

Maxkamada sare ee Australia ayaa diiday dalabka Ruushka ee ah in lagu sii hayo dhul ku yaala caasimaddooda, halkaasoo Moscow ay qorsheyneysay inay ka dhisto safaarad cusub.
Dowladda ayaa bartamihii bishii June laashay heshiiska kirada ee Ruushka sababo la xiriira amniga qaranka, taasoo keentay in maxkamad la soo taago.
Khubarada ayaa sheegay in safaaradda la qorsheeyay ay keeneyso khatar basaasnimo maadaama ay u jirto baarlamaanka 400m (0.25 mayl) oo kaliya.
Diblomaasi u dhashay dalka Ruushka oo mudaaharaad ku sugnaa meel u dhow goobta ayaa xukunka ka dib kaga baxay baabuur safaaradda.
Safaaradda Ruushka ee hadda jirta ayaa waxyar u jirta dhismaha baarlamaanka federaalka ee Canberra.
Moscow waxay iibsatay heshiiska goobta cusub 2008dii, waxaana loo ogolaaday inay ka dhisto safaaradeeda cusub 2011.
Si kastaba ha ahaatee 15kii Juun ee sanadkan, baarlamaanka Australia wuxuu ku degdegay sharciyo cusub oo looga dan leeyahay in lagu joojiyo heshiiska.
Soo bandhigida sharciyada, Ra’iisul Wasaaraha Australia Anthony Albanese ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonku ay siiyeen “talo amni oo cad oo ku saabsan khatarta ka imaan karta joogitaanka cusub ee Ruushka oo aad ugu dhow Aqalka Baarlamaanka”.
Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa ku tilmaamay tillaabada Australia ay ku jeexjeexayso heshiiska kirada inay tahay tusaale kale oo ah “Russo nacaybka nacaybka ah ee hadda ka socda waddamada reer galbeedka”.
Australia ayaa xannibtay safaaradda cusub ee Ruushka ee Canberra
Ruushka ayaa bilaabay amar usbuucii hore si uu usii hayo goobta Canberra halka ay kor u qaadayso caqabado la taaban karo oo ka dhan ah sharciyada.
Dacwadda loo gudbiyay maxkamadda, ayuu Ruushku ayuu ku sheegay in ay hore ugu kharash gareeyeen dhismaha A$8.2m (£4.3m, $5.5m), taasoo si tartiib tartiib ah u socotay.
Daacadnimada dhismaha qayb ahaan la dhammaystiray waa la jabin doonaa haddii Australia loo ogolaado in ay dib ugu soo laabato xannibaadda, Ruushku wuxuu yidhi.
Balse maxkamada sare ee Australia ayaa ku tilmaantay caqabada Ruushka ee ku aadan go’aanka iney mid daciif ah oo ay adagtahay in la fahmo, iyadoo la go’aamiyeyey in Ruushka uu goobta baneeyo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa caawa uga qeyb galay Xarunta Dowladda Hoose ee Xamar xuska munaasabadda 26-ka Juun, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida ka joogaan ugu hambalyeeyay farxadda iyo dabaal-degga munaasabadan oo astaan u ah gobonimada Gobollada Woqooyi ee dalkeena.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo habeenkan qiimaha badan ee 26-ka Juun ku tilmaamay habeen ku suntan gobonimo iyo wadaninimo ee dalkeenna isla-markaana ah markii ugu horreysay oo calan Soomaaliyeed laga taagay beerta xorriyadda ee magalada Hargeysa, iyada oo astaan u tahay jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana uu Guddoomiyuhu Alle uga baryay inuu naxariistiisa ka waraabiyo dhammaan halyeeyadii usoo halgamay xorriyadda dhulka Jamhuuriyadda.
Gunnaanadka munaasabadda ayuu Guddoomiyaha waxaa uu ummadda Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u istaagaan ilaalinta midnimadooda iyo wadajirka shacabka si looga baaqsado wax kasta oo keeni kara khilaaf iyo kalsooni daro shacab.

Marwada Madaxweynaha Dalka Marwo Sahra Cumar Xasan oo dhambaal Hambalyo ah u dirtay Ummada Soomaaliyeed Munaasabadda 26 Juun awgeed.
Iyadoo ay Caawa ku Asteysantahay 63-sano kadib markii Gobollada Waqooyi ee dalkeenna Gobanimadii ka qaateen gumeystihii Ingiriiska ayaa Marwo Sahra Cumar waxa ay ugu hambalyeysay dhamaan Shacabka Soomaaliyeed munaasabadaasi Qaaliga ah
“Waxaan hambalyo u dirayaa Shacabka Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, Munaasabadda ku aadan Xorriyadda Dalkeenna oo caawa ay ku beegantahay Habeenkii calan Soomaaliyeed laga taago Dhul Soomaaliyeed oo ay ka soo wareegtay 63-Sano” ayey tiri Marwo Sahro.
Ugu danbeyn Maamada dalka oo ku maqan Gudashada rugniga Xajka ayaa halkaasi ugasoo duceysay Dalkeena iyo dadka Soomaaliyeed iyadoona u rajeysay Ummada Soomaaliyeed Guul, Midnimo iyo Barwaaqo Sanadkaan Sanadkiisa kale in ALLAH ku gaarsiiyo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Munaasabadda xuska sannad-guurada 63-aad ee markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taagay dhul Soomaaliyeed, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka ayaa xusay qiimaha taariikhiga ah ee ay ka tarjumeyso maalintan oo ku suntan midnimo iyo Soomaalinimo.
Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la inkiri karin dhibaatooyinka ay soo mareen dadka Soomaaliyeed iyo dhaawacyada gaaray midnimada, balse jiilasha maanta iyo barri ay hortaallo sidii ay uga dhabeyn lahaayeen riyada ku aaddan Soomaaliya xasilloon, heshiis ah, dadkeeduna ay ku mideysan yihiin, taas oo u baahan isu dhibrin iyo isu tanaasul.
“Dadka Soomaaliyeed waa in ay ka fakaraan boqol sano kaddib xornimada, Soomaaliya noocee ah ayaan u dabbaal dagi doonnaa?!. Soomaaliya qurxoon oo deggan oo ay na mahadiyaan kuwa u dabbaal degi doona ayaa la rabaa in aynu hirgelinno. Dadka waxa isku haynaya oo aan kala geynayn ayaa na hurran”.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bogaadiyey xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen Gobollada Waqooyi, waxa uuna sheegay in ay ka dhiman yihiin waxbadan oo kale oo ay ku heli lahaayeen midnimada iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro xal u helidda cabashadooda ku aaddan dowladnimada Soomaaliya.
Sidoo kale, Munaasabadda waxaa kalmado ku aaddan qiimaha midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed ka jeediyey, Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale, culimmo iyo waxgarad Soomaaliyeed.

Maxkamadda Ciidamada ayaa xukuno ku riday Seddax Askari oo kaalin kala duwan ku lahaa Muuqaal internet lagu baahiyay.
Maxamed Axmed Maxamuud (Carab) ayaa la arkay isago oo jirdil ka baxsan Bini’aadanimada u gaysanayo askari hore oo baahiyaha gaarka ah qabay oo adeeg u doontay Taraafikada.
Waxaa lagu xukumay Seddax sano oo xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.
Axmed Xasan Cadaawe oo ahaa madaxa Camerada CCTV, ahaana ninkii la wadagaagay Cabdullaahi Abuukar Cariif ayaa lagu xukumay min laba sano oo Xabsi Ciidan ah iyo Feer Celin.
Waxa ay awoodi kareen in ay la wadaagaan muuqaalka hay’adaha ku shaqada leh CID iyo Xeer Ilaalinta Ciidamada balse badalkeed waxa ay doorteen ceebaynta Qaybta ilaalada Nabad Galyada Waddooyinka.
Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Xasan Cali Nuur Shuute ayaa u sheegay warbaahinta xukunkan.
Madaxweynaha DDowlad goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada ee Dowladda Hirshebeeelle.
Shirka Golaha Wasiirada ayaa caawa looga hadlay Arrimaha amniga, xaqiijinta nabadgelyada deegaanada xorta ah, iyo Dardargalinta iyo tayeeynta hanaanka Garsoorka, si bulshadu u hesho garsoor cadaalad ah.
Wasiirka Wasaaradda Amniga ayaa Golaha uga waramay xaaladaha amni ee deegaanada Hirshabeelle iyo deegaanadii dhawaan laga xoreeyay cadowga Khawaarijta ah, Isagoo tilmaamay in Ciidamada ATMIS ee gacanta ku haya Garoomada Diyaaradaha uu faray inay xaqiijiyaan amniga garoomada Hirshabeelle.
Wasiirka Wasaarada Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ayaa Madaxweynaha iyo Golaha uga warbixyay Qorshaha Wasaaradda iyo sida ay uga go’antahay dardargalinta hanaanka garsoorka si bulshadu u hesho adeeg garsoor oo cadaalad ah, isagoo sheegay si loo helo Garsoor aqoon leh in ay qaadeen Imtixaan daahfuran oo lagu xulayay Garsoorka Gobolka Shabeellaha Dhexe oo hada meel-gabo gabo ah maraya.
Golaha Wasiiradda ayaa cod gacan taag ah ku meelmariyay Hindise sharciyeedka wadda-Marista oo hore Golaha ay ugu soo gudbisay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Hirshabeelle.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa Golaha Wasiiradda hor keentay Sharciga shaqo qorista shaqaalaha shisheeye.
Muqdisho-Somalia
Wasiirka Gaashandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, sidoo kale Taliyihii hore ee ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa xilka ku wareejiyey Taliyaha cusub Jeneraal Axmed Aadan Cali.





Wasiirka gaashaandhigga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee ciidamada qalabka sida Liibaan Cali Yarow,Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Korneyl Xasan Cali Nuur Shuute, Wasiirka Cadaaladda Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa saacadihii lasoo dhaafay gaaray degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.
Mas’uuliyiintaas ayaa ciidanka ku booqday difaacyadooda, sidoo kale waxay u kuur-galeen nolosha shacabka ku nool magaalada Baraawe.
Askarta iyo saraakiisha ciidamada ayaa laga wareystay sida uu ku bilowday gacan ka hadalkii dhawaan ka dhacay Baraawe, waxayna masuuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ku amreen ciidamada inay is walaashadaan oo gacan ka hadal dambe uusan ka dhicin Baraawe.
Wasiirka Gaashaandhigga ee XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ciidanka kula dardaarmay inay masuuliyad muujiyaan oo xabad dambe aysan isku ridin ayaa masuuliyiinta maxkamadda ciidamada ka codsaday inay dedejiyaan baaritaankooda, si caddaaladda loo waafajiyo shaqaaqadii ciidanka ku dhex-martay Baraawe.
Muqdisho-Somalia
Wasiirka Waxbarashada XFS Mudane Faarax C/qaadir ayaa Magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray shir 3- cisho ah oo u socday madax ka kala socday guddigga wadatashiga waxbarashada ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.
Shirkaan oo socday intii u dhaxeysay 20-22-kii,waxaa ka qeybgalay madaxda wasaaradaha waxbarasho ee dalka ,iyadoo mudadii uu socday looga hadlay qodobbo badan oo la xiriiray xagga waxbarashada.
Shirkaasi waxaa gabagabdii laga soo saaray warmuriyeed wadajir ah,sida uu shaaca ka qaaday Agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaaradda Waxbarashada XFS Ismaaciil Yuusuf Cismaan.
Qodobada warmurtiyeedkaan waxaa kamid ahaa in dib u eegis lagu sameeyo heshiisyada waxbarasho ee dalka.
-La aburo jawi iskaashi oo lagu hormarinaayo tayada waxbarashada.
-La sameeyo madal la isku dhaafsado aqoonta waxbarasho.
-Ahmiyad la siiyo dugsiyada qur’aanka.
-dib loo furi 12 dugsi oo farsamada gacanta ah,kuwaas oo ku taalla gudaha dalka.
-La sameeyo olole waxbaraso ,gaar ahaan deegaanada laga laga xoreeyo kooxaha argagixisada.
Iyo in la meeleeyo macalimintii waxbarashada ee dhowaan ku guuleystay imtixaankii macalinimada dugsiyada.
Muqdisho-Somalia