Home Blog Page 38

Taliska Ciidanka Booliiska oo askarta hubeysan ka mamnuucay Mootada Fekonta

0

Taliska Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in askari hubeysan uu isticmaalo mootooyinka Fekonta. Sidoo kale, waxaa gebi ahaanba reeban in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko gudaha Caasimadda Muqdisho.

Taliska Booliiska Gobolka Banaadir ayaa saacadihii la soo dhaafay qaaday tallaabooyin lagu adkeynayo amniga Caasimadda, kaddib markii baraha bulshada lagu faafiyay muuqaallo muujinaya rag falal dhac ah u geysanaya shacabka.

Qoraal ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in ciidanku ay soo xireen eedaysane D/le Liiban Mustaf Aadan, kaas oo ku eedeysan falal dhac isdaba joog ah oo uu ka geystay dhowr degmo oo ka mid ah Muqdisho.

Eedaysanaha ayaa haatan ku jira gacanta Booliiska, waxaana loo gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo waafajiyo.

“Gudaha Caasimadda lama oggola in askari hubeysan oo aan shaqo ku jirin lagu arko. Askarigii ku xadgudba awaamiirta hay’adaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabo adag oo sharciga waafaqsan,” ayaa lagu yiri qoraalka Booliiska.

Amniga magaalada Muqdisho ayaa si tartiib tartiib ah u soo hagaagaya, iyadoo ciidamada amniga ee kala duwan ay juhdi badan gelinayaan sugidda amniga Caasimadda.

 

 

Guddoomiye Abshirow oo ka qeyb galay kulan aqoon-isweydaarsi ah

0

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa ka qeyb galay kulan khibrad-isweydaarsi ah oo ay ka qeybgaleen Xildhibaanno ka ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNTMIS.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qaababka kala duwan ee doorashooyinka, is-dhaafsiga waayo-aragnimada, iyo xoojinta fahamka habraacyada dimuqraadiyadeed ee casriga ah.

Furitaanka kulanka waxaa khudbad ka jeediyey Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo si qoto dheer uga hadlay muhiimadda uu kulanku u leeyahay Baarlamaanka iyo sidoo kale doorka ay doorashooyinka ku leeyihiin horumarinta dimuqraadiyadda, isagoo tilmaamay in kulamada noocaan ah ay kaalin weyn ka geysanayaan xoojinta hannaanka doorasho ee dalka.

Bannaabax lagu diidan yahay xadgudubka Israa’iil oo ka socda Muqdisho

0

Bannaabax looga soo horjeedo xadgudubka maamulka Israa’iil uu ku sameeyay madax bannaanida iyo wadajirka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliha ayaa hadda ka socda degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Dibadbaxa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne ka kala yimid xaafadaha degmada, mas’uuliyiinta maamulka iyo qeybaha kale ee Bulshada, kuwaas oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah gardarada Israa’iil iyo aqoonsi beenaadka uu siiyay maamulka Soomaaliland.

Shacabka bannaanbaxaya ayaa wacad ku maray in ay diyaar u yihiin difaaca midnimada dalka kana hortegayaan duulaan kasta oo lagu soo qaado.

Dowladda Soomaaliya ayaa fagaarayaasha caalamka kaga guuleysatay in ay beeniso aqoonsi beenaadkaas, waxay heshay taageerada saaxiibada caalamka oo dhammaan ka soo horjeestay duulaanka cadowga iyo xadgudubka intaba.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee ku sugan Laascaanood

0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha ku sugan magaalada Laascaanood , oo ka mid ahaa wufuudda kala duwan ee booqasho ku yimid caasimadda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, si ay uga qeybgalaan munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka cusub ee maamulkaasi. Odayaashan ayaa ka kala deegaanada Puntland, Jubbaland, Dowlad Deegaanka iyo Waqooyi Bari.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa uga mahadceliyey bahda dhaqanka, kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen nabadeynta beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan xallinta colaadaha ka jiray deegaanno kala duwan, isaga oo xusay doorka shariifka ah ee ay ku leeyihiin adkaynta wada-noolaanshaha, midnimada iyo nabadda ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasare Xamsa Cabdi Barre, ayaa adkeeyey in odayaasha dhaqanka iyo wax-garadka Soomaaliyeed ay ka saaran tahay masuuliyad diini ah iyo mid dastuuri ah oo ku saabsan ilaalinta nabadda, midnimada qaranka iyo xal u helidda khilaafaadka ka dhasha colaadaha ku saleysan qabaa’ilka, isaga oo bogaadiyey dadaallada ay wadeen muddadii u dambeysay ee ku aaddan dhexdhexaadinta, isu-soo dhowaanshaha bulshada iyo xoojinta wada-noolaanshaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa, ayaa kula dardaarmay bahda dhaqanka in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed, iyaga oo gacan ka geysanaya dhismaha, tayeynta iyo hirgelinta maamulka curdinka ah ee Waqooyi Bari Soomaaliya, si loo helo dowladnimo ku dhisan nabad, caddaalad iyo wadajir.

Ciidanka Xoogga oo fashiliyey weerar khawaarijtu ku qaadeen deegaanka Jabad Godane ee G/ Shabeellada Dhexe

0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fashiliyey weerar ay maleeshiyada Khawaarijta Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Jabad Godane ee Gobolka Shabeellada Dhexe. Ciidanka ayaa hadda si buuxda gacanta ugu haya deegaanka, ka dib markii cadowga loo geystay jab xooggan iyo khasaare badan.

Waxaa hadda socda hawlgal ballaaran oo isugu jira sifayn iyo sugid amni, kaas oo lagu ciribtirayo haraadiga maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku dhuumaalaysanaya deegaanka, si looga hortago isku day kasta oo ay dib isugu abaabulayaan ama ay ku carqaladaynayaan nabadda dadka deegaanka.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay mar kale adkaynayaan go’aankooda ah in ay sii wadaan hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, si loo sugo amniga loona difaaco shacabka Soomaaliyeed.

 

Safaaradda Shiinaha oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Maamulka Waqooyi Bari

0

Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya ayaa hambalyo diiran u dirtay madaxda iyo shacabka Soomaaliyeed kadib munaasabaddii si guul leh loogu caleema-saaray Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, taas oo ka dhacday magaalada Laascaanood.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Shiinaha ayaa lagu sheegay in hambalyadaasi loo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si habsami leh uga qeyb qaatay una suurtageliyey qabsoomidda xafladda caleema-saarka.

“Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha waxay hambalyo diiran u diraysaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo si nabad ah u qabtay munaasabadda caleema-saarka Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali, oo lagu qabtay magaalada Laascaanood,” ayaa lagu yiri Qoraalka Safaardda

Safaaraddu waxay sheegtay in fariintani ay ka tarjumeyso taageerada joogtada ah ee Shiinaha u hayo geeddi-socodka dowlad-dhisidda Soomaaliya, iyo sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada dal, kaas oo ku saleysan ixtiraam, madaxbannaani, iyo iskaashi miro-dhal ah.

Ugu dambeyn, Safaaradda Shiinaha ayaa xaqiijisay in Dowladda Shiinaha ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si loo xoojiyo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka guud ee dalka.

 

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay, qaar ka mid ah Odayaasha, Isimmada iyo Cuqaasha dhaqanka Dowlad-goboleedka Puntland oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, kuwaasi oo ka qayb galay, Munaasabadda caleemo-saarka Madaxda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hoggaanka dhaqanka ku adkeeyey in ay qaataan doorkooda muhiimka ah ee ilaalinta gobanimada iyo midnimada dalka, xoojinta nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarka, isaga oo ku bogaadiyay doorkooda soo jireenka ah ee isku haynta bulshada Soomaaliyeed.

Dhankooda, Boqorka iyo Isimada dhaqanka ee uu la kulmay Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey, dadaalka uu ku bixiyey dhismaha Maamulka Waqooyi Bari, ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo daadajinta nidaamka dowliga ah, iyaga oo muujiyey dareenka Soomaalinino iyo sida ay ugu taagan yihiin in ay door firfircoon ka qaataan nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaanka dhaqanka Puntland, waxaa ka qayb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Saraakiil ciidan iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegaanada Puntland.

Madaxweynaha JFS” Laascaanood waa magaalada Midnimada iyo Astaanta Soomaaliya”

0

Laascanood,Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali iyo Madaxweyne Kuxigeenka Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Madaxweynaha ayaa munaasabadda ku tilmaamay bilow taariikhi ah oo lagu xoojinayo midnimada dalka, waxa uuna sheegay in Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari uu yahay maamul ku dhismay dib-u-heshiisiin, wadahadallo iyo rabitaanka bulsho, sidaas darteedna uu xubin buuxda ka yahay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caddeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda u garab taagan tahay dadaallada nabadeynta, oo ay ka mid yihiin sii daynta maxaabiista, furitaanka waddooyinka, xoojinta ganacsiga iyo walaalaynta bulshada Soomaaliyeed.

“Waqooyi Bari waa dowlad xubin ka ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna leedahay dhammaan xuquuqda ay leeyihiin dowlad-goboleedyada kale ee dalka. Maamulka Hargaysa waxaan ugu baaqayaa inay ajiibaan rabitaanka nabadda iyo walaaltinimada ay diyaarka u yihiin walalaahooda Waqooyi Bari, ma nihin dad kala maarmi karo, waana soo tijaabinnay inaan la is-maquunin karin”.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay hay’adaha dowladda, kuwa aan dowliga ahayn iyo saaxiibada caalamka in ay si buuxda ula shaqeeyaan Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari, isaga oo ku dhiirrigeliyay qurbojoogta iyo aqoonyahanka in ay ka qeyb qaataan horumarinta deegaannadan.

 

 

Laascaanood oo maanta lagu qabanayo munaasabada caleemo saarka madaxda Waqooyi bari

0

Waxa maanta magaalada laascaanood ee xarunta dowlad gobolleedka Waqooyi bari ka qabsoomaya munaasabada caleemo saarka Madaxda dowlad gobolleedka Waqooyi bari oo dhowaan la doortay.

Munaasabadan ayaa waxa ka qayb gelaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya,Ra’iisulwasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya,madaxda dowlad gobolleedyada dalka,xubnaha gollaha wasiiradda,goleyaasha labada aqal Baarlamaan iyo marti sharaf kale oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshadda Soomaaliyeed.

Waxa sidoo kale munaasabadan ka qayb gelaya wafdiyo kala duwan oo ka kala socda Beesha Caalamka,dowladda Jabuuti ayaa waxa ka yimid xubno ka tirsan golaha wasiiradda,waxa iyaguna saaka yimid laascaanood Safiirada Soomaaliya u fadhiya dalalka Turkiga, Suudaan iyo Sucuudiga.

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshadda XFS oo kulan la qaatay wasiirka qoyska iyo adeegyada bulshadda ee dalka Turkiga

0

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya Mudane Prof. Salim Aliyoow Ibro, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Wasiiradda Qoyska iyo Adeegyada Bulshada ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mahinur Özdemir Göktaş. Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa mas’uuliyiin sare oo ka kala socday labada wasaaradood iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada kaalmada bulshada, horumarinta qoyska, iyo adeegyada bulshada. Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta hay’adaha bulshada ee labada dal.

Kulanka waxa ka soo baxay in la dhiso koox farsamo oo wadajir ah si ay u diyaariyaan Heshiis Iskaashi (MoU) oo u dhexeeya labada wasaaradood, kaas oo lagu dardargelinayo barnaamijyada lagu xoojinayo dhismaha awoodda hay’adaha bulshada. Wasiir Prof. Salim ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah iyo walaaltinimada ay u muujiyaan shacabka iyo dowladda Soomaaliya.