Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka aagga Caad

Date:

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka General Dayax Cabdi Cabdulle oo la hadlay warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in tira ka badan 80 khawaarij ah dhibasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay aagga deegaanka Caad ee koofurta Gobolka Mudug.

 

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, iyo xooggaga deegaanka ee macewsley  ayaa saddexdii maalin ee lasoo dhaafey cashar adag ugu dhagay khawaarijtii ku sugneed deegaannada Jeex Jeexa iyo Caad.

 

Taliye Dayax ayaa sheegay in saldhigyadii lagu dagaalamay dhammaan ay ku sugan yihiin geesiyaasha Qaran, dhanka kale khawaarijta oo dagaalkan jab xooggan kasoo gaaray ayaa u firxaday dhulka hawdka ah ee dhaca xaduuda Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah...

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada...

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...