Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Kormeerey Bar kantroolada laga ilaaliyo Amniga Magaalada Baydhabo

Date:

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Kormeerey Bar kantroolada laga ilaaliyo Amniga Magaalada Baydhabo isagoona Ciidamada ku sugan furumaha kula derdaarmay inay xoojiyaan Sugida Amniga iyo ka hortaga Falalka Guracan ee Cadowga Khawaarijta Alshabaab ay ku dhibaateynayaan Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweyne Laftagareen ayaa sido kale Kormeerey Saldhiga Booliska Magaalada Baydhabo Halkaas oo kulan kula qaatay Saraakiisha Ciidanka Booliska oo ka dhagaystay Warbixin ku saabsan Howlaha Amni iyo sida ay usugayaan Amniga Shacabka

Kormeerka Madaxweynaha waxaa ku Wehlinayey Wasiirka Amniga, Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka, Taliyaha Ciidanka Booliska Qeybta Gobolka Baay, Taliyaha Saldhiga Degmada Baydhabo iyo Taliyaha Ciidanka Daraawishta Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...