Home Blog Page 367

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka ayaa Abaal marinno guddoonsiiyey Afar Mas’uul

0

Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dawladda ayaa Abaal marinno ay ku muteysteen sidii ay Bulshada ugu adeegeen sannadkii 2023 guddoonsiiyey Afar Mas’uul oo kala ah, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducaale, Maareeyaha Hay’adda duulista Rayidka Axmed Macallin Xasan iyo Agaasimihii hore ee wasaaradda Waxbarashada Maxamed Caabi Xasan.

Guddiga ayaa sidoo kale Abaal mariyey Aadan macallin Maxamed Gudoomiyaha Kormeerka Shaqaalaha Anshaxa iyo Abaalmarinta Ee Guddiga taas oo uu ku muteystay Hogaaminta hufan, iskudubaridka shaqada Guddihoosaadka Kormeerka.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS: Somaliland waxay ka mid tahay Soomaliya mana geli karto heshiis Caalami ah

0

-Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac oo wareysi siiyey Idaacadda iyo Telefishinka Turkiga ee TRT ayaa ka hadlay damaca gurracan ee Itoobiya ku doonayso qayb ka mid ah dhulka iyo Biyaha Soomaaliya,ugu horayn Ra”iisul wasaare xigeenka ayaa la weydiiyey in Somaliland xaq u leedahay inay dhul ka kireyso Itoobiya iyo in kale,ayaa sheegay inaysan xaq u lahayn inay galaan heshiisyo caalami ah, sababtoo ah waxay qayb ka yihiin Soomaaliya.

“Kowdii Jannaayo ee sanadkan ka hor, Soomaaliya waxay ku mashquulsaneyd hagaajinta dhaqaalaheeda, la dagaalanka Al-Shabaab, soo afjarida dayn cafinta oo muddo toban sano ah nagu qaadatay, iyadoo ku guuleysatey in aan bilowno dagaal adag oo ka dhan ah Al-Shabaab oo dib u soo celineysa xiriirkeeda Xidhiidhka caalamiga ah, isla markaana qayb ka ah barnaamijka siyaasadeed ee madaxweynaheenna iyo xukuumadda hadda jirta ee uu Ra’iisal wasaaraha ka yahay, siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya waxaa lagu wargeliyaa qof Soomaali ah oo nabad kula nool naftiisa iyo caalamka intiisa kale, ayuu yiri Mudane Saalax. .

Waxa uu sidoo kale sheegay in arrinta ku saabsan Is-afgaradka ay tahay khatar lama filaan ah oo ka imaanaysa Itoobiya, taasina ay walaac weyn ku tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, saameyn weynna ku yeelan doonto shacabka ku nool Geeska Afrika.

“Waqtigan wuxuu ku dhowaa waqtigii xoogga la saari lahaa wax ka qabashada saameynta isbeddelka cimilada, cunno yarida, horumarinta dhaqaalaha, isdhexgalka dhaqaalaha, wanaagga bulshooyinkeena, waa wax lala yaabo in xilligan hal waddan uu isku dayo inuu galo dhulka la isku daray. Dalka soo gala iyaga oo ku andacoonaya in ay u baahan yihiin in ay helaan badda, xaqiiqdii Itoobiya waxa ay ka heli kartaa bad ama dekado ku yaalla Jabuuti, Soomaaliya, Kenya iyo Ereteriya, wax dekad ah oo la heli karo ma yara, Laakiin tani waa mid aad u badheedh ah oo xad-gudub ku ah xuquuqda madax-bannaanida Soomaaliya, waxayna saamayn weyn ku yeelan kartaa, mandaqada Geeska Afrika,” ayuu yidhi DPM Saalax.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa sheegay in arrintan ay dhalin karto isku dhacyo sababtoo ah ‘dhaqanka mas’uuliyad darrada ah’ ee madaxda Itoobiya.

Sidoo kale, Saalax oo wax laga weydiiyay dagaallada ay kula jiraan kooxaha argagaxisada ah ee Al-shabaab ayaa sheegay in asalkooda laga soo billaabi karo markii ay ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya, balse wixii xilligaas ka dambeeyay ay dowladdu dadaal u gashay dagaallada kooxda xagjirka ah looga ciribtirayo Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta oo laga hirgalin doonno Degmada Wadajir

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay mashruuca dhismaha Dugsiga Farsamada Gacanta oo laga hirgalin doonno Degmada Wadajir, kaas oo ay si bilaash ah wax uga baran doonan dadka Danta-yar.

Munaasabadda dhagax dhiga Dugsigaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed, Safiir Kuxigeenka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Armaan Ardoga, Maamulka Degmada Wadajir iyo xubna ka socday hey’adda SAFA oo fulinta mashruucan qeyb ka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in barashada Farsama Gacanta ay ka mid tahay wax yaabaha ugu muhiimsan ee uu Dal ku horumaro, islamarkaana uu Maamulka Gobolka dhiiragalin doonno howlaha Farsamada gacanta.

NISA oo hawlgal ku dishay Toddoba dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta

0

Ciidanka Haya’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamiga ah ayaa hawlgal qorshaysan ku dilay Toddoba dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta, hawlgalkan ayaa ka dhacay deegaanka fiidow oo hoos taga degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Dhagar qabayaasha lagu dilay howlgalkaan ayaa waxaa ka mid ahaa Saddex horjooge oo kala ahaa:-

1. Cabdiraxmaan Dheere oo hadda khawaarijta u qaabilsanaa weerarada gaadmada ah ee kooxdu ka gaysato gobolka Shabeellaha Dhexe.

2. Horjooge Mucaad oo asna ka tirsanaa isla qaybta weerada Khawaarijta ay ka gaystaan gobalka Shabeellaha Dhexe.

3. Horjooge Cabdirisaaq Muuse Khaliif oo ahaa ku xigeenka Horjoogaha baadda iyo boobka shacabka ee ay ugu yerraan Sakawaadka.

Dhagar qabayaasha kale ee howlgalka lagu laayay ayaa ahaa maleeshiyaad ay wateen horjoogayaashaan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo kulan casho sharaf ah la qaatay maamulka dugsiga gabdhaha Agoonta

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan casho sharaf ah la qaatay Maamulka, Macalimiinta iyo Ardeyda Dugsiga Gabdhaha Agoonta ee Boondheere ee uu gacanta ku haayo Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Kulankaan oo ahaa is-xog wareysi iyo kala war-qaadasho, ayaa sidoo kale lagu dhiira-gelinaayay Gabdhaha gaaray heerka Jaamacadeed ee xarunta Agoonta Gabdhaha Boondheere, waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga & Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada & Wacyigelinta G/Banaadir, Madaxweynaha Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed, Guddoomiyaha Ururka Haweenka, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyay Maamulaha Dugsiga Gabdhaha Agoonta Boondheere Maamo Nuurto Maxamed Caddow. Waxaa uuna kafaalad qaaday Nolosha iyo Waxbarashada gabadha ugu da’da yar xaruntaasi oo walidkeed ay ku geeriyoodeen Qaraxii Zoobe.

Madaxweyne Xasan”Cawaaqib xumada ka dhalan karta heshiiska is-afgaradka ah waxa ay fursad siinaysa argagixisada”

0

-Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey shirka ay yeesheen  hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka. ”

madaxweynaha jfs oo gaarey dalka masar

0

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ajiibay martiqaad rasmi ah oo uu u fidiyey dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi ayaa gaaray magaalada Qaahira ee xarunta dalkaas.

Labada Madaxweyne ayaa ka arrinsan doona xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, iyagoo mudnaan siinaya xoojinta xiriirka labo geesoodka ah iyo iskaashiga faca weyn ee ay wadaagaan Labada shacab.

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo ku baaqay in loo midoobo soo afjaridda kooxaha nabad-diidka

0

Hadii aannan Khawaarijta ka adkaan oo laga tirtirin dalka majirto hormar aan gaari karno, waana in aan u midownaa soo afjaridda kooxaha Al-Shabaab ,sidaasi waxaa yiri yiri Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin.

Taliyaha  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in guulaha laga gaaray dagaalada lagula jiro khawaarijta ay ku sababeem wadashaqeynta bulshada iyo ciidanka dowladda oo wadajir ah.

Taliye Sulub Axmed ayaa xusay in howlgalada lagu sugayo amniga ee caasimadda iyo gobolada kale ee dalka ay marayaan meel fiican,sidaa daraadeedna loo baahan yahay in lala yimaado dadaal intaa ka badan oo lagu xoreynayo dalka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa soo jeediyay in loo howlgalo dhameystirka kooxaha khawaarijta,isla markaana la qabto ama la soo sheego cid kasta oo wiiqeysa amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Duqeyn weli ku socota Gaza iyo Israel oo diidan dowlad ay yeelato Falastiin

0

Ciidamada Israa’iil ay weeraro iyo duqeymo ka fuliyeen goobo ku dhow cisbitaalka Khan Younis’s Nasser ,halkaasi oo ay ka carareen kumanaan ruux,sida,sida uu ku waramay dhakhtar ka shaqeeya halkaasi.

Muddo todobaad ah waxaa go’an isgaarsiinta, taas oo adkeynaysa in Marinka Gaza laga helo xog sababo la xiriira weerarada iyo suqeymaha  israa’iil oo weli halkaasi ka sii socda.

Dhinaca kale, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa diiday baaq ku saabsan dhismaha dowlad ay leeyihiin Falastiiniyiinta oo ay soo jeediyen Mareykanka.

Ninkaasi  ayaa Mareykanka u sheegay in uu ka soo horjeedo dhismaha dowlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin marka ay soo afjaraan colaadda Gaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in weli ay taageero buuxa u hayaan Israel,inkastoo ra’iisul wasaaraha Israa’iil uu diiday mowqifka Mareykanka ee dhismaha dowlad Falastiin ah.

Ugu yaraan 24,620 qof ayaa la dilay, 61,830 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7dii.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

0

1- Urur Goboleedka IGAD oo Shir Madaxeedkii 42-aad ku qabtey magaalada Kampala ayaa si adag u taageeray qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Somalia, isla markaana wax kama jiraan ka soo qaadey heshiiska sharci darrada ah oo ay Ethiopia la gashey maamulka Hargeysa ee waqooyiga Somalia.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Mareykanka ee CIA William J. Burns, oo ay ka wadahadleen iskaashiga dhanka amniga ee labada dal.

3- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Khawaarijta iyo Dowladda Ethiopia aya labaduba yihiin cadow duulaan ku ah madaxbanaanida, iyo qaranimada Soomaaliya, isla markaana shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay dalkooda difaacan doonaan.

4- Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ee Dowlad Goboleedka Galmudug ku qabtey kulamo ku saabsan dhameystirka hawlgalada milateri ee Khawaarijta looga ciribtirayo deegaannada Galmudug.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay danjireyaasha dalalka, Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Danjiraha Dowladda Isku-tagga Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya, Axmed Juma Al Rumaithi.

7- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in tallaabooyinka ay Ethiopia waddo ay khatar ku yihiin amniga gobolka iyo caalamka intaba.

8- Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Jaamacadda Carabta ayaa si kulul u cambaareeyay tallaabada ay Ethiopia ku faragelineyso qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.

9- Wasiirka Ariimaha Dibedda ee Masar ayaa sheegay in Ethiopia ay noqotay isha hagardaamada iyo colaad hurinta ee gobolka.

10-    Waddamada Qatar iyo UAE ayaa taageeray dhowrista qaranimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, kadib heshiiskii sharcidarrada ahaa ee Ethiopia ay la gashey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

11-    Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo ay wehliyaan wasiirro iyo xildhibaanno ka soo jeeda gobollada Waqooyi ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay heshiiska sharci darrada ah ee Ethiopia la saxiixatey maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya.

12-    Qaar kamida odayaasha dhaqanka ee deegaanka Sheekh Awaare ee gobollada Waqooyi ayaa si adag uga soo horjeestay damaca Ethiopia ee badda Soomaaliya.

13-Ururka Suxufiyiinta Caalamka IFJ ayaa cambaareeyay falalka guracan ee lagu bartilmaameedsaday suxufiyiinta ka hawlgala deegaanada Somaliland, kadib markii dhowr weriye lagu xiray Hargeysa.

14-    Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Faarax (Beenebeene) ayaa kulan la qaatay maalgashato ka socday dalka Qatar oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

15-    Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya iyo Danjiraha India marwo Namgya C. Khampa ayaa ka wada hadley iskaashi buuxa oo laga yeesho horumarinta caafimaadka labada dal,iyo in Soomaaliya loo tababaro xirfadleyaasha caafimaadka.

16-    Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Soomaaliya Mudane Daud Aweis Jama ayaa magaalada Muqdisho tababbar uga furay 30 kamid ah shaqaalaha waaxda farsamada guud ee warbaahinta Qaranka.

17-    Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa kulan la qaatay saraakiisha Midowga Afrika ee ATMIS, waxaana kulankaas diiradda lagu saaray amniga dalka.

18-    Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa kormeer Shaqo ku tegay xerada tababarka Turkisom ee Muqdisho.

19-    Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa isugu yimid kulan weyn ay si adag uga hor imaanayeen damaca dowladda Itoobiya ay ku doonayso faragelineyso qaranimada Soomaaliya.

20-    Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa la horgeeyey eedaysanayaal loo haysto musuqmaasuq, kuwaas oo ka kala tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Banka Dhexe.

21-    Yuusuf Xasan oo khawaarijta ka tirsanaa 15 sanno ayaa isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Baydhabo.

22-    Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidanka Daraawiishta Galmudug ayaa koonfurta gobolka Mudug kawada hawlgalo ka dhan ah Khawaarijta.