Home Blog Page 342

adaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay Shir Madaxeedka 23-aad ee EAC

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo habka fogaan aragga ah kaga qayb galay kulanka 23-aad ee aan caadiga ahayn ee Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika ayaa ku bogaadiyey Madaxda dalalka ku bahoobay Ururkaan garab istaagga iyo u qareemidda codsiga Soomaaliya ee ka mid noqoshada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa hadal jeedintiisa ugu horreysay ee Shir madaxeedkaan kaga hadlay muhiimadda ay leedahay iskaashiga ka dhexeeya waddamada xubnaha ka ah EAC, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, ganacsiga, iyo horumarinta dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in Soomaaliya dhawaan ay soo direyso wakiilladeeda labada gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

“Maanta, Soomaaliya waxa ay u tahay meerto taariikhi ah, inaga oo ka qeyb galnay shir madaxeedkeenii ugu horeeyay innaga oo ah xubin rasmi ah oo ka tirsan Ururkaan. Soomaaliya waxa ay dhawaan soo direysaa wakiilladeeda labada Gole ee Baarlamaanka iyo Maxkamadda Caddaaladda”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku booriyey madaxda kale ee EAC in la sii ambaqaado qorshayaal cad oo lagu xallinayo caqabadaha amniga iyo dhaqaalaha ee hortaagan gobolka, isagoo sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya dowladaha xubnaha ah ee EAC.

Madaxweynaha JFS ayaa soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doortay xubinnimada Golaha Amaanka QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guushan ay muujinayso horumarka iyo dowladnimada dalkeenna, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha hagaya codka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamka, kaas oo ku salaysan ilaalinta nabadda iyo xoojinta iskaashiga.

“Guusha diblomaasi ee aanu maanta gaarnay waxa ay ka tarjumaysaa sida caalamka uga markhaati kacayo dadaalka iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkayaga. Waa fursad aan uga faa’iideysan karno inaan ka qeyb qaadanno nabadgelyada iyo ammaanka caalamka”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwa gobolka iyo Qaaradda ee taageeray codsiga Soomaaliya, isaga oo xusay in tan ay tahay fursad qiimo leh oo horseedaysa in dalkeennu uu kaalin muuqata ka qaato arrimaha amniga iyo nabadda caalamka.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed guusha laga gaaray ka mid noqoshada in Soomaaliya ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadaha 2025 — 2026.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ku tilmaamay tirada codadka ay heshay Soomaaliya guul kale oo taariikhi ah oo ay hanteen shacabka Soomaaliyeed, isagoo intaa raaciyay in tallaabadan ay muunjineyso sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay inay door muuqda ku yeelato masraxyada caalamiga ah iyo wax ka qabashada caqabadaha iyo dhibaatooyinka amni ee ka taagan adduunka.

Wafdi uu hoggaaminaayo Ku simaha Ra’isulwasaaraha ahna Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS oo gaaray Magaalada Jowhar

Wafdi uu hoggaaminaayo Ku simaha Ra’isulwasaaraha ahna Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, qeybna ay ka yihiin Wasiirrada Beeraha, Tamarta, iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa maanta gaaray Magaalada Jowhar, Waxaana garoonka diyaradaha Jowhar ku soo dhaweeyey Wafdigaan Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo boqolaal shacab ah.

Ujeedka wafdigaan u gareen Jowhar ayaa ah daahfurka Mashruuca biyo xireenka Sabuun JOSP oo laga faa’iidi doono in uu hagaajiyo helidda waraab ku filan ilaa in ku dhaw 370Kun oo beeraleey ah taas oo yareen doonta barakaca isla markaana kor u qaadi doonta wax soo saarka beeraleeyda gobalka, yareeynta khataraha fatahaadaha gobolka oo saameeya ilaa 1.5 Millyan oo muwaadin.

Sidoo kale mushruucan ayaa yareyn doona saamaynta abaaraha iyo keydinta biyaha xilli roobaadka si loo isticmaalo .

Xuseen Maxamed Cali

Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa la kulmay Madaxweynaha Hay’adda Horumarinta ah ee Kuuriyada Koofureed (KOICA) CHANG,

Seoul, 05 June 2024: – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Madaxweynaha Hay’adda Horumarinta ah ee Kuuriyada Koofureed (KOICA) CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso.

Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka waramay muhiimadda uu dalkeenu u leeyahay is beddelka dhaqan dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 40 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug le loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta (TVET).

Dhinaciisa Madaxweynaha Hey’adda KOICA waxa uu muujiyay sida ay uga go’an tahay inay taageeraan hindisayaasha uu Raiisul Wasaaraha kala hadlay gaar ahaan Barnaamijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.

DHAMMAAD

Taliyaha ciidanka XDS oo wehliyo Taliyaha ciidamada Dowladda Talyaaniga ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka ee Italy

Taliyaha ciidanka XDS Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo wehliyo Taliyaha ciidamada Dowladda Talyaaniga ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka ee Italy loona yaqaan Taallada geesiyaashii Ciidamada Talyaaniga.

Munaasabad si weyn loo agaasimay oo halkaas loogu dhigay wafdiga uu Hogaaminayay Taliyaha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Milateriga Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

intaa ka dib Taliyaha Ciidanka XDS ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha guud ee ciidamada dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii Dowladda Talyaaniga ay garab buuxda u siin laheed dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka warfaafinta XFS ayaa daahfuray shirweynaha Saameynta faafinta wararka been abuurka ah

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shirweynaha saameynta faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha ay ku leeyiihiin nabadda iyo xasilloonida

Shirkaan oo socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, waxaana ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan dowladda, saxafiyiin, khubaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Cabdullahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar ku waysay eedeymihii musuq maasuqa

Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa Cabdullahi Maxamed Cali iyo Maxamed Cadde Mukhtaar ku waysay dhammaan eedeymihii musuq maasuqa ee xafiiska xeer ilaalinta uu ku soo eedeeyay.

Labadaan masuul ee maanta dembiga lagu waayey ayaa horay u soo qabtay xilka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, waxaana horay sidaan oo kale dambi ugu waysay Maxkamadda gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa saddex sano oo xabsi ah ku xukuntay eedeysane Cabdiwaaxid Muxsin Ibraahim oo ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, kadib markii lagu helay in akoonkiisa la dhigay lacago loogu talagalay qasnadda dowladda.

Ra’iisul Wasaaraha XFS, oo ka qaybgalaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika

Seoul, 04 June, 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qaybgalaya shir madaxeedka Kuuriyada Koonfureed iyo Afrika oo saaka si rasmi ah uga furmay magaalada Seoul.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay yeeshaan madaxda Afrika iyo Jamhuuriyadda Kuuriyada Koofureed, ayaa Ra’iisul Wasaare Xamsa waxa uu galabta ka jeedin doona khudbad madasha shirka, oo uu kaga hadli doono qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin fursadaha maalgashi iyo iskaashi ee dhinaca ganacsiga ee ka jira Soomaaliya iyo dadaalka ay wado dowladda Soomaaliya oo horumar weyn ka sameysay xagga amniga, siyaadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka hawlaha guud oo Kismaayo gaaray

0

Magaalada Kismaayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda hawlaha guud ee XFS mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) oo Kismaayo u yimid howlo shaqo oo muhiim ah.

Wafdiga Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee XFS waxaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay xubno uu horkacayay Wasiirka Wasaaradda Howlaha guud ee Jubbaland, Wasiiro iyo Wasiir kuxigeeno, Xildhibaano ka tirsan DFS, Gudoomiyaha degmada Kismaayo ahna duqa magaalada iyo masuuliyiin kale.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS ayaa Kismaayo u yimid sidii uu indho indhayn ugu samayn lahaa mashaariic muhiim ah oo kasocda degmada Kismaayo iyo dhagax dhigga mashaariic kale oo la doonayo in laga hirgaliyo magaalada Kismaayo kuwaas oo bulshada muhiimad gaar ah uleh.