Home Blog Page 343

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka oo la kulmay safiirka Talyaaniga

0

Agaasimaha guud ee wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada xukuumadda Federalka Soomaaliya mudane Bashiir Macallin Cali Xassan ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Pier Mario Dacco’ Coppi, Agaasimaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinaca duulista rayidka ee labada dal, iskaashiga iyo horumarinta arrimaha Agaroonada diyaaradaha, gaadiidka dhulka, bad-qabka waddooyinka iyo duulista rayidka.

Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawadaa dowladda FS ayaa wadda dib u habeyn ballaaran iyo casriyeeyn ay ku sameynayso nidaamka gadiidka dalka, iyadoo wasaaradu ay horumarineysa adeegyada ay u hayso shacabka

Xarunta gurmadka ee hay’adda maareynta musiibooyinka oo la hirgaliyey

0

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Generaal Sulub Axmed Firin, ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga ka jaray qeybta wicitaanada xarunta Qaran ee howlgallada Gurmadka deg-dega ah ee hay’adda SoDMA.

Xaruntaan oo baahi badan loo qabay hirgelinteeda, ayaa loo aas-aasay isku xirka howllgalada gurmadka deg-dega ah, ka jawaabidda xaaladaha adag ay la kulmaan bulshada, iyadoo dadka dhibaatooyinka la kulma ama arka ay soo wicikaraan Numbarka Gaaban ee xaruntaan 449.

Tan iyo burburkii dalka kadib waa markii ugu horresay oo qeybtaan la daahfuro si bulshada soomaaliyeed loogu adeego.

Munaasabadan sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, iyo Masuuliyiin kale ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, Sida Culimo, Rugta Ganacsiga, Dhaqaatir, Odayaal iyo Masuuliyiin kale.

Howlgal ka dhacay Puntland oo lagu soo qabtay Xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Khawaarijta

0

:-Ciidanka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ee PSF oo magaalada Boosaaso ka fuliyay hawlgal lagu xoojinayo amniga magaalada ayaa soo qabtay xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Khawaarijta.

Ujeedka howlgalka ayaa ahaa raad-raaca tuhmanayaasha lasoo qabtay oo la aaminsan yahay in Khawaarijta Daacish ay u qaabilsan yihiin hanjabaada ganacsatada deegaanka.

Ciidanka ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan saddex qof oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha falalka guracan ee Khawaarijta, waxaana ku socda baaritaan.

Dood ka dhalatay joogitaanka Ciidamada ATMIS ee Soomaaliya (WARBIXIN)

Waxaan la soconay in Madaxweynaha Kenya, William Ruto, uu sheegay in Kooxda Al-shabaab ay qabsan doonto guud ahaan dalka Soomaaliya haddii ay baxaan Ciidanka ATMIS ee haatan dalka ku sugan, wuxuuna intaasi raaciyay inuu arrintaasi Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh uu kala hadlay in Ciidanka ATMIS aysan ka bixin Soomaaliya, balse ay isku fahmi waayeen arrintaasi, ugu dambeyntiina Madaxweynaha Kenya ayaa ka dalbaday Mareykanka in uu soo fara-geliyo islamarkaaana uu hakiyo qorshaha bixitaanka Ciidanka ATMIS, sidaasi awgeed ayaa la sheegay inuu daba socdo wadahadalada ay khadka Teleefanka ay ku wada xiriireen Madaxeynaha Soomaaliya iyo Xoghayaha arrimha dibadda ee Maraykanka.

Villa Soomaaloiya ayaa daabacday warbixin kooban oo ka hadleysa wadahadalkii labada Masuul, waxa uuna u qornaa sidan:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud oo khadka telephone-ka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken, ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka kooxaha argagixisada iyo qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhammaado kadib. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday amniga iyo xasiloonida Geeska Afrika.

Ugu dambeyn Madaxweynaha JFS iyo Antony Blinken ayaa ka hadlay doorka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), kaasi oo dhawaan loo soo magacaabay Wakiil KMG ah.

Dhinaca Dowladda Maraykanka ayaa iyagana war ka soo saaray wadahadalka Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Maraykanka waxa uuna u qornaa sidan:- “Xoghayaha Arrimha Dibadda Maraykanka Antony Blinken ayaa kala hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Md.Dr.Xasan Seekh Maxamuud wax ku saabsan la dagaalanka Argagixisadda iyo hadafyadda Amni ee la wadaago. Waxay kaloo ka wada hadleen baahidda loo qabo in la dhimo xiisaddaha Gobolka, dhammaystirka Qorshayaasha howlgalka Midawga Afrika(ATMIS) ee Soomaaliya ka dib, iyo sii socoshadda UNSOM”. Sidaasi waxaa Bartiisa X ee loo yaqiin Twitter soo galiyey Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mathew Miller.

La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo tafaasiil dheer ka bixyay joogitaanka ciidamada ATMIS ee Soomaaliya ayaa Jimcihii sheegay in dowladda Soomaaliya filayso in dhammaan ciidamada Itoobiya ay ka baxaan Soomaaliya dhammaadka sannadkan, marka uu dhammaado howlgalka ATMIS.

Dood cusub ayaa ka dhalatay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, waxaana looga hadlay siyaabo kala duwan. Haddaba maxa uu ka yiri La Taliyaha Amniga Xuseen Sheekh Cali ayaa oo ka hadlay, waxaana uuna yiri:- “ waxaa jiri doonaan ciidamo ka socda Waddamada kale ee ka tirsan ATMIS oo sii jooga Soomaaliya, qeybna ka noqonaya howlgalka beddelaya ATMIS oo aan weli magac loo bixin, balse la filayo inay xilka la wareegaan laga bilaabo Jannaayo 2025-ka”.

Farriin uu ku qoray bartiisa X ayaa Xuseen Sheekh Cali uu ku sheegay in ilaa inta Itoobiya ay sii waddo ku xadgudubka gobannimada, midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya aysan Soomaaliya u tixgelinayn waddan loo gaashaanbuuraysto horrumarinta nabadda iyo amniga gobolka, waa sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee SoDMA kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Qatar u jooga Soomaaliya, Dr Cabdullahi Binu Salem Al Nuaimi.

Kulankaan ayaa looga hadlay waxyaabaha ka fulay mashariicdii ay Dowladda Qatar hay’adda u ballanqaadday, dhameestirka waxa ka dhiman, sidoo kale Safiirka ayaa Guddoomiyaha ku wargeliyey in ka dowlad ahaan hay’adda ay la fulin donaan mashaariic cusub oo hor leh, kuwaas oo ay ka mid yihiin u adkaysiga aafooyinka, soo kabashada iyo xalalka waara.

Mashaariicdaan ayaa hay’adda SoDMA waxa ay ka saacidi doonaaan helista Gadiidka gurmadka deg-degga ah, diyaarinta goobaha biyo keydinta, qodista ceelal biyoodyo iyo in gargaar la gaarsiiyo barakacyaasha dib u dajina loogu loo sameeyo goobihii ay ka yimaadeen.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay dowladda Qatar garab istaaggeeda walaalnimo, waxaana intaas kadib kormeer ku tageen xarunta qaran ee ka digista halis-wadareedka hay’adda.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo la guddoonsiiyay abaalmarin Caalami ah

0

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinta (Excellence in Banking Award) oo ay bixiyeen Global Somali Awards, oo fadhigoodu yahay Columbus, Ohio, ee waddanka Mareykanka.

Abaalmarinta “Global Somali Awards (GSA)”, waxay ka tarjumeysaa horumarka laga sameeyey dib-u-habeynta Bangiga Dhexe sanadihii lasoo dhaafay. Waxyaabaha guusha laga gaaray waxaa ka mid ah, hirgalinta nidaamka isku xirka bangiyada dalka (NPS), hirgalinta habka lambarka koontooyinka bangiyada ee caalamiga ah, ee loo yaqaan IBAN, nidaamka lacag bixinta deg dega ah ee loogu wanqalay ‘SOMQR’ iyo hirgalinta xeerar iyo shuruuc kale oo qeyb weyn ka qaatay dib-u-habaynta hannaanka maaliyadeed ee waddanka.

“Abaalmarinta GSA waxay ku timid dedaalka hagar la’aanta ee ah ee ay sameeyeen shaqaalaha, madaxda iyo Guddiga Maamulka Sare ee Bankiga Dhexe oo is kaashanaya” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Bangiga Dhexe.

Sannadkii 2023 ayaa sidan oo kale Bankiga Dhexe ku guuleestay Abaalmarin heer Caalami ah, oo ay guddoonsiisay, hay’adda la yidhaahdo “Central Banking”, oo fadhigeedu yahay magaalada London ee dalka Ingiriiska

DFS oo wadda da’daallo dalka dib loogu soo celinayo dhallinyarada ku dhibaateysan Liibiyo

0

-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 11-ka bishan June 2024 dalka dib ugu soo celin-doonto 15 kamid dhalinyaro ku dhibaateysan dalka Liibiya, iyadoo loo diyaariyey tikidhadooda iyo waraaqihii socdaalka ay dalka ugu soo noqon lahaayeen, kuwaas oo ka-dagi doona magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi galbeed ee Soomaaliya.

Sidoo kale 25 dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed ayaa xiga doono in dalka dib loogu soo celiyo dhawaan, kuwaas iyagana ka dagi doono magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Wasiirka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS Xildhibaan Maxamed Barre Maxamuud ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya kula kulmay koox dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo go’aansaday inay dalkooda hooyo ku soo laabtaan ka dib markii dhibaatooyin badan la kulmeen xilli ay doonayeen inay ka sii tahriibaan wadankaas.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirto sidii dhamaan kuwa ku dhibaateysan dalka Liibiya loogu soo celin lahaa dalka, iyadoo dhoor jeer sidan oo kale dalka loogu soo celiyay kuwa badan oo halkaas muddo ku Xayirnaa.

Maareeyaha guud ee HDRS; “ Soomaaliya waxay ku dhowdahay inay sameyso taariikh cusub.

0

-Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Soomaaliya (HDRS), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa ku dhawaaqay inuu dalka ku dhowyahay inuu qaado tallaabo kale oo ah horumarinta dhinaca duulista, isagoo ka warbixinnayay socdaal ay caasimadda Muqdisho ku soo gaareen khuburo ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika ( EAC-CASSOA).

Saraakiisha ka socota EAC-CASSOA, ayaa ujeeddda socdaalka ay muddo ka badan toddobaad ku joogaan Muqdisho waxay la xiriirta sidii ay u sameyn lahaayeen qiimeyn iyo ukuur-gelida sida ay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ugu diyaar garoobi lahayd inay marto kormeerka (AUDIT) Hay’adda Caalamiga ah ee Duulista Rayidka Adduunka ee ICAO.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin ayaa sheegay haddii uu dalka ka gudbo kormeerka (ICAO Audit), inay noqonaysa guul muhiimka iyo taariikh horleh oo uu dalka ka sameeyay kormeerka ICAO oo nidaamka Duulista Rayidka Qaranka aan horey loo marin, wuxuu intaa ku daray in hadda khuburada ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika inay gacan ka geysan doonaan sidii ay u qiimeyn lahaayeen heerka kormeerka , waxyaabaha dhiman iyo arrimaha ay tahay in la horumariyo ka hor ICAO Audit.

“Haddii dalkeennu ku baaso kormeerka iyo qiimeynta ICAO, nidaamkeenna Duulista Rayidka wuxuu gaaraya heerka ugu sarreeya ee caalamiga ah , waxayna diyaaradaha ka diiwaangashay dalka awood u yeelanayaan inaysan sameyn karaan duulimaadyo caalami ah oo ay ku tagi karaan caalamka oo dhan.” ayuu ku daray Maareeyaha guud ee HDRS , Mudane Axmed Macallin oo tilmaamay isku duubnimada dhammaan laamaha Duulista Rayidka ee dalka inay fududeyn doonto natiijo wanaagsan oo laga gaaro kormeerka ICAO.

  1. Ugu dambeyntii, Maareeyaha Guud ee HDRS , Mudane Axmed Macallin wuxuu sheegay in khuburada ka socota Hay’adda Bedqabka iyo Amniga ee Duulista Rayidka ee Bulshada Bariga Afrika ( EAC-CASSOA) baaritaannada iyo qiimeynta ay ka sameynayaan waaxyaha HDRS inay ka soo saari doonaan warbixin la xiriirta sida ay natiijo guul ah Soomaaliya uga gaari karto kormeerka ICAO ee dhinacyada bedqabka iyo amniga duulista.

Ra’iisul Wasaare XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay dalka Koonfurta Kuuriya, iyaga oo ku sii jeeda magaalada Seoul oo ay uga qaybgali doonaan shir madaxeedka Jamhuuriyadda Koonfur Kuuriya iyo Afrika, oo qabsoomaya 4 – 5 Juun.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliy

0

-Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, waxana ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka oo uga mahadceliyey taageerada walaaltinimo ee ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo xasillinta dalka.

Dhankiisa, Danjire Aktaş oo ugu hambalyeeyey Wasiirka Amniga masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dalka.