Home Blog Page 367

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha oo furey kulan looga hadlaayo xisilinta iyo soo kabashada deegaannada laga xoreeyey Khawaarijta.

0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay Kulan heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayo xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga xoreeyey kooxaha Khawaarijta ah.

Shirkan ayaa inta uu socdo lagu lafa-guri doonaa dardar-gelinta dadaallada ku saabsan xasillinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay wali ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu iyo sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ay gaarsiinayaan deegaannadii la xoreeyey.

Mudane Saalax oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu Barnaamijkani u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo kabashada goobahii laga saaray kooxaha Khawaarijta ah oo u baahan in la gaarsiiyo adeegyadii guud ee dowliga ahaa.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xoreynta iyo xasillinta dalka ay yihiin arrimaha hortebinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, isagoo la wadaagay saaxiibada caalamiga ah aragtida dowladda ee lagu gaari karo hiigsigaas .

Xubno loo heysto musuq maasuq oo maanta la hor-geyey maxkamadda G/Banaadir

0

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo maxkamadda gobolka Banaadir hor geeyay labo sargaal oo ka tirsan wasaaradda warfaafinta iyo sargaal ka tirsan ilaaladda madaxtooyada oo loo heysto falal la xariira Musuq-maasuq.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhagax dhigey dib u casriyeenta darjiinka arbaca rukun ee degmada xamarweyne.

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax dhigay dib u casriyeenta Darjiinka Arbaca Rukun ee Degmada Xamarweyne oo kamid goobaha qadiimiga ah ee ku yaalla Caasimadda Muqdisho.

Goobtaan uu dhagax-dhigay Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Madaale ayaa ah goob Taariikhi ah oo dhismaheeda la hirgaliyay nus qarni ka hor, waxaana oo loogu talagalay in ay isugu timaado bulshadu, si ay ugu qaataan waqtigooda la xariira nasiinada iyo wadasheekeysiga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa balan-qaaday in Dowladda Hoose ee Xamar ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta goobaha taariikhiga ah ee ka turjumaya jiritaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay wasiirka gaashaandhigga Maraykanka.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miro-dhal ah kula qaatay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ka, Xoghayaha Difaaca Mudane Lloyd J. Austin.

Austin ayaa ku bogaadiyay  Madaxweynaha  horumarka dhabta ah ee uu ku tallaabsaday xilli aad halis u ah oo kooban waxa uuna sheegay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeedna ay ka go’antahay in ay gacan ka siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa kala hadlay Wasiirka Difaaca Maraykanka doorka ay ka qaadanayaan wajiga Labaad ee howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab, isagoo warbixin ka siiyay guulaha wax-ku-oolka ah ee laga gaaray wajigii 1-aad ee lagu xoreeyey deegaanno iyo magaalooyin badan oo argagixisadu ay ku dhibaateynayeen muwaadiniin Soomaaliyeed, ayna ka soo maleegayeen falalka arxan darrada ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagay Lloyd J. Austin cunaqabetynta hubka ee saaran Soomaaliya caqabadda ay ku hayso dib u dhiska ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo qorshahu yahay in ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka iyo dabar-goynta argagixisada, waxa uuna ka rajeeyey in codka Mareykanka ay ku taageeraan qorshaha dowladda Soomaaliya ee laalidda cunaqabateyntaas, ayna qeyb ka noqdaan olalaha Soomaaliya ay ka waddo Qaramada Midoobey.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Xoghayaha Difaaca Maraykanka ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka, kor u qaadidda taageerada dib u dhiska ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS ee wadahadallada DFS iyo Somaliland oo la kulmay safiirka Qatar

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed kullan kula qaatay Muqdisho safiirka dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Mudane Dr. Abdolla Salem Alnuaimi.

kullanka labada mas’uul ayaan diirada ku saarnay iskaashiga labada dal, iyo dardargalinta wada-hadallada DFS iyo Somaliland.

Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Dr. Abdolla Salem Alnuaimi la wadaagay sida dowladda Soomaaliya uga go’antahay ka miro-dhelinta wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Safiirka dowladda Qatar ee Soomaaliya Dr. Abdolla Salem Alnuaimi oo bogaadiyey dadaallada Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Qatar diyaar u tahay garab istaagga iyo taageerada wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Ciidanka xoogga oo howlgal ka sameeyay degaanno ka tirsan Jubbada hoose

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal ballaaran ka fuliyay deegaanno u dhexeeya Janaay cabdalle iyo degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalkan  qorshaysan ayay ciidamadu ka fuliyeen Tuulooyinka kala ah Harboole, Miido iyo Biibi, iyadoo khawaarijta lagu gaarsiiyey khasaaro xoog leh.

Ciidamada ayaa cagta mariyay goobo ay dadka ku dhici jireen khawaarijta Al-shabaab kuna qaadanayeen lacago baad ah, ciidamada is garabsanayay ayaa suurta geliyay in ay fasaxaan dad safar ahaa oo ay Khawaarijtu haysatay.

Taliska ciidanka Boliiska iyo maamulka gobolka Banaadir oo tababar u furay ciidanka ilaalada deegaanka Xamar

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto, Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane, Maxamuud Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa Xarunta hoggaanka Gaadiidka Boliiska tababar uga furay ku dhawaad 200 oo xubnood oo ah Ciidanka nabad gelyada ka mid ah.

Ciidankan tababarka loo furay oo ah mid cusub ayaa loo qaatay in ay dhowaan ka mid noqdaan Ciidanka Ilaalada Deegaanka Xamar.

Inta uu tababarku socdo, Ciidanka Boliiska Somaaliyeed, ayaa gacanta ku hayndoonaa tababarina doona Ciidanka cusub, iyada oo la baridoono habka Sugida iyo Ilaalinta Deegaanka Xamar, Shuruucda iyo Qawaaniinta Ilaalinta Deegaanka Xamar.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudana Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka tacsiyeeyay dadkuu ku dhintey colaadda ka taagan magaalada Garowe, kuna baaqey in degdeg loo joojiyo dhigga qubanaya, miiska wadahadalkana lagu xaliyo kala aragti duwanaanshaha labada dhinac.

2-Beesha caalamka oo ku baaqdey in la joojiyo rabshadaha ka dilaacay Garowe.

3-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay wareegtada lagu magacaabay Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin.

4-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Xamse Cabdi Barre oo kulan la qaatey Guddiga La socodka Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee Dib-u-Eegista iyo Hirgelinta Dastuurka oo ay kala hadleen muhiimadda dhammeystirka dastuurka KMG.

5-Golaha Wasiirrada oo ansixiyay Heshiiska Dhismaha Xarunta Sanduuqa Caalamiga ah ee Horumarinta iyo Qorsheynta ee WFDP.

6-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo tababar u furay 3,000 oo macallin oo dhowaan ay Dowladda Federaalka Soomaaliya shaqaaleysiisay.

7-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka Golaha Wasiirrada ee tiirka Soomaali Heshiis ah, kana dhegeystay warbixino mas’uuliyiinta wasaaradaha qaar.

8-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyey magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow.

9-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyey kulanka guddi hoosaadka Golaha Wasiiradda ee Tiirka Amniga Qaran oo lagu soo bandhigay qodobo muhiim u ah xoreynta iyo xasillinta dalka, cunaqabaynta hubka iyo qorshaha dhimista Ciidanka ATMIS.

10-Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo Muqdisho ka furay Shirwaynaha Qaran ee Shaqaalaha Caafimaadka Soomaaliya, kaas oo looga hadlay arrimaha la xiriira sare u qaadista shaqaalaha Caafimaadka dalka.

11-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaaleynta iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Madaxweynaha  Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Kismaayo ka furay shirka Isku Dubbaridka Xasilinta Qaran.

12-Safiirka Soomaaliya ee Dalka Shiinaha, Danjire Cawaale Cali Kullane, ayaa khudbad ka jeediyay Daah-furka shirka Warbixinta Horumarka ee Hirgelinta Hiigsiga Horumarinta Caalamiga ah oo 20-ka Juun 2023, ka furmay magaalada Beijing caasimadda Shiinaha.

13-Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo ku eedeysan musuqmaasuq.

14-Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya oo Muqdisho ku qabatay Wajiga Labaad ee wadatashiga diyaarinta Istaraatijiyadda Qaranka ee Warbaahinta iyo Wada-Xiriirka oo ay ka qeyb galeen dowlad goboleedyada ka jira dalka.

15-Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo Muqdisho ka daah-furtay mashruuc lagu horumarinayo helitaanka caafimaadka hooyada iyo dhalaanka oo tayo leh oo loogu talagalay dadka nugul iyo dadka ku barakacay gudaha dalka.

16-Maamulka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa dhowaan ku guuleystay abaalmarinta caalamiga ah ee ay sannad walba bixiso hay’adda ‘Central Banking’ ee fadhigeedu yahay waddanka Britain.

17-Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Caafimaadka XFS Xildhibaan Maxamed Xasan Maxamed ayaa magaalada Addis Ababa kulan kula yeeshay Wasiirka Caafimaadka Ethiopia oo ay ka wadahadleen iskaashiga dhinaca khibrad wadaagga iyo dhismaha kaabayaasha adeegga caafimaadka.

18-Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal qorsheysan ka fuliyay inta u dhexeeysa magaalada Galcad iyo degaanka Baraag Sheekh Caamir kuna dilay horjooge Cali Axmed Guure (Cali Qoyane).

19-Shir ku saabsan barnaamijka deyn cafinta oo u dhexeeyay Dowladda Soomaaliya, hay’adaha Lacagta Addunka iyo Bangiga Adduunka oo lagu soo gabagabeeyay Nairobi.

20-Wasaaradda Caafimaadka XFS oo furtay aqoon kororsi ku saabsan diyaarinta qeybaha dhiigga iyo maareynta dhiig-shubista.

21-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Kaluumaysiga ee Soomaaliya Mudane Cali Ifiye Cali ayaa Jasiiradda Comoros uga qeyb galay shir loogu hadlaayay dhaqaalaha buluugga iyo isbeddelka cimilada.

22-Danjiraha Soomaaliya ee China Mudane Cawaale Kullane ayaa khudbad ka jeediyay shirka Hirgelinta Hannaanka Horumarinta Waarta ee Qaramada midoobay.

23-Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SoDMA Mudane, Maxamuud Macallim Cabdulle oo la kulmay Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya Mudane, Etienna Peterschmitt oo ay ka wada hadleen xoojinta xog-wadaaga iyo iskaashiga labada hay’adood.

24-Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane, Axmed Maxamed Islaam ayaa magaalada Kismaayo ku qaabbilay Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee AFRICOM General Michael E. Langley.

25-Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo dalka Norway kaga qeybgaley mid ka mid ah fadhiyada “Madasha Oslo” oo lagu falanqeeyey dadaalada Soomaaliya ee dib u xorreynta kadib.

26-Shirkii afaraad ee Wadatashiga Wasaaradaha Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee heer federal iyo heer dowlad goboleed  ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

27-Taliyaha xilka ka degaya ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas, Odawaa Yuusuf Raage ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Hawlgalka Africom Gen, Micheal Langley. Waxayna ka wadahadleen xoojinta iskaashiga iyo xiriirka ka dhexeeya laba qeybood iyo dar-dar gelinta cirib tirka kooxaha khawaarijta.

Shirka Wada tashiga arrimaha waxbarashada Soomaaliya oo galay maalintii labaad

Shirka Wada tashiga arrimaha waxbarashada Soomaaliya ayaa maalinkii 2-aad ka socda magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleeedka Galmudug.

Shirkan oo lagu wado in maanta la soo gabagabeeyo ayaa looga arrinsanayaa xaaladda waxbarashada dalka, qorshaha mustaqbalka waxbarashada, daadajinta adeegyada wasaaradda waxbarashada iyo wada shaqaynta wasaaradaha waxbarashada heer Federaal iyo heer dowlad Goboleed.

Madaxweynaha Maraykanka oo dhiggiisa Shiinaha ku tilmaamay kaligii taliye

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa ku tilmaamay dhiggiisa Shiinaha Xi Jinping, inuu yahay Madaxweyne xil jecel oo kaligii taliye ah.

Biden, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka qayb galay  kulan uu Xisbiga Dimuquraadiga ku lahaa Gobolka California, maalin kadib booqashadii xoghayaha arrimaha dibada Maraykanka Anthony Blinken uu ku tagay dalka Shiinaha, kaas oo ujeedakiisu ahaa in lagu dejiyo xiisada u dhaxaysa Washington iyo Beijing.

Xiisadda u dhaxeysa labadan dal ayaa aad u sii laba kacleeysay kadib markii bishii February ee la soo dhaafay, Milateriga Mareykanka ay soo rideen buufin lagu sheegay basaas, oo uu lahaa Shiinaha oo dul maray hawada Mareykanka.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka iyo Madaxweynaha Shiinaha ayaa maalin ka hor ku heshiiyay kulan ay ku yeesheen magaalada Beijing ee dalka Shiinaha in la dejiyo xiriirka labada dal si aysan u sii baahin colaadda u dhaxeysa labadan dal.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, ayaa Natiijada ka soo baxday kulankaasi ku tilmaamay mid wanaagsan, oo wax badan ka baddali doona xiriirka Washington iyo Beijing.