Home Blog Page 360

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Muqdisho ku shir guddoominaya shir wadatashi oo ay ka soo qeybgelayaan madaxda hadda talada haysa iyo kuwii hore.

2- Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimada, amniga iyo hormarinta dalka.

3- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad uu ku sharaxay xaaladda dalka iyo muhimadda taageerada dowlad dhiska Soomaaliyeed ka jeediyay Xarunta Degmada Yaaqshiidka oo lagu qabtey munaasabad loogu mahad celiyay guddigii ka shaqeynayay munaasabadaha toddobaadka xorriyadda dalka.

4- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo taageeray dadaalada ay wadaan odayaasha  dhaqanka ee Puntland ee la xiriira xal u helista xurgufta siyaasadeed ee dhowaan halkaasi ka dhacdey.

5- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shir guddoomiyey kulan ballaaran oo looga hadlayey u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee Urur Goboleedka Iskaashiga Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Bariga Afrika ee (EAC).

6- Ra”iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ku baaqey muhiimad siinta xuquuqda Shacabka Soomaaliyeed ee helidda biyo nadiif ah iyo koronto jaban.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golaha Wasiirada, isagoo wasiiro cusub u magacaabey wasaaradaha Maaliyadda, iyo Shaqada iyo Shaqaalaha.

8- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magacaabay guddi gaar ah oo ka soo talabixiya heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee dhexmarey Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada .

9- Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Xeer Nidaamiyaha Habraaca Hagaha libka Deg-Degga ah.

10- Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Suleymaan Maxamed Maxamuud oo shaaciyay liiska 18- qof oo isugu jira mas’uuliyiin iyo hawl-wadeeno ka tirsan hay’adaha dowladda oo loo haysto eedaymo musuq maasuq, qaarkoodna ay baxsad ka yihiin caddaaladda.

11- Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac oo Muqdisho ka daah-furay Shirweynaha Qurba Joogta Soomaaliyeed.

12-  Wasiirka Gaashaandhigga ee Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa Muqdisho ka sagootiyay Guutada 24-aad ee Khaalid Bin-waliid ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo ku biiraya jiidaha hore ee dagaalka ee ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab.

13- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa shir guddoomiyay kulan wadareedka farsamo ee dhaqan gelinta heshiiska Golaha Wadatashiga ee Hannaanka Doorashooyinka Qaran.

14-  Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Daauud Aweys oo ka qeyb galay dood lagu qabtay Twitter Space-ka Telefashinka Qaranka ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay soo ceshato doorkii ay ku lahayd siyaasadda gobolka iyo xoojinta siyaasadda arrimaha dibedda.

15-  Wasiirka  Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa kormeeray xarunta Akademiyadda Generaal Kaahiye oo ay ka socoto sixidda imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare, sannad dugsiyeedka 2022/2023.

16-  Wasiirka Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed ayaa magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudiga kulan kula qaatay dhiggiisa dalkaas Eng. Cabdiraxmaan bin Cabdulmuxsin Al-Fadhly.

17-  Wasiirka Amniga ee Soomaaliya Dr Maxamed Cali Doodishe ayaa Mudane Axmed Siciid Maxamed u Magacaabay Agaasimaha KMG ah ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

18- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan kaga qaybgalay shirka Ururka Dalalka Dhexdhexaadka ee (Non-Aligned Movement).

19- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay in ciidanka qaranku si buuxda ula wareegay xarumihii ay banneeyeen ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS.

20- Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha  Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda UNDP iyo hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Sweden (SIDA) ayaa ka hirgelisay Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed waxbarashada heerka 2-aad ee takahsuska isku-dhafka maareynta kheyraadka biyaha (Master of Science in Integrated Water Resources Management) oo ah takhasuskii u horeeyey ee noociisa ah oo Soomaaliya laga hirgeliyo.

21- Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka oo xaqiijiyey in 40 eedaysane loo qabtay eedo la xiriira musuqmaasuq.

22- Taliyaha Hay’adda Sirdoonka Kenya Mudane Nuuradiin Maxamed Yuusuf Xaaji ayaa Muqdisho yimid kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa Soomaaliya Mudane Mahad  Maxamed Salaad, si ay uga wada hadlaan iskaashiga labada dal ee dhinaca sirdoonka iyo la dagaalanka Khawaarijta Al Shabab.

23- Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Muqdisho ka hirgalisay xarun lagula tacaalayo cudurka cagaarshowga.

24- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Mudane Maxamuud Macallin oo kulan la yeeshay wafdi ka socday Hay’adda Bisha Cas ee Turkiga.

25- Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo talo-bixin dadweyne gelineysa qabyo-qoraalka qorshaha hay’adda ee 2023-2027.

26-  Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa dilay in ka badan 40 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta Al Shabab hawlgal ka dhacay deegaanka Welmarow  ee Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.

27-  Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliya ee Gorgor ayaa burburiyay fariisimo ay Khawaarijtu ku lahaayeen deegaano hoos taga Degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud.

28- Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal lagu baacsanayo Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay degaano isku xira gobollada Banaadir, Shabeellahe Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

29-  Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo ciidanka degaanka Bajeela ayaa duleedka degaanka Baraag-Ciise ku dilay xubin ka mid ah maleeshiyaadka  Khawaarijta halka mid kalena  nolasha lagu soo qabtay.

30-  Ciidamada Xoogga Dalka ayaa howlgal lagu baacsanayo firxadka khawaarijta ka sameeyay Gobolka Shabeellaha Hoose,gaar ahaan degaanada deexda ah ee Ceel-maracade, Gaacal-yaabar, Isgoyska Jiirley iyo Garasqaajo.

31- Ciidamada ATMIS ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degaanka Baladul-Amiin ayaa dilay xubno ka mid ah kooxaha Khawaarijta oo doonayey inay weerar gaadmo ah halkaasi ka geystaan.

32- Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta Jubbaland ayaa howlgal  amni oo lagu baacsanayo Khawaarijta Al Shabab ka fuliyay inta u dhexeeysa Degmooyinka Afmadow iyo Kismaayo.

33- Awoodda Khawaarijta Al Shabab ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose oo si weyn loo wiiqay muddadii sannadka ahayd ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamiga weerarada isdaba jooga ku wadeen Khawaarijta. Hawlgaladaasi Shabeellaha Hoose waxaa Khawaarijta looga dilay 800 oo maleeshiyaad, kuwo kale oo badanna waa lagu dhaawacay

34- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo fadhigooda yahay degaanka Danoow ayaa  fashiliyay weerar ay Khawaarijta Al Shabab damacsanayeen inay ka fuliyaan degaannadda Kabtaanka,Waagade iyo Seddax Buundo oo ka tirsan Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha hoose.

 

Soomaaliya iyo Jordan oo ka wada hadlay la dagaallanka argagixisada

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa kulan miro dhan ah la qaatay Taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dowladood ee dhanka difaaca.

Wasiirka ayaa markii uu gaaray Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga dalka Jordan (JAF) waxaa la guddoonsiiyay shahaado-sharaf ciidan oo dhameystiran, waxaana salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka mid ah ciidanka Jordan.

Wasiirka iyo taliye Huneiti ayaa ka wada hadlay iskaashiga milateri ee u dhexeeya ciidamada labada dal , iyagoo hoosta ka wada xarriiqay in Jordan iyo Soomaaliya ay leeyihiin dan guud oo lagu xoojinayo ammaanka, nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo caalamka.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in dalkiisa uu sanado badan wajahayay dagaalka ka dhanka ah argagixisada, taas oo caqabad ku ah amniga iyo xasilloonida.

Mudane, Jaamac ayaa taliyaha Ciidanka Dalka Jordan Sarreeye Gaas,Yousef Huneiti la wadaagay in Soomaaliya ay baahi degdeg ah u qabto in ay ka faa’ideysato khibradda Ciidamadooda ee ku aaddan la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta awooda ciidanka xoogga dalka, si loo cirib tiro kooxaha khawaarijta ee ragaadiyay nabadda Soomaaliya.

Shirka wada tashiga oo maanta ka furmaya Muqdisho

Shir wata tashi Qaran ah oo uu iclaamiyay Madaxweynaha dalka mudane, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu maanta ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirkan oo ay ka qeyb geli doonaan madaxda hadda haysa hoggaanka iyo madaxdii hore ee dalka ayaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, iyadoo lays weydaarsan doono talooyin ku aaddan arrimaha masiiriga ah ee Qaranka.

Shirkan waxaa uu qeyb ka yahay barnaamijka dowladda ee talo wadaagga iyo wadar oggolka gaarista go’aamada masiiriga ah ee Soomaaliya, kaas oo socon doono muddo laba maalmood ah.

Dowladda Federaalka oo mashaariic horumarineed ka hirgelinaysa magaalada Baraawe

-Wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayaan Wasiirka waxbarashada XFS, Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiirka deegaanka iyo is-beddelka Cimillada, Khadiija Maxamed Al-Maqsuumi, wasiirro iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka koofur galbeed ayaa gaaray magaalada Baraawe ee xarunta maamulka koofur galbeed.

Wafdiga ayaa markii ay halkaasi tageen waxa ay dhagax dhigeen waddada isku xirta Garoonka diyaaradaha iyo magaalada Baraawe iyo xarunta TB-da (Qaaxada) ee Isbitalka degmada, taasi oo ay baahi weyn u qabeen dadka ku dhaqan magaalada Baraawe.

Guddoomiyaha degmada Baraawe, Dr; Liibaan Abuukar Cusmaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in socdaalka wafdiga uu ujeedkiisu ahaa dhagax dhigga xarunta TB-da ee daryeelka Caafimaadka asaasiga, taas oo muhiimad weyn u leh shacabka ku dhaqan Caasimadda dowlad goboleedka koofur galbeed.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellada hoose, Maxamed Ibraahim Barre ayaa Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya uga mahad celiyay mashaariicdan horumarineed oo ay ka mid yihiin wadda xiriirisa Garoonka diyaaradaha iyo gudaha magaalada Baraawe oo uu dhererkeedu yahay 8-KM iyo xarunta TB-da ee Isbitaalka Magaalada.

Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada XFS, Marwo, Khadiijo Maxamed Al-maqsuumi ayaa sheegtay in wasaaradeedu ay ka shaqayn doonto  sidii loo horumarin lahaa magaalada iyo bacaadka maalmihii ugu dambeeyay ku fidayay xaafadaha degmada.

Mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka koofur galbeed ayaa waxaa iska kaashanaya Dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka koofur galbeed iyo Bankiga Adduunka.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo qaabbilay wafdi ka socda WFP

Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimada Dowladda Hirshabeelle ku qaabilay wafdi ay hoggaaminaysay Ku Xigeenka Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka WFP ee Soomaaliya Marwo Laura Turner.

Madaxweynaha oo kulankaan ay ku wehliyeen qaar kamid ah Golihiisa Wasiirrada ayaa looga hadlay dhibaatooyinka fatahaadaha uu wabiga shabeelle ka geysto deegaanada Hirshabeelle, Taageerada Beeraleyda si kor loogu qaado horumarinta wax-soosaarka beeraha, caawinta barakacayaasha, maalgelinta iskaashatooyinka beeraleyda, caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada, Shaqo Abuur dhalinyarada iyo Kaalinta Hay’adda WFP ee horumarinta Magaalooyinka laga xoreeyay kooxaha khawaarijta ah.

Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Hay’adda WFP garab istaagga ay siiyaan shacabka Hirshabeelle gaar ahaan ka jawaabista xaaladaha deg-dega ah isagoo ku adkeeyey xoojinta iyo sii wadista maalgashiga, horumarinta iyo wax soosaarka beeraha.

Wasiir Fiqi oo qurba joogta Soomaaliyeed ku ammaanay doorka ay ka qaateen maal gashiga dalka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dibu-heshiisiinta XFS Mudane, Axmed Macallim Fiqi oo ka qeybgalay meertada 2-aad ee shirwaynaha qurba joogta Soomaaliyeed  oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha dibedda ayaa khudbad uu kajeediyay waxaa uu sharraxay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha xoraynta dalka, la dagaallanka fikirka iyo maaliyadda ee kooxaha khawaarijta.

Mudane, Axmed Macallim Fiqi waxaa kale uu kala hadlay Arrimaha Xasilinta goobaha dhawaan laga xoreeyay khawaarijta, sarraynta sharciga iyo geeddi socodka Dowladnimada dalka oo ay hoggaanka ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

Ugu dambayn, Wasiir Fiqi ayaa si gaar ah uga mahadceliyay Qurba joogta Soomaaliyeed ee kasoo qaybgalay Shirwaynaha 2-aad ee Qurba joohgta Soomaaliyeed sida xoogga leh ee ay uga qayb qaateen maal gashiga dalkeenna hooyo ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo shahaado sharaf guddoonsiiyay Wiil Suuriyaan ah

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ,Xamse Cabdi Barre ayaa shahaada sharaf guddoonsiiyay Cali Saahir oo ah Wiil yar oo kasoo jeeda dalka Suuriya, kaas oo wacdaro ka dhigay xuska maalmaha xorriyadda Soomaaliya iyo is raacii labada gobol 1-da Luulyo.

Ra’iisul wasaare Xamsa ayaa sheegay in wiilkani ay garab istaag iyo dhiirri gelin buuxda u sameeyn doonaan.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ugu mahad celiyay saacidaadda dhaqaale ee uu u fidiyay Wiilkan Suuriyaanka ah iyo shaqada uu u ballan qaaday marka uu qaan gaaro.

 

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan midnimo

Ra’isul wasaaraha XFS Mudane , Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Midnimada, Amniga iyo Hormarinta dalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, oo ka hadlayay munaasabad loogu mahad celiyay guddigii ka shaqeynayay toddobaadka Xorriyadda dalkeenna, ayaa sheegay in isbeddelka amni ee Caasimaddu uu horseeday in caawa ay degmada Yaaqshiid ku qabsoonto munaasabaddan.

“in aan caawa saacaddan joogno  degmada Yaaqshiid waxay ka tarjumaysaa isbaddelka amniga caasimadda. Waxaan ku soconnaa jidkii guusha gaar ahaan reer Muqdiisho, waxaa muuqata yididiilo in cabsida Khawaarijta ay ka baxday quluubteenna. Haddaan rabno Khawaarijta in aan ka guuleysano waa in aan qalbigeena ka saarno cabsidooda iyo Jacaylkooda.”Ayuu yiri R/Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalkeenna muddo 63 sanno ah waxa halkaas dhigay ay yihiin eex, Musuq iyo Siyaasadda qaloocan, haddana ay dowladdu waddo dadaallo xooggan oo lagu ciribtirayo musuqmaasuqa iyo maamul xumida.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa tilmaamay in dadka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaado iyo in xalka siyaasadda lagu raadiyo qori iyo qabyaalad, waxa uuna ku baaqay in la iska kaashado sidii loo dhammeyn lahaa khilaafaadka ka taagan Gedo, Puntland, Hiiraan, Laasacaanood iyo Koonfur-galbeed, iyadoo uu xusay in doorka ugu muhiimsan ee nabadda ay leeyihiin Odeyaasha dhaqanka oo soo samatabixiyey dalkeenna, xilliyadii burburka.

 

Duqa Muqdisho oo tabarucaad dhaqaale u ballan qaday Wiil Suuriyaan ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in guusha iyo amniga ay bulshada Caasimadda ku naallooneyso ay ku timid iskaashiga iyo wada jirka Ciidamada ammaanka iyo shacabka Soomaaliyeed.

” Amniga Muqdisho in uu hagaago Shacabka Caasimada iyo laamaha amniga ayaa si wadajir ah iskaga kaashaday waana mahadsanyihiin.”

Guddoomiye Madaale ayaa xusay in dadka ka dhex muuqday dabaal deggii maalmaha xorriyadda uu ka mid ahaa wiil yar oo Suuriyaan ah, kaas oo door weyn ka qaatay sare u qaadidda xamaasaddaiyo shucuurta ka qeyb galayaasha munaasabadda.

Cali Saahir oo ka soo jeeda dalka Suuriya ayaa hees guubaabo ah  ka qaaday Xafladda Mahadcelinta guddigii ka shaqeeyay Todabaadka Xoriyadda, taas oo weyn u gilgishay qalbiyada dadkii goobta ku sugnaa.

Mudane, Madaale ayaa sheegay in wiilkan yar ay siin doonaan tabarucaad dhaqaale oo bille ah marka uu qaan gaarana la siin doono shaqo maaddaama uu ka mid ahaa dadkii qurxiyay ama boorka ka jafay munaasabaddii 1-da Luulyo.

Cali Saahir oo ah dhowr iyo toban jir kana mid ah qaxootiga Suuriyaanka ee ku nool Muqdisho ayaa ka mid ahaa dadkii sida weyn ugu dhex muuqday xuska maalinta xorriyadda Soomaaliya iyo midowgii labada gobol ee Soomaaliya, isagoo si weyn usoo jiitay indhaha warbaahinta gudaha iyo tan Caalamka.

 

Maxkamadda Gobolka Banaadir Waxaa ay Baafineysaa Masuuliyiin dhawaan Xeer ilaalintu ku soo eedeysay Musuq Maasuq.

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir Waxaa ay Baafineysaa Masuuliyiin dhawaan Xeer ilaalintu ku soo eedeysay Musuq Maasuq.