Home Blog Page 362

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kumanaan shacab ah kula hadlayey Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho (Mogadishu Stadium) xuska sannad guuradii 63aad ee xornimada dalka ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay u midoobaan ciribtirka cadowga ragaadiyey amniga iyo horumarka ee Khawaarijta Al Shabab.

2- Madaxweyne Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in si deg deg ah loo dhamaystiri doono dastuurka dalka, si loo harumariyo hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed, iyagoo ka wadahadley xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ay ku bixinayso xoreynta dalka.

4- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda Ciidul Adxa awgeed khadka taleefanka kula hadlay Madaxweynaha dalka Turkiga Mudane Receb Tayib Erdogan, Amiirka dalka Qatar  Tamiim Binu Xamad iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

5- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku celiyay in dowladdu ay ka go’an tahay la dagaalanka musuqmaasuqa.

6- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dalka dib ugu soo laabtay kaddib markii uu soo dhammaystay gudashada waajibaadka Xajka.

7- Ciidamada Xoogga Dalka oo ATMIS kala wareegay saldhigga Geriley ee gobolka Gedo, tallaabadaas oo qeyb ka ah fulinta heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka iyo ka bixitaanka Ciidammada ATMIS ee Soomaaliya.

8- Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in Ciidanka Xoogga Dalka ay si buuxda ula wareegeen ammaanka xarumihii ay baneeyeen 2,000 oo askari oo ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

9- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Marwo Safiyo Xasan Maxamed, Guddoomiyaha cusub ee Hey’adda Qaxootiga Qaranka iyo Guddoomiyihii hore.

10- Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa dalka Uganda tababar ugu soo xirey 2 guuto oo ka mid noqoneysa Ciidanka Xoogga Dalka.

11- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya  Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in ay dhinteen afar xaaji oo ay laba dumar ay tahay,sidoo kale waxa u sheegay in la’ yahay saddex xaaji, ilaa 60 kale oo gargaar caafimaad u baahnaana wax loo qabtey.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa ayaa safar kormeer ah ku tagay furimaha hore iyo xerooyinka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku leeyihiin degmooyiinka Galcad iyo Ceel dheer ee Gobolka Galguduud.

13- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo  booqday Qubuuraha Macalin Nuur ee Deegaanka Garasbaaley (Taree Disho) ayaa faray maamulka deegaanka in aan la dhisan karin qabuuraha, waxaana uu balan qaaday in tlalaabo adag laga qaadi doono ciddii lagu arkaa.

14- Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Mudane Mukhtaar Roobow  ayaa magaalada Makah ee Sacuudiga kula kulmay Wasiirka Arrimaha Islaamka ee Qatar

15- Wasiir Ku-Xigeenka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Soomaaliya Xildhibaan Saalax Shariif Cali  ayaa booqday deegaannada Goof-Gaduud, Buurey iyo  Haraaw ee Gobolka Bay, isagoo ku bogaadiyey shacabka guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaareen dagaalka Khawaarijta.

16- Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa hawlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanno ka tirsan Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana lagu burburiyay maxkamad beenaad ay khawaarijta ku lahaayeen halkaasi.

17- Ciidanka Booliiska Puntland ayaa soo qabtey soona  bandhigay 9 horjooge oo ka tirsanaa kooxda argagaxisada ah ee Daacish.

18- Kooxda Khawaarijta ah ee Al Shabaab oo fal aad u xun oo Diinta Islaamka lid ku ah ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe kadib markii ay burburiyeen masjidka degaanka Daarul Nimca.

 

Ciidamada Isra’iil oo dib ugu baxay Jeniin

Ciidamada Isra’iil ayaa isaga baxay xerada Jeniin ee Daanta Galbeed, kadib maalmo ay halkaas ka wadeen howlgal ay ku bartilmaameedsanayeen dadka reer Falastiin ee xeradaasi ku sugnaa.

Muuqaallo ay baahisay Warbaahinta ayaa muujinaya burbur baahsan oo ay halkaasi ka geeysteen Ciidamada cirka iyo dhulka ee Isra’iil.

Tirada dadka ay halkaasi ku dileen Ciidamada Isra’iil, ayaa lagu sheegay 12 ruux, halka dhaawacana uu kor u dhaafay 100 qof.

Tv-ga Al-jazeera oo xaalada xeradan ugu kuurgalayay ayaa sheegay in ciidamada Isra’iil ay burburiyeen kaabayaashii  noolasha ee xeradaas, kadib muddo laba maalmood ah oo dagaallo ay ka socdeen xerada Jeniin ee dhacda Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta.

 

Sirdoonka Turkiga oo sheegay inaay burburinyeen unug ka mid ah Mossad

Warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in ciidamada sirdoonka, Turkiga ay ku guuleysteen inay burburiyaan unug la ka tirsanaa sirdoonka Isra’iil ee Mossad, oo ku sugnaa Istanbuul.

Unuggaan ka tirsanaa Sirdoonka Isra’iil, ayaa sida warka lagu sheegay loo tababaray inuu xog uruurin ka sameeyo qaar ka mid ah hay’adaha Carabta ee deggan Istanbuul, dadka la qabtay ayaa isugu jira Carab iyo kuwa Turki ah.

Bishii December ee lasoo dhaafay, warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in sirdoonkooda ay ku guuleysteen inay burburiyaan unug Mossad ah oo ka howl galayay magaalada Istanbuul, inkastoo aanan la faafaahin tirade dadka la qabtay iyo jinsiyadooda.

 

Ciidamada Dowladda oo si tartiib ah ugala wareegaya fariisimada ATMIS

Burburkii Dowladdii dhexe ee Dalka Soomaaliya sanadkii 1991-kii kadib ayaa waxaa Dalka soo gaaray Ciidamo huwan ah oo la magac baxay Ciidanka Howsha ku midoobay (TASK FORCE), sanadkii 1992kii, kaasi oo uu hoggaaminayay Wadanka Maraykanka, ayna ka mid ahaayeen Wadamada Faransiiska, Talyaamiga, Bijam, Maleesiya, Turkiye iyo kuwa kala socday Afrika iyo Carabta, kuwaasi oo ujeedadoodu aheyd in ay kaalmeeyaan Dadka Soomaaliyeed oo berigaasi ay ka jireen dagaalo sokeeye oo sii daba dheeraaday, kaasi oo sababtay in ay dilaacdo Macluul ba’an oo ay Dunidu la yaabtay, runtiina waxay u fidiyeen gacan bini’aadannimo, waana ku guuleysteen samata bixinta Dadkii baahnaa, muddo kadibna waa ay ka baxeen sabab kasta ha ahaatee sanadkii 1995-kii.

Markaasi waxaa sababay soo galitaanka Ciidamada shisheeye Macluushii iyo dagaallo sokeeye, balse soo galitaanka Ciidamada waxaa sabab u ah kadib markii Kooxaha Argagaxisu ku fideen meelo ka mid Gobolada Dalka, islamarkaana dhibaatooyin fara badan u geystay Shacabka Soomaaliyeed, Duniduna ay ka baqdin qabtay inay ku sii fiddo shartooda Wadamada kale ee Dariska la ah Soomaaliya sida Kenya, Itoobiya iyo meelo kale.

Mar haddi ay muddo ku sugnaayeen Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee la magac baxay ATMIS markii horena loo yiqiin AMISOM, waxaa loo baahday in ay bedelaan Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed ayay Dowladda Federalka Soomaaliyeed ay dajisay Isteraajiyadda ka bixitaanka Ciidamadaasi sanadka markuu gaaro 2024-ka, inta ka horreysana si tartiib tartiib loo dhimo tiradooda, balse ka hor bixitaankooda loo baahan yahay in Soomaaliya laga qaado cuneqabateynta Hubka ee ay Qaramada Middobay saartay sanadkii 1991-kii.

Haddaba si loo qaado cuneqabateyntaasi ayay Dowladdu geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay si loo qaadi lahaa gabi ahaanba Cuneqabateyntaasi, sidaasi awgeed ayuu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan gaaray waddanka Mareykanka ayaa billaabay olole uu ku doonayo in Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaana uu kulamo la qaatay Madax ka tirsan dowladda Mareykanka, waxaa kaloo uu ka qeybgalay fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Madaxweynaha waxa uu khudbad ka jeediyay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka argagixisada Al-Shabaab, isagoo xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka, islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa Wejigaa 2-aad ee dagaalka dalka lagaga sifeynayo argagixisada Al-Shabaab, waxaa kaloo uu la kulmay Madaxda Hey’adaha Caalamiga ah, kuwaas oo ay iska wareysteen taageero caalami ah ee dadaalka dowlada ay ku bixineyso xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran.

Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna madaxda howlgalka ATMIS, El-Amine Souef ayaa ugu baaqay Golaha Amaanka inay ka qaadaan xayiraada Hubka culus ee saaran Somalia laga soo bilaabo ilaa sanadkii 1991-dii markaasoo uu burburay Nidaamkii Dowladeed iyo kala dambeyntii…

Sarkaalkaan ATMIS Hogaamiya ayaa sheegay ka qaadista cunaqabateynta hubka ee Somalia ay ka caawinayso Ciidamada Amniga ay awood u yeeshaan inay la wareegaan lahaanshaha Amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha Argagixisada isla markaasna degaanada laga xoreeyo dib loogu howlgeliyo adeegyada asaasiga ah.

Dhowr maalin ka hor ayay ahayd markii Ergo ka socday Golaha Amaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika ay soo gebagebeeyeen safar shaqo oo ay ku soo gaareen Caasimada Mogadishu si ay ugu kuur galaan xaaladda amni ee ka hor qorshaha dhimista Ciidamada ATMIS ee dhamaadka bishan Juun iyo September 2023-ka.

Hawlgalka Nabadda ee Midowga Afrika wuxuu heystaa ilaa 31ka Diseembar 2024-ka,  si uu uga baxaan guud ahaan Dalka, Dowladda Federaalka iyo ATMIS-ka ayaa labaduba xaqiijiyay in ay ka go’an tahay fududeynta in si habsami leh ay Mas’uuliyadaha Amniga loogu wareejiyo Ciidamada Amaanka Soomaaliya.

Ka dib 18 sano iyo saddex hawlgal nabadeed oo caalami ah, Soomaaliya waxay isu diyaarinaysaa inay si buuxda u maamusho ammaankeeda. Hawlgalka Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa isku diyaarinaya in 2,000 oo askari laga saaro dalka marka la gaaroo 30-ka June 2023-ka.

Haddaba si loo gaaro hadafkaasi ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo fulinaya heshiiskii la wareegidda amniga guud ee dalka ayay howlgalka ATMIS kala wareegay Lix saldhigga oo ku kala yaalla Gobolada Shabeelada Dhexe, Shabeelada Hoose iyo Gedo, saldhigyadaasi oo kala ah Cadale, Xaaji Cali iyo Mirtaqwo oo ka tirsan Shabeelada Dhexe oo ay markii hore gacanta ku hayeen Ciidamada Burundi ee ka tirsan Ciidanka ATMIS, Ciidanka Kenyana waxay iyaguna wareejiyeen Deegaanka Gerileey ee degmada Ceelwaaq gobolka Gedo, halka Ciidama Ugaandha ay wareejiyeen Deegaannada Arbacoow iyo Jasiira oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose.

Taliska Ciiddanka Xoogga Dalka ayaa sidan oo kale horay ula wareegay saldhigyadii ATMIS ee degmada Cadale, deegaannada Xaaji Cali, Mirtaqwo iyo deegaanka Arbacow ee duleedka Muqdisho, Ciidama Ugaandha waxay kaloo ka guureen saldhig 3-aad oo ka tirsan Shabeelada Hoose kuna yaalla Marka Ayuub, saldhiggaasi oo la xiray, iyadoo Ciidamaada ka tirsan ATMIS ee wareejiyay Saldhyadaasi waxay tiradoodu dhan tahay 200 Askari, waxaa kaloo la filaa in bisha Septemper ay baxaan 300 arkari oo ka tirsan Ciidanka nabad ilaalinta ATMIS.

Xil-wareejinta mas’uuliyadda amniga oo u dhaceysa si tartiib tartiib ah ayaa qorshaha wajiga koowaad yahay in hawlgalka ATMIS uu dalka ka saaro (2000) oo Askari dhammaadka bishan Juun.

Korneyl Sanay Cabdulle oo ka tirsan Saraakiisha ku sugan Aagga Deegaannada Shabeelada Dhexe oo ka hadlaayay munaasabad howl-kala wareejin oo ka dhacday Degmada Cadale ayaa yiri:-” Waan ku filanahay in si buuxda aan dalka ugala wareegno Ciidamada ATIMIS, dhawaanna waan ciribtireyna Khawaarij”, isagoo la dardaarmayay Ciidamada Qaranka ee la wareegay Saldhiggii Cadale oo ay kala wareegeen Ciidanka Burundi oo in muddo ah ku sugnaa Deegaanadaasi ayaa sii raaciyay “ Saldhig in lala wareego muhiim ma ah ee waxaa la iska rabaa in ammaanka guud la lala wareego”.

 

Wasiirka cadaaladda oo ka hadlay la dagaallanka musuqmaasuqa

Wasiirka Cadaaladda iyo dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in qorshaha la dagaallanka musuq maasuqa ee dowladdu uu marayo meel wanaagsan.

Wasiirka ayaa sheegay in guddiga la dagaallanka musuqa uu yahay mid dastuuri ah dhismahiisuna uu haatan socdo, lana hor geeyn doonno golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka si loo meel mariyo, isagoo intaasi raaciyay in ay sii wadi doonaan howlaha horyaalla ee lagama maarmaanka u ah la dagaallanka Musuqmaasuqa shuruucdiisa kalena ay dhamaystiri doonaan.

Dhinaca kale Sheekh Maxamed Idiris ayaa sheegay in Diinta Islaamka ay qof kasta oo muslim ah farayso Ilaalinta amaanada, wuxuuna musuqu ku tilmaamay mid xaaraam ah oo uu Alle fogeeyay, isagoo dowladda ku ammaanay tallaabada ay u qaadday la dagaallanka musuqa.

 

Baarlamaanka Carabta oo canbaareeyay qaraxii ay khawaarijtu la beegsatay masjidka Daaru Nicma

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa cambaareeyay qaraxii ay Malleeshiyada Argagixisada ee Al-Shabaab la beegsadeen Masjid ku yaalla deegaanka Daaru Nicma ee Gobolka Shabeelaha dhexe  Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta ayaa falkaasi ku tilmaantay dembi fool xun oo ka dhan ah damiirka aadanaha, kaas oo kasoo horjeeda shareecada Islaamka iyo qawaaniinta Caalamka.

Baarlamaanka Carabta ayaa xaqiijiyay in argagixisadu aysan diin lahayn, isaga oo carabka ku adkeeyay in ay lagama maarmaan tahay in la mideeyo dhammaan dedaallada ay dunida Carabta kula dagaallamaysao khawaarijta heer gobol iyo mid caalami.

Baarlamaanka Carabta ayaa mar kale sheegay in Soomaaliya ay si buuxda uga garab siinayaan dagaalka ay kula jirto argagixisada, iyadoo muddadii uu socday laga gaaray guulo la taaban karo laguna naafeeyay kooxaha argagaxisada ah.

 

Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay qaar ka mid ah hay’adaha sama falka

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay Wafdi sare ah oo ka socday Hay’adaha Caalamiga ee World Vision, DRC ICF iyo SOMREP oo soo gaaray Jowhar.

Kulankan oo Madaxweynaha ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirrada ayaa looga hadlay kor u qaadida mashaariicda horumarinta oo Hay’adahaan ay ka wadaan deegaanada Hirshabeelle iyo kuwa u qorsheysan gaar ahaan ka hortaga fatahaadaha wabiga shabeelle, Beeraha Cunnada iyo sare qaadista dalagyada abuurka, caawinta barakacayaasha iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Madaxweynaha ayaa Hay’adahaan la wadaagay in muhiimad gaar ah ay u leedahay in adeegyada horumarinta la gaarsiiyo deegaanadii dhowaan laga xoreeyay kooxda khawaarijta alshabaab si bulshada ay u helaan adeegyada muhiimka ah.

Ciidanka xoogga dalka oo fashiliyay qaraxyo ay dhigayeen khawaarijta

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Ururada 7-aad iyo 9-aad, guutada 18-aad ee kumaandooska GorGor ayaa howlgal gaar ah oo ay ka sameeyeen degaanada Ceel-xaaji iyo ceel-dhiigtaar oo hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud waxa ay ku fashiliyeen qaraxyo ay dhigayeen khawaarijtu, si ay u wax yeelleeyaan bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha ururka 7 aad ee kumaanooska GorGor dhamme, Mahad Iimaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan oo lagu baacsanayo haraadiga Khawaarijta isla markaana lagu soo saaray Miinooyin ay khawaarijta ku aaseen wadooyinka ay isticmaalaan dadka Shacabka ah.

Turkiye iyo Masar oo magacaabay safiirro ka howlgala dalalkaasi

War qoraal ah oo ay si wada jir ah u soo saareen wasaaradaha arrimaha dibadda ee Turkiye iyo Masar ayaa lagu sheegay in labada dal ay magacaabeen laba safiir oo ka shaqeyn doona dib u soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dhinacyadaasi.

Turkiye ayaa u magacaabay Salih Mutlu Sen inuu noqdo safiirka dalkaasi u fadhin doona Masar,halkaDowladda Masar ay safiir u magacaabeen  Amr Elhamamy,kaas oo ka howlgali doono Magaalada Ankara.

“Dadaalka cusub ee loo qwaaday soo celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waxaa loo fuliyay si waafaqsan go’aanka ay qaateen madaxweynayaasha labada dal,” ayaa lagu yiri bayaankaasi.

“Tallaabadan waxay ujeedadeedu tahay dib-u-habaynta xiriirka labada dal,waxayna ka tarjumaysaa rabitaanka wadajirka ah ee lagu hagaajinayo xiriirka laba geesoodka ah ee danaha dadka Turkiga iyo Masar.”

 

Qaramada Midoobay oo walaac xooggan ka muujisay xaaladda magaalada Jeniin ee Daanta

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa walaac xooggan ka muujiyay dhibatooyinka  ka socda magaalada Jeniin ee Daanta Galbeed, kadib markii Ciidamada Israa’iil ay  halkaasi ka bilabeen hawlgalkii ugu ballaarnaa muddo 20 sano ah oo ay ciidamada Israa’iil ku bartilmaameedsanayaan Shacabka reer Falastiin ee magaalada Jeniin.

Ciidammada Israa’iil, ayaa magaalada Jeniin, ka bilaabay weerarro ballaaran oo cir iyo dhul ah, halkaas oo ay ku dileen 9 falastiiniyiin ah, halka 28 kalena ay ku dhaawacmeen.

Sidokale, Hay’adda Qaramada Midoobay ee Gargaarka Qaxootiga Falastiin “UNRWA” ayaa soo saartay Bayaan Isniintii shalay, si loo hubiyo xaaladda dadka ku waxyeelloobay xerooyinka magaalada.

UNRWA, ayaa ku baaqday in Ciidamada Israa’iil ay si degdeg ah u joojiyaan howlgalka, si dadka dhaawacmay ay u helaan daryeel caafimaad.