Home Blog Page 342

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhagax-dhigay Xarunta cusub ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka.

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha Xarunta Dhexe ee cusub ee ay yeelan doonto Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqal Insaanka oo lagu dhisayo iskaa-wax-u qabso.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhismaha xarunta maanta la dhigax-dhigay uu ka tarjumayo dadaalka Wasaaraddu ay ugu jirto u adeeggidda bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa xusay in Soomaaliya ay ku socoto jidkii horumarka iyo dib-u-soo kabashada, isla markaana xilliyada dhow la qorshaynayo in Wasaaradaha oo dhan ay yeeshaan xarumo waaweyn oo casri ah oo dalka iyo dadka loogu adeego.

Xaruntan Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka ayaa noqoneysa tii ugu horreysay ee ay yeelato wasaaradda, maadaama ay haatan la deggan tahay dhismaha wasaaradda warfaafinta. Waxaana Ra’iisul Wasaaruhu uu ku bogaadiyey dadaalka ay ku bixiyeen in ay wasaaraddu yeelato xarun dhexe.

Cabdi Cabdullaahi oo magaciisa afgarashadu yahay Cabdinasir ayaa isku soo dhiibay Ciidamada ammaanka ee ku sugan degmada Baxdo

Cabdi Cabdullaahi oo magaciisa afgarashadu yahay Cabdinasir oo ahaa dhaqtar daaweeya dhawacyada Khawarijta lixdii sano ee la soo dhaafay ayaa isku soo dhiibay Ciidamada ammaanka ee ku sugan degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa 30-sano kadib maanta daahfuray xarunta keydka talaalka Dowladda

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa 30-sano kadib maanta daahfuray xarunta keydka talaalka Dowladda Hoose Xamar ee degmada Cabdicasiis.

Xaruntan oo muda ku dhow 30-sano bur bur saneyd islamarkaana aanan helin wax dayactir ayaa hirgalinteeda muhiim u aheyd horumarinta tayada Talaalka, iyada oo xaruntan loo dhameestiray qalab xafiiseed iyo agabyadii lagu keedin lahaa Talaalka loogu adeegi doono bulshada Caasimadda.

Aggaasimaha Caafimaadka Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Axmed Maxamud ayaa tilmaamay in aggaasinka caafimaadka oo baahi weyn u qabay hirgalinta iyo qalabeynta xarunta keydka talaalka Dowladda Hoose Xamar.

 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareb waxa uu ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadamnimada

0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa Maanta Magaalada Dhuusamareb ee Xarunta maamulka Galmudug waxa uu ka daahfuray Shirka Madasha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Galmudug.

Shirkaan waxaa ka qeybgalaya Wasiiradda Gargaarka,Beeraha,Cafimaadka ee Galmudug, Masuuliyiin kale,wakiilo ka socda hay’addaha deeqaha bixiya iyo Masuuliyiin kale oo katirsan hay’adda SoDMA.

Shirkaan waxaa looga hadlayaa xaalada bini’aadamnimo ee ka jirta Galmudug,
ka hortaga Aafooyinka,iyo u diyaar garowga sidii gargaar deg-deg ah loo gaarsiin la haa deeganada dhawaan khawaarijta laga saari doono oo ay ugu horeyso Magaalada Ceelbuur.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku Adkeeyey odayaasha Dhaqanka Galmudug Xoojinta Midnimada Lagu Wajahayo Argagixisada iyo Xoraynta Deegaanada

0

Dhuusamareeb:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo gaar-gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid.

Madaxweynaha ayaa odeyaasha dhaqanka kala hadlay xoreynta deegaannada ay argagixisada Alshabaab kaga harsan yihiin Galmudug, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha ku saleysan kala qeybinta dadka deegaanka iyo isku dirkooda ee ay maleegayaan argagixisadu, si ay u sii cimri-dheeraystaan, una hor istaagaan nolasha iyo horumarka Bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee hortaaganhorumarka Galmudug ay tahay argagixisada Alshabaab, haddii la dhammeystiro xoreynta deegaannadana ay fududaanayso in la hirgeliyo mashaariicda horumarinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah.

Kulankan oo qeyb ka ah kulammada abaabulka dadweynaha ee dagaalka ka dhan ah Khawaarijta oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu ka wado Galmudug ayaa odeyaashu dhaqanku waxa ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro halkan xoreynta deegaannada iyo xaqiijinta Soomaaliya horumarsan oo nabad ah.

 

Bankiga dhexe oo laan ka furanaya Galmudug

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa si diirran loogu soo dhooweyay magaala madaxda dowlad goboleedka Galmudug ee dhuusamarreeb.

Socdaalka guddomiyaha ayaa daarran daahfurka laanta Bankiga dhexe ee uu ku yeelanayo magaalo madaxda Galmudug ee Dhuusamareb .

Wasiirka wasaaradda maaliyadda Galmudug, Farxaan Cali gaban oo gudoomiyaha bankiga dhexe kusoo dhoweeyay magaalada dhuusamareeb ayaa sheegay in ay goobjoog ka noqonayaan xaruntii ugu horreysa ee dowlad goboleedyada dalka uu ku yeelanayo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay inuu magaalada Dhuusamareeb u yimid diyaar garowga ugu dambeeya ee furitaanka laanta Bankiga dhexe ee Galmudug  oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bankiga dhexe uu ka furto dowlad goboleedyada dalka .

Dhowaan ayay ahayd markii uu magaalada Dhuusamareeb tagay guddoomiye ku-xigeenka Bankiga dhexe ee Soomaaliya, si loo dardar geliyo laamaha cusub ee laga furayo maamul goboleedyada dalka.

Ingiriiska oo heshiis la galay Turkiga si wax looga qabto tahriibka

ayaa ku dhawaaqday heshiis ay la gashay Turkiga si kor loogu qaado iskaashiga la xiriira wax ka qabashada socdaalka aan sharciga ahayn ee ay sameeyaan dadka tahriibayaasha ah.

London ayaa ku dhawaaqday qorshahaan ,taasoo qayb ka ah isku day lagu dhimayo socdaalka aan sharciga ahayn,waxaana heshiiska ku jira dhismaha xarun cusub oo laga hirgalinaayo Turkiga,si labada dal ay u carqaladeeyaan shabakadaha dambiilayaasha ee abaabula safarrada sharci darrada ah.

Labada dal waxay ku celceliyeen sida ay uga go’an tahay inay iska kaashadaan wax ka qabashada dhibaatada iyo xoojinta iskaashiga ay la leeyihiin dalalka ay asal ahaan ka soo jeedaan dadka tahriibka ah iyo dalalka kale ee ay sii maraan.

Dowladda UK ayaa si gaar ah cadaadis loogu saarayaa in dadka aan sharciga haysanin ay ka gudbaan kanaalka Ingiriiska.

 

Maxkamadda gobolka Banaadir oo 10-sanno xabsi ah ku xukuntay nin sixir iyo turufo kale ku qaraabanayay

Wax badan waxaa aad maqasheen dad loo maxkamdeynayo masuq-maasuq, dacwado dhul la xiriira ama dambiyada kale ee aadamaha sida caadiga ah uga dhaca, laakiin tani waa ay ka duwan tahay, waa dacwad anshax ah mana baahin doono muuqaalada qaar, sidoo kale, qaarkood waxaan qarin doonaa wajiyadooda, mana sheegi dooni magacyada saxda ah dadka dhibanaha ka ah dacwaddani.

Shooble waa 52-jir, waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada Boolisk Soomaaliyeed, isagoo gacanta kula jira ficil fool xun iyo gogol dhaaf.

Bilowgii sanadkan, baaris uu sameeyay xeer ilaaliyaha guud ee qaranka ayaa lagu ogaaday in ay jiraan haween Soomaaliyeed oo dhibane u ah ninkani, kuwaas oo uu kula kacay falal la xiriira kufsi, turufo iyo duubis muuqaalo anshax xumo ah, isagoo adeegsanaya teleefoonada casriga ah, waxaana dhibanayaasha uu ku sameeyay sixir, sida baarista xeer ilaalintu lagu sheegay.

” Waxay sheegtay falka ku dhacay, waxa lagu sameeyay iyo sida ay u dhaceen intaba maxkamaddu waa ay u xaqiijisay, mudane guddoomiye waxaa macquul ahayn oo caqli gal ahayn xaas la qabo carruur leh, guri sowj ka soo tooseysa in ay u bareerto mac sameyso haddana muuqaal in laga duubo ay ogolaato, markii la wareysanayay waxay sheegtay in markii ugu horeysay lagu shubay biyo, ka dib biyahaas marka lagu shubayna ogaalkeeda uu meeshaas ku tegay,”. ayay tiri xiis oo ka socotay xafiiska xeer ilaalinta.

In badan waxaa laga yaabaa in aad isweydiineysaan halka uu ka keenay ama uu ka tixraaco dadka uu dhibaatooyinka u geysanayo ninkani, qaarkood wuxuu teleefoonadooda ka helay baraha Bulshada ama Facebooka, muuqaalada la sheego in lagu caawinayo dadka masaakiinta ah.

Sidoo kale, wuxuu dhibanayaashu ka raacay gaadiidka dadweynaha ay isticmaalaan,islamarkaana gabdhaha qaarkood uu la raacay gaadiidkaas, ka dibna halkaas uu kala degay markii uu ku sameeyay waxa loogu yeero “Sixirka”.

” Mudane xeer ilaaliye aniga iyo ayada baabuurka mana iskula hadlin mana isku gacan qaadin, sida doraad ay sheegeysay ma jirto, marka aan baabuurka ka degtay ee aan dhulka degnay ayuu hadalka bilowday, sida Ilaahey ila ogyahay,” ayuu yiri eedeysanuhu.

Qareenka difaaca eedeysanaha ayaa dhankiisa wuxuu qabaa dood ka duwan midda ay xeer ilaalintu soo bandhigeen

” Mudane guddoomiye, garsooreyaal ma jirto wax tusinaya eedeysanuhu inuu geystay sheegasho lagu sheegayo inuu dacadi sameeyay wax ka baxsan,”

Xeer ilaaliye ku-xigeen Xiis, ayaa waxay gaba-gabadii Maxkamadda ka codsatay in eedeysanaha lagu ciqaabo falalka foosha xun uu u geystay dhibanayaashani.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa dacwadda eedeysanahan ka yeelatay ilaa saddex fadhi oo kala duwan, waxaana la horgeeyay dhibanayaasha marqaatiyaal ay ka mid yihiin ehelada dhibanayaasha, qaar ka mid ah kuwii dhibka loo geystay, iyadoo xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu ku soo bandhigay dacwadda cadeyn ku filan inta ay howsha dacwadda socotay.

Guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Garsoore Saalax Cali Mxamuud ayaa gaba-gabada dacwaddan oo qaadatay waqti dheer ayaa soo saaray xukun, saddex qodob oo ka mid ah waxaa lagu helay inuu geystay eedeysanaha dambiyadii lagu soo eedeeyay, waxaana eedeysanaha lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah.

” Xukun maxkamadda, maxkamadda gobolka Banasdir qeybteeda ciqaabta waxay eedeysane Abuukar Maxamed Xasan Shooble ku heshay qodobka 398, faqraddiisa labaad, waxayna ku xukuntay 7-sano oo xarig ah, maxakamaddu waxay eedeysanaha sare ku xusan qodobka 403, faqraddiisa koowaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxaanna lagu xukumay labo sanno oo xarig ah, sidoo kale, maxkamaddu ku heshay eedeysanaha qosobka 496, farqaddiisa koowaad ee xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxayna ku xukuntay hal sanno oo xarig ah, wadarta guud ee edeysanaha kagu xukumay waa 10-sanno oo xarig ah,”.

 

Lix qof oo Shacab ayaa ku Geeriyooday Qarax Miino oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

Lix qof oo Shacab ah ayaa ku geeriyooday Qarax Miino oo kooxda Khawaarijtu gelisay Wadada xiriirisa Degmooyinka Qoryoolay iyo Shallanbood sida uu Wakaaladda Wararka SONNA u xaqijiiyey Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Mudane Maxamed Ibraahim Barre,

Qaraxan ayaa sidoo kale Sababay Dhaawaca 12 qof oo Shacab ah,iyadoo dhaawacyada la gaarsiiyey Cibitaalka Degmada Shallanbood,dadkan Shacabka ah ayaa ku safrayey Gaari Bus ah oo ah nooca loo yaqaan PL-ka.

Falkan Argagixisonimo ee lagu gumaaday Shacabkan ayaa ka mid noqonaya Falalka gurracan ee kooxda khawaarijtu markasta ku beegsato Shacabka Soomaaliyeed,