Madaxweynaha JFS ayaa ayaa kulan la qaatay Amirka dalka Qatar.

Date:

Dooxa, 23 January 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Amiirka dalka Qatar Amiir Tamiim Bin Xamad Al Thaanioo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, iyo weliba xaaladda gobolka Geeska Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dul istaagay iskaashiga iyo xiriirka taabbo-galka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar ayaa uga mahad celiyey Amiir Tamiim Binu Xamad Al Thaani iyo Xukumadda dalkaas go’aanka walaalnimada ah ee ay ku garab istaageen midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo safka hore kaga jira dalalka walaalaha ah ee mowqifka cad ka qaatay faro-gelinta Itoobiya ay ku sameysay gobanimada Soomaaliya.

Amiirka Dalka Qatar ayaa la wadaagay madaxweynaha taageerada iyo garab istaagga ay u hayaan dowladnimada, midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya, isagoo tilmaamay khatarta ay leedahay in Geeska Afrika iyo Badda Cas laga abuuro degenaansho la’aan saameysa xasilloonida dalalka iyo wada noolaanshaha shucuubta Gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saddexdii toddobaad ee ugu dambeeyay waxaa uu ku guda jiray dadaalo diblomaasiyadeed oo lagu xaqiijinayo ilaalinta qaranimada dalka iyo in la adkeeyo amniga gobolka, kadib markii dowladda Ethiopia ay heshiis sharci darro ah la gashey maamulka Somaliland ee Waqooyiga Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...