Home Blog Page 363

Turkiye iyo Masar oo magacaabay safiirro ka howlgala dalalkaasi

War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee Turkiye iyo Masar ayaa lagu sheegay in labada dal ay magacaabeen laba safiir oo ka shaqeyn doona dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dhinacyadaasi.

Turkiye ayaa u magacaabay Salih Mutlu Sen inuu noqdo safiirka dalkaasi u fadhin doona Masar,halkaDowladda Masar ay safiir u magacaabeen  Amr Elhamamy,kaas oo ka howlgali doono Magaalada Ankara.

“Dadaalka cusub ee loo qwaaday soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waxaa loo fuliyay si waafaqsan go’aanka ay qaateen madaxweynayaasha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaankaasi.

“Tallaabadan waxay ujeedadeedu tahay dib-u-habaynta xiriirka labada dal,waxayna ka tarjumaysaa rabitaanka wadajirka ah ee lagu hagaajinayo xiriirka laba geesoodka ah ee danaha dadka Turkiga iyo Masar.”

 

Qaramada Midoobay oo walaac xooggan ka muujisay xaaladda magaalada Jeniin ee Daanta

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhibatooyinka  ka socda magaalada Jeniin ee Daanta Galbeed, kadib markii Ciidamada Israa’iil ay  halkaasi ka bilabeen hawlgalkii ugu ballaarnaa muddo 20 sano ah oo ay ciidamada Israa’iil ku bartilmaameedsanayaan Shacabka reer Falastiin ee magaalada Jeniin.

Ciidammada Israa’iil, ayaa magaalada Jeniin, ka bilaabay weerarro ballaaran oo cir iyo dhul ah, halkaas oo ay ku dileen 9 falastiiniyiin ah, halka 28 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidokale, Hay’adda Qaramada Midoobay ee Gargaarka Qaxootiga Falastiin “UNRWA” ayaa soo saartay Bayaan Isniintii shalay, si loo hubiyo xaaladda dadka ku waxyeelloobay xerooyinka magaalada.

UNRWA, ayaa ku baaqday in Ciidamada Israa’iil ay si degdeg ah u joojiyaan howlgalka, si dadka dhaawacmay ay u helaan daryeel caafimaad.

 

Ciidamada Booliiska oo Gacanta ku soo dhigay Rag ku eedeysan burcadnimo

Taliska qeybta guud ee Boliiska gobalka Banaadir, ayaa sheegay howlgal ay sameyeen Ciidamada Booliiska, gaar ahaan Ciidamada booliiska ee ka howlgala Saldhigga degmada Yaaqshiid, ay kusoo qabteen burcad hubeesan oo ku howlanaa dhac ay u geeysanayeen dad shacab ah, kuwaasi oo adeegsanayay mootooyinka loo yaqaan bajaajta.

Warkan ka soo baxay Taliska qeybta guud ee Boliiska gobalka Banaadir, ayaa lagu sheegay in ciidamada Booliiska ay qabteen labo nin oo burcad ah, kuwaa oo bistoolad iyo toorey dadka ku baaranayay xaafado ka tirsan degmada Yaqshiid ee gobalka Banaadir.

Booliiska gobalka Banaadir, ayaa sheegay in burcadan gacanta lagu soo dhigay loo gudbin doono sharciga, sidokale, waxa ayna sheegeen in gacan bir ah lagu qaban doono kooxaha burcada ah ee caadeestay dhaca iyo cabsi galinta dadka shacabka ah.

Cudur-daar iyo cafis malahan ciddii dhaqaale ku taageerta Khawaarijta (Warbixin).

Jiritaanka argagixisada iyo in ay dadka laayaan waxaa laf-dhabar u ahaa dhaqaalaha xooggan oo ay sida baadda ah uga qaadi jireen Bulshada gaar ahaan ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhaqaalahaas oo ay u adeegsan jireen dilalka, qaraxyada baabuurta,cabsi gelinta Bulshada iyo wax kasta oo halis ku ah dalka iyo dadka Soomaaliyeed,maaddaama argagxisadu ku socdo dagaal toos ah oo looga saaray deegaanno iyo degmooyin muhiim ah oo muddo ay xoog ku heysteen, kuwo kooban ay joogaanna lagu beegsanayo.

Si soo afjaridooda u fududaato waxaa lama huraan noqotay in dhinaca dhaqaalaha laga curyaamiyo, ku baraaruga Bulshada arxandarada iyo ficilada foosha xun ee argagixisadu oo ah kuwo aan waxba hambeyn oo lagu daray digniino iyo go’aano Dowladda ah ee la dagaallanka cadowga ayey inta badan ganacsatadii siin jirtay cadowga baadda joojiyeen.

Qarashaad lagu sii dhibaateeyo ummadda Soomaaliyeed, balse dadka faaqida arrimaha argagixisada iyo sida dhaqaalaha u sameeyaan ayaa rumeysan in ay wali jiri karaan waddooyin ku heli karaan dhaqaalo yar oo aan ku filneyn.

Dowladda Federaalka waxaa go’an in ay  xirto waddo kasta oo Khawaarijta Al-shabaab dhaqaale ku heli karaan,waanna sababta keentay in ay daciifaan kooxdaas bilihii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyay in ay dambi tahay qof kasta oo lacagtiisa ku taageera Al-shabaab, isaga oo tilmaamay lacagaha ay qaataan Khawaarijta ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaa la isku khilaafsaneyn oo muran ka taagneyn shilinka Shabaab la siiyaa wuxuu u adeegsanayaa dhiigga ummadda muslimiinta ah inuu daadiyo, askariga Shabaabka ah ee wax dilayo mushaar haloo siiyo, mateeriyaalka qalabka qaraxa lagu sameeyo halagu soo gado, midka qaraxa inuu meel mariyo la rabo halagu laaluusho, dhammaan isku soo wada xeeri dhiig la daadinayo qof Soomaali oo Muslim ah oo beri ka ah oo wax uu haleeyay iyo wax uu galabsaday aanay jirin dhiiggiisa la dilayo iyo xormadiisa la baabi’inayo ayaa loo adeegsadaa qofna ma u cudur-daari karo marka, “.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin u diray kuwa Alle wax u dhiibay in ay ilaashadaan lacagtooda oo aanay naar ku muteysan.

Kooxda Khawaarijta Al-shabaab, ma jirto waddo u furan xilligan oo dhaqaalo uga heli karaan ganacsatada iyo dadka hodanka ah oo ay baadi jireen.

Hay’adaha amniga oo ah ugu horeyso hay’adda NISA ayaa daba-gal xooggan ku haysa dadka lacagaha siiya Al-shabaab iyo kuwa u qaada Al-shabaab, dhowaan ayeyna ahayd markii duleedka degmada Afgooye lagu dilay madaxii Khawaarijta u qaabilsanaa u yeeridda si lacago baad ah looga qaado, gabalka Khawaarijtu wuu dhacay waxayna ku jiraan rafashadii ugu dambeysay jiritaankooda.

 

Hay’adda tirakoobka Qaranka oo soo saartay warbixin ku aaddan wax soo saarka gudaha ee 2022-kii

Hay’adda tirakoobka Qaranka waxay soo bandigtay Warbixin ku saabsan wax soo soo saarka gudaha ee sanaddii 2022-kii, taas oo lagu saleeyey habka kharashka.

Warbixintu waxay muujinaysaa heerka kobaca dhaqaalaha dalka in uu yahay 2.4%, waxanay sidoo kale muujineysaa aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan xaaladda guud ee dhaqaalaha, taas oo waddada u xaaraysaa dejinta siyaasado dhaqaale oo hufan.

Warbixinta ayaa sidoo kale daaha ka qaadday in inkastoo dalku ay soo food saartay caqabado kala duwan oo ay ka mid yihiin abaartii daba dheeraatay ee dalka ku habsatay 2022-kii, haddana dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu muujiyay dib u soo kabasho

Ruushka oo la sheegay in Ciidamo dheeraad ah uu geeyay jiidaha dagaalka ee Ukraine

Shabakadda CNN ee Mareykanka ayaa daaha ka qaaday iyadoo soo xiganeyso afhayeenka ciidamada qalabka sida ee Ukraine, gaar ahaan kuwooda ka howlgala jiidaha bari, in Ruushka uu geeyay in ka badan 180,000 oo Askari labada jiho ee ugu balaaran dagaalka ka socda Ukraine.

“In ka badan 180,000 oo ciidamada Ruushka ah ayaa la geeyey Jiidaha bari ee dagaalka, si leysugu dayo ina xoog lagu jiiro ciidamada Ukraine” ayuu yiri Serkhi Chervaty.

Chervaty oo sidokale, wareysi siiyay warbaahinta Ukraine Isniintii shalay, ayaa sheegay in ay jiraan 120,000 Askari oo dheeraad ah oo ku sugan Liman iyo Kopyansk, kuwaasi oo uu sheegay in ay qeyb ka noqonayaan dagaalka halkaasi ka socda.

Magaalooyinka Liman iyo Kobyansk, ayaa qiyaastii 100 kiiloomitir waqooyi ka xigtaa Bakhmut.

 

Dad ku dhintay toogasho ka dhacday Maraykanka

Warbaahinta Maraykanka ayaa ku warrantay in ugu yaraan afar qof ay ku dhinteen halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, ka dib toogasho xalay fiidkii ka dhacday magaalada Philadelphia ee xarunta gobolka Pennsylvania.

Afhayeen u hadlay booliska ee magaalada Philadelphia ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in dhowr qof ay waxyeello ka soo gaartay toogashada, balse ma uusan bixin faah-faahin dheeri ah.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warrantay in qofka dadka laayay uu hadda ku jiro gacanta ciidanka booliska.

Dhacdadaan ayaa kusoo beegantay maalin kaddib, marki uu nin hubeysani sidan oo kale uu Rasaas oodda uga qaaday dhalinyaro ku sugnayd goob ay xaflad ka dhacaysay oo ku taalla magaalada Baltimore ee gobolka Maryland, halkaas oo ay ku dhinteen 2 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 28 kale.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo guud ahaan dalka laga xusayo, maalinta xorriyadda ee Maraykanka oo ku beegan, July 4-teeda.

 

Ciidanka NISA oo howlgal qorsheysan ku dilay xubin ka tirsanaa khawaarijta

Ciidanka gaarka ah ee Hay’adda NISA ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen tuulada Macallinka oo u dhaxeysa Bariirre iyo Sabiid ee gobalka Shabeellada hoose ayaa waxay ku dileen mid ka mid ah dhagarqabayaasha Khawaarijta iyadoo ciidamadu ay furteen hubkii uu watay.

Ciidanka ammaanka qeybahooda kala duwan ayaa sameeya howlgallo qorshaysan oo joogto ah, kuwaas oo looga hortagayo dhagar kasta oo ay Khawaarijtu  soo abaabulaan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa maanta booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho)

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho) si uu ugu jawaabo cabasho ka timid qaar ka mid ah Bulshada Caasimadda.

Duqa Caasimadda oo ay wehliyeen Agaasimaha Waaxda Dhulka, Agaasimaha Xafiiska Duqa, Afhayeenka Gobolka Banaadir iyo Maamulka Deegaanka Garasbaaley ayaa waxa uu halkaasi kula hadlay Bulsho ka wal-walsan warar muddooyinkii ugu danbeeyay baraha Bulshada la isla dhex maraayay taasi oo aheyd in halkaasi la dhisanaayo isla markaana qubuuraha laga bixinaayo.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in Qubuuraha Macalin Nuur uu yahay mid soo jireen ah oo aan la ogolaan karin in xilligaan ay dad sheegtaan, Dowladda Hoose ee Xamar iyadu Mas’uul ka tahay wixii Qubuuro ah, waxa uuna amray in aan laga saari karin wax qabri ah, halkaasna laga dhisi karin guryo, Asigoona faray Maamulka Deegaanka Garasbaaley iyo Agaasinka Waaxda Dhulka Dowladda Hoose ee Xamar Naqshadeynta iyo in darbi lagu wareejiyo Qubuuraha Macalin Nuur si aysan u dhicin ku xad-gudub dhinaca dhulka ah

Israa’iil ayaa duqeymo ka geysatay xerada Jenin ee Falastiiniyiinta ee daanta galbeed

Ciidamada Israel ayaa howlgal militari oo ballaaran ka bilaabay xerada Jenin ee ku taal waqooyiga Daanta Galbeed ee la heysto.

Waxay ku bilaabatay weeraro dhowr ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Fiidiyowyo lagu daabacay baraha bulshada ayaa muujinaya qiiq ka baxaya meel la deggan yahay.

Wasaaradda caafimaadka ee Falastiin ayaa sheegtay in ugu yaraan saddex falastiiniyiin ah lagu dilay in ka badan 20 kalena ay ku dhaawacmeen weerarka socda.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in ay duqaynayeen “kaabayaasha argagixisada ee aagga Jenin”.

“Maka istaagi doono shaqo la’aan inta ay argagixisadu sii waddo dhibaataynta dadka rayidka ah ee xerada Jenin ka dhiganaya gabaad,” ayay yiraahdeen, iyagoo intaas ku daray in xerada ay tahay goob ay ku xooggan yihiin argagixisada.

Guutada Jenin oo ah dallad ciidan oo ay ku jiraan rag hubeysan oo ka kala socda kooxaha Falastiiniyiinta ee Fatax, Xamaas iyo Islamic Jihad, ayaa tiri: “Waan la dagaallami doonnaa ciidammada gumeysiga illaa neefta iyo xabadda ugu dambeysa, waxaana ka wada shaqeyneynaa oo aan ka mideysannahay dhammaan qeybaha iyo qaababka milatariga. ”