Home Blog Page 344

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa xalay ka qayb galay Kulan dadweyne oo shacabka magaalada Dhuusamareeb ay ku weydiiyeen su’aalo ku saabsan dagaalka ka dhanka Khawaarijta.

Mudane, Ciid ayaa sheegay in DFS iyo Galmudug ay isla garteen in la sameeyo howlgal ka baaxad weyn kii hore, hadafkooduna uu yahay in argagixisada laga sifeeyo, si gaar ah degmooyinka Gal-hareeri, Ceel- buur, Bacaad weyn, Shabeelloow, Caad iyo Camaara.

Cali Daahir Ciid, Maxaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa sheegay in hadafkooda koobaad, labaad iyo Saddexaadba uu yahay amniga, nabad gelyao la’aanna uusan jirin wax horumar ah, isagoo dul istaagay in dagaalka khawaarijta dalka ay iyagu hormuud u yihiin, dhul baaxad leh oo ay ka mid tahay Caasimaddana ay ka xoreeyeen argagixisada iyagoo kaashanaya dadka deegaanka.

Mudane, Ciid ayaa sheegay in ay socdaan dedaallo ay beeluhu ku garab istaagayaan Ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug, iyagoo soo bandhigaya malleeshiyaad ka qayb qaata cirib tirka khawaarijta, isagoo xusay in degaannadii la xoreeyayna ay ka hirgeliyeen laamahii namniga iyo adeegyadii bulshada, si ay dib ugu soo laabato noloshii caadiga ahayd ee bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad-goboleedka Galmudug mudane, Cali Daahir Ciid ayaa sheegay in Khawaarijtu ay isaga baxeen deegaanno badan markii ay maqleen howlgalka xooggan ee iyaga kusoo wajahan, kaas oo uu hoggaaminayo madaxweynaha Qaranka , isagoo intaa raaciyay inuusan wax badan ku qaadan doonin soo afjaridda nabad-diidka.

 

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka oo Shahaado Sharaf Guddoonsiisay Agaasimaha Hay’ada (ICAO)

Wasiirka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya, Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa shahaado sharaf guddoonsiisay Agaasimaha Hay’ada (ICAO) , Jorge Vargas.

Wasiirka ayaa ku tilmaantay Guul Soomaaliya u soo hoyatay howsha Agaasimaha horumarinta Hay’adda Duulista Adduunka ee ICAO, isaga oo boggaadiyay dedaallada wax ku-oolka ah ee Duulista Rayidka.

Hay’adda Duulista Rayidka oo dhammeystirtay sharciyada caalamiga ah iyo shuruucda kale maamulka Duulista Rayidka,taas oo ka dhigan guul weyn oo u soo hoyatay xiriirka iskaashi ee u dhaxeeya ICAO iyo Soomaaliya, sida uu sheegay Agaasimaha Horumarinta iyo Hirgelinta ee Hay’adda Duulista Adduunka ee ICAO , Jorge Vargas.

Toddobaadkii hore , Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cusmaan Cigaal, Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka , Axmed Macallin Xasan iyo xubno kale oo ka socda HDR, ayaa socdaal shaqo ku tagay caasimadda Dalka Georgia ee Tblisi , halkaas oo kulan saddex-geesood ah ay kula yeesheen ICAO Iyo IOS Parner, kaaso lagu soo gabagabeeyay mashruuca guddiga hagidda SOM18801, iyadoo lagu boggaadiyay  kulanka intaa uu socday iskaashiga ICAO iyo in si- guul ah sare loogu qaaday hawada Soomaaliya,casriyaynta maamulka hawada, iyo nidaamka ilaalinta badbaadada oo wax ku ool ah.

“Tan iyo markii la asaasay heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee Dawladda  Soomaaliya iyo ICAO sanadkii 2013-kii, ICAO waxa ay ku hawlaneyd mashaariic horumarineed oo lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo nidaamka duulista rayidka ah ee Soomaaliya.” ayuu yiri Jorge Vargas oo intaa ku daray “ICAO waxay uga mahadcelinaysaa Soomaaliya dadaalkeeda, waxayna rajaynaysaa ka qayb qaadashada howlaha mustaqbalka si kor loogu qaado nidaamka Duulista.”

Gabagabada, kulankaa Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa shahaado sharaf ku guddoonsiisay maareeyaha Xafiiska Horumarinta iyo Hirgelinta ICAO, Mudane , Jorge Vargas.

Koox hubeysan oo dad ku laayay bariga Burkina Faso

laamaha ammaanka dalka Burkina Faso, ayaa sheegay in 20 qof lagu dilay weerar ay Rag hubeysan ka geysteen meel u dhow magaalada Beto ee dhacda xuduudka dalkani uu la wadaago waddanka Togo.

Ilo dhanka ammaanka ayaa xaqiijiyay in weerarkan oo dhacay galinkii danbe ee shalay ay ku dhinteen 20 qof, oo u badan Ganacsato, halka tobaneeyo kalana ay ku dhaawacmeen.

In ka badan 5,000 oo qof oo isugu jira Rayid iyo Askar, ayaa lagu dilay weeraro ay geysteen kooxahan hubeysan, sida lagu sheegay tirakoob ay sameyeen hay’ad aan dowli ahayn oo ka howl-galo gudaha Burkina Faso.

Weerarradan ayaa sidoo kale barakiciyey in ka badan laba milyan oo qof, taasi oo lagu tilmaamay mid kamid ah dhibaatooyinka barakaca ee ugu xun Afrika.

 

Mareykanka: Tani waa habka ugu wanaagsan ee lagu xallin karo dhibaatada Niger

Xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka, Anthony Blinken, ayaa ku dhawaaqay in dublamaasiyadu ay tahay sida ugu wanaagsan ee lagu xallin karo qalalaasaha ka dhashay afgambigii ka dhacay dalka Niger.

Anthony Blinken, Xoghayaha Arrimaha Dibedda Maraykanka, ayaa Wareysi uu siiyey Radio France International, ku sheegay in Diplomaasiyadu ay tahay sida ugu wanaagsan ee lagu xallin karo qalalaasaha ka dhashay afgambigii ka dhacay dalka Niger.

 

“Waxaan taageeraynaa dadaallada hoggaamiyaasha ECOWAS, ee lagu soo celinayo nidaamka dastuuriga ah eeNiger ” ayuu yir Anthony Blinken.

Afgambiga ka dhacay Niger, ayaa noqonaya Afganbigii ugu danbeeyay ee dhaca Galbeedka iyo Bartamaha Afrika, saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Dalkan oo marin istiraatijiyadeed u ah ganacsiga Maraykanka, Yurub, Shiinaha iyo Ruushka, ayaa dhawaan dib u bilaabay duullimaadyadii Afrika, kadib waanwaan halkaas ka dhacay.

 

Soomaaliya iyo Maraykanka oo ka wada hadlay wejiga labaad ee la dagaallanka Khawaarijta

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa la kulmay Siihayaha Safiirka ahna Safiir ku-xigeenka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya, Mudane Shane Dixon, oo ay isla soo qaadeen xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo wajiga labaad ee howlgalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dowladda Mareykanka uga mahadceliyey taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, amniga, la dagaallanka Khawaariijta iyo arrimaha bani’aadamminimada.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoosta ka xariiqay sida ay uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran dadaallada ku qotoma ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah iyo guud ahaan in dalka looga sifeeyo muddo gaaban maliishiyaadka dadka Soomaaliyeed ka hortaagan nabadda iyo horumarka.

Dhankiisa, Danjire Dixon ayaa ku bogaadiyey Dowladda Soomaaliya dardargelinta dagaalka ka dhanka Khawaarijta iyo qorshayaasha la xiriira barnaamijyada mudnaanta u leh dowladda Soomaaliya.

Duqa muqdisho oo digniin u jeediyay dadka ka macaasha gargaarka loogu tala galay barakacayaasha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane , Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa shir guddoomiyay Shirka Madasha Xiriirinta Gargaarka ee Gobaalka Banaadir oo ay soo agaasintay waaxda Gargaarka  iyo Maareynta Musiibooyinka ee Maamulka Gobolka Benaadir.

Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa isla-xisaabtan la xariira in sharciga lala tiigsan doono hey’addaaha iyo shaqsiyaadka ka macaasha deeqaha gargaarka ah ee loogu talagalay in lagu taageero dadka barakacayaasha ah iyo kuwa danta yar ee ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir.

Aggaasimaha waaxda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka Gobalka Banaadir, mudane, Muxudiin Maxamuud Cabdullaahi (Oogle) ayaa tilmaamay in waaxda ay diyaarisay nidaam daahfuran oo u baahan in la dhaqan geliyo islamarkaana fududeyn doono ka hortaga musuqa gargaarka la xariira.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa digniina adag u diray dalaaleyda iyo shaqsiyaadka ka macaasha deeqaaha gargaarka ah ee loogu tala galay dadka nugul iyo Barakacayaasha.

Howgal Qorsheysan oo saaka lagu burburiyey xarun Khawaarijtu ku lahayd gobolka Hiiraan.

Hawlgal Qorshaysan ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibadooda caalamiga ah saaka ka fuliyeen xarun Khawaarijtu ku leedahay deegaanka Mukayle oo ka tirsan Degmada Buulo burde ee Gobalka Hiiraan.
Hawlgalku waxaa uu beegsaday Garaash wayn oo Khawaarijta u ahaa goob ay ku diyaariyaan Qaraxyada.
Ciidanka Qaranka ayaa halkaas ku burburiyey afar Gaari oo Khawaarijtu ku rakibeen Qaraxyo si ay ugu waxyeeleeyaan Shacabka Soomaaliyeed.
Goobtaas waxaa ku halaagsamay Maleeshiyaad fara badan oo ah kuwa sida gaarka ah ugu tababaran sameynta Qaraxyada.
Geesiyaasha Qaranku waxa ay ku jiraan qiimaynta qasaaraha rasmiga ah ee kasoo gaaray Khawaarijta.
Howlgalkaan waxa uu ka mid yahay howlgalada ay Ciidamada Qaranku ku burburinayaan Saldhigyada Khawaarijta, Maleyshiyaadkooda iyo xarumaha ay ku diyaariyaan dhagarta Shacabka si loo cuuryaamiyo awooddooda.

Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland oo la kulmay Lataliyaha sare ee dimuqraadiyada iyo Xuquuqul Insaanka Maraykanka

0

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta la kulmay Mudane Hamse Warfa oo ah Lataliyaha sare ee dimuqraadiyada iyo Xuquuqul Insaanka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda dowladda Mareykanka, kaas oo ay ka wadahadleyn Xaalada Guud ee Dalka gaar ahaan Arrimaha Somaliland.

 

Ergayga ayaa uga Mahadcelinayay Mudane XAMZE iyo dhammaan Masuuliyiinta Soomaaliyeed ee xilalka ka haaya dunida inteeda kale, Sida wanaagsan oo ay dadkooda iyo dalkooda u garab taagan yihiin, Indhaha caalamkana ugu soojeediyaan Markasta, si Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ugu guuleystaan dhismaha Qaran weyn oo Aduunka wax la qeybsada.

 

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Lataliyaha Dimuqraadiyadda iyo Xuquuqul Iinsaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka Mudane Xamse Warfaa.

Lataliye Warfaa oo Guddoomiyaha ugu yimid booqasho iyo salaan, ayaa sidoo kale iska xog waraystay xaaladda guud ee dalka iyo geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya, wuxuuna Guddoomiyuhu ku bogaadiyay Warfaa dadaalkiisa uu ku gaaray shaqadaan lagu aaminay.

Kulanka waxaa goobjoog ahaa Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullahi Cali Xersi Timacadde, Sanatarro iyo Xoghayaha guud ee Aqalka Sare.