Home Blog Page 364

Mareykanka ayaa duqeymo ka geystay goobo xiriir la leh Iran oo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in ay duqeeyeen 85 bartilmaameed oo Kataib Hezbollah ah oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq, si ay uga aargoostaan ​​dagaalyahannada “Iran ee xiriirka la leh”kuwaas oo saddex askari oo Mareykan ah ku dilay weerar ay dhawaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku qaadeen dalka Urdun.

Weerarada Mareykanka waxaa cambaareeyay mas’uuliyiinta Ciraaq; Tehran wali si rasmi ah ugamay hadlin, sida uu sheegay wariyaha Aljazeera ee caasimada Iran.

In ka badan hal milyan oo Falastiiniyiin ah oo barokacay ayaa ka baqaya weerar cusub oo militari Israel ka dib markii wasiirka difaaca Israa’iil uu ballan qaaday in uu weerarayo Rafah, oo ah aag mar lagu tilmaamay “aag nabdoon”.

UNICEF waxa ay sheegtay in ilaa 17,000 oo caruur ah oo ku nool Gaza ay yihiin kuwa aan lala socon ama laga soocay qoysaskooda intii ay socdeen dagaalada.

Ugu yaraan 27,131 qof ayaa lagu dilay 66,287 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

 

 

Madax ka tirsan DFS oo ka qeybgalay xaflad loo sameeyay daahfurka Adeegga caymiska Caafimaadka

0

Mas’uuliyiin katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb galay xaflad lagu maamuusaayey daahfurka Adeegga caymiska Caafimaadka oo markii ugu horeysay laga hirgaliyay Magaalada Muqdisho.

Xafladdaan oo sidoo kale ay ka qeybgaleen madax ka socotay bangiyada Cisbitaalada iyo culuma’udiin kale, waxaa ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Cali Xaaji, Wasiirka Dhallinyarada Maxamed Cabdi Barre iyo Senetor Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle,Kuwaas oo xusay muhiimadda adeegga ceymiska uu u leeyahay bulshada iyo sida uu uga qeybqaadan karo daryeelka dadka danyarta ah.

Madaxa Adeegga caymiska Caafimaadka Baraka Kaaliye Care Sakariya Ibraahim iyo Shugri C/qaadir Jilacooe ayaa fahfaahiyay waxqabadka hey’addaan ,iyagoo sheegay in adeeg ceymiska caafimaadka uu yahay mid aad u qiimo jaban,dadkuna ay iibsan karaan, iyagoo xubin ka noqonaya Baraka Kaaliye Care.

Kenya:Qarax gaas oo sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca boqolaal kale

0

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay Magaalada Nirobi, 222 kalena waxaa soo gaaray dhaawac ,kadib markii Gaari xamuul ah oo siday gaas  uu ku qarxay degmada Embakasi ,sida uu sheegay afhayeen u hadlay dowladda.

Mr Mwaura ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay warshad gaas ,kadibna dabka uu ku fiday bakhaar lagu sameeyo dharka iyo dunta ka iyo sidoo kale guryo dabaqyo ah.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta gudaha u sheegay inay in dadka dhaawacmay ay  ku jira ugu yaraan 25 carruur ah, sida uu sheegay wargeyska Standard.

Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay la adkeeyay, isla markaana la sameeyay xarun talis oo gacan ka geysata isku xirka howlaha samata bixinta.

Guryo, goobo ganacsi iyo baabuur ayaa ku waxyeeloobay dabkaasi ,waxaana dadla lagu wargeliyay in ay ka fogaadaan aagga go’doonsan si loo sameeyo howlgalka samatabbixinta.

Kulanka golaha shacabaka oo looga hadlay hindise sharciyeedka xuquuqda naafada iyo arrimo kale

Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 13aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS ayaa maanta oo Arbaco ah waxaa shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka ayaa ajandihiisu ahaa:

1) Dhaarinta Wasiiradda cusub ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda Howlaha Guud.

2) Warbixinta Akhrinta 2aad ee Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed.

3) Qeybinta Hindise -Sharciyeedka Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed.

Ugu horeyn Habdhowraha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) ayaa dhaariyay Wasiiradda Cuseb ee Wasaaradda Beeraha iyo Wasaaradda hawlaha guud XFS.

Xildhibaan Maryan Maxamed Ciise oo ka mid ah guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada ayaa Mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor akhrisay Hindise -Sharciyeedka Xuquuqda Naafada Soomaaliyeed si waafaqsan Qodobka 84aad (4) ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada ayaa aragtidooda ka dhiibtay mabda’ guud iyo ujeedada Hindise-Sharciyeedka, iyagoo tala-soo jeedin iyo erayada qaar ay ubaahan yahiin turxaan bixin ay ku soo sameeyaan guddiga Xuquuqul Insaanka.

Xubnaha guddiga ayaa mid mid ugu jawaabay dhamaan weydiimaha Xildhibaanada.

Ugu dambeyn guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar oo kulanka soo xirtay ayaa fartay guddiga Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Arrimaha Bani’aadanimada in ay Akhrinta 3aad ay ku soo biiriyaan talo soo jeedinta iyo turxaan bixinta Mudanayaasha Golaha Shacabka BJFS.

Horjoogeyaal lagu dilay howlgal ka dhacay Hiiraan.

Hawlgal ay iska kaashadeen Hay’adda nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo Saaxiibada caalamka oo laga fuliyay deegaanka Buq-aqable ee Gobalka Hiiraan ayaa lagu soo afjaray nolosha 6 horjooge oo muddo dheer ku hawlanaa uruurinta Baadda shacabka Soomaaliyeed.
Hoos ka aqriso Magacyada Horjoogeyaasha lagu dilay howlgalka oo ay NISA shaacisay.

Mareykanka oo ku celiyey sida ay uga go’antahay ilaalinta madax banaanida Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka oo aad u adkaysay inay kala midaysantahay IGAD, Hay’adaha caalamiga ah iyo bahwadaagta kale ee Qaarada Afrika in Qaranimada iyo Madaxbaanida dhuleed ee Soomaliya ay tahay mid lama taabtaan ah.

“Waxaan qabnaa walaaca ah in is afgaradka la soo bandhigay uu caqabad ku noqon karo halgankeena wadajirka ah kaas oo ay ku jirto kaalinta Ethiopia ee sanadihii la soo dhaafay ee aadanaa la dagaalanka Khawaarijta.” Ayay tiri Molly Phee Kaaliya Xogheeyaha arrimaha dibibada u qaabilsan arrimaha afrika

Dowladda maraykanka ayaa sheegtay sidoo kale inay taageersantahay wadahadalada u dhaxeeya Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Gobalada Waqooyi ee ku salaysan mustaqbalka Soomaaliya.

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ROMA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA TALYAANIGA IYO AFRIKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Rome ee dalka Talyaaniga, halkaas oo ay kaga qeyb-geli doonaan Madasha Talyaaniga iyo Afrika, oo ah shir muhiim ah oo ay isugu imaanayaan madax ka kala socota Afrika iyo Yurub.

Shirkan waxa uu Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ka jeedin doonaa khudbad uu diiradda ku saarayo iskaashiga dhaqaale, fududeynta isu-socodka iyo arrimaha amniga, sidoo kale, waxa uu ku soo bandhigi doona muhiimadda xasilloonida gobolka, ixtiraamka mabaadi’da madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, isagoo si gaar ah u dul istaagi doona xad-gudubka ka dhanka madax-bannaanida Soomaaliya ee dhawaan ay Itoobiya ku dhiirratay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iftiimin doona dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee Soomaaliya ay ugu jirto la dagaallanka argagixisada iyo dib u dhiska ciidamada.

Madaxweynaha ayaa shirku inta uu socdo waxa uu kulammo labo geesood ah la qaadan doonaa madax iyo mas’uuliyiin ay ka mid yihiin;

– Mudane Azali Assoumani, Madaxweynaha dalka Comoros, ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika.

– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane William Ruto.

– Madaxweynaha dalka Eritrea Mudane Isaias Afwerki.

– Agaasimaha Maamulka ee Sanduuqa Lacagta Adduunka (IMF) Marwo Kristalina Georgieva,

GUDDOOMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE OO FURAY SHIRKA GARSOORKA DALKA.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta si rasmi ah u furay Shir Sanadeedka Garsoorka Dalka.
Shirka oo lagu soo bandhigayey kaalinta garsoorka ee maamul wanaaga iyo la dagaallanka musuq-maasuqa ayaa masuuliyiintii goobta ka hadlay waxay soo jeediyeen in horumarka baaxada leh ee uu ku talaabsanayo garsoorka dalka lagu fidiyo bulshada dhexdeeda si loo kasbado kalsoonida bulshada.
Guddoomiyaha oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa sheegay in cadaaladdu muhiimad gaar ah ay u leedahay bulshada iyo horumarka dalka, waxaana uu tilmaamay in garsoorka dalka uu sanadihii u dambeeyay sameynaayay is-bedel, isagoona xusay in la xoojiyo la dagaallanka musuq-maasuqa, waxaana uu Guddoomiyuhu tilmaamay in Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu si gaar ah ugu shaqeyn doono shuruucda garsoorka quseysa.

Guddiga haweenka aqalka sare oo Rwanda u safray

Guddiga Haweenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta safar aqoon is-waydaarsi ah ugu ambabaxay dalka Ruwanda.
Xubnaha Guddiga Haweenka oo ay hoggaaminayso hab-dhowraha Aqalka Sare Sanatar Samsam Ibraahim Cali ayaa inta ay Ruwanda joogaan waxaa ay kulamo isugu jira aqoon is-waydaarsi, qibrad wadaag iyo booqasho ku tegi doonaan goobaha muhiimka ah ee dalkaas.
Kulanka waxaa goobjoog ahaa Sanatar Cabdi Xakiin Macalin Axmed iyo Xoghayaha guud ee Aqalka Sare Cabdinaasir Ibraahim Guuleed, iyagoo ka sagootiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho kadib dardaaran iyo talo siin ay la wadaageen.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐌𝐮𝐪𝐝𝐢𝐬𝐡𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐠𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐝𝐝𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane 𝐁𝐢𝐢𝐱𝐢 𝐈𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 ayaa kulan miro-dhal ah kula yeeshay xarunta Wasaaradda Maaliyadda Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya 𝐊𝐫𝐢𝐬𝐭𝐢𝐧𝐚 𝐒𝐯𝐞𝐧𝐬𝐬𝐨𝐧.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay taageerada farsamo iyo maaliyadeed ee Bangiga Adduunka uu siiyo Dowladda Soomaaliya. Waxa sidoo kale kulanka diiradda lagu saaray arrimaha dib-u-habaynta Maaliyadda iyo xoojinta hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda horumarineed ee uu Bangiga Adduuku ka wado Soomaaliya iyo sidii ay si dhaw uga wadashaqeyn la hayeen Bangiga Adduunka iyo Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Hey’adaha ku shaqada leh dhaqangelinta Mashaariicda.

“𝙒𝙖𝙭𝙖 𝙖𝙖𝙣 𝙠𝙪 𝙛𝙖𝙧𝙖𝙭𝙨𝙖𝙣𝙖𝙝𝙖𝙮 𝙞𝙣 𝙖𝙖𝙣 𝙢𝙖𝙖𝙣𝙩𝙖 𝙠𝙪 𝙨𝙤𝙤 𝙙𝙝𝙖𝙬𝙚𝙚𝙮𝙤 𝙭𝙖𝙧𝙪𝙣𝙩𝙖 𝙒𝙖𝙨𝙖𝙖𝙧𝙖𝙙𝙙𝙖 𝙈𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖𝙙𝙙𝙖, 𝙆𝙧𝙞𝙨𝙩𝙞𝙣𝙖 𝙎𝙫𝙚𝙣𝙨𝙨𝙤𝙣 𝙤𝙤 𝙖𝙝 𝙒𝙖𝙠𝙞𝙞𝙡𝙠𝙖 𝘽𝙖𝙣𝙜𝙞𝙜𝙖 𝘼𝙙𝙙𝙪𝙪𝙣𝙠𝙖 𝙚𝙚 𝙎𝙤𝙤𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖. 𝙒𝙖𝙭𝙖 𝙖𝙖𝙣 𝙠𝙖 𝙬𝙖𝙙𝙖 𝙝𝙖𝙙𝙖𝙡𝙣𝙖𝙮 𝙗𝙖𝙧𝙣𝙖𝙖𝙢𝙞𝙟𝙠𝙖 𝙙𝙞𝙗-𝙪-𝙝𝙖𝙗𝙚𝙮𝙣𝙩𝙖 𝙢𝙖𝙖𝙡𝙞𝙮𝙖𝙙𝙙𝙖, 𝙭𝙤𝙤𝙟𝙞𝙣𝙩𝙖 𝘿𝙤𝙬𝙡𝙖𝙙-𝙬𝙖𝙣𝙖𝙖𝙜𝙜𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙢𝙖𝙨𝙝𝙖𝙖𝙧𝙞𝙞𝙘𝙙𝙖 𝘽𝙖𝙣𝙜𝙞𝙜𝙪 𝙣𝙖𝙜𝙖 𝙩𝙖𝙖𝙜𝙚𝙚𝙧𝙤 𝙚𝙚 𝙠𝙪 𝙖𝙖𝙙𝙖𝙣 𝙙𝙞𝙗-𝙪-𝙝𝙖𝙗𝙚𝙮𝙣𝙩𝙖 𝙞𝙮𝙤 𝙝𝙤𝙧𝙪𝙢𝙖𝙧𝙞𝙣𝙩𝙖 𝙙𝙝𝙖𝙦𝙖𝙖𝙡𝙖𝙝𝙖 𝙙𝙖𝙡𝙠𝙖” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige.

Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya siiyo taagero maaliyadeed iyo mid farsamo, si uu gacan uga siiyo horumarinta dhaqaalaha dalka iyo xoojinta hannnanka horumarinta Hey’addaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.