Xarunta gurmadka ee hay’adda maareynta musiibooyinka oo la hirgaliyey

Date:

Guddoomiyaha hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Generaal Sulub Axmed Firin, ayaa maanta si wadajir ah xarigga uga ka jaray qeybta wicitaanada xarunta Qaran ee howlgallada Gurmadka deg-dega ah ee hay’adda SoDMA.

Xaruntaan oo baahi badan loo qabay hirgelinteeda, ayaa loo aas-aasay isku xirka howllgalada gurmadka deg-dega ah, ka jawaabidda xaaladaha adag ay la kulmaan bulshada, iyadoo dadka dhibaatooyinka la kulma ama arka ay soo wicikaraan Numbarka Gaaban ee xaruntaan 449.

Tan iyo burburkii dalka kadib waa markii ugu horresay oo qeybtaan la daahfuro si bulshada soomaaliyeed loogu adeego.

Munaasabadan sidoo kale waxa qeyb ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, iyo Masuuliyiin kale ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada, Sida Culimo, Rugta Ganacsiga, Dhaqaatir, Odayaal iyo Masuuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo Guddoomiyaha SODMA uga waramay xaaladda bini’aadanninimo ee Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Hay’adda...

Warbixinta Toddobaadlaha ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxay

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Qaahira kulan...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo La Kulmay Waxgaradka Beelaha Dega SSC-Khaatumo

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka...

NISA oo 13 Khawaarij ah ku dishay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgallo...