Home Blog Page 361

Qorshaha Wasiirka Magacaaban ee wasaaradda Maaliyadda Biixi Iimaan Cige.

0

Mudane biixi iiman cige ayaa ra’iisal wasaaruhu  u magacaabey  wasiirka maaliyada xukuumadda federaalka soomaaliya 8dii luulyo 2023 kadib hoggaamintiisii saameynta laheyd  ee wasaarada  shaqadda iyo arimaha  bulshadda .

Mudadii uu ahaa wasiirka  shaqada iyo  arimaha bulshada  waxa uu hormood ka haa hindiseyaal dhowr ah  oo ay kamid yihiin  dib-u-habeynta ha’ayadaha dowladda, diyaarinta sharciga cusub  shaqaalaha iyo siyaasado  lagu hormarinaayo xaaladaha shaqaalaha  iyo fursadaha shaqaaleysiinta  ee loo siman yahay

Ka wasiirk maaliyada ahaan, waxa uu  mudane biixi hogaamin donaa howlo muhiim ah oo ay ku jiraan hannaanka deyn-cafinta iyo  dib u habeynta nidaamka maaliyadda dalka  si loo hubiyo  wax ku oolnimada balanqaadka dowlada hirgalinta hufnaanta, isla xisaabtanka kobaca dhaqaalaha.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka xukuntay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo Khawaarijta ka tirsanaa.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa saaka 15 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Yusuf Duqow Xuseen Dhicisow, oo Khawaarijta ka tirsanaa.

Duqow ayaa Khawaarijta kaga biiray Buur-Eylo oo Buur-Hakaba hoos tagta, waxa uu mushaar ahaan u qaadan jiray Bishii Lacag $70 ah.

Ceeltimir, Dayniile ayaa lala dajiyay Haweeney si’uu uga fuliyo Muqdisho Dilal iyo Qaraxyo.

14 May sanadkaan ayaa Yusuf la soo qabtay isaga oo Bom F1 ku tuuray Waaxda Labaad ee degmada Hodan.

𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorayaasha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku dhawaaqay xukunka dhagar qabaha.

Howlgal lagu baacsanayo firxadka Khawaarijta ayaa laga sameeyay Gobalka Shabeellada Hoose

0

Howlgal lagu baacsanayo firxadka Khawaarijta ayaa laga sameeyay Gobalka Shabeellada Hoose,gaar ahaan deganada deexda ah ee Ceel-maracade, Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo, waxaana lagu soo qabqabtay tiro dad ah oo lagu tuhmay inay la shaqeynayeen Khawaarijta, waxaana lagu burburiyay fariimo si qarsoodi ah ay halkaas uga sameysteen Khawaarijtu.

guddoomiye sheekh aadan madoobe oo shir guddoomiyey kulanka guddiga joogtada ee golaha shacabka

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta Shir guddoomiyay kulanka 24-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS oo looga hadlaayay dib u furida kulamada Golaha iyo soo bandhigista nuqulada iyo ajandeynta kulamada ka harsan kalfadhiga seddaxaad.

Kulanka oo ay goob joog ahaayeen guddoomiye ku-xigeenada Golaha iyo dhammaan xubnaha Guddiga Joogtada ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay arrimaha la xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee dowladda, dib u eegista dastuurka KMG ah iyo heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran oo ay xukuumadu usoo gudbisay Golaha. Waxaana laisku raacay in guddi gaar ah oo katirsan guddiga joogtada loo saaro, kaas oo kasoo tala bixiya go’aankii ama heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ay gaareen isla-markaana warbixintooda ku soo celiyaan Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka BJFS.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ee sodma ayaa maanta ku qaabilay Wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Turkiga

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA ku qaabilay Wafdi heer sare ah oo ka socday dowladda Turkiga si gaar ah Hay’adda IHH ee oo ah Hay’ad Turki ah kana shaqeysa Caawinta arrimaha bini’aadamnimada.

Kulanka ayaa looga hadlay in Hay’adda IHH Hay’add SoDMA ka taageerto sidii gargaar loo gaarsiin lahaa deeganadii dhawaan la xoreeyey,in goobahas iyo deeganada kale ee dalka laga hirgaliyo mashaariicyo ay ugu horeyaan ceelal biyoodyo iyo goobo cafimaad,in ay ka taagerto dhanka Tababaradda iyo qalabeenta xarunta howlgalada gurmadka deg-deg ah ee NEOC iyo in xiriirka labada Hay’addood sare loo sii qaado.

Wafdigaan waxaa hogaaminayey Madaxa xiriirka Arrimaha gargaarka ee IHH Mudane Taner Altun,Hassan demir madaxa xafiiska IHH ee somaliya,waxaana kulankaan qeyb ka ahaa masuuliyiin katirsan Hay’adda SoDMA.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa guddoomiyay kulan looga hadlay xaaladda amniga

0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xildhibaan Cabdifitaax Qaasim ayaa guddoomiyay kulan looga hadlayay xaaladda amniga dalka iyo qorshaha kala guurka ciidamada, waxaana kulanka ka qeyb galay la taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macallin iyo wadfi ka socda Midowga Africa

shirka golaha wasiirrada

0

Golaha Wasiirrada X.F.S oo yeeshay maanta kulankoodii caadiga ahaa oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah.

Golaha ayaa ka dhageystay warbixinno Wasaaradda Difaaca iyo Taliyaha howlgalka Wadajirka ee Wejiga Labaad oo lagu ciribtirayo Khawaariijta, taasoo la xiriirta diyaar garoowga wajiga labaad ee hawlgallada dalka looga xoreynaayo kooxaha Khawaarijta ah, waxa ayna tilmaameen in uu dhawaan bilaaban doono hawlgalkan oo loo bixiyey Libaaxa Madow.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda DanQaran uga go’an tahay dabargoynta Kooxaha Nabad-diidka ah ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo ku jira xaalad naf la caari ah, kaddib markii awooddoodii ciidan, dhaqaale iyo fikirba si weyn loogu wiiqay wajigii koowaad ee hawlgalkan.

Sidoo kale, Golaha ayaa warbixinno ku saabsan Deyn Cafinta iyo Canshuur dhaafka, Wax Soo Saarka Dalka (GDP) 2022 iyo Hannaanka Deeqaha Caalamiga ee (Somalia Aid) ka dhageystay Wasaaradaha Maaliyadda iyo Qorshaynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.

Guddigii qaban-qaabada Munaasabadaha Toddobaadka Xorriyadda, ayaa golaha la wadaagay sidii guusha ahayd ee ay ku soo dhammaadeen xuskii toddobaadka xorriyadda oo dalka oo dhan lagu qabtay munaasabado lagu wayneynayey, waxa uuna goluhu ku bogaadiyey guddiga sidii wanaagsanayd ee ay u agaasimeen xuskii maalmihii xorriyadda.

Toban milyan ayaa ku biiray app cusub Meta’s Threads app-ka cusub ee la furay todobadii saacadood ee ugu horeysay

Toban milyan oo isticmaale ayaa iska diiwaan galiyay Meta’s Threads app-ka cusub ee la furay todobadii saacadood ee ugu horeysay, madaxa shirkada Mark Zuckerberg ayaa sidaas yidhi.

Waxa uu u dhigay app-ka mid “saaxiibtinimo” kula tartamaya Twitter, kaas oo uu iibsaday Elon Musk bishii Oktoobar.

Khubarada ayaa sheegaya in Threads ay soo jiidan karto isticmaaleyaasha Twitter-ka oo aan ku faraxsanayn isbeddelada dhowaan lagu sameeyay goobta.

Threads waxay u ogolaataa isticmaalayaasha inay dhejiyaan ilaa 500 oo xaraf, waxayna leeyihiin astaamo badan oo la mid ah Twitter.

Mar sii horreysay, Mr Zuckerberg wuxuu sheegay in la ilaaliyo masraxa “saaxiibtinimo… ugu dambeyntiina ay fure u noqon doonto guusheeda”.

Mar la weydiiyay Threads in app-ku uu “ka weynaan doono Twitter-ka iyo in kale”, Mr Zuckerberg wuxuu yiri: “Waqti ayay qaadan doontaa, laakiin waxaan qabaa in uu jiro app wada hadal dadweyne oo ay ku jiraan 1 bilyanoo qof.

“Twitter waxay heshay fursad ay ku sameyso tan laakiin ma aysan daneyn, waxaan rajeyneynaa inaan sameyno.”

Tartamayaashu waxay dhaleeceeyeen tirada xogta uu appku isticmaali karo.

Tan waxa ku jiri kara caafimaadka, dhaqaalaha, iyo xogta daalacashada ee ku xidhan aqoonsiga isticmaalayaasha, sida uu qabo Apple App Store.

Xargaha hadda waa la heli karaa si loo soo dejiyo in ka badan 100 waddan oo ay ku jirto UK, laakiin aan weli ku jirin Midowga Yurub walaac sharciyeed awgeed.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha oo furay kulan muhiim ah

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane, Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta shir guddoomiyay Kulan Wadareedka Farsamo ee dhaqangelinta heshiiska Golaha Wadatashiga ee Hannaanka Doorashooyinka Qaran.

Kulankan ay goobjoog ka ahaayeen farsamoyaqaanno ka socday Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Dastuurka, xafiisyada madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha iyo howlwadeennada shaqada sii wada ee katirsan guddiyada doorashooyinka iyo xuduudaha ayaa xoogga lagu saaray sidii loo heli qorshe shaqo oo dhameystiran oo la xiriira doorashooyinka.

Ugu horreyn Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa howlwadeenna kala duwan ee matalayay xafiisyada kala duwan uga waramay ahmiyadda  in la helo qorshe dhameystiran iyo kaallimo kala cad oo la xiriira doorashada taas oo lagu shaqeynayo muddada soo socota.

“Waa in xafiisyadan kala duwan ay isla dejiyaan roadmap lagu shaqeeyo, oo cid walba ku qanci karto iyada oo la tixgelinayo heshiiska doorashada ee ay gaareen madashada wadatashiga qaran” ayaa ka mid ahaa hadaljeedinta Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Axmed Macallim Fiqi.

Inta uu kulankan socday waxaa soojeedinno kala duwan soo bandhigay xafiisyada iyada oo laga dooday shuruuc badan oo wax kabadal u baahan, waxaa la iska soo qaaday arrimaha sharciga,  wacyigelinta, la falgalka saamileyda iyo qeybaha kale ee jileyaasha siyaasadda iyo bulshada.

 

Salva Kiir oo ballan qaaday qabashada doorashadii ugu horreysay ee dalkiisa

Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir, ayaa ballan-qaaday in aanan dib loo dhigi doonin doorashada dalkiisa waxii ka danbeeya sannadka soo socda, sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AFP.

Salva Kiir, ayaa Madaxweyne ka ahaa Koonfurta Suudaan, tan iyo sanadkii 2011-kii markaas oo uu dalkiisa ka go’ay  dal weynaha Suudaan.

Waxaa la qorsheynayay in doorashada dalkani ay dhacdo bishii February ee sanadkan 2023-ka, balse dowladda ayaan ilaa hadda ku guuleysan inay buuxiso qodobadii ugu muhiimsanaa ee heshiiska nabadeed ee dhex maray dhinacyada is khilaafay hoggaanka dalkan.

Koonfurta Suudaan, ayaa ka mid ah dalalka ugu saboolsan Afrika, inkastoo uu leeyahay kayd shidaal, balse tan iyo markii uu dalkan madax banaanidiisa ka qaatay Suudan waxaa ka jiray  xaalado dagaal, kuwaasi oo ay ku naf wayeen ilaa 400,000 oo qof, ka hor inta aysan Salva Kiir iyo Machar,  aanay saxiixin heshiis nabadeed sannadkii 2018-kii.