Guddoomiyaha Golaha shacabka BJFS oo guddoomiyay kulanka guddiga joogta oo ka dhacay Kismaayo

Date:

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo maanta ku qabsoomay Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad goboleedka Jubbaland.

Kulanka oo ay ka qeyb gashay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, waxa uu ajeedkiisu ahaa diyaarinta ajandayaasha guud ee kalfadhiga shanaad ee Golaha Shacabka.

Ugu horreyn xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday qaabka xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC), shuruudaha qofka baarlamaankaas ka mid noqonaya looga baahan yahay, wadamada ururkaas ka mid ah wadan walba waxa looga baahan yahay iyo kaalinta uu ururka ku leeyahay oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha wadan walba sanadkii laga rabo inuu bixiyo iyo sidoo kale dhammaan shuruudaha ku gaadaaman in ay Soomaaliya si rasmi ah ururkan ula falgasho.

Sidoo kale xubnaha guddiga joogtada ah ayaa ansixiyay in la dardar geliyo shuruucdii hore ee qabyada aheyd iyaga oo dhan kale ajandeeyay dhamaan hindise sharciyeedyada cusub ee ay xukuumadda soo gudbisay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...