiir kuxigeedkiisa, Odoyaasha Dhaqanka, Culimada iyo waxgaradka magaalada Kismaayo.

Wefdigan ayaa ujeedadiisu tahay sidii uu uga qeyb geli lahaa shir weynenaha wadatashi oo ay ka qeyb galayaan dhammaan madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka kaasoo lagu wado in goordhow uu ka furmo magaalada Kismaanyo.

Wasiirka Caddaalada XFS oo furay kulan farsamo oo looga hadlayo howlgalinta hannaanka caddaaladda iyo Asluubta

-Wasiirka wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Macalin Maxamuud ayaa maanta ka furay magaaladda Muqdisho kulan farsamo oo looga arrinsanayo hawl-gelinta hannaanka Caddaaladda iyo Asluubta ee ay dhawaan Golaha wadashiga qaran hashiis ka gaareen.

Kulanka oo socon doona muddo afar maalin ah ayaa waxa ka soo qayb-galay xeeldheerayaal dhinaca sharciga ah kuwaas oo ka kala socda Xafiiska ra’iisul Wasaaraha, wasaaradaha cadaaladda ee Dowlada xubnaha ka Dowlada Fadaraalka, Gobolka banaadir, bahda Garsoorka, Xeer ilaalinta, Garyaqaan guud , ururka qareenada, Hay’ado kale  iyo howlwadeenada wasaaradda caddaaladda Fadaraalka ah.

Ujeedka kulanka loo qabtay ayaa ah in laga doodo sida ugu wanaagsan ee lagu hirgalin karo hannaanka caddaaladda iyo Asluubta kaas oo la jaan qaadi kara hannaanka Fadaraalka ee uu dalku u guuray maadama uu hannaankii hore ee caddaaladda iyo Asluubta uu aha mid hal meel laga maamulo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo daahfuray kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Macllim Fiqi ayaa maanta muqdisho daahfuray kulanka 2-aad ee madasha maayarada Soomaaliya,waxana ka qeyb galayaan 19 Maayir oo ka kala socda gobolada dalka ayaa lagu soo badhigi doonaa horumarka, caqbadaha iyo arrimo kale.

Madasha Maayarada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socoda ayaa waxaa hadallo kooban ka jeediyey Guddoomiyayasha  degmooyinka ee kala duwan ee dowlad goboleedyada iyo qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyaga oo soo bandhigay dooda la xariira horumarka iyo caqbadaha jira iyo sida loo xalin karo.

Go’aankii la mahdiyay ee joojinta qul-qulka hubka caasimadda

Muqdisho oo muddo badan maaro u la’ayd argagixiso iyo maleeshiyaad magac dila ayaa hadda u muuqata mid ka soo kabaneysa wixii maalmo hore tegay soo maray. Ka dib markii ay maanta u kaceen madax iyo ciidamo qaranku u gaar yeelay magaaladan si loo xaqiijiyo amnigeeda.

” Xukuumaddu qaraar waxay gaartay Baladka hubka lagu dhex wato in la xakameeyo, amni-darada aragtida ka mid ah, qofka inta uu arkaayo baabuur Dhashiiko ah oo toban wiil saaran tahay oo qoriga Dhashiikaha ku dhegan oo waddada Maka Al-mukarama dhex cararaayo,qofna laguma qancin karo magaaladan ammaan waaye,” ayuu yiri madaxweyne Xasan sheekh Maxamuud.

Ciidamada amniga oo fulinaya amarka madaxweynaha ayaa qaaday tallaabooyin lagu yareynayo hubka waa-weyn ee magaalada dhex yaaci jiray ka hor amarkaas, waxayna ciidamada xasillinta ee loo gaar yeelay magaaladan si joogta ah u hubiyaan dhaqan galka  go’aankaas.

Taliyaha Booliska gobolka Banaadir ayaa wax weyn ku tilmaamay meel marinta sharciga xakameynta hubka, isagoo uga mahadceliyay madaxweynaha JFS iyo golaha wasiirada, wuxuuna ku tilmaamay mid xal loogu helay sugida amniga Muqdisho.

” Marka hore, waxaan u mahadcelinayaa madaxweynaha qaranka iyo golaha xukuumadda oo runtii xakameynta hubka meel mariyay uu madaxweynuhuna ku dhawaaqay naguna garabsiiyay, mushkilo ma jirin ilaa hub ayay ahayd, kantaroolada waa lagu marayay, shacabka Soomaaliyeed waddo gaari lagu furanayay lagu dilayay,  hubkaas in la soo saaro oo sharcigaas la meel mariyo wax weyn ayay inoo ahayd,”.

” Waxaa reeban in la qaato qoriga ama la isticmaalo gaadiidka uu ku rakiban yahay qoriga Dhashiikaha iyo qoryaha ka sii waa weyn, waxaa reeban in la isticmaalo qoryaha Baasuukaha dheh ama RBJ-ga in magaalada lagula dhex socdo oo lagula dhex laaf-yoodo oo madaxaa lagu ilaalinaa la dhaho ayaa reeban,waxaa kale oo reeban qoryaha daran-dooriga u dhaco oo BKM-ka ka mid yahay iyo wixii lanmid ah ayaa reeban,” ayuu yiri guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Col. Shuute.

Maamulka gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho ayaa ka mahadceliyay xeerka xakameynta hubka iyo sida looga dareemay amniga caasimadda, wuxuuna si gaar ah u ammaanay ciidanka gaarkanah ee juhdiga ku bixiyay in caasimadda laga tir-tiro falalkii argagixisadu ka geysan jirtay iyo kooxihii kale ee qaswadayaasha ahaa.

Sidoo kale, shacabka magaalada Muqdisho ayaa dareemay neecowda nabadda,iyagoo ku bogaadiyay hay’adaha ammaanka sida hagar la’aanta ah ee mas’uuliyad isaga saareen sugida amniga.

Muqdisho-Somalia

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa  kulan la qaatay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.

Kulanka ayaa looga hadlay tageerada ay Midowga Yurub ku bixiso dib u dhiska Dalka iyo mashariicyada kale duwan ee ay ka fuliyaan deegaannada Jubbaland, kuwaa oo ay ugu horeeyaan Arimaha ammaanka iyo horumarinta deegaanka

Muqdisho-Somalia

Ergayga Gaarka ah ee arrimaha Somaliland oo kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan horudhac u ah Qorshaha Talo Wagaada Madaxda iyo Bulshada Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS la qaatay Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug Mudane  Ahmed Abdi Kaarie  (Qoor-Qoor), kaas oo ay isla qaadaadhigeyn Socdaal uu dhawaan Ergayga ku tagi doono deegaanada DOWLADD GOBOLEEDKASI, si uu u soo dhageysto tallooyinka iyo Aragtiyada Masuulliyiinta iyo Shacabka Maamulkaasi ay ka qabaan hanaanka loo wajahayo Wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa soo dhaweeyay dedaalada Xafiiska Ergayga, waxaana uu u muujiyay garab istaag buuxa, Ergayga ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyay tallooyinkiisa wanaagsan iyo aqbalaada qorshahiisa.

Muqdisho-Somalia

Saraakiil ka socota dalalka Safka hore oo muqdisho shir ku yeeshay

Shir ay isugu yimaadeen dalalka Safka hore ee hoggaaminaya hawlgalka ka dhanka ah kooxaha khawaarijta ayaa ka qabsoomay xarunta taliska Ciidanka ee magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxa guddoominayey Taliyaha Ciidanka hawlgalka wada jirka ah Generaal Maxamed Cali Bariise iyadoo kulankan diirada lagu saaray muhiimada hawlgalkan wada jirka ah iyo sidii bulshada qayb uga noqon lahayd.

Kulankan ayaa waxa kasoo qayb galay saraakiil ka socotay dalalka Safka hore ee kala ah DJabuuti,Ethiopia,Kenya iyo Safiir kuxigeenka Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho.

Guddiga Xuquuqul Insaanka BJFS oo kulan la qaatay madaxda hay’adda SODMA

Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu Xafiiska Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, kulan kula yeeshay Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Guddigu wuxuu Warbixin ku saabsan Qorshe-howleedka Hey’adda Maareynta Musiibooyinka ka dhegeystay, Guddoomiye ku-xigeenka guddiga Dr Axmed cabdi aadan iyo Agaasimaha guud Hey’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka mudane Cabdirashiid Maxamud Xasan.

Xubnaha Guddiga, ayaa weydiyay Su’aalo la Xiriira Qorshaha Hey’adda Maareynta Musiibooyinka qaranka waxeyna mid-mid uga jawaabeyn dhammaan Su’aalihii ay weydiiyeen Guddoonka iyo Xubnaha Guddiga.

Kulanka waxaa Shir guddoomiyey Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xil. Xirsi Adan Roble. Wuxuuna u mahadceliyey Guddomiye ku-xigeenka Hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, ayadoo la isla gartey hirgelinta dhammaan waxyaabihii shirka looga hadlay, iyo Fulintooda.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan la qaatay Safiirka UK u Fadhiya Muqdisho

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis.

Madaxweynaha iyo Danjiraha ayaa iska wareystay xaaladaha Hirshabeelle sida guulaha muhiimka ah ee laga gaaray dagaaladii lala galay Khawaarijta, Howlgalada wali socdo iyo u diyaar garowga wajiga 2aad ee howlagalada lagu ciribtirayo kooxda Khawaarijta ah ee alshabaab.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay kor u qaadista mashaariicda Dowladda Ingiriiska ay ugu talagashay deegaanada Hirshabeelle iyo arrimaha xasilinta oo dowladda ay dadaal ugu jirto sidii deegaanada la xoreeyay loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka ah ee bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhallinyarada ugu baaqay in ay Xukuumadda ku taageeraan ciribtirka amni xumada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta furay Shirweynaha Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo lagu dhaqangelinayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada.

Shirkan oo ah kii 9-aad ayaa soconaya muddo saddex maalin ah, waxaana ka soo qeyb galay boqolaal dhallinyaro oo isaga kala yimid gudaha iyo dibedda, iyadoo lagu soo bandhigayo Siyaasadda Qaran ee Dhallinyarada oo ka tarjumeyso baahidooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in horumarka dalka ay hortaagan yihiin afar wax yaabood oo haddii aan wadajir looga gudbin aan la sameyn karin wax horumar ah, kuwaas oo kala amni xumo, qabyaalad, musuq-maasuq iyo maandooriye, dhallinyaradana looga baahan in ay dowladda ku gacan siiyaan ciribtirkooda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ammaanay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaga jiraan difaaca dalka, gaar ahaan kuwooda aqoon yahanka ah oo kaalin mugleh ka qaadanaya amniga dalka, dowlad-dhiska iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah.

Ra’iisul Wasaaraha oo tilmaamay halka ay dhallinyaradu uga jiraan nolosha bulshada ayaa sheegay in dal aan lahayn cuddud dhallinyaro oo xoog leh uusan horumar gaari karin.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xukuumadda DanQaran ay dhallinyarada Soomaaliyeed u abuurayso fursado shaqo, waxuuna ku ammaanay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha abaabulka iyo isu keenidda dhallinyarada Soomaaliyeed, si ay afkaartooda ugu biiriyaan dowlad-dhiska.