Taliyaha ciidanka XDS oo wehliyo Taliyaha ciidamada Dowladda Talyaaniga ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka ee Italy

Date:

Taliyaha ciidanka XDS Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo wehliyo Taliyaha ciidamada Dowladda Talyaaniga ayaa ubax dhigay Taallada Daljirka ee Italy loona yaqaan Taallada geesiyaashii Ciidamada Talyaaniga.

Munaasabad si weyn loo agaasimay oo halkaas loogu dhigay wafdiga uu Hogaaminayay Taliyaha ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidamada Milateriga Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

intaa ka dib Taliyaha Ciidanka XDS ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha guud ee ciidamada dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone ayaa ka wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii Dowladda Talyaaniga ay garab buuxda u siin laheed dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Duqa Caasimadda oo kulan la qaatay Madaxda Rugta Ganacsiga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...

Golaha Wasiirrada oo ansixiyey Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay...

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Maxkamadda Xisaabta ee Turkiga oo saxiixday heshiis is-afgarad ah

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo dhiggiisa...

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudi Carabiya oo yeeshay kulan lagu xoojinayo iskaashiga dhijitaalka ah

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan...