Home Blog Page 341

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo kulamo iyo Shirar kala gooni gooni ah kawada Dalka Talyaaniga

0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aaden ayaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga kula kulmay madaxda Iskaashatada Kaluumeysatada ee Federpesca, ganacsatada hoggaamisa shirkadaha ugu waaweyn dalka Talyaaniga iyo hay’adaha daneeya arrimaha kalluumeysiga.

Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo deeq xoolo ah oo ciidanka loogu talagalay kala wareegay waxgaradka mid kamid ah beelaha dega Xarardheere

0

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta deeq xoolo ah oo ciidanka loogu talagalay wuxuu kala wareegay waxgaradka mid kamid ah beelaha dega magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta.

Kooxda Taliban-ta Pakistan oo sheegatay weerar lagu qaaday xarunta booliska Karachi

Koox dabley ah oo ku hubeysan hubka darandooriga u dhaca iyo bambooyin ayaa weerar ku qaaday xarunta booliska ee magaalada Karachi ee ugu weyn dalka Pakistan fiidnimadii Jimcaha. Goobta weerarku ka dhacay ayaa laga maqlay is-rasaasayn xooggan oo saacado qaadatay, taas oo dhex martay kooxda weerarka soo qaaday iyo ciidamada ammaanka, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan afar qof.

Maxkamadda Ciidamada oo Saakay Dil toogasho ah ku fulisay Askar Dad shacab ah dilay

0

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeybtayda Darajada Koobaad  ayaa Maanta  Xukun Toogasho ah ku fulisay Qaasim Ducaalle Cabdi & Xasan Juulle Shaakir oo 10kii Janaayo ee sanadkaan 2023 si bareer ah u dilay Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo) oo ah Ganacsade & Cali Taliye Cariif oo Wade Bajaaj ah.

[DAAWO] Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Dalka Itoobiya

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa, halkaas oo uu kaga qayb galayo meertada 36-aad ee Shirweynaha Ururka Midowga Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo la kulmay Masuuliyin katirsan dalka Talyaaniga

0

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ahmed Hassan Aaden oo safar shaqo ku jooga dalka Talyaaniga ayaa shir layeeshay dhiggiisa dalkaas Mudane Francesco Lollobrigida oo ay kawadahadleen arrimo qodobo muhiim u ah dalkeena.

[DAAWO] Bulshada deegaanka Af-cad ee gobolka Hiiraan oo u dabbaal degaya guushii ay ka gaareen Khawaarijta ka dib dagaal laba maalin socday

0

In ka badan 50 Khawaarij ah ayaa lagu dilay deegaanka Afcad oo hoos taga degmada Buulaburde ee gobalka Hiiraan ka dib howlgal qorshaysan oo ciidanka Qaranka, Geesiyaasha dadka deegaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ah ay ka sameeyeen deegaankaan.

[DAAWO ] 𝗥𝗮’𝗶𝗶𝘀𝘂𝗹 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗲 𝗫𝗮𝗺𝘀𝗲 𝗼𝗼 𝗱𝗮𝗮𝗵-𝗳𝘂𝗿𝗮𝘆 𝗼𝗹𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝘁𝗮𝗮𝗸𝘂𝗹𝗮𝘆𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗴𝘂𝗿𝗺𝗮𝗱𝗸𝗮 𝘀𝗵𝗮𝗰𝗮𝗯𝗸𝗮 𝗮𝗮𝗻 𝘄𝗮𝗹𝗮𝗮𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗻𝗮𝗵𝗮𝘆 𝗲𝗲 𝗧𝘂𝗸𝗶𝗴𝗮

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa xalay daah-furay ololaha taakulaynta iyo gurmadka dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee Tukiga, kuwaas oo ay dhibaato baaxad wayni ka soo gaartay dhulgariirkii dhawaan dalkaas ku dhuftay.

Kulan qaaraan loogu ururinayo shacabka iyo walaalaha ee Turkiye uuna soo qabanqaabiyey Gudddiga heer qaran ee Ra’iisul Wasaare Xamse u magacaabay gurmadka Turkiga, ayna ka soo qaybgaleen Wasiiro, ganacsato, culimaa’udiin, madaxda dhaqanka iyo bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarha XFS ayaa madashaas uga yaboohay lacag dhan 1 Milyan oo Dollar oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ugu deeqayso walaalaha Turkiga, wuxuuna sidoo kale ku guubaabiyey shacabka Soomaaliyeed in ay kaalin firfircoon ka qaatan dadaallada loogu gurmanayo dadka reer Turkiye ee dhibaatadu ku habsatay, isagoo Soomaalida xasuusiyey abaalka ay ku leeyihiin shacabka iyo dowladda Turkiye, sidaas darteedna loo baahan yahay in shacabka, ganacsatada, culimada diinta, duubabka dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu ay ka qayb qaatan hawlaha gurmadka deg-degga ah.

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug oo howlgal ka wadaha gobolka Mudug

0

Ciidamada Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ayaa maalintii 4aad howlgal ka dhan ah Khawaarijta Al-shabab oo looga sifeynayo goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan ka wada koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada ayaa howlgalladii maalmahaan ka socday deegaannadaas waxaa ay jab xooggan ku gaarsiiyeen Khawaarijta ku dhuumaaleysanayay Deegaanada Qeycad, Laas-gacameey, Doonyaale iyo kuwa kale.

La soco faah faahin dheeraad ah goor dhow

Agaasimaha STNV oo kulan shaqo u tagay dalka finland

0

Agaasimaha Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed Sharma’arke Maxamed Warsame oo ku sugan dalka Finland ayaa kulan gaar ah la qaatay Masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda dalkaas,iyadoo kulankaas looga hadlay iskaashiga labada dowladood.