Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia oo Xafiiskiisa ku Qaabilay Safiirada Maraykanka iyo Portugal ee dalka Ethiopia.

Date:

Danjiraha JFS ee dalka Ethiopia Mudane Cabdullaahi Warfaa ayaa Xafiiskiisa safaaradda ku Qaabilay Safiirada Maraykanka iyo Portugal ee dalka Ethiopia.
Danjire Warfaa ayaa qaabilay Mudane H.E Ervin Massinga danjiraha Mareykanka ee Ethiopia waxaana labada danjire kulankooda ku wehliyay Wakiilka Dawladda Marayanka ee Midowga Africa Ambassador Mikail Cleverley, iyagoo dood miro dhal ah ay ka yeesheen guushii taariikhiga ahayd ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya dhowaan ka gaartay qaadista cunaqabatayntii hubka ee sanado badan saarnayd Soomaaliya iyo sidoo kale shirka amniga Soomaaliya ee ka socda Washington.
Dhanka kale Danjire Warfaa ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Boortaqiiska ee Ethiopia Luisa Fragoso, oo ay ka wada hadleen horumarka ay Soomaaliya ka gaartay arrimaha cuna-qabataynta hubka iyo dayncafinta, iyagoo isla gartay xoojinta xiriirka labada dal.
Safiirka ayaa sidoo kale xafiiskiisa ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka socotay hay’adda caalamiga ah ee SOAWR oo ka mid ah hay’adaha u dooda xuquuqda Aadanaha gaar ahaan xuquuqda haweenka, iyagoo bogaadiyay guulaha waaweyn ee ay Soomaaliya ku tallaabsatay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...