Home Blog Page 37

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda warbaahinta, munaasabadda Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed oo ku asteysan xuska taariikhiga ah ee bilowga saxaafadda iyo qoraalka Af-Soomaaliga.

Wasiirku waxa uu tilmaamay in maalintan ay tahay mid xusuus gaar ah u leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay soo bixitaankii wargeyskii ugu horreeyay ee Soomaaliyeed, kaas oo door weyn ka qaatay faafinta aqoonta, wacyigelinta bulshada iyo horumarinta fikirka guud ee shacabka. Sidoo kale, maalintan ayaa lagu xusaa bilowgii qorista Af-Soomaaliga, taas oo saldhig u noqotay kobaca warbaahinta, waxbarashada iyo isku xirka bulshada Soomaaliyeed.

Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa carrabka ku adkeeyay in warbaahinta Soomaaliyeed ay door lama huraan ah ka qaadatay difaaca qaranimada, mideynta shacabka, faafinta runta iyo la dagaallanka wararka marin-habaabinta ah. Waxa uu xusay in saxaafad masuul ah ay tahay tiir muhiim u ah dimuqraadiyadda, isla-xisaabtanka iyo horumarka dowladnimo.

Wasiirka ayaa ugu baaqay bahda warfaafinta in ay sii xoojiyaan anshaxa suxufinimo, xaqiijinta xogta, iyo u adeegidda danaha guud ee ummadda, isaga oo dowladda XFS ay ka go’an tahay taageeridda xorriyadda hadalka, horumarinta xirfadaha saxaafadda iyo ilaalinta badbaadada wariyeyaasha.

Ugu dambayn, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS ayaa dhammaan wariyeyaasha, qorayaasha, tifaftirayaasha iyo guud ahaan bahda warbaahinta Soomaaliyeed u rajeeyay guul, horumar iyo midnimo, isaga oo xusay in Maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed ay tahay fursad dib loogu milicsado taariikhda, loogana shaqeeyo mustaqbal warbaahineed oo hufan, wacyigelin leh, kana tarjumaya danaha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda Haya’adda Qaxoontiga Qaranka oo xafiiskooda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka (NCRI), Mudane Axmed Xuseen Cilmi, iyo ku-xigeennadiisa, ayaa maanta xafiiska hay’adda ku qaabilay Ku-xigeenka Wakiilka Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR Soomaaliya, Marwo Jing Song, oo dhawaan loo soo magacaabay xilkaas.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo wada-shaqeynta NCRI iyo UNHCR, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda qaxootiga, barakacayaasha iyo qaxootiga Soomaaliyeed ee dib ugu soo laabanaya dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda ayaa wafdiga UNHCR siiyay warbixin ku saabsan howlaha hay’addu u hayso dadka nugul, isaga oo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeyn wax ku ool ah oo lagu horumarinayo adeegyada la siiyo qaxootiga iyo barakacayaasha.

Dhankeeda, Marwo Jing Song ayaa bogaadisay dadaallada ay NCRI ka wado dalka, waxayna xaqiijisay in UNHCR ay ka go’an tahay sii xoojinta taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda NCRI.

Sidoo kale, waxay ku ammaantay Dowladda Federaalka Soomaaliya ansixinta Sharciga Qaxootiga iyo Magangelyo-doonka iyo Sharciga Barakacayaasha Gudaha, kuwaas oo laf-dhabar u ah dhowrista xuquuqda dadka ay saameeyeen barakaca.

Guddoomiyaha NCRI iyo Ku-xigeenka Wakiilka UNHCR ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay xarunta hay’adda, iyagoo la kulmay qaar kamid ah bulshada ka faa’iideysta adeegyada maalinlaha ah ee xarunta dhexe.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Axmed Xuseen Cilmi ayaa uga mahadceliyay wafdiga UNHCR booqashada iyo wada-shaqeynta miro-dhalka ah, isaga oo carrabka ku adkeeyay in hay’addu ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo hirgelinta barnaamijyo waxtar u leh qaxootiga, barakacayaasha iyo dadka dib ugu soo laabanaya dalka.

 

Wasiirka Amniga XFS oo furay barnaamuj diiradda lagu saarayo horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska

0

Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta furay shir muhiim ah oo Guddiga Hagidda Barnaamijka (Programme Steering Committee -PSC) ah, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta Wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska (Joint Police Programme – Phase II).

Shirka oo uu Wasiirku si wadajir ah ula guddoominayay bah wadaagta caalamiga ah, ayaa ujeedkiisu ahaa dib-u-eegis iyo ansixin Qorshaha Shaqo iyo miisaaniyadda Sanadka 2026-ka si loo dardargeliyo loona xoojiyo hirgelinta barnaamijka.

Kulanka waxaa ka qayb galay Wasiirrada Amniga Dowlad Goboleedyada, Kaaliyaha gaarka ah ee Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, saraakiil ka tirsan Booliska, iyo wakiillo ka socday UNDP, UNTMIS, UN Women, IOM, AUSSOM, iyo sidoo kale Midowga Yurub (EU) iyo Boqortooyada Midowday (UK).

Intii uu socday shirka, waxaa si faahfaahsan looga dooday heerka hirgelinta JPP II, isku-duwidda howlaha heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed, casharrada laga bartay wajiyadii hore, iyo tallaabooyinka lagu dardargelinayo gaarsiinta adeegyada amni ee bulshada.

Shirka ayaa si rasmi ah u loogu ansixiyay Qorshe Sanadeedka JPP II ee 2026-ka iyo miisaaniyaddiisa, taas oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu tayeynayo hay’adaha amniga dalka, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, si ay u yeeshaan awood dheeri ah oo ay ugu adeegaan shacabka, una xoojiyaan xasilloonida dalka.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa uga mahadceliyay deeq-bixiyeyaasha iyo bah-wadaagta taageeradooda joogtada ah, isagoo carrabka ku adkeeyay in Barnaamijka JPP II uu door muhiim ah ka qaadanayo dhismaha Boolis tayo leh, hufan, isla xisaabtan leh, isla markaana si dhow ula shaqeeya bulshada Soomaaliyeed.

 

Galmudug oo shaacisay in dadka iyo duunyada ku nool Mudug ay saameyn xooggan ku yeesheen abaaraha dalka ka jira

0

Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaacisay in abaarta ka jirta dalka ay si xooggan u saameysay dadka iyo duunyada ku nool deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Mudug, kaddib markii saddex sano oo xiriir ah uusan roobku ka di’in gobolkaasi.

Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka Galmudug, Maxamed Cabdullaahi Cali Wardheere oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ay indhahooda ku soo arkeen xaalado aad u adag oo ka jira qaybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug iyo guud ahaan deegaanka Galmudug intii ay ku jireen kormeerka.

“Waxaan la kulannay xaalado khatar ah, deegannada waxaa si ba’an ugu dhuftay abaar. Galmudug saddexdii xilli-roobaad ee ugu dambeysay wax roob ah ma helin,” ayuu yiri Agaasime Maxamed.

Wuxuu intaas ku daray in abaartu ay sababtay in dadka deegaannadaasi ay waayaan xoolo badan iyo waxyaabihii baahiya aasaasiga ahaa sida biyo iyo baad la’aan, halka xoolaha intii hartay loo waysan yahay cunto iyo biyo. Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in kala bar Milyan qof ay wajahayaan xaalad abaar oo daran, taas oo si toos ah u saameysay noloshii iyo waxyaabihii ay ku tiirsanaayeen.

Wasaaradda Gargaarka Galmudug ayaa ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah, deeq-bixiyeyaasha iyo dadka wax heysta in ay si degdeg ah gargaar u gaarsiiyaan bulshada reer miyiga ah ee ay abaartu saameynta culus ku yeelatay, gaar ahaan deegaannada Gobolka Mudug.

“Waxaan bulshada ugu baaqayaa in la garab istaago walaalahooda ay abaartu saameysay, gaar ahaan xilli Ramadaan oo soo dhow, in qof walba oo awood leh uu ka qeyb qaato caawinta degdegga ah,” ayuu yiri markale Agaasime Maxamed.

Ugu dambeyn, Galmudug ayaa ka digtay in haddii aan si dhaqso ah loo helin gargaar bini’aadannimo, ay xaaladdu sii xumaan karto, taas oo halis gelin karta nolosha dadka iyo duunyada ku nool gobolka.

Soomaaliya iyo Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi difaac

0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Qatar ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi difaac, kaas oo lagu xoojinayo xiriirka milatari iyo wada-shaqeynta amni ee u dhexeeya labada dal.

Heshiiskan waxaa saxiixay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Arrimaha Difaaca Dowladda Qatar, Sheekh Sacuud bin Cabdiraxmaan bin Xasan Al Thani.

Heshiiska iskaashiga difaac ayaa diiradda saaraya tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari, horumarinta awoodda difaaca, iyo xoojinta wada-shaqeynta amniga, si loo taageero dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.

Saxiixa heshiiskan ayaa mar kale adkaynaya xiriirka istiraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar, waxaana uu muujinayaa sida ay labada dal uga go’an tahay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta difaaca, amniga, iyo iskaashiga milatari ee mustaqbalka.

Dowladda oo casuumaad u dirtay golaha mustaqbalka Soomaaliyeed

0

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah casuumaad ugh dirtay Golaha mustaqbalka Soomaaliyeed, kaas oo ay ku mideysan yihiin siyaasiyiinta ka aragtida duwan dowladda.

War-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Ra’isul wasaaraha dalka mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kale lagu xusay in la qaban doono shirweyne Qaran oo wadatashi ah.

 

 

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay agaasimaha Hay’adda maliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika, oo qeyb ka ah Bangiga Adduunka Marwo Mary Porter Peschka, oo booqasho ku timid magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adda, gaar ahaan hirgalinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka, (NTP 2025-2029), kaasi oo ah hiigsi weyn oo lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta shirkadaha gaarka loo leeyahay, xoojinta ka-qaybgalka mashaaariicda dheef wadaagga ah iyo dhiirrigelinta hal-abuurka iyo ganacsiga.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa, ayaa uga mahadceliyey Hay’adda Maaliyadda caalamiga ah ee Bariga Afrika, doorka ay ka qaadanayso taageerada maaliyadeed iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay kobac dhanka dakhliga ah.

Dhankeeda Marwo Mary Porter Peschka, ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadcelisay qaabilaaddiisa, iyada oo xustay in ay xoojinayaan wada-shaqaynta kala dhexaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Soomaaliya iyo Suudaan oo Kawada Hadlay Xoojinta Xiriirka Laba-geesoodka ah

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Abdisalam Ali, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Suudaan u fadhiya Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Khaliil Axmed Abubakar, oo booqasho sharafeed ku yimid xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya. Sidoo kale, waxay ka wada hadleen iskaashiga laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan.

Safiirka Suudaan ayaa mar kale adkeeyey taageerada buuxda ee dalkiisa u hayo Soomaaliya, wuxuuna ugu hambalyeeyey Soomaaliya guusha doorashooyinka deegaannada ee qof iyo cod ah oo markii ugu horreysay la qabtay 57 sano kadib.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu iftiimiyey muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Badda Cas, marin-biyoodka Bab al-Mandab iyo Badweynta Hindiya, iyo doorka Soomaaliya ee ah xubin hadda ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Wasiir Cabdisalaan ayaa uga mahad celiyey Safiirka booqashadiisii Laascaanood, taas oo uu ku xoojinayey midnimada iyo wadajirka dhuleed ee qaranka.

 

𝐆𝐔𝐃𝐃𝐎𝐎𝐌𝐈𝐘𝐀𝐇𝐀 𝐆𝐎𝐁𝐎𝐋𝐊𝐀 𝐁𝐀𝐍𝐀𝐀𝐃𝐈𝐑 𝐎𝐎 𝐗𝐀𝐑𝐈𝐆𝐆𝐀 𝐊𝐀 𝐉𝐀𝐑𝐀𝐘 𝐃𝐔𝐆𝐒𝐈𝐆𝐀 𝐆𝐀𝐁𝐃𝐇𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐀𝐑𝐌𝐎𝐎𝐋𝐄𝐘

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa Isniinta maanta ah xarigga ka jaray Dugsiga Gabdhaha Darmooley, oo ku yaalla Degmada Heliwaa.

Guddoomiye Dr. Muungaab oo munaasabadda hadal ka jeediyay ayaa sheegay in furitaanka Dugsiga Gabdhaha Darmooley uu ka tarjumayo dadaalka joogtada ah ee maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho ay ugu jiraan horumarinta waxbarashada, gaar ahaan kor-u-qaadista fursadaha waxbarasho ee gabdhaha ku nool caasimadda. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in waxbarashadu tahay tiirka ugu muhiimsan ee horumar waara, nabad iyo mustaqbal ifaya.

Bulshada Degmada Heliwaa oo si weyn u soo dhaweeyay furitaanka dugsigan, ayaa ku tilmaamay mid wax weyn ka tari doona mustaqbalka carruurta, gaar ahaan gabdhaha.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa mar kale adkeeyay ballanqaadkiisa ku aaddan hirgelinta mashaariic horumarineed oo la xiriira waxbarashada, caafimaadka iyo adeegyada bulshada, si loo dardar-geliyo horumarka guud ee Magaalada Muqdisho.

 

 

Guddoomiye Muungaab “Si loo adkeeyo amniga caasimadda, waxaan billaabnay diiwaangelinta gaadiidka dadweynaha ee BL-ka ah.”

0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta ka hadlay bannaanbax ay saakay dhigeen qaar ka mid ah wadayaasha gaadiidka BL-ka, kuwaas oo cabasho ka muujiyay hannaan cusub oo diiwaangelin ah oo lagu billaabay gaadiidka ka shaqeeya magaalada, si loo xoojiyo amniga guud.

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa caddeeyay in ay lagama maarmaan tahay in la diiwaangeliyo gaari kasta oo ka howlgalaya magaalada Muqdisho, si loo helo xog dhammeystiran oo ku saabsan gaariga, milkiilaha, qofka damiinta ah, iyo shaqaalaha ka shaqeeya gaariga, sida darawalka iyo kaaliyihiisa ( kirishboyga).

Wuxuu tilmaamay in tallaabadan ay qayb ka tahay dadaallada lagu sugayo amniga, laguna hubinayo bedqabka muwaadiniinta.

Duqa Magaalada ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in lacago dheeri ah laga qaadi doono wadayaasha ama milkiilayaasha gaadiidka, isagoo xusay in aan la qaadi doonin wax lacag ah oo ka baxsan khidmadda rasmiga ah ee Bosteejada oo horeyba u jirtay.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in gaadiidka aan marin habraaca diiwaangelinta, islamarkaana aan u hoggaansamin nidaamka loo dejiyay; lala tiigsan doono tallaabo sharci ah oo waafaqsan shuruucda dalka.

Hadalkan ayuu Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) sheegay isagoo ay barbar taagnaayeen masuuliyiin ay ka mid yihiin Taliyaha Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Gobolka Banaadir, oo muujiyay muhiimadda hirgelinta nidaamkan cusub ee amniga lagu xaqiijinayo