Home Blog Page 37

Maxkamadda Ciidamada oo xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta   

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba xubnood oo ka tirsanaa kooxaha Khawaarijta. Labadan eedaysane ayaa horey Maxkamaddu ugu ridday xukun dil toogasho ah.

Xubnahan la toogtay ayaa kala ah:

Saleebaan Xuseen Nuur Cali, oo loo yaqaanay Cali iyo Siyaaf.

Cabdqaadir Abuukar Axmed, oo magacyada Afgarashada lagu yaqaanay Nasru-diin iyo Saabir

Labada xubin ayaa lagu fuliyay xukunka dilka toogashada ah, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira dilal ay ka fuliyeen caasimadda Muqdisho. Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunkooda ku saleysay caddeymo buuxa oo laga helay falalkii amni-darro ee ay horey u geysteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu soo dhaweeyey Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehelinayaan wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka ah iyo saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha waxaa si diirran ugu soo dhoweeyey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, ku-xigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid, guddoonka iyo xildhibaannada Golaha Wakiillada Galmudug, bulshada iyo odayaasha dhaqanka.

Inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulammo la yeelan doona madaxda Galmudug iyo qaybaha bulshada, isaga oo xarigga ka jari doona mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey deegaannada Galmudug.

Sidoo kale, safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysan dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, isagoo xoogga saari doona abaabulka bulshada iyo dhiirrigelinta ciidamada naftooda u huraya xoreynta dalka.

Buur-Hakaba oo laga hirgeliyay garoon diyaaradeed

0

Degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay, waxaa maanta cagadhigatey Diyaaradaha ugu horeysey oo kuwa xamuulka qaada ah, Kadib markii dhawaan la soo gabagabeeyey Dhismaha garoon diyaaradeed oo kiddo halkaas ka socday.

Duulimaadyada Diyaaradaha ayaa si aad ah baahi weyn ay uqa qabeen bulshada Degmada waana mid fududeyn Doonta Safarada Duulimaadyada Degmada Buur-hakaba.

Shacabka degmada ayaa si aad ah u soo dhoweeyay una bogaadiyay tallaabadan horumarka leh ee degmadu ay ku yeelatay garoon diyaaradeed oo basho weyn u qabeen Bulshada deegaanka.

Ra’iisul wasaare 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚” 𝐈𝐬𝐥𝐚-𝐱𝐢𝐬𝐚𝐚𝐛𝐭𝐚𝐧𝐤𝐮 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐮𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧 𝐝𝐨𝐨𝐧𝐚 𝐬𝐢𝐟𝐨 𝐬𝐚𝐥𝐝𝐡𝐢𝐠 𝐮 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐭𝐚 𝐡𝐢𝐫𝐠𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐨𝐫𝐬𝐡𝐚𝐲𝐚𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐝𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚”

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda jira barnaamijka la-xisaabtanka Xukuumaddiisa, ayaa maanta su’aallo ka weydiiyey wasaaradaha kala ah, Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Amniga Gudaha, Gaashaandhigga, Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, isaga oo dul istaagay waxyaabaha uga hirgalay qorshaha wax-qabadka sannadlaha ah ee Xukuumadda.

Isla-xisaabtankan ayaa diirradda saaraya mideynta dadaalka dowladda, taasi oo xoojinaysa kalsoonida shacabka ay ku qabaan hay’adaha dawladda, maadama Qorshaha Xukuumadda uu yahay mid ka jawaabaya baahiyaha shacabka, isla markaana horseed u noqonaya dowlad-wanaag.

Wasaaradahan ayaa sanadkan hirgeliyey waxqabadyo muuqda, oo ay ka mid yihiin xoojinta nidaamka Federaalka, dib-u-heshiisiinta bulshada, iskaashiga caalamiga ah iyo difaaca danaha Qaranka, adkeynta amniga gudaha iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, dib-u-xoreynta, iyo horumarinta adeegyada cadaaladda iyo dib-u-eegista dastuurka dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay joogtaynayso isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta ayna noqon doonto sifo saldhig u noqota hirgalinta qorshayaasha dowladda.

Wasaaradda gaashaandhigga oo soo dhoweysay saraakiil ka socota Ingiriiska

0

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda gaashaandhigga mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wafdi ka socday Wasaaradda Gaashaandhigga Boqortooyada Ingiriiska oo uu hoggaaminayay Korneel Richard Grover.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo farsamo iyo hawlaha wada-shaqeynta maamul ee labada wasaaradood, gaar ahaan sidii loo dardar-gelin lahaa dhinacyada maamulka iyo taageerada tababarrada shaqaalaha.

Wasiir Fiqi oo kormeeraya furimaha dagaalka Shabeellaha dhexe

0

Wasiirka gaashaandhigga XFS mudane Axmed Macallim Fiqi oo ku guda jira booqashadiisa furimaha hore ee dagaalka, ayaa maanta tegay deegaanka Raaga-Ceelle ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Wasiir Fiqi ayaa kulan xogwareysi ah la qaatay hoggaanka ciidanka qaranka iyo bulshada ee ku sugan halkaas, isaga oo bogaadiyay geesinimada iyo adkaysiga ay muujiyeen ciidamada inta uu socday dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab.

Wasiirka gaashaandhigga ayaa ku celiyay sida ay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ugu mideysan yihiin taageerada iyo garab istaagga ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka, isagoo ku ammaanay guulaha ay ka gaareen cadawga, wuxuuna xusay in taageerada shacabka iyo dadaalka ciidamada ay horseedi doonaan in Soomaaliya ku guulaysato dagaalka Khawaarijta.

 

 

 

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka qeybgalay kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Hon Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa kaqeyb galay, khudbadna kajeediyey kulanka Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Wasiirka ayaa bogaadin iyo dardaaran u jeediyay Xubnaha Golaha oo yeeshay kulanka 2-aad Kal-fadhigiisa 1-aad isaga oo kula dardaarmay in ay waajibkooda u gataan si waafaqsan Dastuurka Waqooyi Bari Soomaaliya, isla markaana ay dardargeliyaan howlaha dhiman.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Masuuliyiin kale oo gaaray Furimaha Dagaalka Shabeellaha Dhexe

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,oo ay wehelinayaan Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa maanta gaaray furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Xaaji Cali ee hoos yimaada degmada Cadale.

Masuuliyiintan ayaa u kuurgalay xaaladda ciidamada ku sugan jiidda hore, iyagoo ku dhiirrigeliyay geesiyaasha qaranka ee ku howlan dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta. Sidoo kale, waxa ay halkaas ka dhageysteen warbixin ku saabsan xaaladda dagaalka iyo istiraatiijiyadda lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee gobolka ku dhuumaaleysanaya.

Wafdigan oo muujinaya garab istaagga shacabka iyo ciidamada, ayaa ballan qaaday in dagaalka socda ee ka dhanka ah khwaarijta la sii xoojin doono tan iyo inta guud ahaan dalka laga xoreynayo argagixisada

Ciidanka Xoogga oo howlgal Amniga lagu xaqiijinayo ka sameeyay Gobolka Shabeellada Hoose

0

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanka Cumar Beerre iyo deegaannada ku hareereysan oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo lagu burburiyay isbaarooyin ay dadka ku baadi jireen Khawaarijtu, iyo goobo kale oo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Howlgalka geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ay ka sameeyeen deegaanka Cumar Beerre ayaa ah mid dhagarta Khawaarijta looga dulqaadayay shacabka ku dhaqan deegaankaas iyo deegaannada kale ee ku teedsan, si loo soo celiyo nabadda, kalsoonida bulshada, iyo xasilloonida.

Danjiraha JFS ee Shiinaha oo laga guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga

0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, H.E. Dr. Hodan Osman Abdi, ayaa maanta magaalada Tokyo ugu gudbisay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga Danjirenimo Agaasimaha Guud ee Habmaamuuska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Japan, H.E. MIYASHITA Tadayuki. Gudbinta waraaqahan waxay xaqiijinaysaa xilkeeda Danjirenimo ee Japan, iyadoo aan degganayn (Non-Resident).

Intii uu socday kulanku, Danjire Hodan ayaa tilmaantay muhiimadda ay leedahay in xiriirka labada dal uu noqdo mid la taaban karo oo wax ku ool ah, iyadoo la dardargelin doono wada-shaqaynta dhinacyada muhiimka ah ee labada waddan ay wadaagaan.

Japan waxay ahayd mid ka mid ah dalalkii ugu horreeyay ee aqoonsada madax-bannaanida Soomaaliya sanadkii 1960, hase yeeshee Danjirihii ugu dambeeyay ee si rasmi ah u gudbiya waraaqaha aqoonsiga wuxuu ahaa H.E. Col. Hassan Abshir Farah sanadkii 1987.

Tallabadan maanta waa natiijo ka dhalatay aragtida iyo hoggaaminta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo xoogga saaraya in dib loo dhiso sumcadda dalka, loona muujiyo caalamka horumarka Soomaaliya ee dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, iyo bulshada — geeddi-socod ay ku jirto xasillooni, dib-u-dhis iyo horumar joogto ah, iyadoo Soomaaliya maanta dib ugu soo laabatay miiska caalamka oo diyaar u ah iskaashi Dhab ah oo ku qottoma wax wada-qabsi.