Guddoomiyaha Aqalka Sare oo ka tacsiyeey geerida Guddoomiye JAWAARI

Date:

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid marxuum Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BJFS oo galabtay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan golaha Aqalka Sare waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraayaa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodey Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Waxaana Alle uga baryaa in uu Jannatul Firdowsa ka waraabiyo, samir iyo iimaanna uu ka siiyo ehelka, asxaabta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday”

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Norway oo maamulka koofur galbeed Soomaaliya ka caawineysa horumarinta korontada

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen...

Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka oo saaka ka saaray Khawaarijta deegaanka Gumarre

Ciidamada Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan...