Home Blog Page 340

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN LA YEESHAY RA’IISUL WASAARAHA NORWAY

Oslo, 11 June 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre.
Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay uga go’an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka.
Waxaa sidoo kale uu Madaxweynuhu ka mahad celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taas oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr Støre ayaa bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballanqaaday in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa la dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go’an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Norway ku jooga booqasho shaqo oo saddex maalmood ah

35,307 arday oo dhigata 656 iskuul ayaa maanta u fariisatay Imtixaanka Fasalka 8-aad ee Gobolka Banaadir

0

-Ku simaha Guddoomiyaha G/Banaadir, ahna guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta si rasmi ah u daah furay qaadista imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir oo ay u fariisteen 35,307.

Ardayda maanta imtixaanka u fariisatay ayaa isugu jirta 19,766 (wiil) iyo 15,541 (Gabdhood) ,

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sannadkii 5-aad qaadaya imtixaanka dugsiga dhexe ee fasalka 8-aad.

Guddoomiyaha golaha shacabka oo shir gudoomiyey kulan u dhaxeeyey guddiyada joogtada ee golaha shacabka iyo golaha wakiilada dowlad goboleedka Jubaland

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubaland ku dhex maray Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Iyo Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda dowlad goboleedka Jubaland, waxaana kulanka ka qeyb galay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Jubaland.

Ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Guddiga Joogtada ah ee Jubaland warbixin ka siiyay waxyaabihii labadii sano ee lasoo dhaafay u qabsoomay Golaha Shacabka, waxaana uu sheegay in goluhu meelmariyay shuruuc muhiim u ahaa dowladnimada Soomaaliyeed gaar ahaan arrimaha deyn cafinta, qaadista cuna qabateyntii hubka ee dalka saarneyd, ku biiristii Bulshada Bariga Afrika.

Dhanka kale Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee dowlad goboleedka Jubaland Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan ayaa Guddomiyaha Golaha Shacabka Iyo xubnaha Guddiga Joogtada ah warbixin ka siiyay howlaha Golaha Wakiilada Jubaland shuruucda ay meel mariyeen, wuxuuna sheegay in ay muhiim tahay wada shaqeynta labada dhinac Iyo in ay arrimaha shuruucda iska kaashadaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa balan qaaday wada shaqeynta Iyo taageerida golayaasha wakiiladda ee dowlad goboleedyada iyo sidoo kale in kor loo qaado aqoonta Iyo tayada howlwadeenada golayaasha wakiiladda ee dowlad goboleedyada.

 

Xubnaha guddiga Maalmaha Xorriyadda oo kawada hadlay qorshaha u diyaar garowga todobaadka Xorriyadda

0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ahna Guddoomiyaha Guddiga Maalmaha Xorriyadda ee 26 Juunyo iyo 1-da Luulyo mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh iyo xubnaha guddiga ayaa sii wada kulammada aan kala go’a lahayn ee diyaargarowga xuska maalmaha qaran iyada oo kulankan ka dhacay Xarunta Taliska Booliska Soomaaliyeed.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen Xubnaha Golaha Wasiirrada XFS, Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo bandhigay qorshaha iyo u diyaargarowga todobaadka Xorriyadda oo nagu soo wajahan, taas oo ay qayb ka yihiin dhammaan Hay’adaha Dowladda heerarkooda kala duwan.

Madaxda Wasaaradda Warfaafinta oo ka tacsiyadeysay geerida Farxiya Samaan

0

TACSI:- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Daauud Aweys Jaamac, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar Al-Cadaala, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdullaahi Xayir Ducaale, Agaasimeyaasha Waaxyaha iyo Hawlwadeennada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay Marxuumad Farxiyo Maxamed Samaan oo ka mid aheyd shaqaalaha wasaaradda oo ku geeriyootay magaalada Muqdisho.

Marxuumad Farxiyo Samaan waxa ay muddo dheer ka mid aheyd shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, ayadoo horeyna usoo noqotay Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda.

Waxan Allah uga baryeynaa inuu u naxariisto Marxuumadda, kana waraabiyo Jannatul Fardowsa, qoyskii iyo ehelkii ay ka tagteyna uu samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin

INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN

Wasiir Roobow: Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegaa ogaada Xajku dalxiis ma ahan

0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali oo magaalada Makkah Almukaramah kula kulmay Ma’suuliyiinta shirkadaha adeegga Xajka iyo xubnaha guddigga Bicisada ee wasaaradda Awqaafta ayaa si weyn uga hadlay sidii loo gudan lahaa waajibaadka shaqo ee ka saaran u adeegista xujeyda Soomaaliyeed.

Wuxuu soo hadal qaaday adeeggi xajka ee sanadkii tagay 2023, isagoo sheegay in loo baahanyahay in casharo laga barto qaladaadkii dhacay sanadkii hore, wixii wanaagsanaa iyana la xoojiyo.

Wasiir Roobow ayaa ku adkeeyey madaxda shirkadaha iyo guddiga bicisada iyo si wada jir ah ay ugu dadaalaan sidii hufnaan loogu gudan lahaa waajibka saaran, isbedel dhab ahna la yimaadaan.

Dhanka Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa nasiib darro ku tilmaamay dad uu sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo fashilin lahaa adeegga loo sameynayo xujeyda Soomaaliyeed.

“Waxaa nasiib darro ah in ay jiraan dad dhahaayo xajkaan fashilinaynaa,subxaana Allah, xajku waa rugni min arkaanul islaam ilaahay baa iska leh, xajka qofka dhahaayo waan fashilinaynaa ilaahay huu la dirirayaa, xagee buu ku dagaalamayaa baytulaahi Xaram, yuu fashilinayaa duyuufu raxmaan, war xageed u socotaa, war dantaada iyo waxay umaddu leedahay kala saar, dadka nuucaas ah ilaahay haka baqaano. Ayuu yiri wasiir Roobow.

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta XFS Mukhtaar Roobow Cali ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in wixii dhaliil iyo sixitaan ah diyaar u yihiin, balse wuxuu nasiib daro ku tilmaamay in baraha bulshada lagu faafiyo dacaayadaha been abuurka ah.

Ugu dambeyn wuxuu guud ahaan muwaadiniinta Soomaaliya ee jooga Xajka ay yihiin muraayad ka tarjumaysa dalkooda, isagaa intaasi ku daray in uu jiro isbedel ay kula jaanqaadi karaan dowladaha kale.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Safar Shaqo ugu ambabaxay dalka Norway

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Norway, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho shaqo oo muddo saddex maalmood ah.

Madaxweynaha ayaa Inta uu ku sugan yahay Oslo, waxaa wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaa Ra’iisul Wasaaraha Norway si loo xoojiyo xiriirka istiraatiijiyadeed ee labada dal.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa khudbad muhiim ah ka jeedin doona shirka sannadlaha ah ee Oslo Forum 2024.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo dahfuray bilaabidda la tashiyada Dadweyne ee cutubyada 5-aad iyo 9-aad Dastuurka KMG

0

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS Mudane Xasan Macalim oo kulan fogaan arag ah la yeeshay wasiirada Dastuurka ee dowladaha xubnaha ka ah dowlada federaalka ayaa daahfuray bilaabidda la-tashiyada shanta cutub ee hadda lagu sameeynayo dib-u-eegista farsamo kuwaas oo laga fulinaayo dowlad goboleedyada dalka.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay wasiirada Dastuurka Galmudug,Hirshabelle,Koonfur Galbeed iyo Agaaasimaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubbaland.

Wasiirka ayaa ugu horreyn uga mahadceliyay dhammaan wasiirada dastuurka dowlad goboleedyada doorkooda wanaagsan ee ku aadan dib-u-eegista Dastuurka iyo wadashaqaynta Wanaagsan ee kala dhaxaysa

Wasaaradda Caddaaldda iyo
Arrimaha Dastuurka XFS. ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda la-tashiyada dastuurka ay u leeyihin isagoo sheegay in bulshada ay leeyihiin dastuurka ayna muhiim tahay in laga qeyb galiyo, oo ay helaan fursad ay ku dhiibtaan aragtidooda.

Dhanka kale,Wasiirada Dastuurka Dowladaha Xubnaha ka ah dowlada Federaalka ayaa dhankooda bogaadiyay doorka Wasaaradda iyo labada Guddi ee dastuurka ee ku aadan dhammaystirka dastuurka iyagoo sheegay in ay ka mahadcelinyaan daahfurka uu wasiirka cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurku u sameeyay maanta latashida ballaadhanee dhawaan bilaaban.

Wasiirada kasoo qeyb galay kulanka waxay isku raaceen dhammantood in latashida dadweynaha laga fuliyo goobo cusub oo aan horay loo gaarin si fursad u helaan bulshada ku dhaqan dhammaan magaalooyinkaas kala gadisan ee dalka ee an horay u helin fursadda ka qeyb-galka dib-u-eegista dastuurka ayada oo ay dhawaan bilaabanayaan latashiyo ballaaran oo lagu dardar galinaayo dib-u-eegista dastuurka.

Wasiir Xasan Macallim oo kulan soo xiray ayaa ku bogaadiyay wasiirada dastuurka in ay daajiyaan la tashiyada dastuurka islamarkaana ay soo aruuriyaan aragtida dadweynaha kadibnaay u soo gudbiyaan hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista dastuurka ee heer federaal.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Kismaayo kusoo xiray Shirka Guddiga jootada ah

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulanka banbaxa guddiga ah ee Golaha Shacabka oo maanta lagu soo gaba gabeeyay Magaaladda Kismaayo ee Caasimadda KMG ah Dowlad Goboleedka Jubaland, waxaana kulanka sidoo kale ka qeyb gashay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka oo maalmihii lasoo dhaafay ka socday Magaaladda Kismaayo ayaa xubnaha Guddiga Joogtada waxa ay uga hadlayeen ajendayaasha kalfadhiga shanaad ee golaha shacabka.

Inta kulanka uu socdaa ayaa waxaa lagu ansixiyay laba qeybood oo kala ah ajendayaasha guud ee kalfadhiga shanaad iyo qeybta labaad oo ah in hoos loo daadago islamarkaana loo wajaho sida ay ajendayaasha horutabinta u kala leeyihiin.

Sidoo kale xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka hadlay in kalfadhiga shanaad lagu sii amba qaado islamarkaana lagu dhameystiro inta ka hartay ajendayaashii kalfadhigii afaraad ay xukuumadda soo gudbisay Iyo kuwo cusub oo ay kalfadhiga shanaad soo gudbisay kuwaas oo hada Golaha horyaala.

Shirka Guddiga Joogtada oo maanta si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay ayaa xubnaha Guddiga Joogtada waxa ay isku raaceen in kalfadhiga shanaad xoogaa lagu saaro ajendayaasha muhiimka u ah dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah uga mahadceliyay maalmihii shirka uu socday dadaalkii Iyo howlkarnimadii ay muujiyeen, waxaa uuna dhanka kale u mahadceliyay madaxda Iyo shacabka Dowlad Goboleedka Jubaland soo dhoweyntii ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

 

 

Qaramada Midoobay oo mar kale ku baaqday in la joojiyo waxyeelleynta dadka rayidka ee Gaza

0

Madaxa gargaarka Qaramada Midoobay ayaa Sabtidii walaac ka muujiyay weerar ay Israa’iil ku qaadday xerada qaxootiga ee Nuseirat ee bartamaha marinka Qaza, halkaas oo ay ku dhinteen 210 qof,ayna ku dhaawacmeen in ka badan 400 oo kalena.

“Sawirrada dhimashada iyo burburka ee ka dhashay hawlgalkii milateri ee Israa’iil ee Gaza ayaa caddaynaya in maalin kasta oo dagaalkani uu sii socdo uu sii kordhayo argagaxa,” Martin Griffiths ayaa ku yiri hadal uu soo saaray.

“Maanta, xerada qoxootiga ee Nuseirat waa xudunta dhibaatada ee dadka rayidka ah,mana jiraan meel nabdoon oo ku taalla Gaza”ayuu yiri Madaxa gargaarka Qaramada Midoobay.

Xafiiska warbaahinta ee Xamaas ayaa sheegay in ugu yaraan 210 falastiiniyiin ah ay ku dhinteen in ka badan 400 oo kalena ay ku dhaawacmeen duqeymo ba’an oo diyaaradaha Israa’iil ay la beegsadeen xerada qaxootiga ee Nuseyrat, deegaanada bariga Deir al-Balah iyo xerooyinka al-Bureij iyo al-Maghazi ee bartamaha Gaza.

Israa’iil ayaa sheegtay inay badhtamaha Qaza ka soo furteen afar la hayste oo Israa’iili ah, ka dib hawlgal milateri oo dhulka iyo cirka ah.

Israa’iil ayaa sii waday weerarka naxariis darada ah ee ay ka waddo Gaza,inkastoo Qaramada Midoobay ay soo saartay qaraar lagu dalbanayo xabbad joojin degdeg ah.

In ka badan 36,700 oo falastiiniyiin ah ayaa ku dhimatay dagaalka Israel ee Gaza,halka lagu dhaawacay 83,500 oo kale mudada siddeeda bilood ah ee uu socday dagaalka Xamaas iyo Israel.