Home Blog Page 343

Maxkamadda gobolka Banaadir oo 10-sanno xabsi ah ku xukuntay nin sixir iyo turufo kale ku qaraabanayay

Wax badan waxaa aad maqasheen dad loo maxkamdeynayo masuq-maasuq, dacwado dhul la xiriira ama dambiyada kale ee aadamaha sida caadiga ah uga dhaca, laakiin tani waa ay ka duwan tahay, waa dacwad anshax ah mana baahin doono muuqaalada qaar, sidoo kale, qaarkood waxaan qarin doonaa wajiyadooda, mana sheegi dooni magacyada saxda ah dadka dhibanaha ka ah dacwaddani.

Shooble waa 52-jir, waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada Boolisk Soomaaliyeed, isagoo gacanta kula jira ficil fool xun iyo gogol dhaaf.

Bilowgii sanadkan, baaris uu sameeyay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa lagu ogaaday in ay jiraan haween Soomaaliyeed oo dhibane u ah ninkani, kuwaas oo uu kula kacay falal la xiriira kufsi, turufo iyo duubis muuqaalo anshax xumo ah, isagoo adeegsanaya teleefoonada casriga ah, waxaana dhibanayaasha uu ku sameeyay sixir, sida baarista xeer ilaalintu lagu sheegay.

” Waxay sheegtay falka ku dhacay, waxa lagu sameeyay iyo sida ay u dhaceen intaba maxkamaddu waa ay u xaqiijisay, mudane guddoomiye waxaa macquul ahayn oo caqli gal ahayn xaas la qabo carruur leh, guri sowj ka soo tooseysa in ay u bareerto mac sameyso haddana muuqaal in laga duubo ay ogolaato, markii la wareysanayay waxay sheegtay in markii ugu horeysay lagu shubay biyo, ka dib biyahaas marka lagu shubayna ogaalkeeda uu meeshaas ku tegay,”. ayay tiri xiis oo ka socotay xafiiska xeer ilaalinta.

In badan waxaa laga yaabaa in aad isweydiineysaan halka uu ka keenay ama uu ka tixraaco dadka uu dhibaatooyinka u geysanayo ninkani, qaarkood wuxuu teleefoonadooda ka helay baraha Bulshada ama Facebooka, muuqaalada la sheego in lagu caawinayo dadka masaakiinta ah.

Sidoo kale, wuxuu dhibanayaashu ka raacay gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan,islamarkaana gabdhaha qaarkood uu la raacay gaadiidkaas, ka dibna halkaas uu kala degay markii uu ku sameeyay waxa loogu yeero “Sixirka”.

” Mudane xeer ilaaliye aniga iyo ayada baabuurka mana iskula hadlin mana isku gacan qaadin, sida doraad ay sheegeysay ma jirto, marka aan baabuurka ka degtay ee aan dhulka degnay ayuu hadalka bilowday, sida Ilaahey ila ogyahay,” ayuu yiri eedeysanuhu.

Qareenka difaaca eedeysanaha ayaa dhankiisa wuxuu qabaa dood ka duwan midda ay xeer ilaalintu soo bandhigeen

” Mudane guddoomiye, garsooreyaal ma jirto wax tusinaya eedeysanuhu inuu geystay sheegasho lagu sheegayo inuu dacadi sameeyay wax ka baxsan,”

Xeer ilaaliye ku-xigeen Xiis, ayaa waxay gaba-gabadii Maxkamadda ka codsatay in eedeysanaha lagu ciqaabo falalka foosha xun uu u geystay dhibanayaashani.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dacwadda eedeysanahan ka yeelatay ilaa saddex fadhi oo kala duwan, waxaana la horgeeyay dhibanayaasha marqaatiyaal ay ka mid yihiin ehelada dhibanayaasha, qaar ka mid ah kuwii dhibka loo geystay, iyadoo xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu ku soo bandhigay dacwadda cadeyn ku filan inta ay howsha dacwadda socotay.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Garsoore Saalax Cali Mxamuud ayaa gaba-gabada dacwaddan oo qaadatay waqti dheer ayaa soo saaray xukun, saddex qodob oo ka mid ah waxaa lagu helay inuu geystay eedeysanaha dambiyadii lagu soo eedeeyay, waxaana eedeysanaha lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah.

” Xukun maxkamadda, maxkamadda gobolka Banasdir qeybteeda ciqaabta waxay eedeysane Abuukar Maxamed Xasan Shooble ku heshay qodobka 398, faqraddiisa labaad, waxayna ku xukuntay 7-sano oo xarig ah, maxakamaddu waxay eedeysanaha sare ku xusan qodobka 403, faqraddiisa koowaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxaanna lagu xukumay labo sanno oo xarig ah, sidoo kale, maxkamaddu ku heshay eedeysanaha qosobka 496, farqaddiisa koowaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay hal sanno oo xarig ah, wadarta guud ee edeysanaha kagu xukumay waa 10-sanno oo xarig ah,”.

 

Lix qof oo Shacab ayaa ku Geeriyooday Qarax Miino oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Lix qof oo Shacab ah ayaa ku geeriyooday Qarax Miino oo kooxda Khawaarijtu gelisay Wadada xiriirisa Degmooyinka Qoryoolay iyo Shallanbood sida uu Wakaaladda Wararka SONNA u xaqijiiyey Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Maxamed Ibraahim Barre,

Qaraxan ayaa sidoo kale Sababay Dhaawaca 12 qof oo Shacab ah,iyadoo dhaawacyada la gaarsiiyey Cibitaalka Degmada Shallanbood,dadkan Shacabka ah ayaa ku safrayey Gaari Bus ah oo ah nooca loo yaqaan PL-ka.

Falkan Argagixisonimo ee lagu gumaaday Shacabkan ayaa ka mid noqonaya Falalka gurracan ee kooxda khawaarijtu markasta ku beegsato Shacabka Soomaaliyeed,

 

Ururka Caafimaadka Adduunka oo ka walaacsan dib u soo cusboonaashada Fayraska Corona

Sida lagu sheegay warbixintii ugu dambeysay ee Ururka Caafimaadka Adduunka, Fayraska Corona ayaa ku sii fidaya qeybo ka mid ah Caalamka, in ka badan Hal milyan oo xaalado cusub uu sababay xanuunka Covid-19 ah, ayaa laga diwaan galyay qaar ka mid ah dalalka caalamka  28-kii maalmood ee la soo dhaafay.

Sidokale, dad ka badan 3,100 ayaa u geeriyooday xanuunkan intii ay socotay barista, sida lagu sheegay Warbixinta.

Khubarada caafimaadka adduunka ayaa ka walaacsan dib u soo cusboonaashada Fayraskan oo loo yaqaanna “EG.5”, kaas oo ah mid halis badan ku haya  dalal dhowr ah oo ay ku jiraan Mareykanka iyo Britain, sida ulagu daabacay Washington Post.

Shaacinta deeq waxbarasho heerka shahaadada PHD

asaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa sharaf weyn u ah in ay soo bandhigto deeq Waxbarasho heerka PhD, taas oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ugu deeqay in ay ka faaiidaystaan aqoonyahanka Soomaaliyeed.
Waxbarashada waxaa bixinaysa Jaamacadda Qaramada Midoobay ee Nabadda (University for Peace). Deeqdan waxbarasho waxay u furan tahay mawaadiniinta soomaaliyeed ee buuxiya shuruudaha, waxaana lagu bixinayaa tartan furan oo caddaalad ah.
Hadaba waxaa lagu wargelinayaa dhammaan ciddii doonaynsa inay ka bogtaan faahfaahinta la socota linkiga hoose kaas oo aad ka helayso qaabka codsiyada loo soo gudbinayo takhakhusaadka iyo shuruudaha laga doonayo codsadaha.
Faah faahin dheeraad ah Raac Linkiga hoose .

Dagaallo ay dad badan ku dhinteen oo dib ugu qarxay Suudaan

Wararka ka imaanaya Suudaan ayaa sheegaya in halkaasi ay dib uga qarxeen dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo kuwa gurmadka deg dega ah.

Goob joogayaal ayaa Warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 20-qof oo rayid ah ay ku dhinteen tobonaan kalena ay ku dhaawacmeen dagaallo ilaa shalay ka socday degaano badan oo ka tirsan magaalada Umdurmaan.

Sidokale, Wasaaradda Caafimaadka Suudaan, ayaa xaqiijisay in isbitaallada Umdurmaan la gaarsiiyay in ka badan 20-qof oo shacab ah, kuwaasoo ku waxyeelloobay duqeymahii iyo dagaaladii ugu danbeeyay ee halkaasi ka dhacay, iyadoo intaas ku dartay inay sii kordhayaan tirada dadka ku dhintay dagaaladan iyo kuwa ku dhaawacmayba.

Milatariga Suudaan iyo ciidamada kasoo horjeeda ee gurmadka deg dega ayaan ka hadlin dagaalkan soo cusboonaaday, waxa uuna dagaalka yimid xilli muddooyinkii dambe xoogaa xasillooni ah laga dareemayay dalka Suudaan.

 

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo gaarey  magaalada Dhuusamareeb ee Galmudug, iyadoo degaannadaasi ay ka socdaan bilowga dhameystirka wejiga 1aad ee hawlgalada milateri ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al Shabab.

2-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay Shirka Golaha Amniga Qaranka oo lagaga arrinsanayey dhammeystirka qorshaha xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta Al Shabaab.

3-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay wafdi ka socday Boqortooyada Sacuudiga, kuwaas oo soo gaarsiiyay dhambaal ay ka sideen Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.

4-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulamo la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug, kalana hadlay sidii ay door muhiim ah uga qaadan lahaayeen dagaalka lagaga xoreynayo Khawaarijta Al Shabaab deegaannada ay kaga harsan yihiin Galmudug.

5-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray Xarunta Bangiga Dhiigga Qaranka oo ay baahi weyn u qabeen bulshada Soomaaliyeed.

6-Ra’iisul Wasaare Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Britain u fadhiya Soomaaliya Michael Nithavrianakis, waxaana kulankooda ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal.

7-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay La Taliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa oo soo gaaray dalka.

8-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabad ay wasaaradda Waxbarashada ku soo bandhigaysay natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12aad ee sannad dugsiyeedka 2022/2023.

9- Golaha Wasiirrada oo si aqlabiyad ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedka Shaqada Soomaaliya.

10-Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay falkii wuxuushnimada ahaa oo rag hubeysan ay ku laayeen carruur ku nooleyd Galguduud.

11-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibadoodooda caalamiga ayaa hawlgal lagu dilay 45 Khawaarita Al Shabab ah oo horjoogeyaal ay ku jiraan ka fuliyay degaanka Qoob Yaxaaas oo ku dhow Degmada Buule-Burde ee gobolka Hiiraan.

12-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbadooda caalamiga ayaa degaanka Mukayle ee Degmada Buula Burte ee Hiiraan ku burburiyay 4 gaadiid oo qaraxyo ay ku diyaariyeen Khawaarijta, halkaasina lagu laayay dhammaan kooxihii falkaasi faraha kula jiray.

13-Wasaaradda Amniga Qaranka oo Muqdisho ku qabatey kulan wacyigelin ah oo ku saabsan dagaalka dalka looga ciribtirayo argagixisada Khawaarijta Al Shabab.

14-Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay in Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay gacanta ku soo dhigtay 10 sarkaal oo basaasiin u ahaa Khawaarijta,kuwaas oo ku dhex jiray hay’adaha amniga.

15-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Qaranka ee Danab oo muddo tababar ku qaadanayay Dugsiga Ciidamada ee Balli-doogle.

16-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo ku baaqay in laga waantoobo garab istaagga Khawaarijta iyo dacaayadahooda.

17- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar ayaa ka hadlay dhacdooyin dhulka la xariira oo maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa caasimadda.

18-Hanti-Dhowraha Guud ee qaranka Mudane, Axmed Ciise Guutaale ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Muqdisho, uga hadlay warbixin sanadeedka hantidhawrka ee baarista hay’adaha dowladda.

19- Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga XFS oo kulan la qaatay Danjiraha  China u fadhiya Soomaaliya oo ay ka wadahadleen iskaashiga labada dal.

20-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle oo la kulmay Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia Fea Shengchao oo ay ka wadahadleen arrimaha gargaarka iyo ka hortagga masiibooyinka.

21-Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Dowlad Goboleedka Jubbaland oo tababar ku saabsan doorka gabdhaha ee maamulka hay’adaha warbaahinta Kismaayo ugu qabatay 30 gabdhood oo saxafiyiin ah.

22-Wasaaradaha Qorshaynta iyo Waxbarashada oo ka wada shaqaynaya horumarinta qorshaha waxbarasho ee dalka

23-Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan kula qaatay Danjiraha Jaamacadda Carabta ee Arrimaha Soomaaliya Saalax Axmed Junaydi .

24-Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa wali wadda dhageysiga dacwad loo heysto saraakiil ka tirsan hay’adaha dowladda oo ku eedaysan musuq maasuq.

25-Maamulka Degmada Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay u diyaarsan yihiin xoraynta degmadaas oo Khawaarijtu muddo haysatay.

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorshaysan ku dilay 25 ka tirsan Khawaarijta

Howlgal qorsheysan oo ay ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibbada Caalamiga ah ka fuliyeen Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay 25 dhagarqabe oo uu ku jiro horjooge magaciisa lagu sheegay Ibraahim Dheere oo katirsanaa qaybta gaadiidka ee argagixisada, sida uu SONNA u xaqiijiyay sargaal ka tirsan hay’adaha Amniga.

Hawlgalkan Qorshaysan oo ka dhacay deegaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo burte ayaa 8-dii bishan lala beegsaday duqayn Garaash wayn oo Khawaarijta ay dhigan jirtay gaadiidka dagaalka, gaadiidka ay ku qaataan malleeshiyaadka,kuwa ay ku adeegtaan iyo baabuur ay u isticmaalaan qarxyada.

Ciidanka Qaranka ayaa halkaas ku burburiyey afar Gaari oo Khawaarijtu ku rakibeen Qaraxyo si ay ugu waxyeelleeyaan Shacabka Soomaaliyeed, waxaa kaloo howlgalkaasi lagu burburiyay 16 gaari oo isugu jiray gaadiidka la saaro qoryaha waaweyn sida suugga, Cabdi bilaha (Land Cruiser Pickup) iyo gawaarida loo yaqaano hoomayga (Homy Bus).

Sargaalka ka tirsan hay’adaha Amaanka ayaa innoo sheegay in xarunta ay ciidanku howlgalka ka fuliyeen ay ahayd halka ay isugu yimaadaan gaadiidka gaarka ah iyo midka dagaalka oo ay adeegsadaan khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa goballada Hiiraan,Galgaduud, iyo Shabeellaha dhexe.

Howlgalkan waxa uu ka mid yahay howlgalada ay Ciidamada Qaranku ku burburinayaan Saldhigyada Khawaarijta, Malleeyshiyaadkooda iyo xarumaha ay ku diyaariyaan dhagarta Shacabka si loo cuuryaamiyo awooddooda.

 

Xubin ka tirsanaa khawaarijta oo isu soo dhiibay ciidanka xoogga dalka

Maxamed Coloow Maxamed oo magaciisu afagarashadu yahay Mascuud ayaa goordhow isku soo dhiibay guutada Khaalid binu waliid ee Ciidanka xoogga dalka.

Maxamed waxaa uu ka mid ahaa Khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa deeganada miyiga ah ee gobolada Galgaduud.

Waxaa isa soo taraya xubnaha horay ugu tirsanaa khawaarijta ee isu soo dhiibaya Ciidanka xoogga dalka, ka dib markii uu soo food saaray culeys iyo guluf lagu cirib tirayo argagixisada.

 

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa xalay ka qayb galay Kulan dadweyne oo shacabka magaalada Dhuusamareeb ay ku weydiiyeen su’aalo ku saabsan dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Mudane, Ciid ayaa sheegay in DFS iyo Galmudug ay isla garteen in la sameeyo howlgal ka baaxad weyn kii hore, hadafkooduna uu yahay in argagixisada laga sifeeyo, si gaar ah degmooyinka Gal-hareeri, Ceel- buur, Bacaad weyn, Shabeelloow, Caad iyo Camaara.

Cali Daahir Ciid, Maxaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in hadafkooda koobaad, labaad iyo Saddexaadba uu yahay amniga, nabad gelyao la’aanna uusan jirin wax horumar ah, isagoo dul istaagay in dagaalka khawaarijta dalka ay iyagu hormuud u yihiin, dhul baaxad leh oo ay ka mid tahay Caasimaddana ay ka xoreeyeen argagixisada iyagoo kaashanaya dadka deegaanka.

Mudane, Ciid ayaa sheegay in ay socdaan dedaallo ay beeluhu ku garab istaagayaan Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug, iyagoo soo bandhigaya malleeshiyaad ka qayb qaata cirib tirka khawaarijta, isagoo xusay in degaannadii la xoreeyayna ay ka hirgeliyeen laamahii namniga iyo adeegyadii bulshada, si ay dib ugu soo laabato noloshii caadiga ahayd ee bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in Khawaarijtu ay isaga baxeen deegaanno badan markii ay maqleen howlgalka xooggan ee iyaga kusoo wajahan, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Qaranka , isagoo intaa raaciyay inuusan wax badan ku qaadan doonin soo afjaridda nabad-diidka.

 

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka oo Shahaado Sharaf Guddoonsiisay Agaasimaha Hay’ada (ICAO)

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa shahaado sharaf guddoonsiisay Agaasimaha Hay’ada (ICAO) , Jorge Vargas.

Wasiirka ayaa ku tilmaantay Guul Soomaaliya u soo hoyatay howsha Agaasimaha horumarinta Hay’adda Duulista Adduunka ee ICAO, isaga oo boggaadiyay dedaallada wax ku-oolka ah ee Duulista Rayidka.

Hay’adda Duulista Rayidka oo dhammeystirtay sharciyada caalamiga ah iyo shuruucda kale maamulka Duulista Rayidka,taas oo ka dhigan guul weyn oo u soo hoyatay xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya ICAO iyo Soomaaliya, sida uu sheegay Agaasimaha Horumarinta iyo Hirgelinta ee Hay’adda Duulista Adduunka ee ICAO , Jorge Vargas.

Toddobaadkii hore , Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka , Axmed Macallin Xasan iyo xubno kale oo ka socda HDR, ayaa socdaal shaqo ku tagay caasimadda Dalka Georgia ee Tblisi , halkaas oo kulan saddex-geesood ah ay kula yeesheen ICAO Iyo IOS Parner, kaaso lagu soo gabagabeeyay mashruuca guddiga hagidda SOM18801, iyadoo lagu boggaadiyay  kulanka intaa uu socday iskaashiga ICAO iyo in si- guul ah sare loogu qaaday hawada Soomaaliya,casriyaynta maamulka hawada, iyo nidaamka ilaalinta badbaadada oo wax ku ool ah.

“Tan iyo markii la asaasay heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee Dawladda  Soomaaliya iyo ICAO sanadkii 2013-kii, ICAO waxa ay ku hawlaneyd mashaariic horumarineed oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo nidaamka duulista rayidka ah ee Soomaaliya.” ayuu yiri Jorge Vargas oo intaa ku daray “ICAO waxay uga mahadcelinaysaa Soomaaliya dadaalkeeda, waxayna rajaynaysaa ka qayb qaadashada howlaha mustaqbalka si kor loogu qaado nidaamka Duulista.”

Gabagabada, kulankaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa shahaado sharaf ku guddoonsiisay maareeyaha Xafiiska Horumarinta iyo Hirgelinta ICAO, Mudane , Jorge Vargas.